" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: SADDEX NAFOOD!

Thursday, January 19, 2012

SADDEX NAFOOD!

W.Q: Ibraahim Yuusuf Axmed (Hawd) ---

Q. 1aad

Siraad, weligaa iskuul ma aaddhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid. Weligaa waad arradnayd, waxbana lagaama hagran jirin ee awoodda reerka ayaa sidaas ahayd.


Qof kasta oo faqiir ahi wuu ku riyoodaa nolol ka wanaagsan tiisa liidata, adiguna taas dadka kale ayaad kala mid ahayd. Wax badan baad calafkaaga sii malaysay. Wax badan baad doob baabuur qaali ah wata iyo fillo doog leh indhaha la sii raacday. Wax badan baad oori nin ladani koolkoolinayo niyadda ka xasadday. Wax badan baad sheeko nolol qurux badan ku saabsan sii dhegeysatay.

Xaalkiinna oo sidaas ah ayuu laytalkhadar idinku soo degay; nin hodan ah baa laguu dhisay reerkana lacag ku hafiyey. Wuu kaa da weynaa oo markaas aad sagaal iyo toban jirka ahayd isagu wuxuu ahaa konton. Naag ay kala tageen ayaa afar carruur ah oo koray u lahayd. Laakiin xag dhaqaale waa nolol aad u baahnayd. Waa adigii degay fillo beer leh, ee gashaday dhar qaali ah, ee u egaaday oori qiimo leh. Baabuur, telefeeshin, fiidyow, telefoon iyo qalab la nooc ah oo guryaha waqtigan ku yar ayaa laguu dhigay, adeegto shaqada u jajaban ayaa laguu qabtay, habeenkiina guriga waxaa kuu ilaaliya waardiye xoog weyn. Noloshaadii waxaa ku dhacay afgembi.

Waxaad isbarateen dad cusub oo xagga ninkaaga kaa soo galay, kuwaas oo idinla nolol ah amaba idinka sii ladan. Waxa ay ka sheekeeyaan iyo sida ay u sheekeeyaan la mid ma aha foqoradii jaahiliinta ahayd ee aad ku soo dhex kortay, kuwaas oo ahaa dad cabasho iyo calaacal badan, oo muran iyo qaylo badan, oo dagaal iyo isxagxagasho badan. Waxay ahaayeen dad sida waraabaha dirqi ku nool. Laakiin qolada cusubi waa dad deggan oo naftooda iyo noloshooda jecel. Waxay u sheekaysan jireen si qoladii hore aad uga duwan oo aad muddo la qabsan kari wayday.

Xeeb nadiif ah baa lagu geeyey oo inta dhar gaaban laguu geliyey lagu dabbaal baray. Caweys muusig dheeri ka shidan yahay baa la iswada ruxay adigana lagu ruxay. Martiqaadyo maamuus leh ayaa lagugu casumay oo dad nooc kale ah lagu baray. Yurub baa laguu dalxiis geeyay, oo aad indho sarcaadday, oo indho daraandartay, oo moodday in lagu sixray. Waxaas iyo wax la mid ah ka dib illeen dhagax ma tihid ee waad furfurantay oo milantay.

Ninkaagu bilawgii wuu ku koolkoolin jiray, laakiin beryihii dambe dan kaama geli jirin. Balwad iyo dad ay isaga isku dookh yihiin ayuu adiga kaa jeclaa waqtigiisa inta badanna siin jiray. Wuxuu bilaabay habeenka uu doono in uu iska dhaxo. Adiguna illeen dundumo ma tihid ee khaati baad noqotay. Gurigii waad ku caajistay sariirtiina ku cidlootay. Waardiyaha iyo adeegtada midna sheeko lama aad wadaagi jirin, dhaqankii cusbaa ee lagu baray ayaa ahaa in aan nolosha sare iyo ta hoose la isku darin, haddii kale ta sare ayaa nuxur iyo dhadhan beelaysa. Adeegtadu marka ay fiidka reerka cashaysiiso caweys ma haleesho ee sariirta ayey beegsataa, waardiyihuna salli xun oo uu ganjeelada agteeda u yaal ma soo dhaafo. Sidaas darteed marka aan ninkaagu joogin waxaad u cidlootay sidii boqorad laga dhintay.

Q.II

Waardiyaha xoogga weyni waa adiga. Waxaad tahay xerow shan iyo labaatan jir ah oo sida jaajuurka u adag una malaasan. Kama duwanid awr reerka debedda ugu dabran. Goor walba waxaad xasuusta ku haysaa maahmaahda ah ”Rag waxaa ugu liita nin maqan oo aan la tebin, nin tegaya oo aan la celin iyo nin jooga oo aan la tirin.” Maalintii oo dhan masjidka ayaad diin barasho u yuururtaa, marka salaadda maqrib foodda laga qaadana halkan ayaad ka soo shaqo gashaa. Reerka habeenkii uun tuugta kama ilaalisid ee adiga ayaa raatubta u akhriya, danta Kitaabka Alle ka soo gashana u caddeeya. Weli waxaad tahay arday oo diinta aqoon badan uma lihid, laakiin fatwada badanaa malaha iyo qardojeexa ku dhisan iyaga ayaad kalsooni kaga raadisaa. Risiqaaga ayaa galay.

Fiidka marka aad shaqada soo gashid ganjeelada agteeda ayaad beerta salli dhigataa. Halkaas ayaa shaah iyo casho waxii habeenkaa Alle kuu qoray laguugu keenaa, oo aad ilaa waaberiga duruusta ku akhrisataa, gurigana tuugta ka ilaalisaa. Hawsha intaas kuu dheeri waa ninka reerka leh oo aad marka uu baabuurka la baxayo ama la soo gelayo ganjeelada ka furtid.

Ma jiro qof xumaan ka dhawrsani, waxaadse ku dadaashaa in aad ahaatid nin jidka Alle ku toosan. Salaadi kaama tagto, soonna hadalkii daa. Xan iyo xumaan carrabkaaga waad ka ilaalisaa, jidiinkaagana xaaraan waad uga dhaaran kartaa. Awaamirta Alle ee arrimahaas ku saabsan raacistooda intii karaankaaga ah waad ku dadaashaa. Haweenka oo ah hubka ugu daran ee sheydaanku hurdo iyo soojeedba kugula dagaallamo marka aad la hadlaysid ma eegtid ee indhaha ayaad hoos u rogtaa ama wejiga ayaad dadabtaa, waayo sida aad og tahay eegistoodu waa sino. Haddana tiro ma leh inta jeer ee aad xubnahooda yaabka leh indhaha ku xadday. Mid gambadh ku fadhida oo bawdyaha bannaysay, mid guntiinada naasku dacal ka faydmay, mid dirac khafiif ah ay laabta iyo xalusku muuqdaan, iyo mid sii foororta oo badhida xaggaaga u soo fiiqday, intuba marar badan ayey naftaada miskiinadda ah cadaab ku shideen, oo aad wayso iyo tukasho isku qaboojisay.

Habeen adiga oo wayso qaba oo si aadan Qur’aanka u illaawin dusha ka akhriyaya, oo beerta guriga wareegaya, ayaad daaqad furan ka aragtay Siraad oo qaawan. Hadda qaawanaan aan dun yarina korkeeda saarrayn! Muraayad aan adiga kuu muuqan ayey hor taagan tahay oo timo yar qoyan shanlaynaysaa. Qacdii hore naxdin iyo filanwaa baa kugu dhacay oo waad carartay. Haddana si aad fursaddaa lama helaanta ah uga faa’iidaystid ayaad dib ugu carartay oo sii yar daawatay. Haddana waad ka carartay, oo haddana adiga oo run iyo riyo u kala garan la mar kale dib isugu rogtey. Sidaas ayaad adiga oo gariiraya muddo shan daqiiqo ah ugu noqnoqnaysey, ilaa ay dhar gashatay oo nalkii damisay. Waxay ahaayeen shan daqiiqo oo xagga baqdinta shan sano ka dheer xagga raaxadana shan seken ka gaaban.

Habeenkaas malaha foosto biyo ah waad cabtay, waxii aad xanuun la kulantayna isma aad lahayn waad sii noolaanaysaa. Markaas ka dib haddii aad damacdid in aad wax akhridid kitaabka waxaad ka dhex arkaysaa naasihii iyo xaluskii iyo badhidii iyo bawdyihii Siraad ee qaawanaa. Maxaa naag qaawan kitaabka Ilaahay dhex geliyay?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim!

Naag aadan qabin in loo galmoodaa waa sino, in la daawadaana waa sino, laakiin in laga fekeraa ma sinaa? Mas’aladaa xukunkeeda sharciga ah waxa ay Mad’habta Shaaficiyo ka qabto ma taqaannid, sino ayeyse u eg tahay. Lakiin sidee bay sino u noqon kartaa, fekerka ma adiga ayaa xukuma sow wax maskaxda iskii ugu soo dhaca ma aha? Sheekha aad kutubta ka raacatid qudhiisa sow dumar qaawani maskaxdiisa kuma soo dhacaan, iyo xataa isaga oo u galmoonaya? Ma Sheekha dhan ee aad Alle ka cabsigiisa og tahay baa isaga oo naag qalaad u galmoonaya ku fekera?! Istaaqfurullah! Alloow tooba!

Marar badan waxaad ku sigatay in aad gudaha isku qaaddid oo Siraad iyo adeegtada mid uun beerka kaga degtid. Albaabku wuu xidhan yahay ee waxaad ka fekertay in aad daaqadaha neecawsiga loo furtay uga dhacdid. Sheydaanka iska naartay, Qur’aan akhrisatay, toobad iyo istaaqfurulle daldashay, kumase aad qaboobin. Siraad ayaad habaaraysaa oo eersanaysaa. Waxaad kale oo habaaraysaa waxii nal iftiima sameeyey iyo waxii daaqad furanta hindisay, waxii waardiye noqday iyo waxii qol naag qaawani ku jirto eegay iyo waxii ka cararay ee haddana dib ugu cararay. Bal maxaa kugu celiyey maad sheydaanka iska naartid oo Qur’aanka iska sii wadatid? Ilaah baa risiqa bixiya ee inta aad faqriga ka baqaysid iska guurso. Haddii aad mid xun meelahaas ka soo jillaabi lahayd, oo aad cooshad xun meelahaas uga kirayn lahayd, miyaad waxaas oo xanuun ah la kulmi lahayd, oo marba naag xun daaqad xun waqti xun si xun uga qooraansan lahayd?.

Berriba marka uu waagu beryo waxa ugu horreeya ee aad qabataa ha noqoto in aad guursatid. Tii xumayd ee cooshadda xun digirta xun ku karin jirtay bal ka warran? Ha iska foolxumaato ee sow naag uun ma aha? Ma ku yeelaysaa baad u malaynaysaa? Oo maxay kugu diidaysaa? Malaha weligeedba guur lalama soo qaadin, markaa yaaba adiga kuu dhaama? Laakiin waa qof foolxun, in kasta oo siijeed wanaagsan tahay. Istaaqfurullah! Maalin walba waxa aad camal falatid daawashada badhideeda ayaad ku khasaaraysaa.

Jaariyadda xun ee gurigan ka shaqaysa bal iyada ka warran? Dhawr jeer oo horena waad ka fekertay, laakiin malaha iyadu weligeedba kaama ay fekerin? Ma qurux liidato laakiin dabeecadda ayey ka arradday. Dabeecaddeeda maxaa kaa galay wax aad isku daweysid uun sow dooni maysid? Maxaa kaa geli waayey sow la noolaan maysid oo carruur kuu dhali mayso? Waar nolol iyo carruur lahaane naftaadan besteeda ah meel dhig! Laakiin waxay kaga dartay kibirka, adeegto in ay tahayba isuma haysato. Kibirkeeda maxaa kaa galay, iyada ayaaba shaqaysata oo kirada kula bixin lahayde? Naag iyada kaaga habbooni ma jirto ee berri la hadal. Wax uun baad yeeli lahayde horta habeenkan baas mar uun yaa dhammeeya!

Imika bal adeegtada ka feker. Sariirteedii xumayd ayey ku jiiftaa. Sidee bay u jiiftaa, ma dhabarka mise beerka mise dhinac? Maxay gashan tahay? Billay qaawan tahay? Qaawanaan? Ma muddug? Ma iyada oo dhabarka u jiifta ayey haddana qaawan tahay? Oo markaa maxaaba u qarsoon? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Istaaqfurullah! Caawa sheydaan baa kugu shaqaystay. Kitaab Ilaahay baad gacanta ku haysaa waxaana waad ku fekeraysaa! Laakiin in laga fekeraa ma denbi baa? Mooyi, mooyi, horeba waa adigii jawaab ugu waayey.

Laakiin iyada iyo Siraad toodee qurux badan? Isuma dhowa, Siraad baa si walba u qurux badan. Laakiin jaariyadda dusha uun baad ka aragtay ee iyada oo qaawan ma aad arag. Laakiin bal malee? Kollay naasaheeda iyo caloosheeda diraca ka muuqda wax loo dhigaa ma jiraan. Balaayadu waa isku wada mid; waa tii la yidhi sheydaan baa xayaysiiya oo marka ay soo jeedaan naasaha ruxa marka ay sii jeedaanna badhida. Kii allekoodka ahaa ee maalintii dhoweyd baska ka dhex sheekaynayey muxuu lahaa?: “Sheydaan ma ruxo ee malaa’ig baa ruxda.” Imaanka Alle kaa qaad! Kaasi isaga ayaaba sheydaan ahaa. Malaa’igta maxaa naasaha iyo badhida dumarka u geeyey! Laakiin in uu sheydaan ruxo qudhaadu yaad ka maqashay? Ma aayad baa mise waa xaadiis? Mise waa iska wax kale? Horta cid ruxdaba shaki kuma jiro in la ruxo.

Ciddii doontaa ha ruxdee imika ma waxaad leh dahay adeegtadu guntiinadii ay ku seexatay waa ay ka furantay oo qaawanaan ayey dhabarka u jiiftaa? Haddii aad daaqadda ka eegi lahayd qolkeedu waa mugdi. Haddii aad u tagtid oo legga ka gashid maxay samayn lahayd? Marka ay toosto ee ay ku garato maxay yeeli lahayd? Miyey qaylin lahayd? Mise si xariifnimo ah ayey isu seexin lahayd? Mise wax bay kula maamuli lahayd? Inkaari ku dhacday armay qaylin lahayd? Oo maxay la qaylinaysaa miyaad dishay? Iyaduba sow nafley ma aha oo xanuunka aad qabtid kulama qabto? Xanuun? Xanuun maxay ah?

Laakiin haddii ay iska aamusto bal ka warran? Sow sidaasi ma dhici karto? Haa. Ka dibna? Inta aad labada naas xantoobo ka buuxsatid oo midba mar cantuugtid, ayaad haddana dhegta iyo dhabanka ka qaniini lahayd, dabadeed labadeeda bawdu ku dhex libdhi lahayd. Ku dhex libdhid? Ma dalaq? Ma naag aadan Shareecada Islaamka ku qabin? Istaaqfurullah! Istaaqfurullah! Istaaqfurullah! Ilaahow tooba!

Laakiin balaayadu armay gabadh tahay oo aanay in lagu dhex libdho oggolayn? Haddii ay ku dhex libdhid noqoto Siraad baa dhaanta oo sida la isugu libdho taqaan. Laakiin taasi waa macsi dheeraad ah waayo waa naag la qabo. Haddii la qabo maxay daaqad furan iyo ilays shidan isugu qaawinaysaa? Haddii ay isku qaawiso sow gurigeedii ma aha? Haddii uu gurigeedii yahay daaqadda sow ma ay furin? Haddii ay furtay sow kulayl ma jirin? Maya, maya, iyada ha eersan ee berri adeegtada guurso, ama tii digirta karin jirtay.

Laakiin berri maxaad ku gaadhi sow adigan bestaa ah ee dhimasho ku dhow? Dhimasho? Ma naag baa loo dhintaa? Waar isla yaab! Haddaa sow adigan sakaraadka ah ee wada gariiraya? Sow kan wadnahaagii in uu qarxo ku dhow? Adiga oo waxaas oo biyo ah cabbay haddana sow adigan candhuuf aad dhuunto ku engegan ku qoysid afkaaga ka waayey? Malaha naag ma aha ee waxa sidaa kuu gelayaa waa sheydaan? Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Naagaha baas maskaxdaada ka saar oo wax kale ka feker. Haa, wax kale ka feker, aakhiro a feker, iyo cadaabta iyo jannada. Alla cadaabtu kululaa, Ilaahow naga najee! Alla jannadu liibaan badanaa, Ilaahow noogu deeq!

Laakiin haddii adeegtadaba iska daysid oo Siraad qudheeda u gashid maxaa dhici lahaa? Iyaduna miyey kugu qaylin lahayd? Malaha kugama ay qayliseen? Ninkeedu inta uu soo hoydo iyo inta uu dhaxaa way is-la’eg yihiine maxay kuugu qaylinaysaa? Waxaa laga yaabaa sida aad ugu baahan tahay in ay kuugu baahan tahay oo ku soo dhoweyn lahayd.

Berigii aad shaqadan bilawday sidii ay u ahayd miskiinad iyo maanta sida ay u dhaqantaa waa laba kala fog. Waa wax lala yaabo in uu qof bani aadam ahi sidaas isu beddelo! Waa tii ay diintu sheegtay oo maalku waa fidno. Fakhriga qudhiisu waa fidno kale; bal waxa caawa ku haysta fiiri! Barashadii diinta ee aad u bilawdayna diidday in ay sii waddo. Ma iyadaaba diin barasho u soo jeedda bad kale ayey ku jirtaaye. Yeelkeede haddii caawa Alle iskiin bado wallee waxayna ku qayliseen: ”Aaa! Waa halkaas meesha aan diinta Ilaahay ka baran waayay!”.

Haddii ay kugu qaylin weydo jidhkii aad aragtay ayaad deeq u heli lahayd. Ma liibaan taa ka weyn baa jirta? Jaariyadda xun ma hubtid laakiin waad hubtaa Siraad in aad ku bogsan lahayd. Bogsasho? Oo miyaad bugtaa? Maxaa ku haya, ma oofwareen mise daacuun? Waxaa ku haya balaayada jiif iyo joog kuu diidday.

Imika labadooda mid uun ma tijaabin kartaa? Haddii ay kugu qayliso waa maxay waxa ugu daran ee dhici karaa? Fadeexad; wadaad fadeexadoobay oo reerkii uu raatubta u akhriyi jiray waardiyahana u ahaa kufsaday. Ka dibna? Ka dayuuska ah ee qabaa armuu ku dilaa? Oo inta uu ku dilayo maxaa ku dhigaya haddii ay talo dhabaqdo maad baxsatid? Haa, haddii ay wax hagaagaan hagaage, haddii kale magaaladaas Ilaahay kaga dhuumo. Miyuu ku heli karaa? Ab iyo isir toona kuuma yaqaane sidee buu kuu heli karaa? Sinaba. Laakiin waa maxay waxan aad ku fekeraysaa? Miyaad waalatay? Sow adigan habeen keliya sheydaan isu rogay? Kitaab Qur’aan ahna gacanta ayaad ku haysaa! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! .

Q.III

Sidii aad xaaladdaas ugu jirtay ayey goor dambe noqotay, laba iyo tobankii iyo dheeraad. Nalka aad hoos fadhido ee aad wax ku akhrisatid mooyee beerta inta kale waa mugdi. Degganaanta iyo aamuska ayaa ka daran oo caleenta geed ka soo dhacda waa la maqlayaa. Si aadan marnaba filayn ayaad aragtay nalkii kijada oo la daaray. Kijadu qolalka guriga iyada ayaa ugu sokaysa oo halka aad fadhidid waxay u jirtaa ilaa shan iyo toban tallaabo, laakiin daaqaddu dhan kale ayey u jeeddaa, sidaa darteed qofka nalka daaray ma arki kartid, waadse hubtaa in aan guriga cid aan Siraad iyo adeegtada ahayni joogin. Waa labadii mid uun.

Ta ay doonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!

Adiga oo sidaas u fekeraya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.

”Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam’i la ahay ee Qur’aan igu akhri”, ayey kugu tidhi. Qur’aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leh dahay ”Qur’aan igu akhri”! ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi: ”Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa?” “Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna beerqariyahaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.”

Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.

Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay. Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada fillayn ayey isku legeddey, waxaanad aragtay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay sii jiifsanaysey waxay sii lahayd: ”Halkan ayaaba neecaw macaane in aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.”

Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo? Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen. Carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas baad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.

“Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!” ayey tidhi. “Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay.

Jiifkii ayey ka toostay oo fadhiisatay, waana naxay oo moodday in ay tegayso. Oo maxay u tegaysaa ma gacan barakaysan oo aad ku dabiibaysey in aad marisay wax aan ahayn baad ku samaysay? Iyada oo fadhida ayey diracii qaarka dambe ka soo faydey oo kor isaga siibtay, dabadeed iyada oo sidii ay ku dhalatay ah dhinacii ay awel u jiiftay mooyee dhinaca kale xaggaaga u soo jiifsatay, iyada oo sii leh: “Alla caawa kululaa! Sheekh, gacantaada durba il baan iskaga gartay ee i wada mari.” ”Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad u celisay, oo salaaxiddii ku sii wadday.

Xubin qiimo leh oo jidhkeeda kaa qarsooni ma jirto. Imika si aan xad lahayn baad isu celinaysaa ee ma miyir qabtid. Habeenno badan ayaad xaalad tan la mid ah ku riyootay, malaha tanina waa riyo. Maad hubsatid? Calaacal sidii hore ka dhiirran inta aad barako ku afuuftay ayaad legga kaga salaaxday qunyarna kor ula raacday ilaa naaska. Inta ay yar taahday ayey kugu soo durugtay oo jidhkeeda kaaga ku soo cadaadisay, gacantana bawdada kaa saartay. Markaas baa miyir kuugu dambaysey.

Inta aad kor u boodday ayaad nalkii aad hoos joogteen damisay, dabadeed iyada oo jirjircadka isu sii rogaysa dusha kaga degtey.

Dhar sare iyo mid hooseba waxaa kuu ahaa shaadh iyo macawis, labadiibana durba waa ay kaa maqan yihiin. In aad adigu iska bixisay iyo in ay iyadu kaa bixisay ma kala ogid. Waxaad hubtaa shaadhkii ugu yaraan in ay laba badhan go’een. Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarraa in aad harraati ku kambashay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn. Waxaadse kale oo hubtaa in uu qubays kugu waajibay.

Iyaduna waxay hubtaa sariirta in ay goor roon ka soo kacday. Waxay kale oo hubtaa muruqyada adadag ee meel walba kaga giigsani in ay ku sii giigsanaadaan mooyee wax kale in aanay dan ka lahayn. Waxayse kale oo u hubtaa qadaadkeeda sida ba’an dhulka loogu xoqayaa in uu barkin u baahnaa.

Goor dambe oo aad xiiq tiranyseen waxaad ku calaacashay: “Alloow tooba! Alloow tooba!…” Iyaduna waxay kuugu jiibisey: “Aammiin!” Inta aad Ilaahay ka baqaysid in aan ka yarayn waxaad ka baqaysaa ninkeeda oo idiin soo gala. Iyadu Ilaahay ka biqi mayso, waxayse isku si uga baqaysaa ninkeeda iyo fadeexad.

Intii hore waad waallaydeen, markiise aad miyirsateen ayaad fekerteen. Iyada ayaa dhiirran oo isxilqaantay, oo inta ay salligii la kacday kugu tidhi: “Aynu meel asturan tagnee ina keen.” Adiguna kitaabbadii iyo tusbixii oo halkii daadsan inta aad ka tallaabsatay ayaad sidii sange taxaaban naagtii ku hor socotay dabo saqlaysay. Qaybta dambe ee beerta oo caws doog ah leh ayey ku geysay. Guriga waxaad u geli weydeen haddii uu odaygeedu soo galo jeer uu iskiin soo dul taago ma ogaan kartaan. Halkii ayaad muddo kale sii laba legdoonayseen. Markii dambe waad laylyantay oo toobaddii iyo istaaqfurullihii badnaa waad joojisay. Sida iyadaba miyirku ugu soo noqday adigana in uu kuugu soo noqday waa ay hubtaa, malahase in aad sideeda raalli u tahay ma hubto. Malaha si ay taa u ogaato ayey tidhi: .

“Alla maxaynu nefisnay!”

“Cadaabina waa ay dambaysaa”, ayaad ku cabatay.

“Imikaba cadaab ayeynu ka soo baxnay.”

“Haa, mid shaddiid ah”, ayaad qirtay.

Markii ay salaaddii arooryo soo dhowayd waxaad ku qubaysatay musqul yar oo beerta ku taal. Salligii aad ku tukan jirtay waa adigii xalay ku qooqay, sidaa darteed subaxdaa go’aaga ayaad dhigatay. Adiga oo sujuud dheer u foorora ayuu ninkii guriga lahaa soo galay. Inta uu iskaa yar dul taagay ayuu ku dhaafay. In yar ka dib adiga oo weli sujuudsan ayaad daaqadda furan ka maqashay ninkii oo Siraad weydiinaya.

“Goortan maxaad ka qubaysatay?”

“Kulayl bay ahayd oo waan gubtay.”

“Ma rumaysanaysaa xerowgii in uu goortaa sujuud ku ooyayo?”

”Waa wali barakaysan”, ayey ugu jawaabtay.

”Wallaahi kaasi waa wali barakaysan! Waa in aynu ka ducaysannaa.”

”Mushaharkana aynu u kordhinno mar haddii uu shaqadiisa ka adkaaday”, ayey ku taageertay.

”Haa, aynu u kordhinno.”

Markii aad intaa maqashay waad sii ooyday. Waad jeclayd in aad noqotid wali laga barakaysto. Ducooyinkii carabida ahaa ee aad taqaannay kaa dhammaade, welina in aad Ilaahay sii barido ayaad rabtaa, dabadeed kuwo af soomaali ah ayaad bilawday. Waxaad og tahay Eebbe in uu wax walba qaddaray, halkaas ayaad baryada ka ambaqaadday:

”Eebbow, sow adigu wax walba ma aad qaddarin? Sow adigu aniga iyo Siraad baahida naguma aad wada abuurin? Eebbow, waxaa ila tagtay quwad iga xoog badan ee quwaddaada aan mid ka sarraysaa jirin iigu denbi dhaaf! Ilaahow, waad ogayd aniga oo Qur’aan iska akhrisanaya in ay Siraad daaqad furan oo nal ka baxayo isku qaawisay. Ilaahow, waad ogayd in aan ka cararay oo haddana sheydaan igu celiyey. Ilaahow, waad ogayd aniga oo halkaa iska fadhiya in ay i soo doonatay. Ilaahow, waad ogayd in aan kaa baqayey laakiin aan qofkii qaawanayd ee i hor jiiftay iska soo qaban kari waayey. Ilaahow, ii denbi dhaaf! Ilaahow, adeegtada ayaan guursanayaa ee ii sakhir oo berri afkeeda “haa” ka yeedhsii!

Runtii ducada af soomaaliga ah markii aad dib u dhadhansatay waxay kula noqotay muran, dood iyo garnaqsi tii carabida aad uga duwan. Waxaad malaysay af soomaaliga sidiisaba in aan baryo loo abuurin.

Q.IV

Adiga iyo Siraad habeenkaasi wuu isugu kiin horreeyey ee isuguma kiin dambayn. Ninka guriga leh awel maqnaanshihiisa ayaa la dhibsan jiray, imikase joogistiisa ayaa la neceb yahay. Habeenka dheer ee aamusan lama jeclayn oo waaga ayaa loo hiloobi jiray, imikase qorraxda ayaa la neceb yahay oo habeenka ayaa loo hiloobaa. Shaqada caajis iyo cagojiid ayaad ku iman jirtay, imikase sidii neef karreeb ah ayaad casarka soo horrataa. Hambo iyo hunuunuf ayaa awel marka aad timaaddid laguu daydayi jiray, imikase cunto gaar ah oo diirran ayaa weel nadiif ah laguugu keenaa. Awel balax qaboobay oo koob ku jira ayaa shaah lagaaga dhigi jiray, imikase falaas hayl leh ayaa lagu ag dhigaa. Shilimada mushaharka ah ayaad bisha soddonkeeda sugi jirtay, laakiin imika xoolaha qoyska qayb dhan baad ku leh dahay. Macawis, shaadh iyo dacas wada duug ah ka ilbaxday oo surwaal iyo dhar magaalo ayaad baratay.

Denbi? Denbigiinna Alle ma dhaafo oo naarta Alle idinku shub! Yaa denbi dan ka leh. Ma nin Siraad dayn lahaa baa jira, xataa wadaadka weyn ee kutubta meeriya? Maxaa beenta la isugu sheegayaa? Awel bay xanuun nagu ajaleen oo nicmada intaa la’eg naga afqabteen. Sidii hore Alle ugama cabsatid, barashada diintana uma jajabnid. Wadaadka wejiga xun ee aad kutubta ka raacatid hor fadhigiisa, iyo xerta calallada xun xun la socodkooda midna nafsad uma haysid. Wax aan Siraad ahayn niyad uma haysid iyo in aad habeen walba dhex gashid.

Gebigaaguba waad isbeddeshay oo si aadan garanayn baad noqotay. Marba jardiino ayaad fadhiisataa oo sidii ay xalay wax u dhaceen iyo sida ay caawa wax noqon doonaan ka fekertaa. Dumarkii aad indhaha ka foororin jirtay imika waad daawataa. Mar waxaad mooddaa in uu sheydaan ku duufsaday, waadse og tahay in ay tahay naftaada oo wayraxday. Alla naftu marka ay wayraxdo khatarsanaa!

Maya, sidaa diinta ha ku dayicin Ilaahayna ha kaga fogaan ee marka aad jannadan ayaamo ku jirtid si fiican u toobad keen, barashada diinta iyo cibaadadana halkii ka sii wad. Ma qof aan denbaabin baa jira? Haddii aan la denbaabayn maxaa toobadda loo furay? Haddiise ay in la denbaabaa dabiici tahay ma wax Siraad ka qaayo badan oo lagu denbaabo ayaa jira? Dhiig geli maayo cidna dhici maayo, cid xaman maayo cidna xumayn maayo, laakiin bawdyaha Siraad dhexdooda Alloow iga saamax!

Adeegtada dareen baa galay oo dheg iyo il baa taagan. Weligeedba dheg iyo il ha taagto, yaa dan ka leh. Alloow yaa ku yidhaahda adiga oo edeb leh shaqadaada qabso, haddii kale in dabada lagaa harraatiyi doono waad og tahay. Awel reerka ayey la seexan jirtay, imikase badanaa fiidka ayaa ciddooda loo diraa oo ay ka soo jarmaaddaa. Baashaal iyo qosol baad adiga iyo Siraad xorriyad u hesheen. Beertii mugdiga ahayd isla dhaafte oo gudaha ayaad sidii laba isqaba dantiinna ku maamulataan. Gawaantii aad qadaadka iyo jilbaha ku qodi jirteen ka soo gudubte oo soofaha iyo sariirta ayaad ku qalabaroganaysaan. Waad isyeelateen. Wax walibana waa caadi oo digtooni illowde. Hirar kala dambeeya ayaad midba mid uga gudubteen. Xanuunkii aad iska daweyn jirteen oo keliya xaalku ma aha ee waad isla fogaateen. Waxaad gaadheen in marka aad kala maqan tihiin isu hilowdaan marka aad wada joogaanna isu ooydaan. Kaalay arag waxa dhabannada illin idin qulqulaysa wadnahana dhiig qubanaya.

Ninka guriga leh jadwalka uu ku baxo kuna soo galo ayaad xifdideen, isaguna waa rabbaayad oo jadwalkaa ku socodkiisa daqiiqad kama qaldo. Waqtigiisa kuma xad gudubtaan waqti kalena iskama lumisaan. Dadka inta isqabtaa reerka ha wada dhaqato, inta isjecelina raaxada ha wada jaqdo. Haa, yaan wax la isku qalqaldin ee noloshu sida ay u kala socon karto ha loo kala wado. Maxaa boorinka la isugu dilay maa mar hore sidaas la yeelo?

Maalmo ayaa dhammaaday, haddana toddobaadyo iyo bilo aydaan barwaaqo mooyee baas arag, adiguna waa adigaas isa soo qabin kari la. Wiishkii samada kuula duulay ayaa weli ku sita. Xaggee buu kuu sitaa? Mooyi, weligiiba ha ku sito. Goorma ayuu istaagayaa? Mooyi, weligiiba yuu istaagin, Siraadba sow kulama saarra? Armuu meel daran kugu tuuraa? Weligiiba, halkii uu kaa keenay ma meel ka daran baa jirta? Alla samadu qurxoonaa, udgoonaa oo debecsanaa! Bal daya ubaxan iyo dooggan, iyo haradan gingiman! Maxaa duurjoog laacdamaysa! Maxaa codad shimbireed isu baxaya! Alla samada debecsanaa oo udgoonaa ma Siraad baa! .

”Siraad, sidan ku geli mayno ee maxaynu yeellaa?”

”Ma isla baxsannaa?”

”Ma iyada oo lagu qabo?”

”Ninka ma iska furaa?”

”Ma isaga oo aan ku furin?”

”Badow baa tahay ee fasaq iyo farsamooyin baa jira.”

”Wax Mad’habta Shaaficiya ku bannaan ma yihiin?”

”Adiga ayaa wadaad ah ee qiil inoo raadi.”

Haa, waa tii la yidhi ”Wadaad baa qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku ritaba leh.” Kutubtii aad soo dhigatay oo dhan markii aad rogrogtay waxaad meel cidhiidhi ah baabu dalaaq ka soo heshay: ”Ninku haddii uu naagta sariirta ku raalli gelin waayo waa ay iska furi kartaa.” Haa, halkaas qiil baa ku jira. Nin gurigaba inta badan ka maqani muxuu raalli gelin karaa? Siraad haddii la raalli gelin lahaa miyey gogoldhaaf samayn lahayd, oo doob debed fadhiya magangeli lahyd? Maya. Markii aad muddo sidaas wax u qorshaynayseen welise aydaan tallaabo ku dhiirran, fiid fiidadka ka mid ah ninkii reerka lahaa oo goor xun socdaa waa kan.

Q.V

Maalmahan dambe waxaad dareensanayd reerkaaga in aad dayacday oo aad inta badan ka maqan tahay. Caawa adiga oo asxaabtaada iskala bulshaynaya ayey taasi maskaxdaada mar uun ku soo dhacday, oo aad xasuusatay adiga iyo Siraad in aydaan hoos ahaan isaga war hayn. Awel sidaas ayaad raalli ku ahayd si aad xorriyad u heshid, imikase waad kala fogaateen oo xataa laba qof oo isqaba la idinma moodo. Awel iyada ayaa ku baraarujin jirtay oo ”xaggee baad ku maqnayd?” iyo ”xaggee baad goortan ka timid?” kaala hor iman jirtay, beryahanse in aad la joogtid iyo in aad ka maqan tahay ma kala jecla. Malaha maqnaanshahaaga ayeyba jeceshahay? Maxay carruur u dhali wayday? Laba sano ayaad isqabtaan welina arrintaas kama aydaan wada hadlin. Waayo? Weydiimo badan baad jawaabo uga baahan tahay. Sababtaas ayaad caawa goor hore u soo hoyatay.

Xerowgii ganjeelada ma fadhiyo ee mee? Kitaabbadii dulufka ahaa iyo salligii xumaa waa kuwan halkii yaal, laakiin isagii mee? Adeegtadii caawa miyey maqan tahay? Kollay kijida kama muuqato. Qolka fadhiga ee ay rikoodhka heestu ka shidan tahay u sii gudub. Laakiin cidi ma joogto. Siraad ma goortan ayey sariirta jiiftaa? Malaha musqusha ayey ku jirtaa? Bal sariirta ka eeg.

Halkani waa xaggee? Miyaanu qolkaagii hurdada ahayn? Miyaad soo ambatay? Horta sariirtu taadii ma aha oo waad hubtaa. Abadan! Taadu sidan uma ay foolxumayn! Malaha waaba iyadii? Sow kuwaa daaqaddii iyo daahii aad taqaanney. Sow kuwaa kabadhkii iyo katabaankii. Sow kaa dharkaagii qaar. Sow ma aha? Haa. Haddaa maxaa qaldan? Ninkan qaawan ee sariirta sii foorora ee la moodo in uu sii dabbaalanayaa waa kuma? Miyaanu xerowgii xumaa ahayn? Wallaahi waa qudhiisii. Balaayo Ilaahay kugu rid! Sow kii wadaadka ahaa goorma ayuu ibtiloobay? Muxuu ku sii dabbaalanayaa? Qofka hoostiisa ka taahaysaa miyaanay Siraad ahayn? Siraad?! Siraad maxaa xerowga hoos dhigay? Isaga maxaa dusha ka saaray? Maxaaba halkan isugu keenay? Miyaad sakhraansan tahay, mise waad riyoonaysaa? Alloow riyo ka dhig! Malaha waabad waalatay? Alloow waalli ka dhig! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim, bismillaahi raxmaani raxiim! Bal qolka fadhiga ku yar noqo. Bal indhaha marmar. Bal miyirso. Bal haddana sariirtii xilka lahayd dib u eeg. Wax ma isbeddeleen? Haba ka yaabin! Imika ayaaba loogu daran yahay. Rafashadii iyo reenkii ayaaba la sii kordhiyay. Aaa! Alla madaxa!

Maxaa talo ah? Hub ma sidataa? Maya. Hoh iyo caku! Bal maxaa ku hub tiray ma dumar baa tahay? Xaggee hub kuugu dhow? Gacantaada maal. Maya, nabar qaado. Katabaanka la bood. Maya, wax dhaama daydayo. Fadhiga maxaa yaal? Miiska ruqso, ama kursi. Maya, maya, wax dhaama kijada ka doono. Armay intaa kala kacaan? Weligoodba ha kala kaceen, yaa kaga hadhaya? Waxaas miiska kijada saarani ma mindi baa? Haa. Iyada qaado. Dib isula rog.

Xerowgii oo feedho qaawan oo dhidid ka qubanayaa sow kan kaa hor yimid. Muxuu qoonsaday? Mise wuu dan dhammaystay? Dayuuska dayuusku dhalay, adiga oo aan la hadlin mindida rubadda ka geli: Jug! Kalxanta iyo qoorta dhexdooda waa adigaa kala helay. Fulayga fulaygu dhalay, muxuu la cabaadayaa ee kuugu maran yahay muu wax iska celiyo? Mar kale degdeg ugu celi. Halkii aad ka siibtay waa kaas dhiig qasabad la furay la moodaa ka soo booday. Baga! Nejiska nejisku dhalay mar kale u celi: Shug! Imikana naaska bidix hoostiisa waa adigaa ka ruubay. Waa kaa qunyar qunyar hoos kaaga siibtay, ee inta uu dhiig kugu sii masaxay gondahaaga ku dhacay. Cabaadkii waa kaa dhuunyeedhis ku beddelay. Dhakhso ha u dhinto ee mar saddexaad dhuunta ka geli: Fash! Hooyadii iyo walaashiiba wase, sow mayd ma aha? Haa. Ma hubtaa? Nacam.

Cimrigeed jabtii magaceed ba’da ahayd iyaduna meeday? Markii aad xerowga dilaysay waa tii iyada oo qaylinaysa damacday in ay debedda u cararto ee aad mindida dhiigga leh ku waabisay. Xaggee bay gashay? Horta debedda uma ay bixin oo waad hubtaa. Bal gudaha ka eeg. Haa, waa tan sariirta hoos yaxoobta ee ooyaysa. Dhidid, dhiig, illin iyo wasakhdii xerowga ayaa giddigeed ka qoyan. Uf, nacdal baa kugu taal! Wallee maanta markii aad ka tagtay iyo imika kala nadiifsan. Iyada uun ma aha ee guriga oo dhami waa faddare.

Mindida dhiiggu ka da’ayo marka aad isla kor taagtay maxay ku baryootamaysaa? ”Alla ha i dilin! Waan ku baryayaa ee ha i dilin! Wax kasta oo kale igu samee laakiin ha i dilin! Waan qaldamay ee i saamax!” Markii ay sidaa lahayd adigu ciil iyo caloolxumo ayaad la miyir la’ayd. Sidee bay ku keentay in ay waxaa kugula kacdo? Haddii aanay ku rabin may kaa tagto? Xerowga xun haddii ay ka heshay may raacdo? Ma khasab baad ku haysatey sow laba qof oo xorriyad ku wada jooga ma aydaan ahayn? Maya, adiga ayey doonaysay in ay ku dulleyso, gurigaagana wasakhayso.

Waxa aad ku miyirsatay iyada oo kugu leh: “Haddii aad i saamaxdid maydkan aniga ayaa asturaya oo waxba laguu raacan maayo.” Markaas ayaa kuugu horreysay in aad ka fekertid qudhaadu in aad deldelaad u xidhan tahay. In aad iyadana dishid iyo in aad toogasho ka badbaaddid ayaad isku mar ka fekeraysaa. Haddii aad xasuusta daqiiqado sariirta dib ugu celisid waallidii ayaa kugu soo noqonaysa, xaggeeda ayaadan mindida ula dhaqaaqaysaa. Haddiise aad maydka dhulka daadsan iyo noolahan awoodda daran ee eegmada quusta ah kugu baryaya fekerka ku soo koobtid waad yar miyirsanaysaa. Waxaa maskaxdaada ku soo noqday hadalkeedii ahaa: “Maydkan aniga ayaa asturaya oo waxba laguu raacan maayo.” Ma runteed baa? Sidee ayey u asturaysaa? Qudheeda mar kale ayaad dili kartaa haddii ay maanta xerowga raqdiisa kaa asturto. Ku talogal la’aan ayaad u weydiisay:

“Sidee baad u asturaysaa?”

“Isla caawa ayeynu cidla ku soo xabaalaynaa cidina ogaan mayso.”

Markii aad Siraad sidaa ula gorgortamaysay naagtaadii ma ay ahayn ee waxay ahayd sheydaan aad heshiis wada gasheen. Naagnimadeedu waxay kaa dhimatay markii aad u soo gashay iyada oo lagu dabbaalanayo. Ma balli baa sidee loogu dabbaashay? Heshiiskaas ayaad ku miyirsatay iyadana ku daysay. Sidaas ayaad isla habeenkii bakhtigii xerowga magaalada debeddeeda ugu soo aasteen, oo aad haylihii iyo kutubtiisiina la xabaasheen. Maalmo ka dib markii la idin weydiiyeyna waxaad ku jawaabteen in aydaan sidii uu mushaharka bisha u qaatay meel uu ku dambeeyey war iyo wacaal ka hayn. Mar dambena la idinma weydiin. Awelba wuxuu ahaa wax meeldaran ka yimid.

Waxaad qorshaysay marka aad dhagarta xerowga iska hagaajisid in aad iyada dilkeeda u soo jeesatid, laakiin xaalku si aadan filayn ayuu isu beddelay. Bishii xigtayba naag kale oo aad awelba taqaannay guursatay. In aad nolosha marka kale caadi ku soo celisid, waxii dhacay oo dhanna halkaa ku dhaaftid, Siraadna dunida iskaga ceeshto ayaad talo ku gaadhey. Dilkii aad u qorshaysay waxaad ugu beddeshay furriin. Dabadeed ha lagu dabbaasho mooyee haddii la doono ha la muquuro.

Q.VI

Siraadeey, waqtiga iyo duruuftu xoogganaa oo wax beddeli ogaa! Miyey jiri jirtay gabadh kaa dhawrsan oo kaa edeb iyo asluub badani? In nin aad kaaga da weyn laguu dhisay xaq miyay ahayd? Isaguna in uu sida ubaxa guryaha lagu sharxo keligaa aqal weyn ku dhex dhigay ma xaq bay ahayd? Doobkii waardiyaha ahaa in aad weheshigiisa u baahatay dabadeed caashaqday ma damac bay kaa ahayd sow dareen iyo dookh dabiici ah ma ay ahayn? Kii jaan ee ku qabay fiid aan la filayn in uu iska soo dheelmaday sow qaladkiisa ma ay ahayn? Xerowgii ma adiga ayaa dilay, sow isagu ma dilin? Haddiise aad soo jeedisay in maydka la qariyo ma wax weyn baad dhintay, sow nin dhintay kabihiisu ma dhaamaan? Waxii dhacay dhace ee haddii aad damacday in aad fadeexadda iska aastid maxaad bi’isay?

Waxaas oo dhan denbi kuma aad lahayn, haddana maalintaas ka dib hurdo macaan iyo degganaan nafsadeed waad kala tagteen. Habeen walba waad seleshay, cid walba waad ka baqday, sirtaa hoogga leh ee aan labadiinna cid saddexaad idinla ogayn ayaana ku cuslaysay.

Adiga oo waalan lahaa ayaad asxaab cusub yeelatay, kuwo hore oo aad ka gaabsan jirtayna isu furfurtay. Tii deriska ahayd ayaa ugu horraysey ee qaad cunka badnayd. Waa tii ku tidhi: “Naa ma adhijir baad tahay adiga oo magaalo jooga sidee baad balwad la’aan u nooshahay? Naa isfududee oo naftaada u raaxee.” Dabadeed waa adigii sidii sac naq helay cosobka carrabka la raacraacay ee marduuf ku deeqi waayey.

Been haddii aad iska dhawrtid bil waa ay ka yarayd markii aad nin beesaani ah oo Talyaaniga ka yimid baratay, ee uu ku yidhi: “Naa ma habar fataalad ah baa tahay maxaa adiga oo gabadh yar ah qaad ku cunsiiyey? Miyaadan maqal qoraaga weyn Alberto Moravia in uu yidhi: ‘Xoolaha waxaanu kaga duwan nahay in aanu khamriga cabno’? Naa caleenta iska tuf oo kaalay calcalyadan nala cab.” Dabadeed waa adigii kaana miiska la fuulay, ee ay quraarad dhami ku deeqi weyday.

Haa, dunidu waa giraan wareegysa, qofka wax walba meeshii uu ku ogaa in uu ugu yimaado damcaana wuu qaldan yahay. Giraantu intii ay adiga kula wareegaysey dhul badan ayey kula soo martay. Meelaha ay ku soo marisay waxaa ka mid ahaa baar uu ninkaagii hore tegi jiray. Adiga iyo saaxiibtaa oo aad u xarragoonaya ayaa fiid soo galay meel iftiinku naaqusan yahay oo muusigga Jazz loo yaqaan si deggan uga dananayo. Miis ay laba kursi kulaalayaan oo maro cadi ku goglan tahay ayaad u gudubteen. Quraarad waayn cas ah iyo laba bakeeri oo gun dhuuban baa la idin soo hor dhigay. Qacdii horeba dhawr nin oo idinku soo qamaamay waad iska waabiseen. Taasi qafalxumo iyo qorshe la’aan idinkama ay ahayn ee kala xulasho iyo isxayaysiin ayaad ku jirteen.

Iyada oo meel wanaagsan idiin maraysa, oo aad caweyska raalli ka tihiin idinkana raalli la idinka yahay, ayuu qalad yari dhacay. Ninkii aad isfurteen ayaa meesha soo galay. Markii uu ku gartay inta uu kuu yimid ayuu si aan xushmad lahayn kuula hadlay, kuguna amray in aad baarka ka baxdid dibna aadan u soo gelin. Markii aad yeeli waydayna cay iyo cagojuglayn ayuu isu kaa raaciyey. Intaasna dadka baarka joogaa waa ay idin wada maqleen. Waad xanaaqday iskana celisay. Dabadeed inta uu si xanuun badan wejiga kaaga dhirbaaxay ayuu weliba isku dayey in uu debedda kuu jiido. “Gacankudhiiglayahow, ma xerowgii miskiinka ahaa ee aad dishay ayaad aniga i moodday?!” ayaa afkaaga ka soo baxday.

Mar keliya ayuu aamus darani golihii daboolay. Qofkii ay cunto afka ugu jirtay calaaliskii wuu joojiyay, kii afka ku sii wadayna meel dhexe ayuu ku hakiyay, kii sigaar nuugeyna qiiqii waa uu soo celin kari waayey. Garaaca wadnayaasha ayaa la wada maqlay. Aad baa ninka baarka looga yaqaanney, waardiyaha lumayna waa la wada ogaa. Intii ay indhaha wada fajacsani idin eegayeen adiga iyo isagu sidii laba xayawaan oo kala baqaya ayaad dhaqdhaqaaq la’aan eegmada isku hayseen. Dabadeed isaga oo aan juuq dambe kuu celin ayuu kediso u baxay.

Isla habeenkii ayaa labadiinnaba la idin qabqabtay. Isaga dil baa lagu xukumay, dhawr cisho ka dib ayaana lagu fuliyay. Adigana waxaa lagugu oogay dacwad ah “marinhabaabin caddaaladeed” iyo “ku xadgudbid xurmo marxuum”, waxaana lagugu xukumay saddex sano oo xabbis ah. Laakiin rafcaan baad qaadatay, saddex bilood ka dib ayaana lagu sii daayey.

Miyaad ka xun tahay dhimashadii ninkaas? Maya, kama xumid. Wuu galabsaday oo isaguba naf aadami buu gooyey. Heshiiskii aad la gashayna dulmi buu ahaa oo xaq baad ku duudsideen. Xerowgu isaguba ma dhagax meel iska yaal buu ahaa sow wax damqanaya ma ahayn oo dad ma ay dhalin dadna lama uu dhalan? Muxuu galabsaday aan ahayn in uu saarkii idinku wada dhacay idinka tumay?

Niyadxumadii iyo degganaan la’aantii ma ka ladnaatay? Maya, waaba ay kaaga sii dartay. Waxaa kugu dhacay cudur nafsadeed oo aadan magac u aqoon. Welwel iyo baqdin baa ku joogtaystay, marka aad gama’didna gudcur baad dhul wada boholo iyo bahalo ah orodday. Sababtaas ayaad balwadda iyo dadkeeda u weheshatay.

DHAMMAAD

No comments: