" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka wajiga kama danbaysta usoo gudbey

Wednesday, August 21, 2013

Sheeko iyo Shaahid 2013: Sheekooyinka wajiga kama danbaysta usoo gudbey

Guddiga Qiimaynta Sheekooyinka ee Baratanka Sheeko iyo Shaahid 2013, waxa ay soo saareen taxa sheekooyinka ka soo gudbey wejigii labaad ee baratanka, isugu na soo hadhay kala saarista kama danbaysta ah. Sheekooyinkani waxa ay u kala hormarsan yihiin sida magacyada qoraayadu ugu kala horreeyaan alifba'da (alphabetical order), mana aha in ay si kale u kala sarreeyaan. Guddiga Qiimayntu waxa ay ku dhawaaqayaan sheekooyinka ku soo baxa kaalmaha Kowaad, Labaad iyo Saddexaad kulanka Sheeko iyo Shaahid ee Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa. 

Axmed-Yaasiin Rashiid Cabdi “Labalaba”
Iskoris


Cabdiqani Xasan Ismaaciil
Waayihii Weris Mooge iyo qoyskeeda


Ibraahim Xamari
Ma ku dhalay, ma kuu dhaxay, hadda na aabbe may na wada dhalay


Saddaam Xuseen Carab
Maalmihii madoobaa


Xamse Cabdi Ibraahim (Qoor cadde)
Baadigoobkii jannada bayhoofkii ka dambeeyay


Yaasmiin Maxamed Kaahin
Suudal


Haddaba dhammaan ka qaybgalayaasha iyo dadwaynaha xiiseeya qoraalkaba waxa la ogaysiinayaa in ay maalinta Salaasada 20/8/2013, 19.30 (7.30 fiidnimo) isugu yimaaddaan Goobta Bandhigga Caalamiga ah ee Guriga Shaqaalaha ay iska soo xaadiriyaan.


Guddiga

Hargeysa, 19.08.2013
sheeko@redsea-online.com | info@hargeysabookfair.com www.redsea-online.com | www.kayd.org | www.hargeysabookfair.com

No comments: