" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Cudur cusub oo dilaa ah oo ka dillaacay dunida! - W.Q: Ibraahim Sh. Axmed (Madar Wacays)

Wednesday, August 7, 2013

Cudur cusub oo dilaa ah oo ka dillaacay dunida! - W.Q: Ibraahim Sh. Axmed (Madar Wacays)

Akhriste waxaan jeclaystay inaan kuusoo gudbiyo qormo kooban oo ka hadlaysa  cudur dhawaan kusoo biiray dunida, gaar ahaan dalalka carabta ee aynu ood wadaag leenahay.  Akhriste waa Qoraal kooban oo kasoo dheehay  Haaayad caalamiga ah ee ka shaqaysa Arimaha Caafimaad ee magaceed marka lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO (World Health Organization).

Haddaba, hadii aynu nahay Bulshada soomaalida ah eek u baahday Dacalada dunida ay ka mid yihiin dalalka uu saameeyay dilaagan cusub maxaa inala gudboo.  Waa talooyin kooban aan isleeyahay Bulshada deena waxbay u tari doonaan inshaa allah.





WARBIXIN GUUD:
Si sax wali looma heli wax yaabaha uu ka dhasho cudurkani ama sababay laakiin sababayaal aan wali si buuxda loo xaqiijin ayaa ah  Qoys virus ah oo loo yaqaano CORONAVIRUS kasi oo asal ahaa ku dhaca shimbirta habeenkii duusha ee afka qalaad lagu yidhaahdo (Bats) Afkeena hooyana lagu yidhaahdo FIID MEERTA.
Markay taariikhdu ahayd 24 September 2012 markii ugu horaysay lasoo wariyay inuu DOCOR  Kasoo jeeda dalka masar oo magaciisa la yidhaahdo Dr. Ali Mohamed  Zaki  oo ku takhasusay baadhistiisa Virus(FAYRUSKA),  oo ka wakhtigaasi ka shaqaynayay Hospital ku  yaala sucuudiga uu helay ama ogaaday cudurkan. waxa uu Dr. Zaki markii u horaysa kula kulmay Bukaani sucuudiyaan kasoo lahaa Kalyaha oo fadhiiisatay ama shaqada jooojiyay iyo Sambada oo inta badan shaqada joojiyay, kaasi oo ku sameeyay baadhis oo ku ogaaday  cudurkani Dilaaga ahi. Wakhtigaasi may cadayn cudurkani inuu yahay mid cusub iyo kale laakiin waxaa uu Dr.Zaki  Boga Internet ka ku leeyahay dabaacay  xiligaasi inuu ka shikiyay cudurkani inuu yahay FAYRAS  cusub oo laakin is matalaan ama isku dhawyihiin cuduradii hore eek u dhaci jiray bini aadam gaar ahaan  qaybaha Dhiska Neefsashada.

Urur caalami  oo ka shaqeeya baadhista iyio daba gal ka cudurada FAYRASKA ah ee loo yaqaano  The Corona virus Study Group (CSG) of International Committee on Taxonomy of Virus, oo soo dhiraan dhiriyay cudurkan magac bixintiisii  Bishii May 2013 Ugu  magac daray MERS CORONOVIRUS(Middle East Respiratory coronovirus ) iyagoo xaqiijiyay inuu yahay cudur halis aadamaha oo kusoo kordhay caalamka aynu ku noolahay.

 DALALKEEBUU KA DHACAY FAYRUSKANI

Sida ka kaaga muuqata cudurka magaciisa Waxa uu cudurkan inta badan saameeya dadlaka bariga dhexe Gaar ahaan Boqortooyada sucuudi carabiyo, sidoo kale waxa uu iyana sameeyay dalal kale oo Yurubta ku yaalba. Wali lama soo warin dal America ah iyo  African marka laga reebo Tunisia oo laga helayl labao qof oo ku dhacay .  Sida la ogyahay 75 qof oo aduunka oo dhan  ayuu ku dhacay, kala badh dadkaasi way u geeriyoodeen cudurkan awgii.

Dalalka
Inta qof ee uu ku dhacay  (Inta u dhimatay)
France
             2                                     (1)
Italy
             3                                     (0)
Jordan
             2                                     (2)
Qatar
             2                                     (0)
Saudi Arabia
             62                                  (36)
Tunisia
             2                                     (0)
United Kingdom (UK)
             3                                     (2)
United Arab Emirates (UAE)
             1                                     (1)
Total
            77                                    (42)
CALAAMADAHA UU QOFKU ISKU ARKO HADII UU SAAMEEYO CUDURKANI

Badanaaba dadka uu saameyo cudurkan( MERS-CoV)  waxay isku arkaan sidii macno hargab oo kale, XUMAD badan iyo QUFAC aad iyo aad ubadan , Iyo NAQASKA ( NEEFTA) oo xoog kuugu dhagta,  Hadaba hadiiba aad akhriste u safarto dalka sacuudiga iyo dalalka kale ee aan kor kusoo xusay, caalmadahana aad isku aragto Afar iyo Toban cisho gudahood (14 days) si dag dag ah ula xidhiidh, Goob caafimaad. Sidoo kale cudurkani waxa uu wax yeeleeyaa hadii si deg deg ah loo dawaynwaayo, Kalyaha iyo sambabada waa sida Dhakhaatiirtu soo wariyeene.

QAAB NOO CEE AH AYUU CUDURKANI U FAAFAA?

Akhriste FAYRASKANI waxaa la soo wariyay inuu yahay cudurada faafa(communicable disease), inkastoo culumada baadhay cudurka ayna wali si qeexan u soo baayimin, qaabka la iskugu gudbiyo hadana waxaay Hayada WHO qoraysaa in shaqaale caafimaad oo sucuudiyaan ahi ka qaadeen cudurkan dad bukaan ah lasoo dhigay hospital kii ay ka shaqaynayeen, Taasi waxay inoo sheegay saa in lagu kala qaadi karo Close contact (xiidhiidhka dhaw)iyadoo wali dalal badan oo ay ka mid yihiib UK, Jordan, France, Tunisia, iyo Italy wali baadhayaan qaaba la isku gudbiyo.

FAYRASKANI MA LEEYAHAY WAX TALAAL AH OO LAGAGA HORTAGO?

Akhriste jawaabtu waa maya, hase yeeshee culumada ka shaqaysa hayada caalamiga ah ee xadida ama yaraysa cudurada faafa ee magaceeda la yidhaahdo CDC (communicable disease control) waxay soo warinayaan inay wali ka doodayaan sida ugu macquulsan ee loogu heli karo Vaccine( Talaal)

DAWO MA LEEYAHAY FAYRASKANI ??

Jawaabtu waa Maya malaha Dawo FAYRASKAN u gaar ah, laakiin bukaanka waxaa la siiyaa caawimaad dag dag ah kaasi ah in Oxygen lagu Rakibo qofka iyo in la siiyo dawooyin ka dajiya calaamadaha qofka kasoo if baxa bukaanka ee aan kor kusoo sheegay.

 MA U SAFRI KARTAA WADAMADA LA SHEEGAY INUU KU BADAN YAHAY CUDURKANI?

Akhriste culumada ka shaqaysa haayada caalamiga ah ee caafimaad ka aduunka waxay sheegay  inuunu jirin  wali Travel warning( Khatar khatar xaga ah) oo wadamada uu ka soo ifbaxay cudurkani ah laakiin waxay warinayaa digniin ah inuu qofku hadii u tagaba inuu ka war hayo Nadaafadiisa iyo caafimaadkiisaba oo hadii uu la kulmo calaamadahan, XUMADA BADAN, QUFAC BADAN, NAQASKA OO KUGU XOOG U DHAGA, Safar na aad ku joogto dalalkaa ama aad dhawaan kasoo laaabatay, si deg deg ah ula xidhiidh goobta caafimaad ee kuugu dhow una sheeg safarkaagii.

QAAB NOOCEE AH AYAAD NAFTAADA IYO EHELKAABA UGA BAD BAADIN KARTAA?

Akhriste hadiiba aad tahay dadka ku nool ama socdaali doona dalalka bariga dhexe gaar ahaan sucuudiga oo xiliyadan oo kale  bisha ramdaan muslimiintu utagaan inay kusoo soomaan, ama xiliga xajka loo tago lasoo guto waajibaadkii ilahay, waa inaad isku daydaa inaad ka bad baadin karto naftaada ilaahay baa wax bad baadiyee intii awoodaada ah, Viruska dilaaga ah, Adigoo adeegsanaya, sida tan,

Gacmahaaga ku maydh biyo iyo saabuun markasta oo aad wax cunayso iyo wakhti kastaba, sidoo kale caruurtaada iyo walidkaaga da’a da ahba uga caawi inay gacmahooda saabuun ku dhaqaan. Hadii aanad saabuunta hali Karin isku day inaad hesho alcohol oo aad ku masaxdo gacmahaaga
Isku day inaad Tissue(soofti) ku daboosha afkaaga iyo sankaaga xiliyada aad Qufacayso, Hindhisayso, Haam haamsanayso . Halkii xabo ee soofti ah isticmaal hal mar oo kaliya, dabeedna iskaa tuur oo ku rid goobta qashinka.

Iska ilaali inaadku taabato gacmahaaga oo aan maydhnayn, sankaaaga, indhahaaga, iyo afkaagaba.
Hadiiba aad joogto wadama aan soo sheegay iska ilaali inaad la samayso qof xanuunsanaya xidhidh dhow, oo maxaan uga jeeda markaan leeyahay xidhiidh dhow?  Waa in aanad la wadaagin qalabka cuntada, iyo ka cabitaankaba, dhunkasho iyo wixii la hal maama Isku day wakhti kasta iyo markasta inaad nadaafadaada dhawrto maadama uu  cudurkani yahay cudurka ka mid ah kuwa faafa.

MUSTAQBAL MA LAGA YAABAA INUU SOO GAADHO GAYIGA SOOMAALIDU DAGTO?

sida ay dhawaan faafiyeen waasarada arimaha dibada iyo wasaarada caafimaadka ee sucuudiga ayaa waxay u digeen dadka waa wayn ee usoo xajaya  xaramka iyagoo sheegay inay aad ugu digayaa dadka xanuunsanaya, sidoo kalana sheegay inayna fiisaha siin doonin dadka la nool xanuunada wakhtiga dheer leh sida macaan iyo xiiqda iyo dhamaan dadka leh cudurada ku dhaca dhuunta nasaq mareenka iyo sambabada. sidaas oo ay tahay ay tahay waxa laga shiki qabaa inuu dhawaan cudurkani noqdo mid faafa.  hadaba ma laga yaa inuu dhawaan soo gaadho deegaanada ay degto soomaalidu????

Ilahay masiibadiisa inama soo gaadhsiiyo laakiinAniga fikir ahaan jawaabtay waa HAA! Oo sabab maxaan u leeyahay HAA? Waxaan sabab uga dhigayaa cudurkani waxa uu inta ugu badan ku dhacay ama saameyay dalkii boqortooyada islaamka, walaaca Dalalka caalamka oo dhani qabaan ayaa in dad yowgooda muslimka ahi markay tagaan xajka  inuu soo saameeyo ama kusoo dhaco FAYRAS kani, sidaas oo kale walaacaa la mid ah ayaan ka qabaa inay dadyowga somalida ahi kasoo guurinkaraan iyadoon ogsoonahay deegaanada somalidu dagto ka jirin Haayada caafimaad dadka la socotoa amad control ku samaysa oo qofkii wadamadaa ka yimaadaba baadhaysa . sidoo kale Dhawaan waxaa laga helay cudurka dad uu saameyay Dalka yemen ee aynu jaarka nahay waxaa macquul ah inuu inaga soo gaadho, markaa waxaan kula talinaya qof walba oo Somali ah meeshu doona ha joogee inuu ilaaliyo nadaafadiisa iyo ta qoyskiisaba ka war hayo inuu soo kordhay dilaagan  loogu magic daray MERS CoV.

Wabilaahi Towfiiq.

Ibrahim Sh.Ahmed Abdi ( Madar Wacays)
Public Health Medicine
Addis Ababa, Ethiopia
Email Madarwacays@gmail.com

Qoraaga Kala xidhiidh facebook  https://www.facebook.com/mwacays


No comments: