" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Maxamed Haaruun – Indho-la’aantu maaha Dhammaadka Adduunka (Qaybtii 1aad)

Sunday, June 24, 2012

Maxamed Haaruun – Indho-la’aantu maaha Dhammaadka Adduunka (Qaybtii 1aad)

Waxa uu dhowaan wargeyska Geeska Afrika kulan la yeeshay Maxamed Haaruun oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga UCID. Md. Haaruun waxa uu la’yahay laxaadka aragga, oo uu ku waayey miino la qaraxday sannadkii 1992-kii, xilli uu shaqo u joogay magaalada Balligubadle. Haaruun waa aqoonyahan shahaado jaamacadeed ku qaatay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta dunida saddexaad, waxa aanu muddooyinkan dambe ku nool yahay carriga Ingiriiska.


Qormadani waxa ay in yar ka taabanaysaa hayaankii nololeed ee Haaruun, intii ka dambaysay markii uu indho beelay, waana qormo uu wargeysku ugu talogalay in ay cibro iyo dhiirrasho u noqoto boqolaalka Naafada muwaadiniinta ah ee laga yaabo in inbadan oo ka mid ahi ay duruufaha soo waajahay isu dhiibeen. Aqoonyahan Maxamed oo ka warramaya xaaladdiisuna waa kan:

Qaabkii uu u indho beelay Maxamed Haaruun:

Waxa aan filayaa waxa aad u jeeda indho la’aantaada u abtiri, waxay la xidhiidhay dagaaladii wadanka ka dhacay iyo masaa’ibkii ka danbeeyay. Wakhtigii uu Siyaad Barre nidaamkiisii jabay ee aynu wadanka soo galnay waatii aynu miinooyin badan wadanka ugu nimi, markaas waxaan ka mid ahaa dhalinyaro 400 gaadhaysa oo Somaliland oo dhan ka koobnayd oo loo xulay inay wadanka miinooyinka ka nadiifiyaan.

Markaas waxaan ka shaqaynaayay oo aan miinada ka guraynay magaaladda Baligubadle ee imikana caasimada u ah gobalka Hawd, waxaanay meesha aanu wax ka guraynay ay ahayd xero uu nadaamkii Siyaad Barre meesha ku lahaa, halkaas ayaa ay miino igaga qaraxday 26-kii Jun eek u beegnayd maalintii calansaarka, waxaana maalintaas ku dhaawacmay aniga iyo nin aanu saaxiibo ahayn oo reer Gabiley ahaa oo Cali Axmed la odhan jiray, Alle ha u naxariistee, oo markii danbe dhintay, halkaas ayaanay bahashu (Indho la’aantu) igala soo abtirsatay.

Horraantii hore si boqolkiiba boqol ah indhahayga umaan waayin ee waxbaa ka joogay, laakiin dhakhtar baan jirin oo taas ayaa wax sii xumaysay runtii, wax illaahay qadaray inuu ahaan waad iska arkaysay oo aan meelna looga fursan karayn.

Markaan tagay waddamada qurbaha khaasatan Yurubta ayay dhakhaatiirtii igu yidhaahdeen waa goor danbe waxa aanay ku wacnayd in kolkii ay wax kugu dhaceen aad iman lahayd ama dhakhtar aad arki lahayd, inaan halkaas tago oo aan dhakhtar arkana way dhaci lahayd lakiin Illaahay baan qaddarin oo inay sidan ahaato ayaa illaahay qaddaray. In aan la noolaado indho la’aanta oo aan iska celiyo, oo aan muujiyo in ay tahay wax layska celin karo oo indho la’aantu laga adkaan karo ayuu illaahay qoray, sida runtii ahna waxaan is leeyahay malaha sababaha naafanimadaada xikmadda illaahay ka lahaaba waxay tahay dadka Soomaaliyeed oo fahan khaladan oo aad iyo aad u liita ka haysta indho la’aanta iyo guud ahaanba naafanimada in aad wacyi gelin u sheegto oo aad u sheegto in indha la’aantu aanay ahayn siday moodayaane ee ay tahay waxa lala noolaan karo oo laga adkaan karo. Lakiin waa hadii ay sidaas bulshadu kula fahanto, sidaas ayaanay sababtu ahayd.

Dareenkii Maxamed ee markii nabarku ku dhacay:

In dhaawac wayn dhacay waan arkaayay, dareenka aan qaatayna waxa uu ahaa in dhaawac laga soo kaban karaayo uu yahay hadii dhakhtar la helo, dareenkaas aan qaatay ayaana ila socday dhawrkii sano ee ku soo xigay markii shilku igu dhacay, fahamka noocaas ahi waxa uu ii khafiifiyey inaan ka soo gudbo sannadahii ugu horeeyay ee adkaa, taas ayuu ii fududeeyay, lakiin waan arkaayay in shil halis ahi uu dhacay khasaare halis ahina uu igu yimi.

Mudo afar sano kadib ah markii shilku dhacay ayay ahayd, nin dhakhtar ah oo Itoobiyaan ah ayaan Itoobiya kula kulamay, ninkaas ayaanu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ii sheegay in aan indhahayga waxba laga qaban karaynin, aad iyo aadna runtii waan ugu xumaaday, nin dhalinyaro ahna runtii waan ahaa.

Markuu arkay inaan ka xumaadayna waxa uu igu yidhi ( Indho la’aantu maaha dhamaadkii aduunyada), waad ka noolaan kartaa, waanad la noolaan kartaa, kalmadaas, ’Indho la’aantu maaha dhamaadkii aduunyada’ macnaheeda maan fahmin oo waxaan u arkay ninkaasi in uu iska hadlay, fahamkayguna waxa uu ku dhisnaa fahamka dadka Soomaaliyeedba ay ka haystaan ee quusta ah, ee ah qofku hadii uu indho beelo in aanay jirin wax u laabini oo uu qabsan karo ama cid u qaban karo, faham noocaas ah ayaa igu soo deg degay, hadalka uu ninkaas dhakhtarka ahi igu yidhina wax macno ah oo uu ii sameeyay muu jirin, waxaanu fahamka hadalkaas talada ah macnahiisu ii yimi sanado badan kadib.

Hayaankii indho la’aanta kadib iyo waayihii qurbaha:

Wadanka Ingiriiska waxa aan tagay 2001-dii, nasiib wanaagna halkaasna daganaasho rasmiya ayaan ka helay, waxaanan ku biiray bulshada Soomaaliyeed ee dhulkaas deggan, dadkeenana waxaad mooda in aanay wababa u kordhin ama halkaas ha joogaan ama halkanba’ee, Iygaan iskala fadhiistay. Runbaanan kuu sheegayaaye dadku halkaas (Ingiiriiska) markay joogaan way iska fadhiyaan waana la qaylaa, dadku inta badan ma shaqeeyo, wadankan lagu dhex nool yahay fursadaha ka banaan iyo sida looga faa’idaysan karo cidi uma hawl gasho, dadkeenaas uunbaanan qayb ka noqday. La soco…


No comments: