Wali
Jacayl bukooday ma kuu yimid? Ma ku weydiistey daawo? Ma kuu sheegtey dacar iyo
dakano u diidey hore iyo diba inuu u socdo? Ma kaa codsaday baadhitaan iyo
baanasho laxaad leh? Dabadeed, ma baale daymootey? Ma is tidhi buskee oo baano
nabarkan fidee boga, beerka, dhabarka iyo xanjaadkaba ka haleeley jacaylkan
jariban?
Waxaan idhi: “haa aan kaaga waramo dhibta meesha taala ee
dhiilada sababtey dakhtar” Kuye: “hooy, dib u joogso oo ha deg deign waan arkaa
rafaadka ka muuqda jacaylkan hiiftamaya ee bukaan socodka ah!” Saa hadalkii waa
sii watey oo ku doodey “Ana ma moogi oo ma fududeysan karo mas’uuliyada
balaadhan ee saacadan halkan igu shakaashey…Waxaan ahay dhakhtar caafimaad oo
baanta dadkiisa jiran isla markaana baadha cudurada saaqa ee saafa jidhkooda!
Su’aashu se waxay tahay adigu yaad tahay? Jacaylkan‘se maxaa siririyey ee
saloolay oogadiisa ay indhuhu ka giigayaan inay dhugtaan?”
Anigoo dhaqaaq-joogsanaya, jidhkuna i dubaaxinayo ayaan ku ku
jawaabey sidan: “dhakhtar, horta jacaylkan aan wadaa waa jacayl jiran, diidey
jiif iyo joogba”. Waan sii waday hadalkaygii si aan warbixinta bukaanka u
dhammeystiro. “Ma hadhgalo; waxaa is huran isaga iyo dhaxanta. Waxaan marnaba
kala dheeraan oo isku lamaan, wadajirna u wada caweeya isaga iyo gudcurka
habeenkii”. Wuxuu dhageystaa oo dhegtiisa u raaridaa gurxanka bahalka goor xun
socdaha ah”. “Wuu dhuubtey oo wuu dhilmey; waa dheecaan bax dhexda ka liicaya!
Hadaad ishaas bidhiqdeed dhagato oogadiisa, intaad uurka salkiisa ka naxdo
ayaad dhako-faar iyo dhaygagba ku dilayaan”. “Ma han la’a mase hagaagsana; wuu
hamoodaa; mase laha hirgalin dhab ah; wuu hiloobaa; se waa habaw,
cidhib-ka-noqosho iyo hagaasba halakeeyeen”.
Dhakhtarkii isagoo fir-ka-naxsan ayuu hadley: “Uux…Uux…
isagoo dhuunta codka tabisa sifeynaya ayuu yidhi bas, bas waan fahmay baaxada
balaayada meesha taalee, fadhiista labadiinuba, i suga aan dhab u fiirsho
qotoda iyo gunta gunaadkan kaarka badan ee kurka gooyay bukaankan kadeedan”.
Hoostaan ka idhi alle ilehe bakaankan aan arkayaa waa kadeedan yahay.
Haddii dhakhtarkii dhab u darsay durada (complication) iyo
ilma-aragteyda (virus/germs) nafta iyo nafsada bukaankan hooga baday. Wuxuu
gunaadkii bislaaday ku garnaqsaday inaanu isagu gefka geysan! Dhibta wuxuu
iskaga riixay oo dambiga iskaga moosey meel kale! Cajiib! Mar kaliya ayaa aniga
iyo dhakhtarkiiba sare u boodney oo muusanaw naxdin iyo yaaba xambaarsan ku
hadaaqney! Jawaabta baadhitaankii caafimaad waxay noqotey shaashoow iyo duro
jin… Salaamaad. Saatiraw naga badbaadi saransoorka jinka iyo jaankaba.
Hadalba yaanan kugu daaline, akhriste waa kan tawaawacii iyo
cabashadii Jacaylkii bukay u sheegtey dhakhtarkii aan u geeyey anigoo garbaha
haya oo inuu dhaco ka feejigan! Waxa uu Jacaylkan jirabani sawirayaa lamaanihii
is-calmaday ee uu sida xabagta iskugu soo jiidayay: Waxay tidhi Saafi
iyadoo buu yidhi “ilmaday qubeysa aad moodo tog faruurmey ama wabi fatahay”:
Aad baan kuugu baahanahay,
Adna inaad I jeceshahay runtii waan ogsoonahay
Aqalkaan ka ooyaa,
Adiguna xafiiskaad murugada la joogtaa,
Haddana garan maayo eelkuu meeshuu ka imanayee,
Indhaha goortaan i saartid ayaad iga jeedsataa,
Agtaadaa haddaan imaado adoo durkayaan arkaa,
Haddana ma adkeysatide
Ayaamo markaad i weydoo, akhbaarbaad soo dirtaa,
Haddaba ibtilo waa tanee inaga afgarad yaa inoo sameeyaa?
Ilaahbaad isu keen qoray
Nafteydaa u tahay agab, ifkaan kuugu jecelahay,
Adigana adduunyadu waxay kuu ahaan lahayd anoo ooridaada ah,
Haddana garan maayo eeduu halkay ka abuurmaysee,
Albaqra goortaan maraayo ayaad alif joogsataa!
Ka quusan markaan idhaahdo, rajaad igu beereysaa!
Haddaba arrimahan isgalay, awood kale uma hayee ogaalbaan u
sheegayaa,
Waxay tallo kusoo ururtey in xaajadan murugsan ee
madax-faarka badan lala tiigsado ogaal iyo nin waayo soo jirey amase dhakhtar
caafimaadka ku baasoo baanta Jacaylkan bukaanka ah.
Halkaas markey mareysey ayuu dhakhtarkii yidhi “dhibaatadani
waa Shaashoow?”. Jacaylkani wuu shaashoobey! Isagoo sharaxaya shaashoowga iyo
waxa uu dhab ahaantii yahay, ayuu dhakhtarkii yidhi: “shaashowga jacaylka waxaa
keena war-xumo-tashiilka iyo was-waaska ay maleegaan inta xinka iyo xiqdiga ku
hubeysan ee xasadku u horeeyo, quudhid-waagu ku xigo, hinaasuhuna xubinta ka
yahay” Akhriste, bal ila dhugo sida himilo kasta u saqiirto haddii ay
waswaasaan inta lagu sugayo hirgalinteeda.
Waxaan kusoo afmeerayaa in inta is jecel een wali guri
yagleeline iska jiraan isagana ilaashaan xasadka, xiqdiga, war-xumo tashiilka
iyo af-miishaarka jacayl la dagaalanka ah. Waa inay uga feejignaadaan sida
maska. Waxayna hureyn lamaane kasta oo is-calmaday inay fahmaan inay
qorsheynayaan dhisme guri oo dhab ahaantii ku biiri-rabaan bulshada dhisan,
dhaqan ee dhaadata. Sidaas daraadeed waa inay u taxadiraan sida bisadu biyaha
isaga dhawrto; amase kalluunku bariga uga durko; amase qaalinka yaree xarago
dhaqaaqaa uga feejigan yahay awrka qooqan ee geela ku jira! Haddiiba lagu
guuleysto abuurida guri iyo lamaanood-qoys waxaan laga raysanayn tacabkii
feejignaanta iyo dedaalka ahaa. Si la mid ah sidii hore, ayaa markana loogu
baahan yahay in la feejignaado, la is-dhawrto, si naxariis leh la isku-dhugto
loona wada dhaqmo. Haddii, maamulka toolmoon iyo maareynta xasilooni tahay wax
shakhsi, urur, hay’ad, isu-tag, shirkad, iyo qaran kastaa u baahan yahay,
waxaan odhan lahaa qoyskuna kaliya uma baahna maareyn xasiloon, maamul toolmoon
iyo himilo shilis balse waanu kaba maarmeynin, hureyn oo la’aantood lugihiisa
isu-taageyn, calashaan taabo-galeyn!
W/Q. Siciid Maxamed Axmed Almizy!
No comments:
Post a Comment