Gogol-dhig
Salaan sharaf iyo gacalooyo wadata ka dib, hore waxaan idiin soo weydiiyey in qof lagu sheegi karo ama lagu tilaami karo “Heeryedii-cune” iyo astaamaha ama calaamadaha uu qofkaasi leeyahay, haddaba aniga oo tixraacaya jawaabaihiinnii, isla markaana soo ururiyey oo ku salaynaya dhacdooyin ama odhaahyo hore looga sameeyey qisooyin iyo maansooyin/heeso ku saabsan qof lagu tilmaansanayo inuu yahay “Heeryedii-cune” waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaa qoraal ku saabsan cidda dhab ahaantii la odhan karo ama lagu sheegi karo inuu la meel yahay Awrka heeryediisa cuna. Waxaan u mahad celinayaa asxaabta fekerkooda igu soo biiriyey ee igala qayb qaatay ururinta xogta ku saabsan sifadan xun ee ceebta badan leh, Mahad gaar ah waxa lahaan doona asxaabta mar kale u isu xilqaanta inaay igu soo kordhiyaan wixii dheeraad ah ee aanan ku soo darin qoraalkan.
Macnaha ereyga 'Heeryedii-cune' oo kooban- Ugu horayn sida aad wada garanaysaan 'Heeryo ama reeryo' waxa la yidhaahdaa Karbaashyada, Abjadyada, iyo Koorayaasha geela lagu reeryeyeeyo, ama neefka dameerka ah [Dameeraha Abjad iyaga lama saaro] ee la saaro ama lagu reeryeeyo si loogaga dhimo ama loogaga khafiifiyo culayska rarka saaran, iyo si uu rarku u qabto neefka, wixii uu doono ha ka samaysnaado ama ha ahaadee waa shay loogu talo galay inuu neefka la raranayo laga xejiyo rarka. Haddaba inta badan dameeruhu heeryada dushiisa saaran ma cunaan, sababta waxa la odhan karaa waa in aanu lahayn qoor dheer oo sida geela soo gaadhi karta rarka ama aanu neefka dameerka ahi gaadhayn rarka guudkiisa saaran, sidaa darteed sifadani waxay gaar u tahay 'Awr-ta', haddaba si la mid ah sida uu neefka geela ahi mar mar dhibaato isugu gaysto ee uu wixii rarka ka khafiifin lahaa isaga cuno, waxa jira in 'dadka' qaar sameeya wax dhibaato issaga u soo jiidaya, ama waxyeello u horseedaya naftiisa.
Maxaa Sababa In Qofku Uu Noqdo 'Heeryedii-cune'!
Intii aan ku guda jirey ururinta iyo u kuur-galka cidda run ahaantii ku sifaysmi karta dabeecaddan ama astaantan iyo waxa ku kellifey inaay sidan oo kale u dhaqmaan waxa ii soo baxday dhowr qodob oo qofka ku dhaqma sida ugu fiican ee loo tilmaami karaa ay tahay in lagu sheego “Heerye-dii cune”
- qofka isagu mar walba u taagan inuu wax iska dhiciyo ee ku jira xaalad 'isdifaac' ah, qofkan inuu dood walba ku guulaysto ama ku gacan sarreeyo ayaa sababta inuu cag iyo ciddiba ku jiidho ama kula tago cid kasta oo ay doodi ama arrini dhexmarto; issaga oo aan u eegin abaal hore loogu galay, xigaalnimo, saaxiibtinimo, derisnimo iyo wax kale toonna, inuu isagu noqdo ka gacanta sare yeesha ayaa ku sababta inuu jiidho ama ku-galgasho cid kasta oo uu hore wanaag uga dhexeeyey ama ay xidhiidh fiican lahaayeen, dabadeedna la yidhaahdo hebel waa 'heeryedii-cune', ciddii u danaynaysey ee nasteexiisa ahayd buu xumaan iyo af-lagaado ama dagaal ugu abaalgudaa.
- Qofka oo aan lahayn garaad ku filan oo aan xisaabin karayn waxa wanaagga u ah iyo waxa aan u wanaagsanayn, cidda nasteexiisa ah iyo cidda dibindaabyadiisa wadda.
- Qofka oo leh ama qaba xanuun “Shakki' iyo Kalsooni-darro' ah oo aaminsan in dadku ay issaga col la yihiin ama xaasid ku yihiin isaaga oo si uu masaalix wax uu arko u meel marsado, dhir iyo dhagaxba u jiidha oo mooda in cidii talo ama soo jeedin ula timaadda inaay issaga dheef u diideyso, qofkanina ma eego wanaag hore iyo mid dambe oo loo geli karo toonna e wuxuu ku kacaa wax kasta oo uu ku meel marsan karo rabitaankiisa, ka dibna waxay ku keliftaa inuu qof u wanaagsanaa ama u roonaa uu colaad iyo nacayb u qaado, ka dibna ku sifoofo 'heeryedii-cune'.
- Lexejeclo-xumo iyo hunguri weynaan ku riixda inuu qofku waxyaabihii anfaca u lahaa uu dib u iibiyo ama dayyaco, issaga oo ka raacaya dano soke oo ka liita ama uga anfac yar, sida issaga oo dib u iibiya waxyaanaha uu leeyahay, sida, jagooyin uu dhisan lahaa, baasaboorkiisa, maryihiisa iyo xattaa kabihiisa, kanina waa heeryedii-cune, wuxuu cunayaa wixii issaga anfaca iyo quruxdu ugu jirtay.
- Xishood la'aan iyo indho-adayg qofka ku kellifta inuu sharftiisa, oo ah hu'ga ugu muhiimsan ee uu qof bini aadam ahi leeyahay ku waxyeeleeyo ama ku wiiqo, oo sabata in sumcadiisii iyo karaamadiisii; amaba xata middii uu waalidkii ka dhaxlay ku burburto.
Goormaa la odhan karaa ama lagu sifeyn karaa qof inuu yahay heeryedii-cune?
- marka qofku uu noqdo 'abaal-laawe' ama 'abaal-gabe', tusaale ahaan hees uu sameeyey Maxamed Cumar Xuseen (Huryo) oo ay qaado Khadra Daahir Cige waxa ku jira bayd ay tidhaahdo: “ Gurgurshihii la dhaanshee, loo tiriyey guudkee; intuu maatadii gabay, Gibisha iyo heeryada ilkihii kula gadoodiyo Abaal-gabe ha noqonnine”.
- Marka uu qofku inta dad ugu xigta, sida reer tolkii, qaraabadiisa, xigtadiisa, deriskiisa, asxaabtiisa, iyo cid kasta oo sokeeyihiisa ahba uu xumeeyo ama dhibaateeyo ee uu noqdo “Miciinkii la colow”, Abwaanada iyo maansayahannada dadka noocan oo kale ah wax ka yidhi waxa ka mid ah nin magiciisa la iigu soo koobey Adhiile oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Gobolka Togdheer, isaga oo nin kale oo ay xigaal ahaayeen oo Umal la odhan jirey ku soo halqabsanaya, waxana uu yidhi abwaanku: “Ra'da gabayga Umaloow haddaad run iga doonayso, sida Awrka reeryadiisa cuna; raaxo lala moodo, niman baa xigtada raamsadoon rag iska dhaadeyne”. sidaasi si la mid ah waxa Nin Abwaan ah oo magiciisa la yidhaahdo Cali X.Xasan Axmed uu kelmedda Heeryedii-cune u adeegsadey inuu ugu duur-xulo nin ay xigaal ahaayeen issaga oo gabay noociisu yahay Sillan-sugan ugu sheegaya inuu yahay mid u daran dadka issaga u daneeya ee wanaaggiisa wada, waxana uu ku yidhi tix gabay ah oo uu ugu duurxulayey " Mar baan Haama-laayiyo ahay Heeryedii-cune; marna Damal hadh weyn baan ahay hogo Kaliileed"
- Qofka lumiya ama dayyaca fursad uu wanaag ku kasban lahaa, issaga oo aan ka fekkerayn inuu berri-ka-maalin u baahan doono waxa uu maanta diidayo, ama ku gacan saydha wax issaga dan u ah, dabedeedna maalinta dambe ee uu ogaado is yidhaahda dib u sax khaladkaagii, waxa dhacda in la yidhaahdo “Shalay baad na xumaysey ee....” isna wuxuu noqon karaa heeryadii cune. Waa halka riwaayaddii “Beeney waa run” ay labadii hablood ka lahaayeen “Labo reeryedii cune, hiddihii baad nagu diideene hanna sugina weligiin”
- marka uu qofku iibiyo ama xaraasho alaabtiisa muhiimka u ah ee uu noqdo “Naftii-gure”
- marka uu qofku ilaashan waayo sharafta iyo karaamada uu Ilaahay siiyey, ee uu noqdo 'Ma limiqsade' aan ka gabban waxa dadku ka xishoodo.
Dhamaaaaaaaaaaaaaaaaaad.
Mohamed Yassin H. Dualeh
my_dualeh@hotmail.com
facebook.com/mohamed.y.h.dualeh
No comments:
Post a Comment