Maktabadda wareegtaa waa hab lagu doonayo in dadweyne tiro badan lagu gaadhsiiyo buugaag kala duwan, iyada oo ay gacan ka geysanayaan naadiyada akhriska ee gobolladu. Nidaamka maktabadda wareegtaa waxay dhiirigelinaysaa in la helo dad tiro badan oo hela akhris kala duwan iyo in ay helaan maktabado u suurtogeliya akhrinta buugaag badan.
Maktabadda wareegta waxa ay hirgelinaysaa rabitaanka dadka ee ah inay wax bartaan, isla markaana ka qaybgalaan nidaamka akhriska. Waxaana ka qayb-galay sanadkii hore kumannaan qof oo aad u soo dhaweeyey buugaagtii kala duwanaa ee magaalooyinka la geeyay, iyaga oo ka qayb-galay dood-cilmiyeedyo iyo kulamo kala duwan.
Sanadkii hore ayay dawladaha hoose ee magaalooyinka waawayni ay ballan-qaadeen in magaalo kasta ay u sameeyaan maktabado wax-akhris, si ay dadweynaha oo ay ugu horreeyaan dhalinyaradu u helaan goobo ay wax ku akhristaan. Iyada oo taas laga duulayo ayaa sagaal magaalo oo ka mid ah kuwa maktabadda wareegtaa ay sanadkii hore booqashada lagu geeyay ay ballankaas ka soo baxeen oo ay dhul iyo dhisme loogu talo-galay in laga dhigo maktabad wax-akhris ay hirgeliyeen.
Sanadkan waxa maktabadda wareegtaa ay ka bilaabmi doontaa magaalada Boorame ee gobolka Awdal 02 July 2012 waxaanay socon doontaa ilaa magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag iyadoo isaga gudbaysa magaalooyin kale oo ka mid ah xarun-gobolleedada Somaliland.
Marka maktabadda wareegta ay ka qabsoonto magaalooyinka waawayn ee dalka, waxa dhiganaha qoran ee wareegaa uu ku soo af-meermi doonaa magaalada Hargeysa, halkaas oo ay naadiyada akhriska iyo kooxaha kale ee hagayaa ay isugu tegi doonaan, si ay muddada uu bandhiggu socdo ay ugu soo bandhigaan natiijada wax-qabadkoodii sanadkii tegay.
Sidoo kale, inta lagu gudo-jiro bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa, waxa la soo bandhigi doonaa filim gaaban oo laga duubay maktabadda wareegta sanadkii 2011kii. Waxa ku xigi doona qayb lagu falanqayn doono halka uu marayo ololihii loogu jiray sidii ay maamullada gobolladu ama dawladdaha hoosaba uga hirgelin lahaayeen maktabado laga dhiso dhammaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.
No comments:
Post a Comment