" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Adaa deeqda bixiyee Allow Ubadka noo badi! - W.Q: Mustafe Axmed

Sunday, August 25, 2013

Adaa deeqda bixiyee Allow Ubadka noo badi! - W.Q: Mustafe Axmed

Bal u fiirso weedhahan; “Sidaa daraadeed dhallinta aqoonta leh waxaan leeyahay; Ha guursanina, haddaad guurstaanna ha dhalina, haddaad dhashaanna hal ha ka badsanina, maxaa yeelay tobankii walaalkaa, ama walaashaa, ama adeerkaa, ama abtigaa dhala ama soomaali maxamed dhaleen aday ku sugayaan”!!!!!


Weedhahaas iyo qaar ka daran ayay ahaayeen waxaan kala kulmay maqaal kooban oon ku arkay baraha internetka gaar ahaan mareegta weedhsan media oo aan aad u booqdo. Waxay igu noqotay falaadh igaga dhacday halbawle khatara, runtii waxay ahayd lama filaan iyo u qaadan waa; ka dib waxaan go’aansaday inaan qoraal ku saxo walaalkay (Qoraaga maqaalka: Ubad Badan uma Baahnin ee ku jira weedhsan media).

Akhriste, maan garan waayin inaan qoraaga fariin u diro, si aanan dadka kale u gaadhsiin, se waxa lagama maarmaan noqotay inaan maqaal ka qoro laba sababood awgood:
  1. Waxa jira, oo aad u badan dadka aaminsan fikirka noocan ah (Qorshaha Qoyska), waxaana mudan in la saxo oo la wada gaadhsiiyo kelmada wanaagsan, si ay wax ugu tarto.

  2. Maqaalka qoraagu (Ubad Badan uma Baahnin) wuxuu gaadhay dad badan, waxa laga yaaba inay u qaataan sida saxda ah, sidaa darted ayay muhiim u tahay in iyana loo sheego inaanay sidani sax ahayn.
Afeef: Ugu horeyn waxaan ka afeefanayaa ujeeddada qoraalkaygan oo qofba si ugu dhadhami karta. Runtii ugama jeedo inaan shaqsi, cid ama koox aan wax ugu dhimo, xaasha! Weligay qoraal aan qof  ama cid ku maagayo uma qalin qaadan, qabiilna daa hadalkiisa. Igamana aha is muujin iyo is mahadin, taas ALLAAH ayaan ka magan galay. Waxaanse uga jeeda oo qudha inaan ku saxo fikir qaldan oo ina dhex qaadaya meeshuu doono ha ka yimaaddo’e (waxaa aad u qurux badan in fikirka la dhaliilo qofka se la dhawro).
Waba yaanan taraarine aan soo noqdo, aan se ku bilaabo weydiine; Akhriste ma ogtahay in ALLAAH uu qoray dhuuniga (RISIQA) qofka isagoo uurka hooyadii ku jira? Hadday jawaabtu tahay haa, Maxaynu uga warwaraynaa  dhuunigeena? Kuma lihi ka tag oo ha raadsan dhuunigaaga (IRSIQA), waan kugu dhiiri gelinayaa inaad geed gaaban iyo geed dheerba u fuusho sidii aad quruskaaga u soo dhacsan lahayd, se kama badsanaysdi intii qalinku kuu oqray. (Wax kasta sabab ayay u baahan yihiin)

Waxa jira fikir ay reer galbeedku u soo waaridaan wadamada itaalka daran ee Islaam ka ah, fikirkaas waxa loogu magic daray Qorshaha Qoyska (Family Plan), waana ka oo qoruhu si cad  aan ka gabasho lahayn u taageerayo, fikirkani wuxuu odhanayaa (Aabaha iyo Hooyadu waxay dhali karaan hal wiil iyo hal gabadh si ay ula dagaalamaan faqriga). Ogow akhriste Qorshaha Qoysku waa qasab wadamo badan oo ku yaalla bariga fog iyo galbeedkaba.

Intaanan kugu qancin ama kugula doonin heerka daciifnimo iyo maangaabnimada ku jirta fikirkan (Qorshaha Qoyska), aan kula wadaago hadalka ALLAAH, iyo Rasuulkiisa (NNKHA) kuna saabsan mawduucan. Aayadda 31 aad ee Suuradda Al-Israa, ALLAAH (SWT) wuxuu yidhi (Ha dilina ubadkiina idinkoo ka baqanaya faqri (Gaajo), Anagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba, dilkoodu (ubadka) waa gef aad u wayn). Aayaddan kariimka ahi waxay inoo sheegaysa inaan faqri dartii dhasha loo wax yeelayn Karin, taas macnaheeda waxa soo galaya inaan faqri dartii guurka laysaga dayn Karin, waxaana caddayn kuugu filan xadiiskii uu Rasuulku (NNKHA) uu macnahiisa guud ahaa (Haddaad faqri ka cabsataan guursada).

Dadka inta badan ku talax tagay fikirkan (Family Plan) ayaa ah kuwo u cuskada aqoonta maaddiga ah ee ku tacaluqda horumarka iyo la dagaalanka saboolnimada. Waxay aaminsan yihiin in badhaadhe la gaadhi karo oo kaliya haddii qof walba loo sii qoondeeyo sidii loo dabooli lahaa baahidiiisa, tan waxa lagu gaadhi karaa ayay aamineen keliya in la yareeyo dhasha. Si aan si fiican kuu fahamsiiyo, qoladani waxay aaminsanyihiin in aabaha iyo hooyadu dhalaan keliya intay quudin karaan. Su’aal ayaa imanaysaa markaas; Yaa wax quudin kara, ama quudiya? Jawaabtu waa ALLAAH, sidaas waxaa inoogu cad in aabbaha iyo hooyadu toona aanay waxba quudin Karin.

Cilmiga dhaqaalaha (Economics), qeybtiisa horumarinta dhaqaalaha (Economic Development) ayaa si fiican uga hadasha sida loo yarayn karo faqriga laguna gaadhi karo badhaadhe waara; waxaa jira aragtiinno (theories) badan oo ka hadlaya sida ugu fiican ee lagula dagaalami karo faqriga laguna gaadhi karo badhaadhe waara, aragtiinadaas intooda badani waxay isku raaceen in korodhka bulshado (Population Growth) ay tahay sees ka badhaadhe waara iyo yaraynta faqriga, waxaanad adigu ila qiraysaa in badinta guurka iyo dhasha ay yihiin keliya labada dariiqo ee ay ku iman karto korodhka bulsho (Population Growth). Waxa laga yaabaa in qoruhu ku dawakhay aragtiinnada faraha badan ee is burinaya ee arrintan ka hadlaya, ama aanu aqoon buuran u lahayn cilmiga dhaqaalaha. Si aynu fikir uga helno aaragtiinnada (Theories) noocan ah, aan idinla wadaago laba ka mid ah aragtiinadaas oo aad isaga soo horjeeda, dabadeed ta saxda u dhaw aynu doorano.

Classical theory: Aragtiinka (Theory) koowaad Waxa la yidhaahdaa (Classical theory), waxa markii ugu horeysay wax ka qoray Bare Sare Thomas Malthus, dadka qaarkoodna waxay u yaqaanaan (Malthusian Theory), dadka fikirkan aaminsan ama ku abtirsada oon aan filayo inuu qoruhu ku jirana waxaa la yidhaahdaa (Malthusians). Aragtiinakani waxay dhigaysaa; Haddii korodhka bulshadu siyaado, waxa yaraanaysa qaniimada ilaa ay gaadho heer ay u qaybsami waydo bulshadaa iyada ah, tani waxay sababaysaa faqri (Gaajo) iyo dib u dhac xagga horumarka ah. Si looga hortagana (korodhka Bulshada) waa in la xakameeya dhasha. (FIKIRKANI WAA MID AAD U GABOOBAY OO AAN HADDA SHAQYN)

Neoclassical Theory: Aragtiinka labaad waxa la yidhaahdaa (Neoclassical Theory), dadka calanka u sida waxa ugu horeeya Bare Sare Robert Solow. Bare Sare Solow iyo colkiisu waxay aaminsanyihiin in korodhka bulshadu door aad u muhiim ah ku leeyahay horumarka dhaqaale ee waddan ama bulsho. Waxay kaloo aaminsanyihiin in bulshada oo korodhaa ay qayb ka tahay helidda shaqaale jaban oo maalgeliyayaashu ka faa’idaystaan. (Akhriste ma is weydiisay sababta shirkadaha waawayn ee dunidu manta ugu guurayaan ama xarumo cusub uga furanayaan India iyo China.), qodobka labaad ee ay aaminsanyihiin inuu horseedi karo badhaadhe ayaa ah horumarinta tiknoolajiga.

Is barbardhiga labadan fikradood si aan ta saxda ah u qaadano: Hal qodob ayan rabaa inaan anigu kuu soo gudbiyo, inta kale se adaan kuu dhaafayaa akhriste. Korodhka bulshado ma yarayn kartaa qaniimada? Jawaabtu waa maya, sababtoo ah, marka bulshadu korodho waxa kordha fursadaha maalgashi iyo shaqooyin cusub, tani waxay sii kordhinaysaa qaniimadda, macnaha bulshada iyo qaniimadduba waxay u wada kordhayaan si wada socod ah (Direct Proportional). Sidaa darteed ma qaldanin haddaynu nidhaahno aragtiinlka Malthus maaha mid shaqyanaya casrigan.

   Guntii iyo gebo-gebodii, Shareecadeena suubban iyo aqoonta maaddiga ah labaduba waxay dhiirigelinayaan taranta badan iyo korodhka bulshada, sidaana waxa lagu gaadhi karaa guurka oo la badiyo. Sababta se reer galbeed ay uga qaylinayaan korodhka bulshadu waa arrin kale oo u baahan in lagaga hadlo maqaal kale.

Dhalinta wax baratay iyo tan aan waxbaranba waxaan kula talin lahaa taladii Rasuul keenii suubbana (NNKHA), ee ahayd “Midkiina awoodaya guurka ha guursado”, Welibana waxaan sii dhiiri gelinaya in ubad badan la dhalo anoo cuskanaya hadalkii rasuulkeena “Guursada oorida jacaylka badan ee dhasha badan”.

Waxaan ka xumahay in aan idiin qadhiidhay se aan jeclaa inaan wax badan ka qoro; sababtuna waa soomaalida oo aad u neceb qoraalada dhaadheer.

ALLAAH HA INAGA DHIGO KUWA KHAYRKA IS FARA XUMAHANA ISKA REEBA

Mr. Mustafa Ahmed Hassan (BAE, MEPP)
Mustafeh2@gmail.com

No comments: