" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: ISMA-OGE

Thursday, January 26, 2012

ISMA-OGE


Waa maalqabeen mood iyo noolba xeryahiisu aanay istabin. Cuud yaraan iyo carruur la’aan marnna kaba caban noloshiisa. Hadday magac iyo sharaf bulshada dhexdeeda noqotana magaca waa ka XAAJI, oo maamuuska iyo milgaha lagu teenbiyey lama koobi karo. Beerahiisii, baloodhadiisii, baabuurtiisii, guryahiisii iyo hantidiisii kale ayaa afarta jiho ee dhulka sida ciida iyo camaarka u quban.


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa, ina rag damac iyo dacari midna kama dhammaato e`, loogu yaboohay baaq uu aad u jeclaystay oo ugu riyaaqay noloshiisa oo dhanna waligii aan hore u soo marin. Una dhaw siday ugu sansaan eeg tahay inaanay waligeed dib u soo mari doonin. Waxa loogu baaqay wax aad adiguba aanad ka adkaysan kari lahayn, gaar ahaan wakhtigan iyo xilligan la joogo; waxa lagu yidhi, “dhulka waxa laguu ogol yahay oo intaad hore u haysatay laguugu sii darayaa inta aad socod maalintii oo dhan ku gaadho, balse bi shardi… ku soo noqo halkii aad ka bilawday socodkaaga iyadoo aanay cadceedu dhicin”! 

Markii wadaadku afka uun daakiraddii ku hayo oo juumaha dhacayaa kii dameeraha layn jiray yahay ayuu gurigiisii ka soo jaqaafiyey oo socod macawiista labada dacal qabsaday. Inkastoo uu da’ba iska ahaa, haddana waa ka isdhigay bahal guclo ah oo labadda xusul duubtay.

Wuxuu isa sii cayntaariyo si uu dhulka ugu badan ee uu awoodo socod ugu gaadho, ayay cadceedu galbeed u janjeedhsatay oo ay casar dheere ku dhawaatay. Inkasta oo uu daalanaa adigaaba sheegaya, shidanaaba shidan!

Damaciisaa ka xoog roonaa oo sida birlabta u soo jiidanayey. Markii uu ka baqay inay cadceedu u dhacdo oo tacabkiisu noqdo biyo col dhaanshey, ayuu dib haddana isku soo majiiray oo uu markan orod dhagaha soo nabay isaga oo aad moodo inay qorraxdu eryanayso markaad aragto siduu dib iskaga eegayo.

Dhididku sida durdurka ayuu intuu fooda uga soo rogmado labada qadaad uga biyo-dhacayaa. Wadnaha sida xooga ah ee isku garaacayaa wuxuu ku dhawyahay inuu soo goosto saabka feedhaha oo uu laabtiisa ka soo boodo. Dhul wuu ka tagay cirna gaadhi waa` xiinka ka dhacayaa awadii. Sheed markuu ka soo socdo siigada, uuradda iyo boodhka uu soo laba-qasayo ayaa “Allif…Allif” carruurta adhyaha la joogtaa ka qabsanayaan. Markasta oo cadceedu godkeeda u sii dhawaato isna orodkiisa ayuu sii labanlaabayey. Isagu se waxaa ma arkayo; wali waxa u cad tiisii.

Wuxuu soo ordaba isagoo naftu ku sii daba-yartahay oo istiilaya ayuu daaradii gurigiisa isku tuuray, balaq. Nasiib-wanaag cadceeduna isla wakhtigaas ayay godkeedii tin iyo cidhib kuwada xarootay. Dhulkii ayaa la siiyey oo sidii loogu saxeexay laguna kala guddoontay. Balse, ninki nafba dhulka ulamuu dhicin. Arroortii ayaa aaskiisii loo dareeray, waxaana lagaga aasay oo kaliya, isagoo goos cad ku duuduuban, dhulkii ciida ka badnaa ee uu lahaa in ka yar dherer ahaan 2 meter; ballac ahaana nus mitir.

W.Q: Cabdilaahi Xasan Cabdilaahi (Baxraawi)

No comments: