" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: I-doorta aan dib idiin qaxshee! - W.Q: Axmed Ciise Guutaale

Thursday, June 21, 2012

I-doorta aan dib idiin qaxshee! - W.Q: Axmed Ciise Guutaale

Dubbahaagi weynaa,
Daqaradii ka yimidbaa,
Dusha weli ka muuqdoo,
Dulligaa I badayoo,
Kuba dooran maayee          
Ha is daalin weligaa

Maalin maalmaha adduunka soo maray kamid ah ayaa boqorradii soo maray boqortooyadii Saba isugu yeeray dhammaan hal abuurkii xilligaas ku noolaa dhulkii boqortooyada ee Yamen iyo Itoobiya sidaas oo kalana waxa uu gogol-sharafeed u fidiyey dhammaan dadkii  cilmiga xiddigiska wax ka yiqiin iyo kuwii faalka rogrogi jiray, kadib hadal gaaban oo uu ka jeediyey boqorku madashii ay dhammaan dhinacyadaasi isugu yimaadeen ayuu u sheegay in uu doonayo in uu ogaado midda uu noqonayo sanadka soosocda barwaaqo, Abaar, Colaad iyo Nabad!!, qofkii ku guuleysatana waxa uu u ballan qaaday kiintaal dahab ah, kadibna waxa uu soo xiray kulankii waxa uuna siiyey muddo dhan 3 maalmood si ay jawaabta u raadiyaan, halkaas ayaana shirkii kusoo xirmay.


Boqorka si aad ah ayaa looga cabsan jiray nin waliba oo kamid ah dadka la casuumay waxaa ay la noqotay in boqorku ugu yaraan go’doomin doono haddii uusan jawaabta keenin muddada loo qabtay, mid kamid ah raggii laga sugayey jawaabta ayaa keligi u baxay safar si uu u baadi-goobo cid ka caawisa jawaabta, markii uu socday maalin dhan ayuu geed hoos fariistay in muddo ah markii uu fakarayey ayaa geedkii waxaa ka soo degey Abeeso aad u weyn!! oo uu naftiisa uga baqay!!, si layaab leh ayay ula hadashay Abeesadii ninkii jawaab-doonka ahaa!!!, waxa ay weydiisay bal in uu doonayo in abaal marinta uu ku heli doono jawaabtan uu wax kasiiyo ciddii siisa jawaabta waxa uu noqonayo sanadka soosocda?!! Isaga oo aan ka fakarin ayuu yiri: Haa oo kala bar ayaan siinayaa ciddii ii sheegta jawaabta!!, abeesadii ayaa tiri: Sanadka soosocda waxa uu noqonayaa Abaar, aan wax qoyan iyo wax qalalanba aan kala reebin ee boqorku ha sameysto keyd uu uga gudbo sanadkaas, markii ay intaas u sheegtayna waxa ay ku laabatay abeesadii geedkii, ninkii oo shakisan ayaa si cagajiid ah uga baxay geedikii. Waxa uuna go’aansaday inuu ku laabto deegaankii uu kasoo safray si uu jawaabtan u helo, socod maali ah kadib waxa uu gaaray halkii uu ku socday kadibka waxa uu toos u aaday qasrigii boqorka, dadkii qaabilsanaa soo dhoweynta ayaa  u sheegay boqorkii in mid kamid ah dadkii jawaabta laga sugayey uu u joogo, si dhaqsi ah ayaa boqorkii loogu geeyey kadibna jawaabtii oo ay adagtahay in la rumeysto ayuu u sheegay boqorkii, kadibna waa uu iska baxay, sidii uu sheegay ayay noqotay oo sanadkii abaar lagu riiqday ayay noqotay, sidii ballantu ahaydna waxa uu boqorkii bixiyey dahabkii uu ballan qaaday, nasiib darrase ninkii ballantii ma fulin oo abeesadiiba dib uguma laaban.

Sanadkii xigay ayaa boqorkii sidii oo kale u yeeray dadkii wax sheegga ahaa waxa uuna ku wargeliyey in sanadka soo socdana uu doonayo in lasii odoroso, ninkii sanadkii hore ku guuleystay hayeeshee aan abeesadii caawisay dheef ha joogtee aan xasuusan ayaa yiri sanadkanna aniga ayaa soo heli doona,  geedkii maalin socodka u jiray magaalada ayuu sii istaagay oo hareeraha eegay bal in abeesadii sanadkana caawiso, isaga oo aan iska jirin ayay ku soo baxday oo sheeko dheerba uma gelina waxa ay ku tiri: Sanadka soosocdaa waa colaad umulo doox ah ee boqorku ciidan iyo hub illaaliya boqortooyadiisa ha yagleesho!! Kadibna waxa ay ku laabatay god aan geedka ka fogeyn oo ay qudheedu diyaarsatay si ay colaadda sanadka soosocda uga gabbato, ninkii sidii caadada ahayd waxa uu ku laabtay deegaankiisii, qasrigii boqorka ayuu gaaray waxa uuna siiyey jawaabtii sanadkii sidii ayuu noqday, waxaa dhacday colaad dad iyo duunyaba gaartay oo nabaddii circa ku laashay, ninkii abaal ma gute ahaa waxa uu qaatay dahabkii abaal marinta ahaa kadibna waxa uu go’aansaday in markan oo abeesada qudha ka jaro oo uu dilo si aanay cid danbe wax ugu sheegin, hub fudud oo faash kamid yahay ayuu qaatay wuxuuna sii dul istaagay geedkii iyo godkii abeesada, waxa uu arkay madixii abeesada oo inyar godka ka soo baxsan kadibna faash ayuu ku halgaaday, hayeeshee ma haleelin, kadibna isaga oo ku guul dareystay ujeedkiisii ayuu ka laabtay, maalinkii danbe ayaa boqorkii keligi u yeeray oo ku yiri: Sanadkan abaal marintu waa laba kiintaal ee orod oo soo hel jawaabta waxa uu noqon doono sanadka soosocda, waa nacaskaase abeesadii uu sanadkii hore la colloobay ayuu jawaab ka doonay, markii uu gaaray godkeedina kuma daahine waxa ay u sheegay in sanadkani barwaao iyo nabad ayuu noqonayaa ee orod oo iga tag, si dhaqsi ah ayuu u laabtay oo boqorkii  u sheegay jawaabtii, markii abaal marintii la siiyey ayuu u jiheystay dhankii ay abeesadu ku nooleyd, markii uu godkeedii dul istaagay ayuu ku yiri: sanadkan abaal marinta ayaan wax kaa siinayaa, inta ugu badan ayaan ku siinayaa, waxaan doonayaa inaad ila heshiiso oo iga saamaxdo qiyaanadii aan kugu sameeyey, intaas markii ay maqashay ayay kutiri: Abaal marinta waxaann kaa iri sanadkani waa barwaaqo oo dhankeyga ayaan uga jiraa oo waxba kaama doonayo, heshiiskana sidee ayaan kuula heshiiyaa iyada oo daqaradii faashkaagu ay weli ka muuqdaan godkeyga, taasi dhici meyso ee orodna waa ay u sii raacisay.



Markii aan maqlay Cali Maxamed Geeddi ayaa shaaciyey inuu yahay musharax madaxtinimo ka doonaya soomaaliya ayaan xasuustay sheekadan, waxaanan la yaabay xishood la’aanta caynkaas ah ee iyada oo Cali Maxamed Geeddi daqaradii uu gaarsiiyey caasimadda iyo sharaf xumadii uu baday ay weli muuqato sida uu ugu dhiiraday inuu yiraahdo waxa aan ahay musharax xil madaxweyne ka doonaya Muqdisha, waxa aan u jeedaa dhibaatooyinka ka muuqda caasimaddu waxa ay dhaceen xilligii uu ahaa ra’isalwasaaraha, waxa aan wada xasuusanaa xilligii uu xilka hayey Cali Maxamed Geeddi dhibkii dhabar-jabka iyo hoogga is huwan ahaa ee ay dadka kunool caasimaddu dhibbanayaasha u ahaayeen, taas oo lagu xasuusato xasuuqii joogtada ahaa ee ka socday Xamar dhammaan maalmihii madaxtinimada ee Cali, waxaa lagu xasuustaa inuu sameeyey wax dadka ka yaabiyey oo ahaa inuu ku dhawaaqay in si gaar ah loo bartilmaameedsado deegaan gaar ah oo kamid ah caasimadda halkaas oo ay ku noolaayeen dad soomaali ah oo laga yaabo inuu maanta cod iyo cudud uga baahan yahay.



Habdhaqankii Cali Maxamed Geeddi ee muddadii uu ra’isalwasaaraha ahaa uma muuqan nin doonaya in dadka soomaaliyeed ay dib u soo doortaan, waxa uu u muuqday nin aan wax dan iyo heello ah kalahayn burburka iyo baaba’a haysta dalka,  waa la dhihi karaa waxaa haystay culeys iyo dagaal weyn oo ka imanayey kooxihii maxkamadaha iyo dadkii taageerayey, hayeeshee taasi kama saari karto inuu noqday hoggaankii ugu xumaa uguna arxanka darnaa ee la soo maro inta waxa kumeelgaarka loogu yeero uu dalku ku jiro, haddaba maanta in ninkii shalay duugay sharaftii iyo jiritaankii ummadda islamarkaana baaba’shay rajadii caasimadda uu doonayo in markale uu xil ka qabto soo ma aha inuu doonayo in uu sii hormariyo hagardaamooyinkii uu ku caan baxay, tan kale dhibka na haysta ayaa ah in dadka kujira siyaasadda ee soomaaliya aanay xishoon oo aanay yaxyax dareemin marka ay fashilmaan, halka siyaasadda tiirarkeeda ay kamidka tahay in haddii howl laguu diray aad ku fashilanto aad adigu iskaa xilka uga degto iyada oo ana lagugu qasbin kadib aad raalli gelin bixiso, haddii uu shalay keenay ciidamo dumiyey guryo dhisnaa maanta ma waxa uu doonayaa in kuwa cusub ee laga dhisay xamar uu iyagana dumiyo? Taas ayaa ah waxa laga filayo hadduu doono ha yiraahdo waxaan ahay aqoon yahan, aqoontu markii aad shalay u dhaqmeysay sida qof jaahil ah oo aan dan iyo damacba ka lahayn dalka iyo soomaalida maxay aqoontaadu u shaqeyn weysay?, maxaadan u samaeyn sabab dib laguugu doorto?.



Ereyo kale Cali Maxamed Geeddi oo keli ah ma ah kuwa naxariistu ka guurtay ee raba in ay markale illeyn bahal ceeriin ma daayo qofina caadadi ma illaawee ku celiyaan dalka marxaladdii 2006-2010 sidaa daraareed waa in soomaalidu fahamto in uu sii dhammaanayo dhaqankii qabiilku ahaa ceymiska qof waliba, waan hubaa qofkii aad u taageerto waa tolkaaga ayaa ah kan berito ku dilaya ama xabsi kuu diraya, haddii aanay taasi dhicina waxa uu kaaga tegeyaa sharaf dhac iyo aano aan isaga oo  keli ah ku koobnayn ee tolnimadii aad shalay u taageertay awgeed aad qaybta ugu weyn qaadan doonto, waana sababta ay lagamamaarmaanka u tahay inaan taageerno mababda’ iyo wax qabad muuqda oo uu qofku la yimaado, ogowna xor ma tihid gobna ma noqoneysid haddii qof iibsado codkaaga iyo go’aankaaga, maalinkaas ayaad gunnimo la galbatay, wixii aad cunilahayd allihii ku uumay ayaa diyaariyey ee waa inaad hagaajisaa dalabkaaga iyo sida aad ku heleysid, haddii aad iibiso go’aankaaga oo aad noqoto addoonka hungiriga, lacagta iyo caloosha waa marka aad lumisay qofnimadaada, waan hubaa in dhibaatooyinka tirada beelay ee ay na badeen siyaasiyiinta aan siino taageerada tolnimo in ay sababayaan in dhibku sii kordho oo ay da’deena iyo tan carruuteenaba ay dhacarsanayaan wax aan inagu sameynay, midda aan hadda ku jirno waxa ay ka timid gef ay sameeyeen dadkii naga horreeyey oo ay iyaga la noqotay in waxa ay sameynayaan ay ku egtahay iyaga iyo noloshooda maalinlaha, sidaa daraadeed aan meesha ka saarno habdhaqanka xun ee taageero-siinta dadka siyaasadda iyadoo loo marayo qaab tolnimo, bal arag magac-xumada ka dhalatay shirkii Istanbul oo magac loogu yeeray mas’uul sare oo katirsan dowladdu uu reebay, magacaas dadweynaha ayaa ugu yeera guddoomiyaha baarlamanka, kadib waxa uu noqday magac ka dheer kan saxda ah ee loogu yeero guddoomiyaha baarlamanka, odayaal ka qaybgalay shirka oo loo igmaday xallinta arin soomaaliyeed ayaa mas’uul haya xil soomaaliweyn iyagu is xijinaya sidii in ay dadka ka xigaan, ogow waxaa laga yaabaa inuusan midkoodna aqoon, oo keli ah waa taageero tolnimo, arinka tolnimadu lama saanqaadi karto marka la eego sida aan u adeegsano siyaasadda furfurnaanta iyo in wax waliba caddaadaan oo ah tan aan u baahanay.



Sidii mucaaradku uga baxeen caasimadda waxaa muuqda rajo iyo himilo cusub oo curdan ah taas oo u gogol-xaari karta in tallaabooyin waxtar leh loo qaado dhanka wanaagsan, waxaan ku aqaan Xamar dabeecado layaab leh oo yimaada marka waxyar oo hurumar ah ay soo muuqadaan, waxaa jira dad ama koox ma aqaan magac aan ugu yeero oo marka ay dareemaan xarkaha  dib u dhaca isku haya oo furmaya soo toosa oo isku daya si weyna ugu dadaala dib u celinta waqtiga kuwaas si looga badbaado waxa keli ah ee loo baahan yahay ayaa ah in la yareeyo saameynta qabiilku ku leeyahay siyaasadda, sababta ayaa ah dhammaantood kooxda aan sheegayo waxa ay salka ku hayaan qabiil oo ah waxa ugu weyn ee ay wax ku abaabulaan, si ay u joogteeyaan ma dhaleysnimada siyaasadeed ee muddada dheer ka taagnayd caasimadda Muqdisha.





Gebagebo:



Himilada iyo yididiilada cusub ee maanta muuqda, si dhib yar laguma helin oo xamar mucaaradku tanaasulaad ugama bixin, waxaanan wada ognahay in fursaddu aanay maalin waliba taagneyn ee mar iyo laba uun aan heli karno fursad aan dalkeena wax uga qabano, sidaa daraadeed laba arimoodka xagga danbe aan ka tuurno, manayeeli karno oo soomaali ayaan nahaye aan ugu yaraan iyaga ugu dabamarino oo aan waxyaabaha kale ka hormarino,

Labadaas arimood mid waa Qabiilka midna midda ku xigta qabiilka ee ceelka nagu ridday waana maxaa iga galay ama hebel ayaan ku xumeynayaa ama cirka soo-dumi meeshii aad ka gasho ayaan ka gelayaa!!!, dalkan soomaali ayaa leh waanan ognahay qof qof ka sarreeyaa majiro haddii qof xilka hoggaaminta ku soo baxo aan ka eegno muxuu dalkan baaba’ay u qabanayaa oo yaan la dhihin qabiilkeyga muxuu u qabanayaa? Xisaabtu ha noqoto maxaad dalka iyo dadka u qabaneysaa? Ma haysaa qorshe la fahmi karo oo ku aaddan caafimaadka, Nabad-gelyada, waxbarashada iyo taageeridda dadka iyo ururada ku howllan arimahan? Ma haysaa qorshe ammaanka lagu xaqiijin karo, ogow dalkaan haddii uu dego qof waliba inuu noolaan karo maxaa yeelay marka aad ammaan hesho ayaad inta kalana ka hadli kartaa, tusaale dadka ka dawarsada meelaha deggan ee soomaaliya ku nool waxa ay kaduwan yihiin kuwa iyaga oo kale ah eek u nool gobolada aan xasilooneyn ee dalka, sababta oo koobani waxa ay tahay wax waliba waxaa hoggaaminaya ama hagaya xasiloonida, haddaba soo ma aha inaan qaadanao go’aanka ah inaan doorano siyaasiga haya waxa aan u  baahanahay, haddii ay timaaddo sidee ayaan ku garan karnaa cidda haysa waxa aan dooneyno?

Jawaabta oo laga yaabo in qof waliba si u dhigo haddana waddada loo mari karo ayaa ah in aan ugu yaraan aynaan cidn aku dooran  tolnimo iyo qabiilnimo, si looga dheeraado In qof isu arko in tolkiisu meesha keensadeen taas oo meesha ka saareysa tiirarka waxqabadka oo ay muwaadinnimadu ugu horreyso.

Axmed Ciise Guutaale

Wixii gef ama ilduuf ah ma aha wax aan ugu talagalay

No comments: