Inta badan marka aan Internet galo waxa aan furaa degallada wararka lagu qoro, waliba kuwa Soomaalida. Mooyi in ay maanka iga addoonsadeen iyo mooyi in ay balwad iga tahay ee waan akhriyaa si kasta. Warbaahinta la iska arko iyo ta la iska maqlo iyo midda la akhriyo ee Soomaalida mar kasta waa lagu celceliyaa oo galdaloolooyin bulshada heeray baa ka buuxa. Taas na qof ba wax buu ku sheegaa sababta ama sababaha keena. Waxa se lagu soo ururin karaan laba sababood midkood ama wadartood. Waa midda koowaade’ aqoon darrida wariye ku sheeg indho adag oo aan warka hubsan ama u badheedhaba u been sheegidda dadka wax walba qaata ee aan hubsan ee Soomaalida isaga oo quud yar ama qabiil ku gata sharaftiisa saxafinnimo. Waa midda labaad e’ markii bulshada aqoon yahankeeda tirada yari kala masuugay daacadnimada iyo daadifaynta kuwa liita ee wararka liita sheega ayey isu rogeen cakiska oo ay noqdeen kuwa bulshada ugu cadcad ee loogu jecelyahay saxafi ku sheeggu! Isku darka labadaas sababood ayey tahay in aynu eersanno.
Waa mid ka mid ah ceebaha saxaafaddeenna dul hoganaya ee hareer walba ka tuulan, waxa se iga cudur daar ah in ay jiraan in kooban oo bed qabta oo bogaadin innaga mudan oo saxaafadda ah.
Subax dhawayd aniga oo akhriyaya mareeg ka mid ah kuwa aan aalaa akhriyo ayey ishaydu ku dhacday cinwaan aniga si gaar ah ii soo jiitay. Waxa uu u dhignaa sidan“Kulankii la filayey in uu dhex maro hebel iyo hebel oo dib u dhacay, akhriso sababta”. Hebelladu waa kuwo masuuliyiin sarsare ah oo meeqaam sare leh. Waan u oommanaa in aan akhriyo sababta uu kulankoodaasi u baaqday. Sababtii la igu yidhi akhriso ayaan soo raacay, oo warkii oo faahfaahsan baan doontay. Markiiba aaraar badan iyo kulankaasi cidda uu dhexmarayo oo la yaqaan oo aan xiiso loo qabin ayaan dhex qaaday. Waan se iska akhriyey maadaama aan rabo in aan ogaado sababta. Wali qoraalkii ayaan akhriyayey,… wax aan macno badan lahayn oo aan cinwaankii xidhiidh ba la lahyn ayaan wali akhriyayey. Gabagabdii qoraalka ayaan soo gaadhay aniga oo wali rajo ka qaba in aan sababtaas kulanka dib dhigtay helo. Laakiin wali qoraalkii ayaan akhriyayey oo wali sababtii maan helin.
Sadarkii u dambeeyay ee wixii aan akhriyayey waxa uu u dhignaa sidan “Kulankan oo ay ahayd in uu xalay qabsoomo, ayaan ilaa hadda la garanayn sababta keentay in uu dib u dhaco.” Joogsi ayaa ba ku xigay. Qoraalkiina wuu dhammaaday! Anigaa ayaa naftayda ku canaantay in aanan si fiican u akhriyin. Runtii waan doonayey warkan in aan helo waayo xiise gaar ah ayuu ii lahaa. Dabadeed dib ayaan u bilaabay qoraalkii aniga oo aad ugu fiirsanaya oo akhriyaya xataa “Laymanka dhexdooda”. Laakiin waxa uu ahaa qoraalkii hore ee aan sababta ka dhex waayay uun. Markaas ayaan garwaaqsaday in aan sabab la rabin in la ii sheego, se la rabay uun in waqtiga la iga lumiyo oo been la ii sheego iyo in aan u furo boggaas la igu luggooyay. Waxa ay dhacdadaasi i xasuusisay tobannaan hore oo marar hore degello iyo wargaysyo hore cinwaanno u ahaa oo aan ka dhex waayay wixii cinwaanka warka lagu sheegayayey!
Haddaba maxay tahay sababta keenta arrintan ee ay u soo noqnoqotaa? Waxay dadka qaar yidhaahdeen waa uun in dadka wax akhrisanaya indhohooda lagu soo jiito si uu warkaasi uga iibsamo cidda qortay, waana runtood. Laakiin kuwa sidaas sameynayaa miyaanay ogayn in lagu nacayo oo loo aqoonsanayo wargayska/mareegta“ beenaalayaasha” iska daa in dad jeclaadaan oo soo doontaane’?! Kuwaas iyo kuwo kale ee badan ee mareeg wareed reereedyada ahi miyaanay ogayn in ay qayb ka yihiin biraynta karaamada bulshada iyo gunayntooda?
Qoraalkii beenta ahaa ayaa wali maskaxdayda ku sii sawiran, waxa aan wali raadinayaa sababtii kulankaas dib dhigtaye, kulan dambe.
Sababtii Meeday?!
W/Q, Saddaam Xuseen Carab
saddamcarab@gmail.com
No comments:
Post a Comment