Halkii uu iftiinka ku yaqaanay ee daaqadda ayuu
eegay isaga oo Il isku haya, gacanna ku haysta Bustaha oo yar jeclaysanayo in
uu sii huwanaado, balse waxaan mugdi ahayn ma arag! “Wallee waa habeen ee
meesha isaga kac” ayuu iskula faqay..Ma jirto meel uu u shaqo tegayaa, balse
waxa la fogaatay indho-is-gashi gaaban oo uu damacsanaa in uu kaga nasto
shaqo-maalmeedka. Hal-haleel buu maro, kab iyo lama-huraanka kale ee lebiska
isku geliyay. Dibedda ayuu u soo booday, sidii bahal guriga ka soo eryaday,
wuxuuse arkay in aanay habeen ahayn, balse jewigu u egyahay.
Waa casar gaaban oo moodda galabadeed midabo gaar
ah u samaysay jewiga. Dheereeyee, imisa tallaabo ayuu qaaday? In uu qaadayba,
wuxuu soo gaadhay Suuqa.
Isaga mooyaane way yar tahay cid kale oo Jidka maraysa,
dad yar oo faro-ku-tiris ah oo dhibica aan wali toos u qaadin ee roobka ka degdegaya
mooyaane, ma jirto cag badan oo socota..Cirka ayuu eegayaa, haddana wuu
baalla-daymoonayaa. Biyaha hoostiisa qulqulaya ee mararka qaarkood maayadda
daadka ahi kabihiisa dul-marayso, inta badan ma dhaaddana, wuxuuse ku maqan
yahay is-barbar-dhig. “Maanta maxaa uga eg maalintii?” ayuu maankiisa kula
xanshashaqay..Maalintee, dee mooyi! Isaga ayuun baa garanaya. “Miyaanad Ilaahay
ka cabsanayn, ma iyagaa isuba dhaw?” ayuu isugu jawaabay. “Roobka, barwaaqada, neecawda
iyo udugga saxansaxada miyaanad dareemayn, maalintaad sheegaysaa miyaanay ku
astaysnayn obos, abaar, omosoore, baxarashoon iyo harraad. Maxaa isu-keenay” “Oo
haddaa maxaan isula soo doontay tolow?” ayay ku murmayaan maankiisa iyo
naftiisu. Isaga oo aan jawaab u helin weydiintaa u dambaysay, ayuu muquurtay
mawjado xusuuseed oo salkoodu ahaa milicsiga maalintaa mahadhada ku reebtay
maankiisa!
Waa saddex sanno ka hor. Ma qaldana oo casar liiq
ah bay ahayd wakhtigaasi, wuxuu mililicay sawirkii u dambeeyay maalintaas ee
noloshiisa, “Alla..Alla.. waar I bakhtiiya dadku miyay waalan yihiin maxay iga
eegayaan,” ayuu ku dhawaaqayay. Xaggee baanay ka waalnayn! Haddaanay waalnayn
miyay ku eegi lahaayeen, soo mar uun lama arkeen qof ka hoos qaaday qaylada oo
dhug u yeeshay? Miyaa lagula yaabi lahaa gurmadka uu dalbanayo? Ma jiro Olol ka
baxaya oogadiisa oo indhaha dadka u muuqda, waanay ka arag-laĆ½ihiin uumiga ka
baxaya qalbigiisa ee uu isagu moodayo in uu oogada uga soo baxay. “Waar niyow
sidan isu-dhaan” ayaaba dadku leeyihiin halkii uu gargaar ka filayay.
“Maxaabay dadkani kuula yaabi doonaan, miyaad
iskaga tagtid?” “Oo halkeed tegi, dadku miyaanay isku wada mid ahayn, yaase
dammaanad qaadaya in aanay kuwa aad u tagtaa ka dari doonin kuwan oo aad
garowshiyo ka heli doonto?” ayuu gorfayn naftiisa iskula foogmay. Wuxuu
sibiq-dhaqaaqay suudal abbaartiisu ahayd in uu gaadho halka ugu dhaw ee qof in
uun u garaabayaa uu joogo.
Kabaha ayuu illaday, iyaba waa amar Allee isaga
oo aan in badanba socon, ayuu muuqaal mututuul ku ah milicsaday, “Waa qofkii” “Qofkee
dee, markaas uun baad wax walba isu-sawirtaaye” ayuu isugu jawaab-celinayaa. “Dee
waa kan Ilaahay keenay ciddii kuu garaabi lahayd” “Oo maxaad ku garatay, illeen
qof iyo geed wuxuu yahayba ma kala caddaĆ©” “Mooyi, ee bal ha ku soo gaadhee
hore u gaadh,” ayuu talo ku goostay.
Tallaabada daran-doorri u qaad, wuxuu ku
dhawaadaba, dhaqaaqiisii wuxuu u gartay qof, balse wali ma kala garan Rag iyo
Dumar……..Halkaa marka ay xusuustu la marayso, ayuu ku war helay sanqadh iyo
Biyo wada socda oo dusha kaga yimi, “xaaaaax, waar waa sidee” ayuu yidhi, hoos
baabu isku eegay, mise Biyo dhoobo leh ayaa dushiisa dareeraya! Illeen wali
wuxuu taagan yahay Jidka badhtankiisii oo uu saacado iyo dheeri ka hor
istaagay! Show Taayirka Gaadhi waydaartay ayaa Biyo god ku jira oo dhoobo ah ku
saydhay…Maba joogo saddex sanno ka hor iyo dhibe, wuxuu joogaa jewigii nimcada.
Hareeraha ayuu jalleecay, mise waa fiid-dhawaad. “Acuudu-billaahi
Mina-Shaydaani Rajiim! Oo intaaba ma taagnayd?
Maxaa rays iyo doog,
Rug caleenle daaq,
Adigoo dul rukuuba,
Xusuus aad ugu riixday,
Rarankii holcaayiyo,
Dharaartii laga reystay…….” Inta uu ku qanciyay
naftiisa, ayuu goobtii ka hulleelay.
Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment