Ilaa saaka markii uu toosay dhiig baa afka uga dhadhamayey. Markii
hore wuxuu mooday in uu afka ka dhiigayo dhawr jeer ayuuna candhuuf iska soo
muudiyey oo eegay dhiigse kuma uu arag, haddana waxaad mooddaa in uu xinjiro
afka ku sito. Wuxuu ka fekeray goorta iyo waxa uu dareenkaasi ka soo raacay,
wuuse xasuusan kari waayey. Wuxuu isku dayey in uu is illawsiiyo laakiin ma
ahayn wax uu is illawsiin karo.
Markii waagu guduutay socodkii uu soo bilaabay ayuu weli ku jiraa
isaga oo beegsanaya tuulo u jirta gelinsocod dheer. Wuxuu ka soo jarmaaday
cidla uu xalay u hoyday halkaas oo uu kaga degay gaadhi magaalo ka soo qaaday.
Qorraxda oo la moodo intii shalay lagu ogaa in ay aad uga weyn tahay ayaa barta
wejigiisa ku beegan ka soo kudday. Cabbaar ka dibna wuu ku indhodaraandaray,
barqadiina dhidid badan ayey ka daadisay. Surwaal jiinis ah iyo shaadh madow
waxaa u wehelisa funaanad uu awel shaadhka ka dul gashanaa imikase madaxa ugu
duuban. Laba kabood oo uu qorijabka iyo qaniinyada halaqa kaga soo gaashaantay
ayuu illan yahay. Garabkana waxaa u sudhan shandad aan weynayn oo ay alaab yari
ugu jirto. Imika markii ay cadceeddu kululaatay shaadhkii badhannada wuu u furay
oo neecawdu waxay ku dhacaysaa garan cad.
Qalbigiisa farxad baa ka buuxda, iyo filasho wanaagsan. Xataa xalay
markii uu cidlada joogay wuu faraxsanaa. Degaanka u marayo daawashadiisa wuu ku
farxayaa. Aad buu ugu farxayaa. In kasta oo uu muddo afar sannadood ah ka
maqnaa geed geed ayuu u garanayaa. Waa dhulkiisii dhalasho iyo dhallaannimo.
Hilowga dalka kuu galaa kama yara ka dadka kuu gala. Jeex walba, ban walba,
taago walba, godan walba, geed iyo duddun walba oo ay indhihiisu arkaan haddii
ay qof yihiin laabta ayuu ku qaban lahaa oo dhabannada ka dhunkan lahaa.
Xilligu waa gu dambeed ay dhibicda roobku jeesatay, doogguse weli qof
gaaban wuu qarinayaa, dhirtuna caleen ayey la ciiraysaa. Xareeddii dhowaan
gelgelimaha jiiftay imika waxay ku dambaysaa balliyada. Duunyadu dabjoog iyo
duurjoogba waa ay hamuungoysay oo inta ay daaqayso waxaa ka badan inta ay
fadhido ama laacdamayso. Siddeed iyo labaatanka dayrood ee uu jiro inta badan
dhulka wuu ka maqnaa, laakiin waa dhulkiisii. Waxaa ka buuxda rayn rayn.
Sidaas oo uu u niyadsan yahay waxaa jira dareen dhiillo oo marmar soo
weeraraya. Waa walaalkii oo intii uu isagu maqnaa nin ay isku degmo yihiin
qudha ka jaray. Laba sano iyo dheeraad baa dhacdadaas laga joogaa, laakiin
dilku ma aha waxyaalaha sida fudud ku duugooba. Waxbarasho imika u soo
dhammaatay ayuu isagu markaa dalka Masar ugu maqnaa, markii uu dhagartaas
maqlayna aad buu uga xumaaday. In kasta oo mashaqada wadahadal lagu qaboojiyey
haddana wuu ka welwel qabaa nolosha walaalkii iyo ragga kale ee xigtada ah.
Wuuse og yahay ilaa haatan in la nabad qabo.
Maanta uma baahna in uu waxaas ka fekero waayo wuu faraxsan yahay.
Waxaa ka buuxa dareenno iyo fikrado kale. Wuxuu ku raaxaysanayaa dhulka iyo
waxa dul saaran ee uu daawashadooda indhaha iyo nafta ku quudinayo. Wuxuu ku
liibaanayaa udgoonka kala duwan ee ubaxyada, xabagaha iyo doogga ka soo baxaya
ee sankiisa ku soo ururaya dabadeed sambabbada u gudbaya haddana jidhka oo dhan
iyo nafta oo dhan ku faafaya. Codadka shimbiraha, cida iyo guuxa xoolaha, foodhida
cambuulaha ay dabayshu afuufayso, jiiqda laamaha isxoqaya, iyo shalalaxda
doogga iyo caleenta ay laydhu cayaarsiinayso ayaa kaga filan in uu hoog walba
oo dunida ka jira illaawo. Marba geed ayuu midho ka tiigsanayaa ama nicmo kale
ayuu ku foororsanayaa. Waa socdaal haddana waa tamashle. Dhulku waa dhulkii.
Laakiin dhiiggan baas ee afka ka dhadhamayaa waa maxay?!
Geed aad u weyn oo qararro ah ayuu hortiisa ka arkay kuna farxay. Waa
geed caan ah. Wuxuu dhinacyada u kala bixiyey laamo aad u laxaad weyn oo ay mid
waliba kelideed geed gooni ah noqon kari lahayd. Jirridda aadka u ballaadhani dhexda ayey ka
dalooshaa oo waxaa gala biyo badan oo muddo dheer roobka ka dib laga cabbo
lagana dhaansado. Jirridda dhirta ee dalooshanta biyaha galaa waa moqor waxaana
lagu soo nuugaa dhuun, laakiin run ahaantii kan moqor laguma sheegi karo, waayo
weynaan inta uu ka qabo waxaa la darsadaa weelkii la doono. Biyahaas
baaxaddooda darteed dadka qaar waxayba ku sheegaan biyo ay xididdadu dhusunka
ka soo qaadaan.
Geedku waa kii uu yaqaanney. Markii uu gaadhay si gacaltooyo leh ayuu
u yara dhirdhirbaaxay cabbaarna calaacalaha ku cadaadiyey oo daaddaawaday.
Haddii uu la hadlo malaha wuu afgaran lahaa. Biyihii ayuu gacmaha dardarsaday
oo dhiiggii afka uga dhadhamayey kaga luqluqday dabadeed cabbay. Waxay ahaayeen
biyo qabow oo nadiif ah oo jidhka iyo naftaba qaboojinaya. Laakiin isla markii
uu ka dhaqaaqay dhadhankii dhiigga ahaa afkiisa wuu ku soo noqday. Waar haddaba
balaayadani waa maxay?!
Wuxuu ku soo baxay adhi badan oo ay intiisa dheregta la jiiftaa ka
badan tahay inta daaqaysa. Wuxuu ka dhex eegay cid la joogta markii uu arki
waayeyna iska dhaafay. In yar ka dib waxaa ka soo hor baxay balli weyn oo
buuxa. Balligu wuxuu ku dhex yaal il bannaan oo doog qariyey dhirtuna ku yar
tahay. Biyaha balliga iyo doogga waxaa ku kala lingaxan diillin bacaad ah oo
nadiif ah oo diirran oo ay biyuhu ka durkeen. Halkaa wuxuu ku arkay dhar dumar
oo yaal, doogga ayuuna ku gabbaday oo eegmada ku daydayay bal cid meesha
joogta. Markii uu cid arki waayey sida askari dagaal ku jira ayuu suxullada iyo
jilbaha ku gurguurtay oo hore u durkay ilaa uu dharkii u jirsaday toban
tallaabo oo keliya. Geed carmo ah oo humbulan ayuu hoostiisa sida diinka isku
xabaalay labada indhoodna meel u bannaystay. Haa, gabadh dhallin yar ayaa
biyaha ku jirta. Iyada oo baraadla ayey si deggan oo raaxo leh marba dhan u
dabbaalanaysaa. Cabbaar ayuu halkii ka daawaday oo marka ay qaarka sare biyaha
kala baxdaba eegmada kula suuxay.
Haddii uu u tago oo istuso wuu og yahay dareenka aan wanaagsanayn ee
ka dhalanaya. Waxay ku xukumaysaa in uu yahay nin aan anshax iyo dadnimo
suubbanyn oo goor ay dagan tahay ka danaystay. Isagana taasi waxay ka dhigi
lahayd bahal daciif ah. Maya, inantii iskama uu didin iskumana dirin. Ma qurux
taa ka sarraysa oo uu arki lahaa baa jirta? Hadhow waxa uu ka helaa waa
nasiibkii, imikase ma aha in uu iska didiyo iskuna diro. Run ahaantii waxii uu
dabeecadda degaanka ilaa saaka qurux ka soo daawanayey tan ayuu ku illaaway.
Ugu horrayn iyo ugu dambayn wuxuu si walba u daawaday laabteeda iyo labadeeda
naas ee ugub, iyo qoorteeda, iyo garbaheeda, iyo dhabarkeeda, iyo
dhabannadeeda, iyo timaheeda qoyan ee hoos ugu seexday. Labadiisa indhood
libiqsan maayaan jeer ay dabayshu xanuunjiso.
Wuxuu u tooghayaa oo heegan u yahay marka ay biyaha ka soo baxayso iyo
qaarkeeda hoose. Wuu hubaa in aanay jirin wax ka wanaagsan oo uu maanta arki
lahaa. Wuxuu bannaystay meel uu marka ay biyaha ka soo baxdo si buuxda
jidhkeeda uga wada arki karo. Sawirro aanay quruxdoodu xaddi lahayn oo
xubnaheeda hoose ku saabsan ayuu khayaaliga gashaday. Markii ay soo baxdayna
sawirradii oo dhami dhakhso ayey u masaxmeen waxaana beddelay kuwo dhab ah oo
ka sii qurux badan. Ma waxaa jira wax sidan u abuuran?! Ma qof bani aadam ah
baa sidaas u eg?! Wuxuu ku sigtay in uu ku boodo oo isku duubo oo ku ooyo.
Markii ay dharka gashatay inta uu indhaheeda iska eegay ayuu soo kacay
isaga oo iska dhigaya in uu imika yimid. Laakiin dhar xidhashadeeda iyo
imaatinkiisu sida ay isugu dhowaayeen darteed waa ay garatay waxa uu falay. Waa
ay isu xanaajisay, markii uu hadal u bilaabayna huruuf ayey ugu jawaabtey.
Isaga oo weli la hadlaya ayey ka dhaqaaqday oo dhankii adhiga aadday. In ay la
sii joogto ayuu ku dadaalay kana codsaday laakiin dheg uma ay jalaqsiin. Waa ay
xanaaqsanayd.
Markii ay ka tagtay wuu cidlooday wuuna hiloobay. Dabadeed balligii
ayuu isaguna kaga dabbaashay isla meeshii ay kaga dabbaalanaysey isaga oo
maryahana dhigtay isla meeshii ay dhigatay. Taas wuxuu ka helay liibaan weyn.
Wuxuu maleeyey iyaduna in ay sidiisii meel ka soo eegayso, dabadeed wuu qoslay
dan kalese kama gelin.
Wuxuu ka fekeray inantan iyo Hibaaq tooda qurux badan. Hibaaq waa
gabadh uu ilaa yaraantii jeclaa maantana guurkeeda u socdo. Waxaa isugu
dambaysey afar sannadood hortood, wuxuuse hubaa dunida dumarka jooga in ay ugu
qurux badan tahay. Mar kasta oo uu ka fekero, mar walbana wuu ka fekeraaye,
quruxdeeda wuxuu ku lammaansadaa dabeecaddeedii macaanayd ee debecsanayd iyo
sidii naxariista badnayd ee ay isaga ula dhaqmi jirtay.
Markii uu balligii ka baxay ee socodkii sii watay wuxuu wadajir uga
fekerayey gabadhii uu soo arkay iyo Hibaaqda uu ku socdo ee guursan doono.
Isaga oo aan ku talogelin ayuu cod dheer ku qaaday heestii ”Damaq jacayl”.
Haddii la maqli lahaa waxaa la moodi lahaa qof waalan.
aan damaq jacayl
dad israba warkood
kaa daaddejee
waxay ugu darrayd
markii aan dul imid
taan dunida rabay
iyadoo doog dhex jiiftoo
daawanaysa ubaxoo
sow raaxo damacdayoo
durba garayski furatayoo
sii daysay timihii…
Dhadhankii dhiigga ayuu mar kale dareemay aad buuna u necbaystay.
Wuxuu ka fekeray markii uu gabadha daawanayey dhiiggu in uu u dhadhamayey iyo
in kale, wuuse xasuusan waayey. Kollay ma uu dareensanayn. Cabbaar markii uu
socday oo ay qorraxdu duhur sheegatay wuxuu ku soo baxay saddex doob oo
geeljire ah oo geed hadhsanaya. Midkood ayaa bunduq safaysanaya, labada kalena
jeegada ayey u jiifaan. Waxay siiyeen gaawe caano geel ah oo qabow, waana ay
haybsadeen, isaguna wuu haybsaday.
Markii uu ka tegi lahaa waxay u sheegeen in uu la cuno cawl ay disheen
hilibkeeda oo u bislaanaya. Wuxuuse la yaabay iyagana weydiiyey hilibka ay ku
soorayaan meesha uu ku bislaanayo, waayo wax raq muujinaya agtooda kuma uu
arag. Laakiin markiiba labadii jeegada u jiifay ayaa kacay oo meel toban
tallaabo u jirta ciidda kala xaadhay, god hilib ugu muufoobayey ayeyna daboolka
ka rogeen. Hilibkii oo qiiq badani ka baxayo ayey ku soo dul gureen laamo
hohobeed oo ay soo gooyeen, waxayna soo dhigeen halkii la fadhiyey. Wuxuu ahaa
hilib macaan oo udgoon oo jilcay oo maraqu ka da’ayo. Laakiin isla markii uu
nimanka ka tegay, ee dhadhankii hilibku afkiisa ka dhammaaday, waxaa ku soo
noqday dhadhankii dhiigga. Waar balaayadani haddaba waa maxay?!
Maskaxdiisu waxay oggolaatay oo aan marnaba ka baxayn Hibaaq. Afartii
sano ee ay kala maqnaayeen xaalkeeda joogto ayuu ula socday, wuuna og yahay
weli in ay isaga u joogto. Run ahaantii tacliinta uu muddada dheer ku maqnaa,
noloshiisa magaalada iyo wax kasta oo kale iyada ayaa uga qiimi badan. Mar kale
in uu arko ayaa wax walba uga weyn. Tuulada uu maanta ku abbaaran yahay ayuu ka
ogaan doonaa reerkoodu halka uu deggan yahay.
Casardheere ayuu tuuladii soo galay. Weli wuu faraxsan yahay, welise
afka dhiig baa uga dhadhamaya. Maqaaxidii uu fadhiistay waxaa lala soo gaadhay
bakeeri shaah ah oo rasiin ah oo kulul oo ay sonkorta iyo caddaysku ku badan
yihiin. Bakeerigii oo faaruq ah haddana weli kulayl la qiiqaya ayuu hortiisa
dhigay dabadeed dhidid badan oo ka soo qubtay iska masaxay. Ilaa markii uu
hikibka ugaadha cunay aad buu u xaraaradaysnaa. Bakeeri kii hore la mid ah ayuu
liqay dabadeed harraad ay biyuhu ka bi’in waayeen ayaa ka ba’ay, daalkiina wuu
ka duulay. Inta uu shaaha cabbayo mooyee waqtiga kale oo dhan afkiisa dhiig baa
ka dhadhamaya. Waar illayn balaayo!
Ragga uu meesha ugu yimid badankooda wuu garanayaa. Wuxuu kale oo si
fiican u garanayey nin markii uu isagu maqaaxida soo fadhiistay degdeg kadinka
uga baxay. Waxay walaalo yihiin kii gacanta walaalkii ku baxay.
Waxaa loo tilmaamay meesha reer walaalkii deggan yahay. Wuxuu kale oo
ogaaday Hibaaq reerkooduna in ay halkaa ka dhow yihiin. Taas aad buu ugu
farxay. Dabadeed goor ay casar gaab tahay ayuu carraabe u anbabaxay. Markii uu
tuulada hagaag uga baxay, oo keligii meel bannaan sii socdo, ayey xabbadi
diillinta dhabarka ka haleeshay. Dhankii qaraxa ayaa la wada eegay,
waxaana la arkay isagii oo dib u soo
ordaya aadna u cabaadaya afkana dhiig ka qubanayo. Neef geel ah mooyee wax
sidaas u cabaada weli lama arag. Boorsadii yarayd ee garabka ugu jirtay iyo
kiish uu gacanta ku laallaadinayey midba mar buu ka dhacay. Sidii uu u soo
ordayey una cabaadayey ayaa xabbad kale laabta lagaga qaboojiyey. Dabadeed wuu
istaagay, haddana qunyar labada jilib oo wada socda dhulka ku qotomiyay,
haddana sidii qof sujuudaya wejiga dhulka ku horraysiiyay, dabadeed wuu wada
qallibmay. Wuu sii yara kurbaday, dabadeed illayn wuu dhintaye wuu dhaqaaq
daayey. Bal ha iska noolaadee may iska daayaan!
W.Q: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
No comments:
Post a Comment