Robert Maltos oo ahaa dhaqaaleyahan
reer Ingiriis ah (1766 –
1834), waxa uu ku caan baxay aragtida in tirada dadka dunida ku nooli sii kordhayso,
kheyraadka dhulka guudkiisa Rabbi ku mannaystayna gabaabsi yahay, sidaasi
awgeed loo baahan yahay in dib loogu noqdo xisaabta taranka qoyska. Aragtidan ayaa Buuq iyo doodo badan ka
dhalisay caalamka guud ahaan, gaar
ahaana culimada ku takhasusay Cilmiga Bulshada, waxana lagu naanaysay “aragtidii Baaseysiga”. Horumarka farsamo iyo
aqooneed ee dhamaadkii qarnigii 19aad iyo bilawgii qarnigii 20aad ayaa waxba
la’aan ka dhigay aragtida Maltos, waxana dhacday in Yurub dhaqaalaheedu kor u
kac laxaad lihi ku yimid, halka hoos u dhac la yaablihina ku dhacay taranka bulsho
ee shucuubta reer Yurub. Arintan oo hal bacaad lagu lisay ka dhigtay saadaashii
Maltos ee in 25-ka sanno ee soo socda dadka reer Yurub tiradoodu libinlaabmayso
cuntadooduna yaraanayso, waxana dhacay wax taasi ka geddisan.
Iyaga iyo inagu waynu ku kala aragti
duwanahay, iyaga fikirka dhaqaaluhu waa mushkilad ay ugu yeedhaan “Gabaabsi”
iyo “kooban” baahiyuhuna wax aan la qiyaasi karin ama aan xaddidnayn. Innana
waxaynu leenahay maya oo ilaha dhaqaale maaha “Gabaabsi” mana sii dabar-go’ayaan
ee waqti kasta iyo goob kasta Rabbi wuu dhigay. Rabbi-na markii uu uumey dhulkan
wuu barakeeyay, waxana uu uu qorsheeyey arsaaqda, noole kasta oo uu uumi doona-na
waxa uu samada uga qoray wixii uu ku noolaan lahaa.
Taasi inaga oo ka duulayna waxa aan Islaamku
qaadan karin oo dhinac isaga leexinayaa falsafadda sheegaysa in dunida dhaqaalaha yaal
iyo makhluuqaadka Rabbi kala badanayaan! Miyeynu isweydiinnay dunidan Rabbi sadex meelood biyo ka dhigay
eynaan ogayn wax khayraad ah oo ku jira? Inteebay inaga badan lahayd hadii aynu
daba-ka-warwar ka qabno dhulkii? Waxa iyadna marag ma-doonto ah in marar kasta
oo aqoonta iyo farsamooyinku sii casriyaysanto in dhaqaalihii hore ee la
haystayna sii beekhaamayo, tusaale halkii sanadkii mar kaliya wax laga beeri
jiray, ayaa hadda qalabka dartii afar jeer
wax la beeri karayaa.
Maan Jeclaysan in dhalinteenna lagu shirqoollo
maanta iney dib u milicsadaan aragtiyo waqtigu ka talaabsaday, ayna xal ka
dhigaan guursi-la’aan iyo taran-yarayn ama se ay berina la iman karaan aragtida
kale ee ah; in umadda dagaalo lagu mashquuliyo si inta dheeraadka ah dagaaladu
ula tagaan, waa sida uu qabay Faylasuuf kale oo taageerayay Maltos.
Falsafaddan Maltos ee taranka umadaha iyo falsafadda
Islaamka ee taranka ayaa iyagu isku noqonaya laba dab kala bixiya, u fiirso
hadalkan Rabbi; “Ha dilina ubadkiina
idinka oo macaluul iyo faqri ka baqaya, anaga ayaa idin quudin idinka iyo
iyagaba’e“ Suurat Al-israa. Waxa kale oo aad arkaysaa in macalinkii falsafadda
Islaamka ee Rasuulkeenii uu si cad oon muran lahayn yidhi “Guursada, taranka
badiya, waayo umadaha ayaan idiinku faanayaa qiyaamaha.” Waxa haddaba muhiim ah
inaynu kala saarno inaynu dedaalno oo taagteenna iyo tamarteenna muujinno si
aynu dhulka wax ugala soo baxno, iyada oo Rabbi inoo sheegay in dhulka uu inoo
dulleeyay ayna tahay inaynu cidhifyadeeda socono, khayraadka badan ee ku jirana
aynu la soo baxno, iyo inaynu nidhaa hadii aynu muslimiintii nahay waxa la
inooga baahan yahay inaynaan caruur badan dhalin, si aynaan risiqooda uga
warwarin.
Ma habboona inaynu ku biirno bulshooyinka dad
indhoolayaal ahi hageen ee iyana indhaha isqabtay, kana baydhi kari waayay godkii
indhoolihii hagay ku dhacay. wayna haboontahay inaad aqoonta iska haadiso,
buushiga iyo qashinka iska reebto inta kula filka ah ee , diintaada iyo
dadnimadaadaba taageeraysa uun qaadato, inta kalena tidhaa daad xoor iyo badda
raac.
.
Eng Mahdi Sheekh.
No comments:
Post a Comment