W.Q: A.M. Yusuf (Wayeel) -----

Mays weydiisay keligaa: Wedku goormuu kuu iman? Teeryo waamaad noolaan?Intay wiiqday geeridu, billaad adi waxdheer tahay?… Waaritaanka miisaanwaaga aad ku lee dahay… Ha na wareyn weydiimahan: Kuma weeye?Yuu yahay? Qofka naxashka lagu wado? Walaalkay rumaadow: Meydka qabriga loo wado, isu qaado weligaa.— Wayeel: Wacdaraha, Nolosha, iyo Geerida Laba Cayayaan, 1974
________________________________________
F. G. Qoraa reer Sweden ah iyo Marwo reer Norway ah, ayaan hadda kahor u kala diray qaar ay ka mid ahaayeen farriimoha soo socda.
________________________________________
XAGGA DA'AADDA waxa aan ka daba dhow ahay, halkii Salaan Carrabey, uu ka lahaa,

Nin cirradu lammaanaha dhigtay oo lay lyan baan ahay eLixdan labayatoban baan dulmaray waana la hubaa eLafta dhabarka laxaadka i debcay iyo laafyihii gacantaLubbigaygii leyl xalay ma ledin laadadiyo taah eWaataa lalleemada indhaha araggu liitaa eLiiqliiqad baan ahay sidii lulo dabayleed e…Lammadaade xadhig loo tidcay lugi ka toogtaa eLufan baa ka hadha dawliskii liilsanaan jiray eHaddii aan luqunta beri taagi jiray liicday adhaxdii eNin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliyeAkhriso maansada "Luukaansi," tiiyoo ebyoon. Guji xadhigga! »»» Salaan Carrabeey (AUN)
________________________________________
QORAALKAN INTII aan weli sii tifaftirayay, dhacdooyin iyo goobo geeriyaad kala fogaa, ayaa hadba maankayga dib ugu soo dhacayay: "Dhallintii reer Norway" oo loo hoobinayay geddii harame (ogräs/ugress ) oo kale," iyo labaddaraale "ubaxii waddanka Soomaaliyeed," ardaydii la xasuuqi jiray:
Dab markuu bakhtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaa eWaagii dillaacaa naxdimo dihin la sheegaa e
NAXDINBAKAYLE iyo labaddaraadle kacabsigii geerida, dhacantii weligayba aan iskaga soo gudbi jiray, miyuu mar keliya: wedkii na, igaga soo dusay? War maxaa goobahaas kala dhex seexiyay! dhallinteer kala dhex taallay: jasiiraddii Utøya, iyo Xeradii Xargaha & Saamaha... imk?

Goblan baa xijaabteeMiyuu geesi hoydaa?Garashadu wed leedahay?
HOGATUSAALEYN KU SAABSAN NOLOSHA AADMIGA
WELIGAA ma maqashay cayayaan la yiraahdo, "duqsiga maalinle" ( ذباب مايو/mayfly/dagslända/døgnflue)?

« Webiga Hypanis,[1] Bosboruska Semeerya[2] korkiisa, xilliga fadhiisinka jiilaal[3] (fadhiisinka cadceedda), waxa uu daadku xagga badda u soo qaadaa waxyaabo la moodo adabbo (kiisas) yaryar asii kaba sii weyn rucubyo canab, kuwaas oo dillaacoodu uu soo daynayo baalalley afarlugoodle ah. Cayayaanka waxa uu noolaan oo duulduuli teeryo gabbalgaabka, illayse isla goorta cadceeddii ay hoos u sii dhacayso waa uu wiiqmayaa, gabbaldhaca ayuu geeryoon isaga oo hal maalin keliya noolaaday, dhacdadaas ayuu ka soo jeedaa magaca loogu ba yeero ee ephemeron[4] »
— Aristotle: The History Of Animals
________________________________________
Cagdhigyo
[1] Hypanis: magac duug ah oo loo aqoon jiray webiga koofureed ee Buh ee mara koofurta dalka Ukraanya
[2] Bosboruska Semeerya: waa gacan isku xidha Badda Madow iyo Badda Marmaara.
[3] Fadhiisinka jiilaal (fadhiisinka cadceedda): waa xilli ka mid ah labada xilli oo cadceeddu waqooyiga (Juun 21) ama koonfurta (Dis. 22) ay foogaanta ugu fog u jirsato dhulbareha.
[4] ephemeron [i-fem-ah-roon]: Waa maxay haddaba ephemeron? Ephemeron waa erey Griik ah, ka na soo jeeda ephemeros, maalmeed; waaraya ama noolaan hal maalin, ka na kooban: epi, gude + hemera, maalin — maalin gudaheed. Waa wax nolol gaaban ama ba aan yeelanayn waaritaan la sheegi karo; ama waa sida qodobada, qormooyinka, maansooyinka, halkudhegyada, gaar ahaan waxyaabaha la daabaco (kaararka boostada, wareegtooyinka, iidhehda iwm.), kuwaas oo loogu dawgalay in lagu fushado dano gaar ahaaneed waqti gaaban—kumeelgaar ah; hayeeshee, misana, duul ayaa jira kaydsada, haysta na waqtiyo dhaadheer.
________________________________________
WALAAL xigmaddu duqsigaas maalinle oo kale, miyaa? Maxaa se cayayaanka xumi loogu galladay (ama loo siiyay) ayaan uu ciyoon ba nolosha kaga tagi karayo?
- FALSAFADDA AL-MACARRI


AFKA CAAMADA ba, walaalkayow, Ibraahinow, sow waalidkeennii ba ma oran jirin, "gabbalkaas sii dhacaya ayaan ahay"? Eeg Aadmigu ba waxa uu isku jimeynayaa gabbalka. Waaberigii, dhalashadii dadka ayuu u dhigmayaa; barqadii, dhallinyaronimadii ayay u dhigmaysaa...galabgaabkii na, waa cutush gaboobay oo kale. Maxaa xigmad ah oo ay waayeelku haddaa ina barayaan? Aan kuu sheego. Waxa ay ila tahay, adiga oo aan waxba sii eegin geedka sanoobbirka, diidiinka, yaaqa,… maroodiga (xayawaan iyo geedo jirsan cimri ka dheer cimriga Aadmiga); bal barbardhig, kuna dhereri noloshaada noolidaada—cabbaarkaaga—waaritaanka. Ma aragtaa hadda sida aynaan waxba kaga duwaneyn duqsigii dhashay, noolaaday, ku na dhintay isla hal maalin gudaheed? Waxa runtaas jirta inaga indhsaabaya waa saacadaha iyo maalmaha dad-sammeega (sameyska) ihi—habeentiriska (kaalandarka). Waa samaysyo (alaabey dad-sammee ah), kuwaas oo ah dhalanteed nagu maaweelin nolosheenna maalmeed. Uunku se waa hal wax oo is wada ah. Wax la yidhaahdo afar-ya-labaatan-saac kama jiraan. Uunku waa hal wax ee dhaca hal seben, hal cabbaar—hal waaritaan. Haddee bal eeg. Waaritanka haddii aan barbardhigno cimrigeenna; waxa uu ku soo baxayaa waxba. Sidii in weligeed adduunyoda, marnaba aynaan soo jiri jirin, iyo sitaahoo aynaan soo ahaan ba. Baabah!
MACALLINKAYGII, Al Ustaad Kindi (AUN), ayaa igu barbaariyay maansooyin, maantadan la joogo, weli ugu wada dhaxalgalsan suugaanta Carabta ba. "Falsafadda Al-Macarri," waa mid ka mid ah maansooyinkii Abul Calaa Al Macarri; maansodan qotada dheer, oo isla jeer ahaan na qurux badan, ayaa ina faraysa:
Debci saantaada. Waxan u maleyn Carrada ba waa jirarkii meytida,Dabaysha aal u dhexqaad, si aanad ugu dul joogsan haraaga addoomadii Eebbe…!
TIX I DAMQAYSA ayaa gabyaagu ku soo gunaadayaaa maansadiisa yaabka leh! Liidku, magaciisu ba, waa Aadane. Eeg hawraarta uu Al Macarri inagu sii cawryayo:
Noloshu ba waa wada dhibaato maxaa se ka yaab badan ka[*] weliba sii doonaya cimridheeri!
[*] Bal ka warran awowgay Madaxweyne kusheggii hore, Ina Yuusuf Yey? Noloshiisa oo idil waa wada dhibaato; dhaqankiisu na waa dhiibaato: misana,… nolol ayuu sii doonayaa?
"Ari Boowow, muxuu ku falahayaa?"
"Dhib," la yeen.
I. QORAAGA CABQARIGA AH

DHOOB ISLAWEYN
AADMIGA—dhoobo ayaa laga abuuray, maaha?—in lagu gallado indho, lagu na gallado ilmo (ilqabatooyin), maxaa u wacan? Waalid ayaa ba jira se: silicdilyeyn, u na aabayeeleyn, uga na tureyn dhibaatooyinka ilmohoodii ku haysta isla dhexdii guryohoodii? Yuu gurigiisii yahay se kaas, aadkeedaba? Waalidka noocaan ah, malaha naarta ayay ku noolaan doonaan! Kuwani, ilmohoodu waa agoon. Waalid ifka ku dhintay. Waa meyti. May, waa ku geeri-gacan-dheer. Waxa aan maqlaa intaa, waalid ku nool, waalid iska quuta mustaqbalkii dhashoodii—dhiigga iyo dhiggii ilmohoodii. Sow se wax laga yalaalugoodo, ma aha? Wax laga dhinto? In ay nool yihiin in ay dhintaan ayaa ba u dhaami lahayd.
WEYLOWADEHU (Laxlehu), u fiirso; walow uu dhintay, walow aan uu jirin, walow aan uu la joogin; ogow waa meyd weli waxtarkiisii uu ka ag muuqdo agoontiisii! Cayayaankan mootan; hayeeshee ayaa wax badan dhaamo Aadami badan, oo isaga iska nool uun.
II. QORAAGA CABQARIGA AH
WAA MIDKA aan u waxqorin jiilkiisa uun; balse waa mid u qora, ay na fahmi doonaan jiilalka iman doono. Laga yaabee in aad is weydiisid: "Oo maxaan u qoraaya wax aan ay jiilkaygu fahmeynin?" Waa xil iyo kaaalin u gaar ah. Cabqarigu waa ka waxa u qora si aan loo fahmin ba: Ii sheeg yaa horey ka fahmay faylasuuf jiray ba? Iyo "Rasuulun mina Allaah yatluu suxufan mudhaharah!"? Waa facyaalka iman doona kuwa kaaga baahan hiilka, iyo kuwa ku fahmi doono ba. Waayo? Facaagu waa kuwo lagu wada barbaariyay dhaqanxumooyin caado looga dhigay. Caadooyin xunxun. Caadooyinku, ogooobay, ka ba xoog badan xataa diinta. Qabyaaladda Soomaalida, ka warran? Sidaas darteed abwaan kasta, falaysuuf kasta, garaad kasta, qoraa kasta waxa uu isku hawlay, sida badan, sidii uu u kasban lahaa jiilal iman lahaa dabadii—sanado, qarniyo, iyo kumanaan sano…
G U N AA N A D
- Murtidu, haddaba, waxa ay ina bareysaa in aan hawshayada u fulinno, sitaahoo aan ahayn Diqsigii May; u na kaabnaa nolosha farcankeenna dambe, sitaahoo aan ahayn Weylowade (Laxle).

IS WEYDII HADDA? Maxay Ayaadaha Qur'aanku inoo farayaan, "A falam yarow ilaa maa beyna eydiihim, waamaa khalfahahum minassamaa'i wa ardl..." Dundunta yar ee weylowade (Laxle), qofkii aan Jiritaanka Eebbe ka dhex helin; wallee, in aan uu weligii na carrada idilkeed na ku dhex arki doonin.
- Waan kugu soo buuqay. Laakiin se, dhimbil yar ayaan doonayay in aan noqdo; dhimbil, tii shidi lahayd ololka weyn.
- DHAMMAAD
Qormo: "Wacdaraha, Nolosha, iyo Geerida Laba Cayayaan"
Wq: A. M. Yusuf (Wayeel)
No comments:
Post a Comment