" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: NIN GUMOOBAY!

Sunday, January 29, 2012

NIN GUMOOBAY!


Juun, juun, juun. Qofka bisha juun Iswiidhan soo galaa wuxuu moodayaa janno. Kaymuhu cagaaranaa! Dhirtu dhaadheeraa oo qurxoonaa! Dhulku doog iyo ubax badanaa! Maxaa balli iyo haro galac leh! Maxaa tog iyo webi meel walba qulqulaya! Magaaladu nadiifsanaa oo degganaa. Labaatanka bisha juun oo ay qorraxdu diirran tahay ayuu Rooble soo galay Iswiidhan.
Wuxuu dalandalinayey qoyskiisa oo ka kooban xaaska Hodan iyo laba ilmood, Ismahaan oo lix jir ah iyo Axmed oo afar jir ah. Waa afartan jir miyi ku barbaaray tobankii sano ee u dambeeyeyna ahaa askari bilays ah. Riyadiisa ugu fog uguna weyni waxay ahayd mar uun in uu reerkiisa nolol ku filan u helo, mar uun in uu gaadho heer uusan cuntadooda, arradbeelkooda iyo hoygooda ka welwelin. Riyadiisa kale ee muhiimka ahi waa in uusan mijintiisa qaadka ah iyo sigaarka waayin. Toddobadii sano ee uu reerka lahaa arrimahaas wuxuu ku helayey silic iyo saxariir.

Maalintii uu naftiisa iyo reerkiisaba Iswiidhan u dhiibay iyo maalintii la siiyey sharcigii degganaanshaha waxaa u dhexeeyey oo keliya saddex toddobaad. Waxaa loogu daray aqal cammiran oo afar qol ka kooban. Haddii bil walba la siinayo lacag tii askarinnimada kumannaan goor ka badan dhib kuma aha isaga iyo xaasku in ay sidii laba ilmood aroor walba boorso dhabarka saartaan oo dugsi afka dalka lagu barto u jarmaadaan. Lacagta caydha loo yaqaan oo ay dadka dalka u dhashay ceeb laga xishoodo u arkaan reer Rooble mushahar ugama duwana. Lacagi sow lacag uun ma aha? Waxa loo dhididaa sow in lacag la helo uun ma aha? Aqalka uu dhex fadhiyo iyo waxa dhex yaal ee telefeeshin, armaajo, qaboojiye, fadhi debecsan, sariiro ka sii debecsan, iyo alaab kale oo badan haddii uu Soomaaliya joogo weligii ma heleen. Wuxuu xasuusan yahay aqalkii jiingadda ahaa ee uu sannadihii dambe ku noolaa, kaas oo xilliga kulaylka foorno noqon jray marka roob da’ayana la moodi jiray in madaafiic lagu duqaynayo.

Bilawgii ayey arrintu sidaas ahayd, hayeeshee xaalku wuxuu xumaaday markii uu Rooble cid shaqo u dirataba waayey. Markii uu afka wax ka bartay wuxuu ku dadaalay in uu shaqo helo, laakiin wax guul ah kama gaadhin. Berigii uu Soomaaliya joogay wuxuu maqli jiray ”carabta waxaa laga helaa shaqo askarinimo ah”, markii uu bilayska Iswiidhan shaqo noocaas ah u doontayna waaba lagu qoslay. Boqollaal kale oo soomaali ah oo aan subax kallihin ayuu bartay, dabadeed niyaddii shaqo raadintu waxay ku shiiqday eber. Biilkiina habartii bixin jirtay waxay bilawday bahdilid. In uu xafiis hebel warqad ka keeno, sababta uu shaqo u waayey, waxa uu muddadii la oo dhaafay qabtay iyo hadaltiro la mid ah ayey marka uu masruufka u doonto kala hor timid. Qalbijab iyo niyadxumo ayaa dhan walba ka soo weeraray.

Waxa uu reerku bisha helo saddex inood oo la isla yaqaan ayaa loo qaybiyaa: in lagu noolaado, in la xawilo, iyo in uu odaygu qaadka iyo sigaarka iskaga bixiyo. Waxii aan intaas ahayn ee faro dhexdood ka baxa muran badan baa ka dhasha, eeddana waxaa yeesha qaadka ama dharka dumarka. Qaadka halkan yaal qaad uun ma aha ee waa qaali aan weliba laga haqab la’ayn. Waxaa ka sii daran in uu mamnuuc yahay oo lala dhuunto. Si kasta ha ahaatee Rooble noloshii uu ku riyoon jiray tani kama foga. Laakiin adduun hawli kama dhammaato, marka hir la gaadhaba mid kale ayaa hira. Dhaqammada iyo diimahan cusub ee uu ku dhex nool yahay wuu ku diiqadoodaa, mustaqbalkana wuu ka baqaa. Wanaagsanaa qof nabaddan iyo noloshan dalkiisa ku helay. Wuxuu xasuustay heestii geela ee ahayd:

Meel bur cawsa leh
oo biyo u dhow
baadi doonyoo
biciidkuba waa.

Sabtida iyo axadda carruurta wuxuu geeyaa malcaamad, yartiisana markii ay toddoba jir gaadhay ayuu xijaab kurka ugu daboolay. Isaguna wuxuu bilaabay salaad aan cabsi Eebbe ahayn ee cabsida dunida ah. Haddii uu Alle ka cabsanayo wuxuu iska dayn lahaa qabyaaladda, xanta, xasadka iyo qaadka. Xaaska wuxuu ku dirqiyey in ay tukato oo xijaabato ka dib markii uu arkay ama maqlay naago dabagaab qaatay oo gaambiyaan iyo caddaan gacanta qabsaday. Intaas ayuu qoyskiisa beloxijaab uga dhigay. Dunida wuxuu ugu neceb yahay naagaha ay Hodan telefoonka kula sheekaysato marna booqato ama iyagu soo booqda. Xataa waxaa ku jira kuwo caddaan ah. In kasta oo uu jecel yahay in ay guriga fadhido, haddana aad ayuu u neceb yahay telefeeshinka iyo waxa daran ee ay ka daawato sida Glamour, Dallas, Rideriet iyo waxa la midka ah.

Rooble ma oga in uusan isku heli karin xaaska in uu guriga ku hayo iyo in ay ahaato qalanjadii dhuubnayd. Waa taas jeer la egaatay ka dib markii ay nolosheeda ku koobtay kijada, telefeeshinka iyo sariirta. Isla markaa gurifadhigu kama hor joogsan in ay u fekerto una dhaqanto sida dumarka kale. Durba waxay caado ka dhigatay haddii ay wax isku khilaafaan in ay tidhaahdo: ”Jaalle, halkani waa Iswiidhan”. Ujeeddadeeda si fiican buu u fahamsan yahay. Wuxuu yaqaan rag gurigoodii laga eryay oo debedyaal ah iyada oo qiil looga dhigtay weedhaas habaarka qabta.

Marka ay carruurtu sii korto, xaasku sii ilbaxdo, isaguna sii weynaado Rooble waxaa ku sii bata cabsi iyo welwel. Habeenno dhawr ah ayuu ku riyooday isaga oo gaboobay oo guryaha raqayaha lagu tuuray. Habeenno kale wuxuu ku riyooday bilays loogu yeedhay oo aqalka ka saaray. Habeenno kale wuxuu ku riyooday iyada oo intii uu maqnaa albaabka furaha laga beddelay, markii uu garaacayna laga furi waayey oo debedda baraf ku helay. Sidaas oo ay tahay gurigiisu guryaha uguma khilaaf badna ee isaga ayaa sheydaan wadnaha u galay.

* * *
– Naa Ismahaan, waa maxay waxa aad gashan tahay? Ha ku bixin sidaas ee wax dhaama qaado.

Sidaas ayuu Rooble maalin maqlay xaaska oo curaddooda siddeed iyo toban jirka ah ku leh. Ismahaan oo albaabka ka sii baxaysa ayuu kor u eegay mise waxay gashan tahay maro lawyaha joogta oo faraqyo leh sidii ay dhul xanan badan adhi ku raacday. Hadalka hooyadeed dheg uma ay jalaqsiin juuqna uma celin ee waa ay iska baxday. Dhanak kale ayuu eegay mise waxaa taagan Axmed oo lix iyo toban jir ah. Isaguna waa kaas funaanad habacsan oo ta hooyadii ka sii weyn iyo wax surwaal u eg oo miskaha hoos uga siibtay ku dhex jira. Waa kaas faraha biro cadcad ku taxay, qoortana gashaday kuul leh midabyada calanka xabashida iyo silis carrabkiisu yahay khariidadda Afrika oo iyaduna leh isla midabka hore. Timaha in uu jaro ama shanleeyo diid oo wuxuu u raamaystay sidii qof waalan. Waqti baas dheereeyaa muxuu xiimayaa! Dadkani miyaanay ahayn labadii shalay caydiga ahaa?

– Waar Axmed, maxaa siliska iyo kuusha kuu xidhay ma dumar baad tahay? Isla yaab oo waxa iska bixi. Surwaalkan xun ee kaa dhacayana iska tuur oo wax ku la’eg gasho.
– Aabbe wuu i la’eg yahay.

– Wuu i la’eg yahay? Haddii uu ku la’eg yahay muxuu kaaga dhacayaa?

– Sidaas baa loogu talogalay.

– Bal wax uu ku hadlayo dhegaysta! Sidee loogu talogalay ma in uu kaa dhaco?

– Ma iga dhacayo dee.

– Waar ma iga dhacayo lahaane waxa iska beddel dibna yaanan kuugu arkin. Timahan xun ee lagu moodo qof waalan iyagana galabta iska soo jar. Ma i maqlaysaa?

Axmed wuu xanaqay oo inta uu qolkiisa irridka xidhay muusig cirka ku dallacay. Muusig lama moodo ee waa buuq, sawaxan iyo qaylo badan oo ka soo baxaya dad aan laga garan waraabayaal raq kala boobaya. Rooble hore ayuu wiilkiisa ugala quustay waxaas dhegaysigooda in uu iska daayo. Maba noolaan karo haddii uusan habeen iyo maalin dhegta ku hayn. Marka uu ku canaanto: ”Waar bal maxaa heesihii afkaaga kuu diiday?” yarku calaacasha gacanta oo ay faruhu fidsan yihiin inta uu sidii neef ragaaday hoos u laallaadiyo ayuu ku jawaabaa: ”Waxaas waqtigoodii waa dhammaaday”. Haa, wuxuu la mid yahay hooyadiisa caadaysatay ”jaalle, halkani waa Iswiidhan”.

Guriga Rooble waxaa ka bilawday gadood uu wax badan maskaxda ku hayey. Waxaa bilawday amardiiddo toos ah. Carruurtu waxay af cad ugu sheegeen ”dad waaweyn baanu nahay ee ha na xukumin”. Islaantuna waxay ugu digtay ”diktatoornimadaada waan ku daalay ee cagaha iga dhig”. Taa waxaa xigtay dhirbaaxo kulul oo Hodan indhaha ka cuskatay. Dabadeed afar habeen iyo afartoodii maalmood ayuu Rooble debedwareeg ahaa oo cid kale dulsaar ku ahaa ka dib markii bilaysku qadaadka qabtay oo aqalka debedda uga tuuray. Dad soomaaliyeed oo samodoon ah ayaa ku guulaystay in ay reerka isku soo celiyaan. Isla markaa Rooble waxaa lagula taliyey run ahaantii halkani in ay tahay Iswiidhan sidaa darteed uu gacantiisa fudaydka ka ilaaliyo.

Sannad kale ayuu Rooble rabbaayad ahaa oo waxa gurigiisa ka dhacaya ismoogaynayey. Run ahaantii inta badan habeenkii ayuu soo hoyan jiray maalintii oo dhanna wuxuu ka murmi jiray kulammada fadhi ku dirir ee ay dadka qabyaaladda ku waashay ku kulmaan iyo aqallada lagu qayilo. Labadaas meelood ayuu xubin firfircoon ka noqday marka laga reebo jimcaha gelinka hore oo uu masjidka u badnaa.

* * *

Maalmahan inta uu guriga joogo dhegihiisu waxay maqmaqlayeen hadallo ku saabsan Ismahaan oo hadalhaysa in ay noqonayso wax ay ku sheegtay ”fotomodeel”. In ay sida Iimaan iyo Weris u caan bixi doonto, oo lacag iyo magac yeelan doonto. Wuxuu maqlayey in ay tijaabadii koowaad ka gudubtay. Waxaa maskaxdiisa ka soo miirmay kuna soo xoomay sawirradii ku kaydsanaa kuna saabsan waxa ay yartu ka hadlayso. Naago dhaadheer oo qaawanaan u dhow, kuwaas oo si aan dabiici ahayn isu jejebinaya, oo dad iyo kamardo badan hor marmaraya ayuu xasuusta ka arkay. Curaddiisu ma noocaas ayey rabtaa in ay noqoto? Naxdin, baqdin iyo niyadxumo adduun oo dhan ayaa soo weeraray. Maxaad yeeshaa? Dhulka loo daloolida ma dishaa? Iyo weliba walaalkeeda heeryada xun? Iyo xataa habaarqabtada dhashay? Maya, maya Rooble, mashaqada caqli ku xalli.

– Ismahaan, sow ma ogid waxa aad sheegaysid in ay diinta iyo dhaqanku diidayaan? Sow ma ogid in ay ceeb iyo sharafdarro inoo keenayso? Sow ma …

– Maya ee ma ogi, waxaanse og ahay faqrigu in uu ceeb iyo sharafdarro yahay. Bal arag nolosha aad raali ku tahay. Caydh baad ku nooshahay annagana nagu korisay, haddana shaqo lacag iyo magac lagu kasbado ayaad ceeb ku sheegaysaa.

– Haddii aan caydh idinku koriyey maxaan idinka hagraday? Dhulkeenna markii aynu joognay dhididkayga ayaan idinku quudin jiray ee dhulkan qalaad cid shaqo ii oggol ma aragtay? Waa maxay magaca qaawanaan laga kasbadaa? Noloshuse lacag uun ma aha ee sow in aynu wax kale xeerinno ma aha? Sow in aynu waxa uu qaddarku inoo qorsheeyey ku qanacno ma aha?

– Adigu haddii aad ku qanacsan tahay ku jir, laakiin anigu nolol xun oo aan ka bixi karo kuma qancayo.

Cabbaar ayuu muran dusha ka qabow hoostana dab kaga baxayo la sii waday. Sida uu u xanaaqsan yahay haddana isu dejinayo isaga iyo Ilaahay uun baa og. Iyada uun uma xanaaqsana ee waxaa kaga daran habarta jaan oo intii ay gabadheeda u caqlicelin lahayd xumaanta ku dhiirri gelinaysa. Labadaba waxaa kaga daran Alle qabayga walaalkeed ah ee aad mooddid in aanu reerka ka dhalan. Goorma ayaa la arki jiray wiil sharafta walaashii xil iska saara! Maalmahan ayuuba u daran yahay oo sidii gabadh guurdoon ah dhegaha dalooshaday oo waysaaqyo ka lulay.

Rooble sidii uu doodda u dejinayey ayey mar keliya jiman ku dikadeen, wuxuuna is-arkay isaga oo nabar daydayanaya. Maya, iskaga dhex bax. Albaabka ayuu boobay, wax yar ka dibna wuxuu ka murmayey fadhi ku dirikii uu macmiilka ka ahaa, si uu balaayada haysata isu illawsiiyo.

Miiska uu fadhiistay wuxuu u doortay laba fadhiyey oo ay iscaayi jireen. Waxay haysteen sheeko deggan, markii uu salaamayna inta ay si qabow uga qaadeen ayey sheekadii sii wateen. Maantana meesha uu ka weerari doono wuu ka soo fekaray, ereyada uu sida xabbadaha ula dhici doonana wuu soo urursaday. Intii shaaha uu dalbaday loo soo siday labada kalena sheekadooda gaarka ah gunaanadayeen wuxuu isku madaddaaliyey warqado kuwa wax lagu xayaysiiyo ah oo miiska saaran. Laba baal oo aan macno lahayn markii uu rogay kii saddexaad wuxuu kala kulmay arrin ay indhihiisu diideen maskaxdiisuna rumaysan wayday. Waxaa ku sawiran Ismahaan oo aan calal naasaha kaga maran iyo mid gumaarka kaga daboolan mooyee aan shay kale korkooda saarnayn. Malaha iyadii ma aha? Wallee waa qudheedii! Rooblow magacaa ba! Tanina ma kuu dambaysay!

Wadnaha ayaa garaaca xoojiyey oo shaqada dedejiyey. Sidii qof aad u soo orday ayey neef culusi iska gurtay. Dhidid qabow ayaa dhan walba uga qubtay. Wejiga waxaa ka fuushay labeen guuldarro, caddaankii indhuhuna wuxuu isu rogay xinjir. Wuxuu mooday dadka makhaayadda jooga oo dhami in ay farta ku soo wada fiiqayaan oo ku qoslayaan. Laakin labaataneeyada qof ee meesha fadhiyaa si aan lagu aqoon ayey hoos u wada hadlayaan oo degganaanta soomaaliba lama moodo. Illeen maantaba sheeko iyo qosol aan qaawanaanta Ismahaan ahayn lama hayn. Warqadihii uu sawirku ku yaallay inta uu si dhuuban isugu laabay ayuu la kacay, oo isaga oo aan shaahii cabbin lacagna ka bixin albaabkii uu ka soo galay dib uga baxay.

Ma warwareegin ee gurigii ayuu isku sii daayey. Labadii dumar ahaa oo fadhiga isugu hambalyeynaya sawirkii edebta darnaana dhabta ku haysta ayuu u galay. Dhirbaaxo aad u xooggan oo aan xataa qof la neceb yahay loo quudhin ayuu Ismahaan oo kicid u hoollatay dheg iyo dhafoor ku fujiyey. Iyada oo dalanbaabi ah markii ay dhulka ku dhacday ayuu damcay in uu dul tago oo sii garaaco, laakiin hooyadeed ayaa gacmo waaweyn haddana itaal daran kala hor timid. Iyadiina dhirbaaxo tii hore ka daran ayuu ku masaxay, waxayna ku dul dhacday yartii oo weli daadsan. Feedh, dhirbaaxo, laad, jilib iyo wax kasta uu awoodo ayuu labadii qof isu daba mariyey. Iyaguna intaa waa ay qaylinayaan, oo qaniinyo iyo xagtin intii tabartood ah isugu hiilinayaan.

Rooble wuxuu ku miyirsaday katiinad labadible ugu giigsan iyo koox bilays ah oo ku hareeraysan. Debedda ayaa loo saaray, intii dumarka dacwadda laga qorayeyna isaga waxaa lagu hayey baabuurka bilayska gudihiisa. Sagaal bilood oo xabbis ah ayaa lagu xukumay, iyo in uusan weligii reerka agtooda iman. Markii uu xabsiga dhammaystayna waxaa la dejiyey aqal gooni ah.


* * *

Rooble maanta waa shan iyo konton jir cimri degdegay oo toddobaatan jir la moodo. Wax cudur ah iskuma oga haddana wuxuu dareemayaa tabardarro aan xad lahayn. Qaadkii iyo sigaarkii wuu sii laba jibbaaray, haddana dukashadii wuu sii badiyey. Qabyaaladdii iyo murankii wuu ka sii daray, haddana waano iyo hadal waayeel ayuu soo kordhiyey. Habeen isaga oo cabbaar dan la’aan iyo niyadxumo la soo guureeyey ayuu damcay in uu furo albaabka gurigii cidlada ahaa ee uu degganaa. Dabadeed furayaashii ayaa dhulka kaga dhacay. Wuu soo qaaday oo mar kale damcay in uu furo, haddana waa ay ka dhaceen. Markii saddexaad ee ay ka dhaceen ayuu giddigii ku dul dhacay, wuxuuna bilaabay oohin. Murugo iyo caloolxumo ku gaaxday ayaa mar keliya ku wada godladay. Gammuunno oofaha kaga taagnaa uu u adkaysan jiray ayey waabaydoodu mar keliya jidhkiisa iyo naftiisa wada gaadhay. Sidii awr dhuunyeedhis ah ayuu cod naxdin leh oo foolxun sii daayey kaas oo dhismaha oo dhan laga wada maqlay.

Habar Iswiidhish ah oo albaabka kiisa ku beegan ku jirta ayaa daloolka ka eegtay, waxayna markiiba wacday bilayska iyada oo leh: ”Albaabkayga waxaa jiifa neygar sakhraansan ee kaalaya iga kaxeeya”. Laakiin ma ahayn neygar sakhraansan. Wuxuu ahaa nin soomaaliyeed oo ahaan jiray geeljir aad isula weyn, mar kalena ahaan jiray xiddigle bilays ah oo naftiisa u hanweyn. Wuxuu ahaa nin gumoobay oo ka mid ah ummad gumowday.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

No comments: