Habeenkii sabtidu soo galaysay todobaadkan ayaan Hargeysa kaga qayb gallay bandhig lagu soo bandhigayey riwaayad magaceedu ahaa “Hiil baan u baahnahay”. Yaasmiin Maxamed Kaahin hal-abuuraha riwaayaddu ka sokow in ay gabadh waliba dhalinyarro ah tahay, waxaan riwaayadaa ay curisey ku sii jeclaystey sida fariinta dhumucda weyn, ee qaylo dhaanta xoogan xambaarsan ay muddada kooban ee saacadda ka yar ugu jaangoysay. Yaasmiin waxay indhaheena soo horjoojisay, oo ay dhagaheena habeenkaa maqashiisay cid hiil u baahan; maya cid maaha, qof iyo qofafna maaha, gobol iyo geyina maaha ee waa afkii bulsho lahayd. Bulshadeena afkoodii oo cod liita oo dirqi dhuunta u soo dhaafaya isagoo halkan galgalanaya inagu leh Hiil baan u baahnahay, oo waliba kuwa uu hiilka ka dalbanayaa sii haraatinayaan. Waxay ahayd masrixiyad intii joogtey dareensiisey sakaraadka afkeenu ku sugan yahay, anigana si gaara muddo maskaxdayda uga sii dhex guuxeysay. Anigoon u holan inaan masrixiyadaa siday ahayd idiin soo min guuriyo, oo Qoraageena Saddaam Xuseen Carab uu sawir iyo faalo ina deeqday inaga siiyey habeenkaa iyo hiilkii Afkeenu dalbanayey, aan isku dayo inaan si dhaw farta ugu fiiqo cidda hiilka inay bilowdo laga rabo.
Halkan ka akhri qoraalka Saddaam (https://www.facebook.com/notes/saddam-carab/falanqayn-masrixiyadda-hiil-baan-u-baahnahay/623184861049025)
Afkeenu in uu sursuur oodan iyo geylan ba ku jirro una baahan yahay hiil way muuqatay, in loo hiiliyana in badan waa lagu qayliyey oo ilaa imikana qaylo dhaantu wey socota, haba ugu dambayso masrixiyaddan ay Yaasmiin hal-abuurtaye. In qaylo dhaantaas ay ka jawaabaan oo hiil hagar la,aana ay la garrab istaagaan Afkooda, si guud bulshadii ka awoow ka awoow soo adeegsan jirtey, ee aqoonta iyo dhacdooyinka jiil ba jiil ugu soo gudbin jirey, ee uu sumadooda ahaa ayuu waajib ka saaran yahay. Si gaarana hogaamiyayaasha siyaasadeeda, kuwa dhaqan iyo kuwa aqooneed ee bulshada ayuu waajib uga saaran yahay ka fal celinta khatarta Afka soomaligu ugu jirro in uu dabargo’o.
Xilligan aynu joogno ee miyigu ka baxay in uu sii ahaado saldhiga nolosha bulshadeena, ee magaalooyinku nolosha xudun u noqdeen, waxay awood balaadhan siisey kaalinta siyaasigu ku leeyahay jihaynta bulshadda ee dhinaca horumarka ama dib u dhaca. Haddii awal hogaamiye dhaqameed ama wadaadka diintu lahaa saamaynta ugu balaadhan ama masuuliyadda ugu weyn ee hogaaminta bulshadda, imika kaalintaas waxa door weyn ka ciyaara hogaamiye siyaasadeedka. Marka ay sidaas tahayna in ay ka jawaabaan khatarta Afkeenu ku sugan yahay waxay marka koowad waajib ku tahay hogaanka Siyaasadda ee bulshadda, kuwaasoo laga rabbo in ay dhago fiiqfiiqan ku maqlaan hadalka iyo taaha isku ladhan ee Afkii somaliga oo sakaraadka ah, dirqiga uga soo baxaysa.
Dhinaca kale xeerarka iyo sharciyadda bulshooyinku dhigtaan si hogaaminta uu siyaasigu hogaaminayo dhabadda ay marayso laysula ogaado waxa ugu sareeya dastuurka bulshadaasi leedahay, kaasoo ah ka cid kasta oo bulshadaa qoratey ka tirsan waxa ay xaq u leedahay iyo waxa xaq loogu leeyahay qeexa. Qodobadda dastuurkaasi ka kooban yahay oo ah tiirarka kor u haya in aanay jabin waxa ilaaliya, tahayna in ay eegmo dhaw ku eegaan waa bulshadaas marka hore qoratey iyo hogaamiyaha u dhaartey in wixii lagu heshiiyey uu dadkiisa ku hogaamiyo.
Dalkeena Somaliland oo af-somaligaa dabar go,iisa laga dardaar warinayaa yahay kan sida rasmiga ah uu kaalinta koowaad ee afafka dalka laga adeegsado uu dastuurku ugu qeexay, sida ku cad qodobka 6aad, oo si cad u odhanaya “Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; ……”. Ayaa jabintiisa iyo baal marista inta hogaanka siyaasadda ee ilaalintiisu khusaysay ay jabiyaan ama lagu hoos jabiyaa. Qodobkaas dhan ee la jabiyey ama markasta la jabiyaa cid u damqata ama u hiilisaa ma jirto, hiil la,aanta Afka uu tilmaamayaa ku sugan yahay ayaa qodobkaa dastuuriga ahina ku sugan yahay. Waliba maxkamaddaha inoo samaysay, xeerka ilaalintiisa inta ku magacaaban, siyaasiga mucaaradka ah iyo saxafigeena diiradda weyn in uu sharciga ku ilaaliyo isku tilmaamaa, midna ma arkaan qodobkaas jabintiisu caadiga noqotey.
Marka aad gegida duyuurada ka soo degto ayey indhahaagu qabanayaan Af-ingiriisi si farshaxan leh far waaweyn lagu xardhey iyo af-somaligii oo si bayhoofa xagga hoose kaga naban. Marka aad magaaladda u soo dhaqaaqdona xarumaha dawladda, dugsiyadda iyo meheradaha suuqa ayaa iyana ciseyn tii garoonka diyaaradda la mida inta ay siiyaan Af-qalaad, kii Af-somaliga ahaa, hadiiba la xasuusto isagoo darranyo ka muuqato si darran meel lagu xardhaa. Masuulka inala hadlaya iyo inaga laftigeenuna waynagaa af-somali kuwo qalaad lagu qasay, oo wax siloon u eeg, inagoo aqoon iyo ilbaxnimo isbideyna halkan iyo halkaa tororogta kaga gurna. Dalka oo dhanna sidaasuu afku ugu balanbalsan yahay, loogana dhaayo iyo dhugmo laayahay baal maridda dastuurkii lagu heshiiyey iyo qodobka hiil la,aanta ugu dhex jirra gudihiisa.
Kaalinta siyaasiga, oo fiiro dheeridda saxafiga saxidda iyo dhabadda toosan ku ilaalinta u dabran, lagu ladhay, waa awooda bulsho qalooca ka saarta ama khatar ku soo waajahan gufaysa. Afka dabar go’iisuna waa god-galka bulshadiisa uu sumadda u yahay, waaba khatarta weyn ee bulsho dib u dhac ku keenta iyo qalab ka mida kuwa loo adeegsado si loo tirtirro umad gumaadkeeda loo biyaystey. Bulshadeena Afkoodii dhimashadda ku dhaw yahay ee hiilka loo dalbayaana waa hubaal inay dabargo’o afka u saaran tahay. Khatartaa inay inagaga guntadaan waxay si dhaw waajib saaran u tahay masuuliyiinta hogaaminteena u dhaarsan, ee waiba dastuurkii ilaalintiisa la farrey iyagu jabiya ama lagu hoos jabiyo.
Saxafigeena iyo siyaasiga mucaaradka ah ee ilaalinta sharciga in ay diirrad weyn ku eegaan inoo sheegta ayaa iyana marka koowaad ay tahay inay iska tuurraan diiradda daloosha ee qodobadda qaar la jabiyo aan lagu arag, oo ilaalinta qodobadda dastuurka iyo shuruucda aynu ku heshiinay ilaalintooda ay daacad ka wada ahaadaan.
Hiilka Af-soomaliga si guud bulshadeena dhamaan hadhaw dhimashadiisa u dhutin doonta ama u dhiman doonta ayey tahay in ay sida taban ugu jawaabaan. Si gaara hogaamiyaha iyo hogaamiyayaasha siyaasadda ee bulshadda ayey tahay ina hiil iyo hooba la garab istaagaan Afkeena sakaraadka ah oo ay waliba dareemaan in dabargo’a afka iyo dhimashadda bulshadu kuwa si wayn isku khuseeya yihiin. Bilaabidda hiilka ee hogaanku waa awood si xoogan garrab dhulka ka soo hinjiya Afkeena sakaraadka la jiifa noqon karta.
Gabo-gabadii waxaan halkan hambalyo iyo mahadnaq balaadhan oo is huwan u marinayaa Yaasmiin Maxamed Kaahin; hal-abuurihii curisey riwaayadaa “Hiil baan u baahnahay” iyo intii la abaabushay kana caawisay in masrixiyadeedii xiisaha iyo qaylo dhaanta xoogan xambaarsanayd na soo gaadho. Waxaan Illaahay ka baryayaa in ay rumowdo rajadii Yaasmiin xaga dambe ka muujisay in Afkii dhulka jiifay ee markii dambe xitaa juuqda gabey uu helay cid u gargaarta, oo afkeena somaliga ee dabargo’iisa laga dardaar warinayaa helo cid u hiilisa.
Dhamaad
Qallinkii:-Maxamed Ibraahim Maxamuud “Cirro”
Email:-M.cirro1@hotmail.com
No comments:
Post a Comment