" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Dhibban iyo Dhegoole

Thursday, January 19, 2012

Dhibban iyo Dhegoole

W.Q: Xasan C Madar ---

Dhibban markay indho qabtay way taqaanay sida rag la isaga celiyo. Shisheeye iyo sokeeyeba way soo martay. Gacmo jilicsan iyo kuwo qallafsanba way u kala wareegtay , maal adduunyo jaad walba Ilaahay wuu ku mannaystay, waxa lagu dilaa oo lagu damcaa waa waxeeda.kuwii ay u dhaxday baa ugu darnaa. Ilaa carruurnimadeedii cid u roon may arag. Allaylehe haddii laga tegi waayo markii ninka shisheeye ay u gacan gashay baa tolkeed u muujiyey waxtar laxaad leh oo naf iyo maalba loo huray si looga furdaamiyo oo warqaddeeda looga qaado.


Waa laga dhiciyey dhagar qabihii shisheeye, xoogga ku haystay ee dhiiggeeda nuugayey. Laakiin maxaa u beddelay. Iyadoo dhowr nin oo hore ku hungowday baa Waxa dhabargaraacay habaar-qabe kolkii hore la mooday mid nasteex u ah. Waa soomaali iyo caadadeede wixii dhaqanku ahaa baa laga maray isaguse wuxu noqday nin aan xeer qaban. Gabadhu jinniyad bay lahayd soo wada hamuumo oo nin kasta oo soo hungureeya daacad bay moodaysay oo waxay is lahayd malaha kanaa aayahagii ku jiraa, nin walibase wuxu ahaa khaa'in u soo biyeystay siduu hantideeda u guran lahaa.

Maanta maalin ay kaga darantahay may arag, ninkeedii hore ee wedku kala kexeeyey waxay isku sagootiyeen qaylo iyo qaxar, kan dambe wuxu u muujiyey debecsanaan iyo beer jileec markuu sasabadeeda ku jiray, way indho la'ayd oo may arkayn ninku siduu u egyahay, hadalkiisa naxariisi way ka muuqatay ficilkiisase mooyi. Sheekada dadka waxay ka maqlaysay in tii indhaha la'ayd ay heshay nin xoog weyn, qurux badan oo hanan kara laakiin dhegoole ah, cawadeeda...calankeeda..alla nasiib badanaa...hadday heshay nin dhego la' maxaa iyada ka galay ku filane, waa laga yaabaa inuu u dhaamo qaar badan oo dhego qaba...laakiin iyadu quruxdiisa way ka indho laadahay oo waxba uguma filna, ma leh ayaan ay ku aragto oo ay maalin qudha kaga bogato.

Maxaa ka dambeeyey...halkuu ka shaqo tegi lahaa wuxu u soo dhigtay hantideedii iyana cabasho iyo qaylo ayey raaxada kaga qaaday..isagu ma isagaa dan iyo muraad kaleh, weligeedba ha qayliso, dhegoba uma leh, afka ay dhaqdhaqaajinayso wax dheer ma arko.. inay ammaanayso iyo inay dhaleecaynayso ma kala garto... wuxu ku foogan yahay gurashada hantideeda... ninkeedii hore laftiisu hantideeda ma nabadgelin jirin wuxuse kan ku dhaamay wuxu ahaa nin xididka iyo ehelka xidhiidhiya oo hantidaeeda qoyskeeda iyo walaalaheed wax buu ka siin jiray... kani isaga waxad moodaa geed jasiirad ka baxay, cidna waxba iskagama tiriyo, gurasho mooyee garasho ma leh, meel uu hantida geeyo lama oga ...

Maalmahan dambe Dhibban iyo Dhegoole waa isku jiq, wuxu u soo dhigtay dahabkeedii dhegaha iyo luqunta u sudhnaa...intuu kala baxo ayuu Maar ugu beddelaa...iyada qaylo ayey ayey naftii kaga baxday...garayska inuu ka furto ayaan waxba ku ahayn, way ka cabsi qabtaa.. Gargaar Eebbe mooyee gacal iyo xigaal wax kama sugayso...filkeedu ma yara oo muddo cirka lagu barto way hoos joogtay... sannad guuradii dhalashdeeda ilaa maanta oo ay waayeelowday caqli iyo cilmi midna uma kordhin... mar walba way dagantahay... waxay u dagantahay doqon iyo dammiin...waxay u dagantahay danayste iyo daallin... waxay u dagantahay damaaci iyo cadow..... tolow yaa gartooda qaadi waa kuwan oo way isla kadeedan yihiine. Waa laba isqaba islaan indho la' iyo oday dhego la' Dhegoole wuxu ku fikirayaa siduu hantideede uga xoolaysan lahaa.. wuxu u arkaa inaanay isku raagi doonin.. waa inuu ka xoogasdo, ka haamo buuxsado iyadu waxay ku fikirtaa inay aqalka ku gubto ninkan aan qayladeeda dheg u lahayn... way dareensantahay sida uu uga danaysanayo way calaacalaysaa.. codkeedu wuu dheer yahay...waxa ereyada afkeeda ka soo baxaya ka mid ah:

Gudcur aan caddoba jirin,
Indhahaa cadceedoo cidlo kaaga weheloo,
Cabsi kaa kexeeyee,
Labadeenna caynaan,
Haddii cad ku xidhan yahay,
Cudud iyo laxaad kale
illayn laguma ciil baxo.

Waa loo jawaabayaa, dhawaaq dheer oo keeda oo kale ah ayaa u baxaya... ma garanayso cid uu yahay iyo dhinac uu ka baxayo... toloow ma walaalaheed baa.. ma guurdoon kale oo u geed fadhiisanayaa... berigay gabadha ahayd baa loo geed fadhiisanayee.. immika.. haddaa ma cirsan ka yeedh baa.. waxa ka mid ah ereyada ku soo duulduulaya: weligiiba ha is dedo

Ha iska dhigo nin daacada..
waan ognahay dambiilaha.

Iyada ereyadani waxay markiiba u anfaceen inay ku gufaysato meel ka bannaanayd..waxay u fahantay in isaga loola jeedo.., isagee..isaga laftiisa... hadda isaga laftiisa... mooyise inta dhawaaq wax tari karo ee uu dareen dhegoole wax ka beddeli karo... toloow ma loo baahan yahay in loo iisho hab kale oo dhegoole wax loogu sheego... dhegoolaha laftiisu wuxu u baahan yahay af uu yaqaan oo lagula hadlo.. af dhegoole laakiin iyadu ma taqaan.. waase inay raadsato cid af dhegoolaha taqaan.. oo daacad ugu turjunta.. oo tolow markii hore ee uu guursanayey siday isu afgarteen yaa u kala turjumay..oo hadduu markaa turjumaan jiray si daacad ah ma ugu kala turjumay.. mise dhinac buu ahaa oo labadooda midna run uma sheegine inuu sax iyo qaladba isugu keeno shilin dillaal ah baa kaga xidhnaa oo uu bislaysanayey...dantu waxay ku jirtaa in labada qof la kala gaadho.. ugu yaraan ajar iyo xasanaad baa ku jira..

Islaanta Dhibban waxa mar kale dhegaheed ku soo noqday isla ereyadii :

Weligiiba ha is dedo
Ha iska dhigo nin daacada
Waan ognahay dambiilaha Oo hadday og yihiin miyey ka qabtaan, maxay ugu eegayaan? Dhegoole waa kaas, ma dhaaddana dhacdooyinka adduunka ka socda, dhawdhawdu uma dhacsana. Dhibban waa taas.

Xasan C. Madar 

No comments: