" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: May ogaan caawa ka hor! - W.Q: Muna Axmed Cumar

Sunday, August 11, 2013

May ogaan caawa ka hor! - W.Q: Muna Axmed Cumar

May  ogayn markii uu haasaawaha guurkoodu u socday, isna wuu ogaa in aanay  sirtan iibiyaha ka gadda mooyee cid kale ogayn, wuu hubay in aanay ogaan doonin, siduu filaayay ayaaba dhacday oo caawaba waa habeenkii aqal galkooda. Guri aad u wayn oo ku yaala magaalada ayuu ka dhacay aqal galkoodu, farxad, damaashaad iyo mushxarad ayay ku kala dareereen labadii qoys ee habeenkaa lagu soo casuumay xaflada aqal galkooda.

Dugsiga sare ayay ku jirtay maalintii u horaysay ee ay is barteen, isna barigaa meel ayuu si ku meel gaadh ah uga shaqayn jiray, markayse dhamaysay  isna shaqo tii hore ka fiican helay ayay go’aansadeen in ay is guursadaan. Dabeecadiisa iyo dhaqan wanaagiisu waa ta soo jiidatay, ta labaad reer aad u fiican ayuu ka soo jeeday taas ayaana siisay kalsoonida ugu baddan ee ay ku qabtay.

Farxad, kalgacal, iyo dhoolacadayn joogto ah ayaa gurigii hadheeyay. Waxay ku noolaayeen nolol aan is maqal iyo kala danbayn dhaafsiisnayn, kuna kooban isku soo hillow marka la kala maqan yahay iyo farxad marka la wada joogo . Maalinba maalinta ka danbaysa waxa siyaadayay farxadooda iyo raynrayntooda. Kadib marka uu shaqada ka yimaado inta badan guriga ayuu joogi jiray marka laga reebo habeenkii oo uu mar yar bixi jiray taas oo dhawr cisho markay waydiisay halka uu tago uu ku jawaabay in ay wiil ay saaxiibo yihiin u tagayo. Arrintan caado ayay u noqotay habeen kasta xiligaas marka ay gaadho wuu yar baxaa soona noqdaa saacad a ma laba saac ka dib, habeenada qaar wuu ku raagaa oo goor uu soo hoydaba ma ogaato.

Shaki ayaa galay, werwer ayay ka fadhiyi wayday habeen walba, murugo iyo cidhiidhi ayay dareentay mar kasta oo ay waydiisana isla jawaabii ayuu siiyaaa “Asxaabtayda ayaan u tagaa, oo aan arrimo ka wada hadalnaa shaqada ah!”

Habeenadan danbe aad buu ugu dheeraada maqnaanshihiisa, marka uu soo noqdana qaylo iyo gacan ku dirir ayuu ku bilaabaa iyada!.

Dilmo ayaa u noqotay joogto iyo wax ay habeen walba sugto, way adkaysan kari wayday una qaadan la’dahay sida uu isku badalay, qof naxairis badan ayay ku ogayd ma garanayso goorta uu ma naxaanka noqday, wuu jeclaan jiray ma garanayso goor ay cadaw u noqotay!.  

Farxadii iyo raynrayntii murugo iyo illin joogto ah ayay isku badashay.

Caawa waxay go’aansatay in ay  ogaato bal halka uu tago habeen walba, markii uu albaabka ka baxay ayay ka daba baxday waxa uu kaxaystay baabuurkiisii isla markiiba way daba dhaqaaqday maba uu fogaan ee meel guriga agtiisa ah ayuu ka leexday istaagay, inta uu ka soo dagay ayuu furay khaanada danbe ee gaadhiga kalana soo baxay wax u eg dhalo, inta uu furka ka jaray ayuu isku qabtay ilaa uu dhibic qoyan u diiday quraaradii. Inta uu ku celiyay gaadhigii ayuu fuulay baabuurkii oo kaxeeyay, oo wadada qabsaday.

Naxdin ayay dhaqaaqi kari wayday, u qaadan waa ayaa ku dhacay, imika ayay fahantay sababta habeen walba marka uu baxo u soo hoydo isagoo dhallan roggan, sababta marka ay albaabka ka furtaba uu dhirbaaxo ugu salaamo cayna u raaciyo.

 Nasiib darro ayaa haleeshay, waxa ay caloosha ku sidaa ilmihii u horeeyay ‘curradkoodii’, ilmo fara badan ayaa indhaheeda ka soo daadatay waxay quus ka istaagtay la noolaanshihiisa danbe, way soo luuday oo iska timid hoygeedii, mise isagii oo qayladiisa jaarkii oo dhami isku soo baxeen ayaa hortaagan irrida guriga. Way naxday markay aragtay xaalada uu ku sugan yahay degdeg ayay xagiisa ugu soo dhaqaaqday iskuna dayday in ay galiso guriga oo ceebtiisa qariso balse mabuu sugine markuu indhaha ka qaaday ayuu feedh ku bilaabay, laagna u raaciyay, way dawakhday oo odhulka ayay ku dhacday.

Subixii danbeayay baraarugtay iyada oo dhaqtarka jiifta hooyadeed oo ooyaysaana kor taagan tahay, isla markiiba waxa u soo galay dhaqtarkii oo u sheegay in ilmihii ay caloosha ku siday dhintay!. Isaguse war iyo wacaal kama hayo xaalada ay ku sugan tahay.

Qoyskaasi waa qoys soomaaliyeed , muxuu noqon karaa mustaqbalkoodu, noloshooda danbena mid noocee ah ayay noqon doontaa?!!.


Allaa mahad leh
Muna  Axmed Cumar


No comments: