W.Q: Ahmed Ibrahim Awale ------
Berigaan yari ayaa nin oday ahi hal-hays u lahaan jiray “Ha
xuurayso, xaq-qa uunbay tegiye!’, deedna waxa loo bixiyay “Xuureeye”.
Marka aad eegto sida ay wax u socdaan ee kala irdhowga, iyo in
reer waliba sidii diinkii isku ururiyay qoloftiisii, soo-shaac-baxa
boqollaalka suldaan, garaad iyo boqor ee mid waliba u taagan yahay in
bulshadeennu uu qayb ka mid ah ardaa yar ku xeraysto kuna hor-joogo, maamullada
ku dhisan reeraysiga, siyaasadaynta dhulka (kala-sheegashada) iyo dhisaalidda
soohdin-beeleedyo, waxa ay iila muuqataa in aynnu dib ugu laabmaynno tagto leh
turunbuuqooyin, degganaansho la’aan iyo qalalaase – taas oo laga dheehan karo
xilliyadii ka horraysay inta aanay gumaysteyaasha reer Galbeed dhulkeenna soo
cago dhigan isla markaana aanay innagu fulin ‘sharcigoodii’ si loo helo
kala-damabyn.
Socdaal-yahan dhulka Soomaaliyeed soo maray 2100 gu’ ka hor ayaa
ku tilmaamay:
“…..Dadka Berberka (Soomaalida) ah ee meeshaas ku nooli waxa ay
ahaayeen qaar xadhig-lama-sitaan ah, la loodin karin, lana maamuli
karin”.
Meel kale ayuu ku qoran hadalkan:
“Carriga (Soomaaliyeed) ma aha mid uu xukumo boqor, ha yeeshe
magaalo-sayladeed waliba waxa u taliya qof gaar ah”.
Haddaba maxaa tagtadaas hore uga eekaansho badan timaaddada
innagu soo socota.
Haddii aynaan fadhigaka kicin kana siqsiqin qaabkan ay wax u
socdaan, waxa iman doona (oo weliba aynnu waddadeedii haynaa) in carriga
Soomaaliyeed iyo khayraadkeedaba loo tashan doono. Bal ka warrama qoys waliba
haddii uu yidhaahdo aayahayaga iyo khayraadkayaga ayaanu ka tashanaynaa ama u
tashanaynaa oo shirkado horor ah ugu gacan galaan aqoon-la’aan, gorgortan
la’aan oo sidaas khayraadkeennii uga dhergaan haad iyo habqle! Ka dibna
si ay shirkadahaasi ama dawladahaasi u ilaashadaan danahoodo dhaqaale,
istaraatiijiyadeed iyo siyaasadeed ay qolo waliba wax kasta ku bixiso in ay
ilaashato, ka dibna hub isugu dhiibto?
Ma fududa mana dhib yara saansaanka yaalla, furdaamintiisu waa
ka xeel-dheer yahay sadarro koobkooban oo madashan la isku waydaarsado.
Waxa uu u baahan yahay garasho fog, dadaal iyo hor-Alle-u-jeednimo (daacad).
Canaantana ma wada laha xukuumaddu, arrimahan aynnu indha ku kala qaadaynaa waa
qaar la filaayay. Hore ayaa dad badan oo aan ku jiro ay qabeen “Xamar oo
xasillooni hesha waxa Somaliland jiritaankeeda ugu sugan halis weyn”.
Haddaba inta aanu arrinku noqonin: “Ha xuurayso, Xamar
uubey tegi” waa ku jirta in la xaamxaamto oo loo xusul-duubo sidii loo
badbaadiyo wixii la soo dhisayay 20 sano.
Qore: Ahmed Ibrahim Awale
No comments:
Post a Comment