" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: SHEEKO GAABAN: Hadhkii Geedka iyo Habkii Geelleyda – W/Q. Cabdiraxmaan Cismaan

Wednesday, June 20, 2012

SHEEKO GAABAN: Hadhkii Geedka iyo Habkii Geelleyda – W/Q. Cabdiraxmaan Cismaan

Wehel ayuu biday geed qalalay hooskii. Dhulka waxa goglan qodxaha ka soo daatay kaliilo is biirsday oo arlada aafeeyay darteed. Waa Galool jiridiisa iyo laamihiisuba ay noqdeen qolof. Roob la’aan maaha; waase joojiyey shaqadii. Hawo ma qaato, mana soo daayo. Ma doogo, mana doono inuu dib u kabto. Xididkiisu ma nuugi karo biyaha iyo macdanaha; ciidaba waa hore ayuu ka mid noqday.
Jirida kaydin wey kala tageen, caleemo cunto sameeyana waa calaacal timo leh. Falaadhaha cadceeda iyo kaaha dayaxuba; waxba uguma filna. Laan kastaa iskeed ayey u taagan tahay, ismana taageersan karaan; maba tahlaan. Inkastoonay kala maarmin, haddana gun iyo baar manfac la sheego ma leh. Lama hoosaysto, lamana oodaysto. Xaabo waa gali karaa, waase dhamaystay.  Waxba isma taraan. Midna kaligii ma kaaftoomo, haddana ma kaalmeystaan. Qayb kastaa hawl ayey u xilsaaran tahay, muhiimaduna waa iney buuxisaa shaqadeeda si ay u sugto jiritaankeeda.

 Ma jirto waax ku dulman wadajirka guud, danta gaarna waa daryeelka inta mid kasta ku aadan. Fay iyo foolxumona waa loo siman yahay. Iyadoo baahidaasi jirto, haddana; ma dowbaa in la baylihiyo, waabey dhacdee maxaa sababey in raali lagu noqdo halaagsan loo dhan yahay? Wada dhimashadu ma dhamaysbaa mise waa dhinaansho? Mooyi!. Mana dhiman, mana dhicin ee waa la miciinsadayba. Hadhkiisa ayaa sameeyay sawir hummaageed isku xidhay meelihii banaanaa ee uu sawiray dabciga geedkan qalalay caddada awgeed. Waxay u muuqanaysaa in muddo yar oo kooban iney buuxsameen daldaloolo aan abid hore isugu darsamin. Waase muuq-beenaad uu abuuray hal ruux oo hoos hoganaya geedkan. Waa laba noole oo is cuskaday iyagoon lahayn faa’ido ay isku biiriyaan.

 Geeddi ayaa goobtan kaligii yuurura, xalay mirtii dhexe ayaa ciidan galay reerkiisa; ma xalaydan qoyan? Maya; habeenkuba nagama dhamaado!  Caruur iyo ciroolaa meesha quban, rag door  ahina waa qudhbaxeen, tiro geel ahna waa la qaaday, oo colkii soo duulay ayaa la tagay. Ma garwaaqsana dhiilada soo hoyatey oo waxaabu is bidayey inaan la muquunin Karin cududiisa tolleed ee xoogeysatey, mana dhicin caawa ka horow in cuudkiisa lala dareero indhihiisoo furan. Waxa kaga daran itaal yarida uu xariijin gaadhsiin waayey cadowgiisa; dad iyo duunyo tiray. Saacado ka hor wuxuu isku tirinayey qani la martiyo, imikase maal uu sheegto waa u guunyo dhacantay oo gacan shisheeye gashay. Soo dhicinteeduna in aaney dhayal aheyn waa dareensan yahay, waase ku dhiiran yahay hadday xataa dhimasho keenayso inuu iska furto caydh qayrkii badeen. Waxa kaga daran intaasoo dhan; taaha iyo tiica ay ku hayso bal inuu heli doono cudud uu ku guulo dagaalka maankiisa ka curtay. Dadku miyaanay dadkii ahayn? Mayee, waa damen iyo da’deed. Haddaa; halkii uga garaac; laxankii xusuusgadka iyo maangubka ku ridi jirey. ‘Tolaayeey’, yaa reer Hebala? Boogaha damaq; bugtada dilaaci, dabadeed  baylahdooda u dareeri meesha baadka iyo biyuhuba sumoobeen, ugu danbeyna baahidooda u durki inta saboyaal seeran karo. Dhurwaa; gabaldhac iyo guduudba raqay bakhti halkeed wadhan, isagoo ku diganaya danlaawayaashan duunyadooda dibed iyo duurba la isaga baaqay, ayaa ku halceliyey oo maad Ilaashatid kolkay eekayd? Markii hore tollow yaa lahaa Guunyaddan baadida ah? Adaa og; malahayga?

 Horta, Geellan uu baadi doonka ugu jiro waxay si dool ah xeradooda usoo galeen saddex jiil inta laga joogo. Iyagoo sabben xumaad hore wadeeco ku lumay. May baafin; mana baajin ee wey xalaalaysteen, cid soo raadisa(na) ma jirin. Maantase, waa xoolo xero ugu jira ciddii xaqa u lahayd. Garanwaa halkuu tallo ka bilaabo. Xoog kuma dhicin karo, oo col iyo ciidan ka badan ayey badhtanka u gashey. Af lagula hadlo ma garanayo oo isagaaba ka baqaya in daalac loo raaco, oo la weydiiyo baadifada hantidan muddada dheer ku maqnayd ee uu iska munafacaadsaday. Marmarna wuxuu goostaa inuu ka huleelo meesha, se’ ma arko tallo qanac u noqon karta isaga iyo tolkii. Ugu danbayn, wuxuu go’aansaday innuu ka shaqeeyo Geella laftiisa. Beegsay; dabadeed raaci ka noqay hantiddii uu isu qabay in laga soo dhacay.

 Inkastoo; horaantii ay dadkii xoolaha haystay u diideen inuu shaqaale u noqdo, haddana, markay arkeen samirkiisa iyo danayntiisa ayey u doorbideen iney ku aaminaan. Gu’gii ayaa qofka shaqaalaha ah la siin jirey tulud qudha, isagu lamaane ayaabu ka dhigtey Jiilaal dhexdii. Waa u geed garaacaa hadh iyo habeenba. Xanaaneynteeda iyo xisaabtankeedana xil weyn ayuu iska saaray. Hallaha iyo Awrtu iskuma jiraane, Hashiisii indhodeeq ee gobdeeqda ahayd si gaar ah ayuu ugu geed guraa. Meesha baadka iyo biyaha leh ayuu badi la doontaa. Mar uu Gubban u dhaadhacay ayuu dabadhoon ahaan u qabsaday wiil uu addeer u yahay oo laba shubka iyo darka tuurka Ilaah hibo u siiyey. Labadooda iyo shaqaalaha kala duwan ee intooda badani xigtada iyo xididka yihiin waa lagu gunneeyaa hawsha ay hayaan. Gacanyaraha ayey badanaa u qabaan ka masuul looga dhigey maalkooda. Oo miyaanu qof ku muraad qunsan? Haa, waabu ka shaqaystaa isagoon hagran. Gujo-gujaynta iyo gar-garaacidda naasuhu; ibbo godlin maahee waa caano gaagixin. Googooynta iyo kala gurka waxay dhiiqdaana; maaha gorof buuxin ee waa gabno banaysi. Hadafkiisaa ah ‘Badhax si aan u badsado’! Geeddina wuxuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay sidduu iyagoo isku duuban ugu celin lahaa halkii ay ku dhaqnaayeen. Dhibta kaliya ee hortaagani waa dadka duunyaddan leh oo dirsaday saddex barbaryaal oo gaadh ka haya hawshiisa. Geeddi habeenkii kama seexdo sidduu u furdaamin lahaa culayska ay qoladani ku hayaan. Waa daraasadeeyaa gondaloolooyinkooda si uu u helo fursad u saamaxda la tagida Geella.

 Ileen; waa dad ay duunyadoodu hore u fool habowdee, haddii la is yidhaa ka fogeeya duleedka reerka iyo meesha ishu ka qaban karto, waa jidh diidaan oo dooc iyo dareenba waa kaga jawaab celiyaan. Hayeeshee, daacadnimada iyo dadaalka Geeddi darteed, waxa la guddoonsadey inuu xor u yahay foofinta iyo fogeyntiisaba. Isna waa garowshiyaha kaliya ee uu ka haysto labada dhinac. Sheed halacsi mooyee (il-qoodaal), uma dhalan siddoodaba Caqli haybsi (fogaan-arag). Sowtii lagu tiraabay maaha, ‘’nin kula  yaal ayaa tabtaada yaqaan’’, show, isna waa gedo-yaqaan gaboobay. Wuxuu ogaaday in haddii uu barbaryaalada ka dhigo gudbanayaal, inuu ku xalin karo hal tallaabo halkii ay ku qaadan lahayd saddex dhac (qaad).

 Geellu markuu daaqayo waa caadadiis inuu is balaadhiyo oo arlada ku baaho, wadaadkani; se, inuu xidhiidhiyo siddii awr hayaan ah ama reer geedi ah ayuu garwaaqsaday, waa isugu hogaan xidhay. Wali ma aragtay sawirkaas xidhiidhsan? Haddaanad baal ka taagnayn, oo aad gadaashiis ama hortiis taagan tahay; kaliya hasha hore ayuun baa kuu muuqdheer. Waa tab iyo xeelad gaamurtay, yaa kaloo keeni kara? hadal ku gamsii, ‘Gudinyahay haddaan badhkay kugu jirin imaad goyseen’. Saddexda barbaryaal mid walba wuxuu u sameeyay boog uu ka damqo haddii ay ka hor yimaadaan ama isku dayaan iney fashiliyaan qorshihiisa. Oonta iyo aradka ayuu duleedka u dhigay, isagoo darka uga daray quusta, raac kastaana isagoo qawdhamaya ayuu fulaa, deeto; Guul cokan iyo mid Oomanba waa la qawadsan yahay waraabkii loo shan dhaxay (shan-qad). Geelaydu iney geedi ahaadaan ayaa noqotay Guusha kaliya ee uu ku gumayn karo. Muxuu xarxariiqayaa? Hadhkan Geedka; uu wadaaji leeyahay miyeyna ahayn Qabyaalad waligeed qalfoof mooyee, aan jiidh lagu quwadayn? Halka; habkeeda Geelayduna noqday qiiro dhiiran; oon lahayn qalbi fayow iyo qiyam sugan oo lagu qorsheeyo Qaran jabkeeda? Waase; qasab in ninkii ay haboonayd inuu Guntiga giijisto, hadduu Geedkaas hoos hoganayo; Geeliisana ay qayrkii u rarayaan degel ba’ay kasoo ramadkiisu ay ku raran gubtoodaan. Waa dunni rogmad ah; Waa goob gabaahiir ah oon beryahaas beelo soo degin. Geedka iyo Geedi ayaa is weheshada hadh iyo habeenba. Waa Galool iyo Gunnimo rug ku wada yaal; eedase Geedku waxba kuma laha, haddaan dulmiga heshiis lagu ahayn.



Curintii: Cabdiraxmaan Cismaan Coomay

 Email:  abdiosman9@yahoo.com

No comments: