Alloow kuu naxariiso, Cabdillaahi
Suldaan "Timacadde", ayaa laga guntay:-"Hoheey malaha
soomaalidaan, hoos waxba u dayin e"
Noloshu waa kaltan, gobtuna waxay
tidhaa "Doorkaaga nolosha waligaa gunnimo ha ku guddoomin". Qofbana
wuxuu wax u yahay is ahaantiisa, maalinka aad gabto kaalintaada, ayaad
guddoomatay liidnimada kama danbeysta ah. Ifka iyo iftiinkuna waa duruus taxane
ah, kuwaas oo ku baraya sidaad u badbaadi lahad goobaha mugdiga. hadaanad wax
ka baran horteedna; dabadeed wax kuuguma filna.
Aan waxaad ogtahay kuu sheegee,
maansadan ila arag:
Aamuskaan ka jeclahay, inaan wax
idhaa
Hadduu aarku helo, geelba waa ololaa
Eeb iyo waranbaa, oofta iiga jirta
Uurkeyga waxaa gubaa, amar lehe
Ardaal nimadaada ma eegan karee
Midh aan ku idhaahdo iga maqal.
Addoonsi qof doortay, waa ibtiloo
aduunyaba waa tanoo, idlatoo
Or iyo waa dabayla oodo wattoo
Uffiyo beenbay, ku aasantahay,
Ictiraaf gaalbaan, ku arrin beelnee
Aqoonso naftaada, umadyahay!.
Dhashii aabahaa, ka oodatayoo
Amxaaro u dhiibtay, ubadkaagoo
Amaah ku maqnayd, illawshiisoo
Sidii umushii, u afartanbixisee.
Miyaad aadyaruun illoowday
shalay!!!.
Qolaba qolo eersatoo, orisoo
Aaniyo godabuun, u ololaysoo
Oodaada ka dhowraty, ehelkaagoo
Inaadeer ku wayday, oofaha oo
Addoon iyo gaalba, kuu imayoo
Ku maal igadhkaaga, ayyada oo
Ifkiiyo ku seegtay, aakhiradii.
Habkii iglan, waa alloow sahaloo
Kuwii arradnaa, ugaadhsattadii
Amxaaro, kukuuyo iyo oromo
Masaaygu ku iid, dhulkuu uduga!!!
Alaab kugu soo fur, ugaxdiisii
Ishaada laga dheehay, iintaada.
Ushaadii haddeer, laguu adeegsoo
Dhulkaga la iibshay, lakala
irgisoo
Addoomo madoobi, kuu arrinshe!.
Ogaal li’baa ishaa ku
badday
Aqoon li’baa, ku oofo tirtay
Eex iyo nin jaclaysibaad, eedday
Awawyaal iilka jiifabaad, aqbashay
Iftiinkan miyaad maruun arkahayn?
Aduunkan miyaad maruun ilbaxayn?
Sidaad isku eeday, waa ugub
Sidaad isu eersatana, waa anfariir
Uunkiyo aadmiga ma aragtaan
Idinkaa isku muuqda oo is ebya
Ardaayaad tihiin tan iyo Aadan
Hadaydaan ubadkiina maanta u
arxamin?
Markaad idlataydin iilka tagtaan
Maxaydin u sheegi, eeydin odhan.???
Dhamme Maxmoud, 29, jan, 2012.
No comments:
Post a Comment