" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Noobiyad iyo Minwaar – W/Q. Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Wednesday, June 20, 2012

Noobiyad iyo Minwaar – W/Q. Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Noobiyadda xeebta badda ku taalaa waa agab aan laga maarmin oo haga gaadiidka badda. Marka hore. Iftiinkeeda ayaa xeebta badda ka duwa maraakiibta iyo doonyaha.


Marka labaadna, iftiinku tilmaamo kala duwan, oo sida gaadiidka berriga kala haga kuwa badda, ayuu u diraa gaadiidka xeebta ag maraya ama doonaya in uu dekedda noobiyad ku taalo ku soo xidho.

Waxa dhacday markab minwaar ah oo ciidanka baddu leeyahay in uu xeebta ku soo dhowaaday. Noobiyaddii ayaa tilmaan iftiina, oo sheegaysa halka ay ku taalo iyo inta uu minwaarku u jiro, u dirtay. Naakhuudihii minwaarka ayaa tilmaan u celiyay oo ku yidhi, “Waad mahadsantahaye, iga baydh.” Noobiyaddii ayaa u celisay, “Adoo mudan, adigu baydh”. “Minwaar baan ahay oo xoog baan u socdaaya baydh,” ayuu u celiyay naakuudii. “Waxan ku idhi badydhi maayee adigu baydh,” ayay ku tidhi noobiyaddi.

Naakuuddii ayaa intu xanaaqay u celiay, “Waxan ahay minwaar ciidanka badda ah, oo diyaarado saaranyihiin, oo hub culis saaranyahay, oo ciidan weyn saaranyahay, oo xoog u soconaya. Markaa, ugu dambaystii, amar ayaan kusiinayaa waa inaad baydhaa!”

Noobiyaddii ayaa u celisay, “Waxan ahay noobiyaddii, oo xeebtii ku taala, oo ann dhaqaaqayn, oo shaqaale yari maamulayo, ee amar kama damabysa ayaanu ku siinaynaa waa inaad baydhaa!”

Illayn dani seeto weeyee, noobiyaddii yarayd ma baydhin; minwaarkii xoog weynaa ayaa degdeg u baydh!


W.Q: Prof. Cabdisalaan Yaasiin

No comments: