" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Muhannad miyuu ila qabaa marwadayda? - W.Q: Saddaam Xuseen Carab

Sunday, August 25, 2013

Muhannad miyuu ila qabaa marwadayda? - W.Q: Saddaam Xuseen Carab

Ha iska daallanaado se kuma faraxsana halka uu u rawaxayo xilligan, daal kale iyo buuq kale ayuun baa u sii yaalla meel baasta awooddeedii laga xayuubiyey ee aanu yeelid iyo diidmo midna ku hayn. Laakiin haddana way hurran tahay oo waa iska yimaaddaa habeen kasta. Oo halkee oo kale ayuu tagi lahaa ba?! Waa sagaalkii cawaysnimo oo dhowdhow marka uu saacaddii eegay. Wallaahi waaba goortii ay balaayadu heeryada dhigan jirtay hoygaagii, “tolow ma iska joogtaa” ayuu isleeyahay?  Haddii uu joogo waxba kama dhinmayaan dhibaatada ka oogan laabtiisa, haddii uu tagana waa tii uun iyo tu ka sii daran. Saaka lixdii subaxnimo ayuu ka soo kallahay halkan uu ka baqayo in uu hoydo, sida uu aroortii u hawl yaryahay gurigu uma hawl yara habeenkii! Waayo balaayaa ku soo hoyata habeenkii meel baasta; musalsal ayaa naftii ilaahay gashaday u keenay oo uu khaati ka taagan yahay!

Wuxuu garanayaa habeenno uu arrinkan kala hadlay ooridiisa iyo wixii ka dhacay meeshaas. Waxay u ahayd saddex sano ka hor aragtida iyo maqalka weedha “Musalsal”, waxa kale oo gurigiisa Shaashad la daawado ugu horraysay laba sano ka hor. Maba uu aqoon oo danyar muruq maal ah ayuu ahaa ilaa haddana uu yahay, laakiin badbaadada reerkiisa ayaa noqotay keenidda Shaashad laga daawado Musasal, taas oo aakhirkii hakisay kala kac wayn oo dhici lahaa. Waxa maankiisa aan ka maqnayn habeenno aad ugu adkaa, habeennada uu isleeyahay cirrada ku soo badatay waa barigay ku baratay. Wuxuu xasuustaa habeenkii uu guriga soo galay isaga oo albaabku ballaqanyahay Dalaq! Inta uu yeedh yeedhay cidiba juuq u celin wayday, oo yaa joogay ba horta. Mise qol walba waa uu galay, wallaahi waa cidla. Dabadeed waa uu warwaray oo u warwaray waxa reerkii oo dhan dareersaday! Tolow ma la xidhxidhay oo caawa jeelkaa lagu cabbeeyay? Oo maxay sameeyeen tolow ha la xidhxidho ba’e. Mayee armoo loo soo sheegay balaayo oo ay ku wada yaaceen? Ayuu ku fikiray daqiiqadihii koobnaa ee guriga madhan sanqadha kabihiisu ka jaqaf lahayd. Mise waxyar ka dib ayaaba iyaga oo susumayaa soo galeen, hooyadood oo soo daba jaqaf leh ayaa iyana soo gashay! Waxay lahaayeen “Alla meel xun buu ku dhammaaday”!! waxa ilbidhiqsiyo ka dib beenoobay fikirkii iyo warwarkii uu ka qabay halka ay ku maqnaayeen, waxaanu isku baddalay xayraan iyo xanaaq aad u kulul oo keenay in jaarku arrintii ogaado! Waayo waxa uu marnaba maankiisa liqsiin waayey in islaantiisa iyo labada caruur ahiba ku maqnaayeen guriga jaarka oo ka daawanayeen filim musaal ah! Haa ay daawanayeen Musasal.. Filim Musasal ah!! Habeenkaa buuqii iyo balayadii reerkaa ka dhex dhacday waa la ogaa, waxa kale oo la ogaa in xalkii ka fursan waayey in gabadhu daawato Musasal laakiin ku daawato Gurigeeda, oo la keeno Shaashad laga daawado Musasalka!!! Habeennadaas iyo kuwa kaleba waxay ku jiraan qaybta kaydka ee maskaxdiisaa, marka uu cidloodo ayuu dib u daalacdaa laakiin way qayiraan dareenkiisa oo inta badan ma jecla!

Waayadii hore gabadhiisu aad bay daryeeli jirtay oo u danayn jirtay, baryahan dambe se mooyi! Canaad iyo camal xumaan bay la soo baxday. Sidii loo bartay daawashada aflaamtan sax lama aha. Hadallo taagtaagan iyo wax kale oo aan qurux badanyn oo aanu jeclayn ayuu ka arkay duqdiisa oo uu la dhakofaarsanayhay! Isaga oo marka horeba hinaasihiisu xad dhaaf ahaa, ayaa dhowr habeen looga sheekeeyey hebello aanu aqoon oo Musalsalka ku jira iyo sida quruxda badan ee ay u labistaan iyo mararka qaar sida ay dumarkooda ula dhaqmaan! Waxa kale oo looga sheekayey nolosha heerka sare ah ee ay ku noolyihiin qoysaskaas musalsalku, dabadeedna waxa uu garan waayey in uu riyoonayo iyo in run loogu sheekaynayo! Waxa kale uu xasuustaa maalmo laga dayn waayey soo ibinta dhar aanu aqoon laakiin ay gabadhiisu aad u xiisaynaysay oo ay u diratay. Wax badan ayey ku celcelisay in ay rabto in uu dharkaas u keeno, aakhirkiina waa la yeelay sidii ay rabtay iyadu. Laakiin mar dambe ayaa la ogaaday in dharkuba yihiin kuwa musalsalku xidhaan! Oo heedhe Shaashaddani hawl badanaa, waxan oo idil ma iyadaa laga arkaa? Laakiin haddii laga arko lafteeda maxaa keena in sidan loogu mamo oo lafta iyo dhuuxa ay dadka uga dhex qaadaan! Iga walle lagaagama horrayn Bahashaas yar ee madow ee dhalaalaysa ee musalsalka Laga daawado!

Caawa wuxuu soo galay qolkii shaashad baastu taallay, waxa hor fadhiyey islaantiisii, laba ay dhashay iyo dumaashidii. Hore ayuu u soo socday isaga oo fiirinaya shaashaddii. Waxa dhex fadhida gabad cas, timeheeda madmadow ay dabayshu hadba dhinac u lulayso. Waxay xidhantahay goono ugu joogta bawdyahay iyo garan yar oo xundhurta dusheeda ku eeg, laabteeduna waa “Daalacan”. Waa uu yaabay! Ma waxan ayaa meesha laga daawadaa ayuu is leeyhay. Isaga oo wali fiirinaya shaashaddii ayaa haddana gabadhii meesha fadhiday waxa halkaas kaga soo baxay nin lafwayn oo aad u sandheer. Waa uu qoslayey qiyaastiina malaha waa kii ay sugaysay. Markiiba waa uu soo dul istaagay iyaduna waa ay u istaagtay dabadeedna la isku dhegay oo laabta la is gashaday, oo saw kuwa is dhunkaday maaha!! Dhunkashado waa sahaalee maxay.. mise afkaabay iskula jiraan.. afku idin go’ wallaahi wali way iskula jiraan!! Dabadeed boqol iyo jarjar su’aalood ayaa u soo baratamay maankiisa.. oo ma waxan ayaa meesha lagu daawadaa oo ubadkaaga la daawadsiiyaa habeen kasta? Ma waxa baa musalsalka laguu sheegayay ee xaafadaha loogu wareegi jiray? Ma waxan baa wuxu..?  Naxdin ayaanay naftu ka bixin uun. Isaga, ooridiisii, dumaashidii iyo labadiisii dhalood ee meeesha ku sugnaanaa waa ay is eegeen oo afkoodii juuqda gabay… Habeenkaas ayaa shaashaddii uu guriga ka haajiriyey, laakiin doodo badan oo hor leh ayaa ka dhashay, ku waas oo keeni gaadhay in reerku dumo oo la kala tago. Aakhrikii se waxa uu kaga gar helay habeenkan wixii uu arkay ee la wada arkay, waxa la isla waafaqay in aanay ahayn wax la daysto oo ay tahay wax dhaqan bi’in ah.

Maalintii iyo intii ka dambaysay waxa uu ka dareemay guriga is baddal hor le oo isa soo tarayey iyo ka ladnaasho balwadeed iyaga oo u e’kaa kuwo miyirkoodii ku soo laabanayo oo kale. Waxa kale oo xaaladdu ku soo laabanaysay sida maalmo xusuustiisa waa hore ku jiray oo la isku ahaa “ul iyo diirkeed”. Habeenkii iyo maalintiibana hadda waa uu u xiisoodaa imaatinka guriga oo fiid cawlkaba guriga ayuu ku soo xaroodaa sida digaagga! Wax aan la dayn karin ama la baran karin ma jiraan ayuu dhab ahaan u aamminay. Laakiin waxa uu ogyahay rag badan oo kale oo ku jira xaaladdii uu ku jiray baryaha qaar ee lagu iimaan la’aa daawashada musasalka, waxa uu ogyahay sida ay uga qaadeen faraha ee qaarkood la baray ba daawashada musasalka! Waxa uu ka fikiriyaa in ay ogaan lahaayeen in ay tahay balwad la joojin karo musasalku, waxa kale oo uu ka fikirayaa in ay kuwaasi ogaan lahaayeen sida uu isaguba musasalkii uga raystay, ooridiisii uga raysatay ubadkiisiina uga raysteen! Haa kuwaasiba waa ay iska dayn kari lahaayeen oo ka raysan lahaayeen sidiina oo kale ayuu yaqiinsanyahay. Laakiin yaa u sheega?

Qalinkii: Saddaam Xuseen Carab
Hargeisa, Somaliland

© ALIF
F.G: Qoraalkan waxa markii u horraysay uu ku soo baxay, Wargayska ALIF – Tirsiga Labaad Gu’a Afraad. Ururka Qoraaga Somaliland.


No comments: