" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: SHEEKO GAABAN: Xeebtii Kalgacalka!

Monday, March 5, 2012

SHEEKO GAABAN: Xeebtii Kalgacalka!


Gabalku waa sii dhacayaa,  oo cad-ceeddu iyada oo dhar dahabiya xidhan waxay u sii gur-guuranaysaa godkeeda. Waxaanay gayiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Falaadhahaasi marka ay foolkaaga ku dhacaan waxay ku hilmaansiinayaan wixii aad huq iyo hagar-daamo maalintaa mudatay. Waxaanay kugu soo noolaynayaan dareenno muxubo iyo kalgacal isugu jira oo aad u qabtay inta xidhan mariyo dhixir oo gudahaaga ku dhadhay markii aad qaan gaadh noqotay.


Halka uu dhulkan hortayda ka muuqdaana huwan yahay biyo madaw oo bad la iigu sheegay mar danbe.  Alla baddu qurux badanaa oo haddana quwad waynaa, deeqsisanaa oo haddana dad qalsanaa. Xunbo badanaa oo haddana xasili ogaa. Ma xaaskii saaxiibkay ee Cibaado yoomaa? Gudaha shishe ee badda waxa dhex siqaya wax guryo u eeg, la iiguse sheegay Maraakiib.  Halka dhexdeedana ay dul  sabaynayaan doonyo yar yar oo qofaf saaran yihiin. Cirku caad yar oo khafiifa ayuu gashan yahay, isaga iyo badduna waxay ku kulmaan halka ugu fog ee aragaygu ku soo af meermo.

Haddaba, badda  xeelligeeda oo biyaha u dhaw ayaan taaganahay anniga oo cago cad, surwaalku kor buu iigu laaban yahay. Labada gacmoodna miskaha ayay ii saaran yihiin. Neecawda, Hirarka iyo mawjadaha cad cad ee ka soo kacaya meel  alle og yahay iyaga oo qalaamo-roganaya waxay ku bac dhabanayaan hortayda.  Waxaan kala garan laayahay waxan oo baaxaa deg ahi cadho iyo qooq mid ay ka yihiin badda!.  Haddii ay ka danbe ka yihiin iga walla  waxa rag adduunka jooga oo idili haddii ay isugu tagaan inaanay baahi tirayn!.

Dadka badan ee galabta meesha isugu yimid waxay isugu jiraan: In dabaal u timid, in dabasho u timid iyo in daawasho u timid. Qolada danbe ayaan ku jiraaye xiskaygu wuxuu kala hormaynayaa xusuuso macaan iyo qadhaadhba leh oo sida mawjadaha iyaguna isaga soo daba dhacaya. Qalbigayguna wuxuu iska sifaynayaa xumaan iyo xasad wixii maalintaa ku soo dhacay. Halka ay indhahayguna la dabaala joogtaynayaan gabadh qurxoon oo si habsami ah u dabaalanaysa. Timaheeda kala rogan ee ay biyuhu ka da’ayaan,  Xubnaheeda kala shuban iyo horaadadeeda huga ay xidhan tahay soo hirdiyayaa waxay dhaayaha  u diidayaan inay dhinac kale jaleecaan. Tolow miyaanay u baahnayn qof dabaasha aad u bara?  Dheguhu waxay ku raaxaysanayaan guuxa mawjadaha sida talan taaliga ah isaga soo daba dhacaya, Halka sanka iyo sanbabaduna ay qaadanayaan neecow udgoon oo saafi ah.

Haddaba anniga  oo farxaddaa la muraaqoonaya ayaan ku beeraqay:  Bad yahay gobaad tahay, gal xareeda baad tahay, Bali gaaxsan baad tahay, Quruxdaada guudiyo, Biyahaaga galac-lana, Gabay kuma sifayn karo, Galabtii timaadana, Geestaada uun baan, Ruuxdayda geeyaa, Anigoon is garanayn, Farxad baad I galisaa, Riyaaq baan la guuxaa, Geeraar la tiriyaa, Gacaladey u heesaa, ama sheeko guunoo, Garaad ku hadh samaysaad, Gallad iigu deeqdaa,  Ama gacalayaashii, Gidigoodba waayuhu, Na soo kala dhex galayeen, Maalmo kala go’doonaad, Ii soo bandhigaysaa. Xaalladdaa maan bururka ah anniga oo ku jira ayaan dib uga soo baxay biyihii addimadayda ku dhacayay, waxaanan go’aansaday inaan yar fadhiisto oo aan nasasho farxadeed qaato. Haddaba kaabad ii dhawayd anniga oo ku sii jeeda ayaan arkay warqad yar oo meel taalla. Kor baanan u soo qaaday si aan boodhka kaabada isaga masaxo. Haddiise aan kala furay waxa igaga soo baxay arrin yaab iyo farxad leh. Waa dhanbaal jacayl oo uu wiil gabadh ay is jecel yihiin sida ka dhadhamysa u dirayo. Warqada qaybteeda sare way go’an tahay waxaana raacay magacyadii labada qof iyo salaantii, halka qaybta danbena ay go’an tahay, mase garan karo in hadal raacay iyo in kale. Far qurxoon oo dar dareer iyo deganaansho la’aani ka muuqato ayay ku qoran tahay. Inkasta oo biyaha iyo buskuba ku dhaceeen, haddana erayadeeda wax is doorin ahi kuma dhicin. Waxaanan xasuustay heestii ahayd: Jacayl biri ma goyso, Biyuhuna ma maydhaan. Haddaba intii aan helay ee Alle igu ogaa ayaan halkan kuugu soo gudbinayaa. Waxaanay ku bilaabmaysay sidatan:

Gacaliso, muddo hadda laga joogo sannado ayay iniin kalgacal oo haatan geedba noqotay gudaheena ka biqishay. Muddadaa waxaan daraasaynayay dabcigaaga iyo kaygu sida ay isula jaan qaadi karaan. Waxa kale oo aan ku foognaa sidii aynu u abuuri lahayn haasaawe dhabba oo dhalanteedka ka fog. Haddaba ku guulayshada arrintaa adiga oo garabkayga taagan ayaa keenaysa inaan dhanbaalkan kuu soo diro. Waxaanan kaa codsanayaa inaad erayadan ku xaradho laabtaada kuna xajiso xiskaaga inta aad nooshahay. Macaan, ogow erayada kalgacalka huwan ee farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo burqanayaan halbowlaha jidhkayga iyo habayaasha dhiiga. Waxaanay hagaag ugu soo dhacayaan carabkayga. Halka dabnuhuna ay awood u laayihiin cabbirka dareenkaa shucuurtu ka ceegaagto, qallinkuna uu keeni kari laayahay erayo-afeed dareenkaa qoraal u roga. Haddaba maxaan sameeyaa, sideense kuugu soo tebiyaa gacaliso?. Ma garan karo laakiin, waxaad iiga dhigan tahay sagal daruureed iyo saxan saxo roob, Rays guyeed iyo rug barwaaqo, rucub lulata iyo ramad geel, Waxaad ii tahay ugbaadkii indhahayga, iyo mulhimadii hadalkaygan.

Gacaliso, gaarinimada, garasho badnaanta iyo gobannimada uu  guulle kuu dhaliyay baa gudahayga gurxan iyo guux ku abuuraya. Qurux badnaantaada, qor qornaantaada iyo qiima waynigaaguna qalbigayga waxay ku kordhinayaan kalgacal uu horeba kuugu qabay. Halka degganida tallaabada, diirimaadka laabta, dabacsanida hadalka iyo dulqaadkuna ay dareenkayga muxubo sii laban laabayaan. . Danaynta dheeraadka ee aad u hayso ehalkayga iyo ixtiraamka badan ee aad u qabto asxaabtaydu waxay ka marag yihiin dadnimadaada iyo dunji wanaagaaga, waanan kaaga mahad celinayaa. Gacaliso, been baan kuu sheegay haddii aan ku idhaa kugu qaldami maayo waligay, waayo dhamays ma ihi adna illa mid baad tahay. Sidaa darteed haddii aynu rabno nolol aayatiin leh waxa lagama maar maan ah inaan barano habka khilaafka loo yareeyo loona xalliyo.

Intaa ka dib, gacaliso haddii aad i waydiisay duruufaha dhaqan dhaqaale ee ku xeerran xubbigeena sideen uga bixi karnaa? Waxaan ku leeyahay:  waxaan kaga bixi karnaa dedaal, daacadnimo iyo isku kalsoonaan. Waxaan kaga bixi karnaa run, dulqaad iyo sabir. Waxaan kaga gudbi karnaa inaga oo heegan u ahaana hawlaha adduun iyo halganka nololeed ee inagu hareeraysan. Ogsoonowna maaddaama aynu  nahay arday maalinta aan shan saacadood wax akhrino waan is jecel nahay, maalinta aan todoba ka dhignana aad baynu isku jecel nahay. Waayo waxaynu soo dhawaynaynaa xaqiijinta himiladeena iyo hirgallinta hadafkeena. Sidoo kale Ogow kalgacalka dhabta ahi wuxuu rumoobaa dhidid, dhafar iyo dhib ka dib ee kuma hirgalo haasaawe iyo hadal tororoga.

Gacaliso, ogsoonow daymadaadii ildoogsiga lahayd iyo dayashadaadii kalgacalka lahayd weli waxay  hurinayaan maankaygii miskiinka ahaa. Waxaanay holcinayaan qalbigaygii saafiga kuu ahaa.Haddaba, adiga oo ka dhinbiil qaadanaya weedhahaygan jacaylku ku lifaaqan yahay, maankaaga gali cishqiga aad ka cabatay inaanu kali kugu ahayn ee aan anba kula qabo haddii aanan kaaba darnayn. Maqalka codkayguna haddii uu kugu yar yahay ha u qaadan danayn la’aan ee u tarjumo ardaynimo iyo xaalkeed. Ilmada iska tir, hana u malayn in waayuhu labadeena oo kaliya kala fogeeyay, dhallintii Soomaaliyeed oo idili dhibta waa inala qabtaa. Dhamacda kalgacal ee kashaada gubaysa mid la mida ayaa wadnahayga dhalaalinaysa. Run ahaantiina waxaan kuu hayaa kalgacal aan loo qaadin, loona qaadi doonin gabadh guudka dabata, garaysna xidhata. Waan kuu heellanahay, waanan kuu han waynahay, waan kugu hammiyayaa, waanan kuu harraadanahay.Waan ku jecelahay, waanan kuu jeelanahay,  waan kuu cidloonayaa, waanan ku caashaqsanahay.

Buuraha inagu kala gudban iyo badaha inagu kala xeerani waxay boholyow iyo baaxaa deg ku abuuraayaan boggayga iyo beerkayga. Nafta waan sasabayaa, samir baanan leeyahay, iyana waa sirgacan tahay, Jacaylkana suntaadiyo, sahwigaaga iga dhaaf, ayaan sare u leeyahay,isna waa silloon yahay, Mase og tahay Suleekhaay, Saqda dhexe intaan kaco, ayaan suuradaadiyo, sawirkaaga inanyahay, sagaal jeer jaleecaa, markaasaan yar suuxaa, ama aan sukhuuraa. Tani miyaanay muujinayn jacaylka xad dhaafka ah ee aan kuu qabo. Miyaanay muujinayn sida aad hadh iyo habeen iigu dhereran tahay, iiguna dheer tahay?

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Awliyo177@hotmail.com 

*Sheekadan waxaan u hibaynayaa lammaane kasta oo si dhaba isu jecel, rabbana inay rug iyo reer wadaagaan mustaqbalka dhaw ama ka dheer insha alla.

Alla Mahad leh.

1 comment:

Anonymous said...

Sheekadan aad ban uga helay waana mid xaqiiqda nolosha la hadlaya
Aad ban ugu ugu bogay qaabkan quruxda badan ee aad u soo qortay kun jeer mahad sanid