" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Xogta Dahsoon (XD): Malaha Bisad may ahayn? – W/Q. Muuse Dalmar

Sunday, June 24, 2012

Xogta Dahsoon (XD): Malaha Bisad may ahayn? – W/Q. Muuse Dalmar

Waxa ay ahayd maalin jimce ah, jawigu waxa uu ahaa mid wacan, waxaana jirtay cadceed diirran oo ay wehelinayso neecoow udgooni. Dhinaca cimilada maalintani waxa ay ahayd
maalin ka duwan maalmihii ka horeeyay, maaddaama oo hadda uun laga soo baxay xilligii qaboobaha, waxa ay dadku si weyn u soo dhaweeyeen qoraxda diirran ee ay inta badan dhawrayeen. Haddii awal dadku sitay dhar cul culus, kabo waa weyn iyo dalaayado ay dhaxanta iyo roobka ka qaataan, xaajadu maanta sidaa maaha. Dadku badi waxa ay qabaan dhar fud fudud iyo waliba kabo dusha ka furan, halkii ay dalaayadaha ka qaadan jireenna maanta waxa ay ka wataan shandado ay ku jiraan maryo ay gogladaan oo ay dhulka iska xigsiiyaan marka ay cadceeda isku dhigayaan iyo waliba cuntooyin fud fudud oo cabitaano iyo macmacaan u badan.


Waxa aanu wada soconay saaxiibkay Siciid, waxaananu isku raacnay meel aanu hawl ka soo qabsanaynay. Safar magaalada dhexdeeda ah oo aanu laba tareen iyo bas u raacnay, qaadatayna hal saac iyo toban daqiiqo kadib waxa aanu ka degnay baskii , waxaanu kaga degnay meel u dhow goobtii aanu muraadka ka lahayn. Barta aanu baska kaga degnay iyo meesha aanu u soconay waxa ay isku jireen qiyaas ahaan 400 oo talaabo. Markii aanu inyar soconay ayaa waxa naga hor timid waddo weyn oo gawaadhi badani marayso. Inkasta oo waddadan ay wadaagaan dadka iyo gaadiidku haddana waxaa kala haga ishaarada waddo marista ( Trafic Light) taasi oo sida nidaamku dhigayo kolna u furan gaadiidka, marna sii daysa dadka lugaynaya si ay waddada uga talaabaan. Haddaba waddada oo ayna marayn gaadiid badani, si teel teel ahna uu kolba gaadhi u soo marayay, ayaa markii aanu in yar u soo jirno waddadii waxa aanu meel fog oo waddada dhinaceeda kale ah ka aragnay “Bisad” aad u bilicsan, socod qurxoon,daryeel fiicanina ka muuqdo. Markiiba waxaanu is waydiinay sida ay bisadu uga talaabi doonto waddada maaddaama oo ayna jirin cid waddaa. Waxa aanu is waydiinay sida ay uga badbaadi doonto gawaadhida waddada yaacaysa, waxaanu isku qancinay in ay iska dhex mari doonto waddada iyada oo aan xil iska saarayn gaadiidka maaddaama oo ay bisadu xayawaan aan caqli lahayn tahay.

Waxay sidii ahaataba waxaanu is taagnay waddada geeskeedii, waxaanu go’aansanay in aanu sugno ilaa inta ay bisadu waddada ka talaabayso. Bisada oo iyada laftigeedu meel fog naga aragtay ayaa kolba na soo daymoonaysay. Waxay soo istaagtay waddada dhinaceedii kale, iyadoo ku tiirsatay birta ama isha kala hagta gaadiidka iyo dadka oo qofku taabto marka uu rabo in uu waddo ka gudbo.

Sidii aanu filaynay arrinkii muu noqon. Haddii aanu is lahayn bisadu inta ay hareeraha iska eegto ayay waddada orod ku dhaafi, may samayn, waxaanay cabbaar taagnayd waddada geeskeeda, iyada oo sugaysay qof taabta birta laydhka ee joojisa gaadiidka, fasaxdana dadka iyo wixii la socda. Muddo kadib waxa meeshii soo maray laba wiil oo dhallinyar ah oo aad u talaabaynaya, degdeg badanina ka muuqdo, may ahayn kuwo sugi karaya inta ay ishaaradu fasaxaysee, inta ay mar kaliya hareeraha iska eegeen oo ay arkeen gawaadhi soo socota ayay orod waddadii kaga talaabeen. Hadda garo oo bisadiina iyadu wali halkii bay taagan tahay, waxaanay sugaysaa inta ay waddadu furmayso, iyadoo la yaaban sida ay dhallinyaradaasi u jabisay shircigii wada-marista.

Markii ay intaasi dhacday ayaanu usoo dhaqaaqnay dhankii ishaarada, waxaanan taabtay meeshii loogu talo galay in la taabto marka la rabo in waddada laga gudbo. Waddada oo aanay marayn gawaadhi badani awgeed markiiba way noo furan tahay, talaabadii koowaad ee aanu qaadnayna, waxaa na aragtay bisadii oo garatay in waddadii hadda furan tahay, waxaanay si deganaansho buuxdaa ka muuqdo ka talowday waddadii.

Arrinkani waxa uu nagu reebay xusuus weyn, waxaanu noo noqday cashar mug weyn oo na tusaya sida uu xawayaankii maanta sharciga u ilaalinayo ee aanu dadkii xil iska saarayn nidaamkii nolosha. Taasina waxay keentay dood hor leh oo aniga iyo Siciid na dhex martay, annaga oo ay naga soo hadhay uun `` Waar Malaha Bisad May Ahayn?``

Guntii iyo gabogabadii haddii xayawaankii aan caqligaba lahayni sidaa u ilaalinayo sharciga iyo nidaamka maxaa inoo diiday inagoo Ilaahay ina karaameeyay inagana fadilay makhluuqa intiisa kale inaynu ilaalino shuruucda iyo qawaaniinta banii’aadamku dhigtay ee u baahan in la raaco?
Ilaahay Haynagu Hanuuniyo Jidka Toosan!

Muuse Dalmar

No comments: