Dadka wuu ka dhex
muuqda oo la dhaqan maaha, waad la yaabaysaa nuurka ka baxaya wajigiisa markuu
kaa soo hor baxo. Waad la dhacaysaa habka uu dadka ula macaamilayo markaad
aragto, tacajab baa ku dilaya haddaad
daqiiqado kooban la sheekaysato, ma wayna da’diisu oo marka hore uba hunguroon
maysid inaad waqti ku lumiso agtiisa, hayeeshee haddaad hoos ugu dhaadhacdo
intaad isla waynida ka baxdo inta uu hadalka kuu wado hareeraha eegi maysid,
hoosna fiirin maysid, hawadana eeg eegi maysid… Hor alle waad hoganaysaa oo
hawadaad ku jirto mid aan ahayn buu kuu hindisayaa, himilooyin aan kugu jirin
baa kuu hiraya, markaad hor taagantahay,
ha ahaadeen kuwo adduunyo iyo kuwo aakhiraba’e.
Waa 13 jir ka miisaan
culus 30 jirro badan oo aad taqaano. Markuu yaraa aqoon diineed iyo adaab wacan
baa lagu koriyay oo uu ku barbaaray,
aqal wacan, hooyo suuban iyo aabbo fiican buu ku soo ag koray. Hadal
turxaan iyo tuuro tuuro leh waligii cid
kumuu odhan oo hadduumeel lagu hadal hayo marayana dhaguhuu faraha ka gashadaa
oo dhakhso u dhaafaa. U dhibirsanaanta masaakiinta wuu ku dhaataa oo wuxuu ku
dhaamo lama dhaafo. Haa waa wiil yar oo
dheef adduun oo badan ma haysto laakiin wixii nusasaace loo siiyuu waxna cunaa
inta kalena la baxaa, waayo wuu yaqaanaa
oo waa la baray faa’iidada iyo falaaxa ku jira in qofku aakhiradiisa u hor
marsodo.
Masaajidka kama dhamaado intuu wax dhigashada
ka soo maqan yahay, masaajidka laftiisu waa mid ka mida meelaha uu wax ka
dhigto, Quraanka iyo qawlka Eebbe markuu 12 jir ahaa buu dhameeyay oo dhakada
ka qabtay.!!!!…
Dhayal kuma dhaafto
salaadu.. hadduu si uun uga habsaamo salaada jamaca maalintaa wuu dhakafaaraa
waanu ku dhaliilaa naftiisa, Quraanka uun dhakada kama qaybine, tafsiirkiisa
& Taariikhdii Rasuulkana wuu dhigtaa ….
Isla weyni iyo is
qancin qalbigiisa inta u yarna laga soo heli maayo , oo wuxuu aaminay oo la
baray inay adduunyaduba maalmo kooban tahay oo marba ciddii gacanta saraysa ay
leeday. Waxa la baray in bini aadam abtirsiinta uu doono ha sheegtee uu ku wada
aroorayo uun NABI AADAM (AABBEHEEN CALAYHI SALAM), iskibrin kuma jirto dabcan
waxa uu dadka ku qadariyaana maaha, ilmaadeernimo iyo abtirisiin, maaha aduun
iyo Aqalo badni, se waxa agtiisa ka wayn sharaf iyo karaamana inuu leeyahay uu
u rkaa kolba cidda uu cilmi diineed iyo aduunyaba ku tuhmo.
Dhallinta uu la
dugsiga yahay wuu ka dhex muuqdaa oo ixtiraamka iyo karaamaynta ay dusha ka
huwiyeen, waa haldoorka hogaamiya ardayda filkiisa ah, waa hadalkar hor istaaga
daabuurka oo ardayda u hibeeya waanooyin iyo wacyigaliba, waalidkiisa iyo
barayaashiisu way ka war hayaan oo wuu uga suntanyahay awlaada kale,…..
Akhriste waan arkaa
inaad la dhaygagasan tahay way ii muuqataa waxa maskaxdaada ka dhex guuxaya ood
kor u odhan kari laadahay ‘oo ma aayadbaa yarku?’ Aayad maaha oo awlaada kaluu
la midyahay, wax uu dheer yahayna ma jiraan oon ka ahayn in hooyo fiican iyo
aabbo suubani barbaariyeen, intuu yaraa la baray waxa wanaagsan loogana digay
waxa xun, in lagucanqariyay caqiidada suuban iyo ku camal falkeeda. Haa oo
waqtibaa la siiyay in la toos toosiyo, waana laga hortagay inuu tuuro tuuro iyo turxaanba yeesho, waa laga
talaalay dhamaan tilmaamihii aan tolmoonayn, waana lagu toosiyay dhamaan
tubihii wacnaa.
Aabbe iyo Hooyo in la
noqdaa waa mid fudud oo ay samayn karaan laba qof oo kasta oo ku heshiiyaa,
kuma xidhna midabka ay yihiin, kuma xidhna muruqa ay leeyihiin, kuma xidhna
maamuuska ama magac la’aanta ay bulshada ku dhex lihiin labada qof ee qoyska
abuurayaa, laakiin maaha mid fudud in la soo saaro ilmo noocan oo kale ah.. Haa
ma fududa oo hawl badan bay doonaysaa…Haddii ciddii laga sugayey inay soo
saartaaba aanay ahayn cid awood u leh, ama aqoon u leh sida loo soo saaro ubad
baarri ah, sida loo soo saaro ubad wax ku tara, sida loo soo saaro ubad iyagu
wax taransada, sida loo soo saaro ubada ummada wax u tara sida loo soo saaro
ubad ubadka kale wax u tara..miyay soo saari karaan ? May oo kaliya ha odhan ee
noqo mid soo saari kara/karta awlaad caynkana, oo anfac adduunyo iyo
midaakhiraba kuu yeesha, noqo qof qaybtiisa ka qaata qor qorida iyo qurxinta,
qiimaha iyo qadirinta soo saarida ..kusoo darida bulshada qof qof ah.
Ilaahay xaqqa ha inna
waafajiyo
Allow Yaa dhala oo dheefsada !!
Qalinkii: Saddam Xuseen
Carab
saddamcarab@gmail.com
– F/B: Saddam Carab
Hargeisa- Somaliland
February 2012
No comments:
Post a Comment