" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: XUSUUS MUJAAHID!

Tuesday, January 31, 2012

XUSUUS MUJAAHID!


Kani waa mujaahid, wuxu isa soo hortaagay maqsin Qaad lagu iibinayey oo ku yaallay xagga hoose ee guri fooq ah oo sannado ka hor ay ku soo martay qiso taariikhi ah.
Mujaahidku wuxu xidhan yahay dhar laga nadaafad badan yahay. Surwaal jilbaha iyo dabada laga karay, shaadh badhamada qaar ka maqan yihiin, raqaabaddana dhidid badan ku leh ayuu ku labbisan yahay, intaa waxa u weheliya kabo hoosta laga rakcay oo aan sharaabaaddo lahayn. Gadhkii oo ku baxay, timihii laabtiisa oo muuqda iyo bidaar madaxiisa kala badh goysay baa intaa u dheer.


Qofkii arkaa inkastoo aanu waalli ku tirinayn wuxu u qaataa nin busaaradsan sababtoo ah waa dharka ay ku labbisan yihiin in badan oo ah dadka danyarta ah ee magaalada deggan.

Wuxu istaagay goob ku beeggan albaabkii maqsinka, halkaas oo uu eegmo u yeeshay maqsinkii iyo shaqaalihii ku mashquulsanaa kala rogga qaadka iyo tirinta lacagta. Shaqaalaha mid kasta waxa hor taalla xidhmo qaad ah oo iyada oo xadhiggii ku xidhanyahay ay kolba qori ka jabsanayaan. Takhsiin iyo dhidid baa baa ka muuqda. Qaylo badan iyo buuq baa meesha ka baxaya. Waxa halkaa wajahadda ka soo jeeda oo wajigiisu albaabka ku beeggan yahay nin la moodo madaxweyne oo inta kala ee meesha joogtaa marka uu hadlo wada aamusayaan, amarkiisana hadal la’aan lagu qaadanayo. Waa maamulaha maqsinka jaadka.

Mujaahidku xusuus gaar ah buu ku maqan yahay oo inkasta oo uu eegayo gudaha maqsinka jaadka haddana ma arkayo waxa meesha ka socda. “waxsan, Ilaahay ha ku siiyo” dhawaaq ka soo yeedhay masuulkii maqsinka ayuu ku war helay. Isaga oo weli meeshii taagan ayuu haddana ninkii maqsinku ku yidhi cod dheer,” waar miyaannaan kula hadlayn dee meesha iskaga dhaqaaq”

Intuu naxay oo oo xusuustii dib uga soo boodday buu gees uga weecday albaabkii oo haddana dib ugu laabtay maalmihii ku soo maray goobta fooqan. Dareen cadho leh ayaa wejigiisu soo bandhigay, indhihiisii gudhay markay awoodi waayeen inay soo qubaan illin naxariiseed oo uu ku nafiso ayey isu beddeleen barar.

Geeddi dheer baa dhowr sannadood maskaxdu dib u rartay. Maalintaa sida gaarka maankiisa ugu mudani waxay ahayd dharaar kulul, suuq haawanaya, dukaammo bakhaarro dadkii lahaa iskaga yaaceen. Maalin wixii carari karayey cagaha wax ka dayeen oo Allow ila baxso xaalku marayey bay ahayd. Mujaahidku ma garanayo cidda fooqan leh maanta iyo maalintii wuxuse arkayey fooq hanti badani gashay oo nin kii lahaa iskaga cararay. Isagu goobtaa wuxu kaga jiray difaac.koox uu watay ayaa kobtaa ka dagaallamayey oo hadba dhinac uga mitilikhaysanayey rasaasta sida roobka loogu soo qayayo. Waxay ahayd dharaar hub nooc walba la isku adeegsaday oon la is bixinayn.

Mujaahidku waa dagal geliye kooxeed oo kolba dhinac ayuu u boodayaa isagoo dalbanaya mujaahidiinta uu hor kacayo. Wuxu kolba qaar u tilmaamayaa meeshii ay difaaca ka geli lahaayeen iyo goorta ay weerarka u kacayaan. Ciidankiisu waa shicib dantu badday inay qoriga qaadaan aanse lahayn tababar iyo aqoon askari oo lagu dagaallamo.
Wuxu arkay mid ka mid ah mujaahidiintii oo dagaalka ka soo maagaya, inta uu ku qayliyey buu sare ugu ” waar fooqan ka gal difaaca.”

Mujaahidkii oo isaga dareen nooc kale ahi ku dhashay baa qorigii garabka sudhay oo ku jawaabay, ”fooqa kii lahaa ha difaaco” kadibna inta uu dib u jeedsaday buu iska dhaqaaqay halkaana dagaalkii kaga baxay.

Maanta oo sannado badani ka soo wareegeen maalintaa wuxu mujaahidkan fooqa hor taagani dhex muquurtay xusuustaas dheer, wuxu is weydiiyey in maalintaas mujaahidkaas walaalkiis ahi uu ka saxsanaa oo ay ahayd in fooqan ninkii lahaa difaaco. Waxa maanta dareenkiisu ku hakadayfooqan uu hor taagan yahay ee uu difaacayey maalintii kii lahaa ka cararay uu si nabad ah ugu raaxaysanayo isagoon xagtini ka soo gaadhin, isla markaana aan ogayn raggii u xoreeyey iyo inta ka nooli waxay ku sugan yihiin. Haddii loo ogyahay ma sidaasaa loola hadli lahaa maanta, ma wax san baa la odhan lahaa sidii miskiin ka dawarsanaya, ma wax buu weydiistay meesha wuu istaagay uune.
Haddana xusuustu khan kale ayey u furtay. Oo adiga maxaa maalintaa kugu kallifay inaad dagaalantoma wax aan dadka kale ka maqnayn baa kaa maqnaa. Maalintaa maad iska carartid oo caydh maad ahayne intaad geeliinna dhowr halaad ka iibsato iska taccabirtid oo iska dhooftid oo xagga Norway nafta kula carartid, sow maanta kuwan jannaalayaasha ah ee soo degaya uun kamaad mid ahaateen oo weliba sidan aad tahay kamaad sharf badnaateen waayo iyaga maanta waa la jecel yahay lacag bay haystaan.
Wuxu dib u gocday maalmihii dhagx tuurka ee isaga oo arday yar ah uu waxbarashadiisii uga cararay ee uu halganka hubaysan ugu biiray si uu uga qayb qaato dad iyo dal dulman xoraytiisa.


Dalka cid uun baa xorayn lahayde maxaa kugu xaqsaday adiga. Wuxu xusuustay maalmihii uu awoodayey inuu guursado oo qoys yagleelo uuse u daayey difaaca bulsho dulman darteed. Maalmihii uu ku luuqaynayey:

Nin dagaal u sara kacay
Degta saaray qorigii
Inuu diriro mooyee
Guur kuma degdegayee.

Waxa haddana xusuustu la gashay kuwii saraakiisha sare ahaa ee halganka hoggaaminayey ee safka dambe amarka ka bixin jiray oo badhkood markii uu dalku xoroobay xilal sare qabtay kadibna illway isaga iyo intii la midka ahayd ee holaca iyo halasaha beerka u dhigayey iyaga oo qaaday, ”hantiyeey macaan” oo aan maalinna xasuusan mujaahidiintii safka hore ee dagaalka kuwaasoo marka xilka laga qaadana ku muusannaaba mujaahidiintii baa la dulmay oo wax loo qaban waayey, kuwaas baaba cid kasta kaga daran oo magacii mujaahid ka dhigtay wax lagu shaqaysto iyo iyo sallaan xilka lagu koro kadibna la iska tiiriyo. Haddana waxa xusuusta maskaxdiisu tustay inuu yahay midka dad ugu ayaan daran waayo dee cid kale iska daaye waxa mudnaanta ka yeeshay kuwii kaga soo hor jeeday halganka ee la magac baxay FQSH ee ka yimid XMR iyo kuwii qurbaha u cararay. Maskaxdiisu waxay ku dhawaaqi kari weyday shaqallada ereyga cabsi iyo wax ay ka tahayba. Galowda ma uu aqoon oo wuxu ahaageesi sooma laabte ah, goormaa toloow beer nugaylku ku dhashay. Wuxu xussutay maahmaahdii abgaalka ee ahayd ”nabad badani naag bay kaa dhigtaa” Laakiin muxuu la cabsan isaga ma sharci baa qabnaya waxaba loo haystaa inuu waalan yahee, haddaa ma waxsan baa la odhan lahaa.

Alla muxuu waayuhu wax tusay. Waxa uu maalin walba idaacadaha ka dhegaystaa, bogga hore ee wargeysyada ka daalacdaa sawirradooda waaweyn,fagaarayaasha lagala hadlo dadweynaha u soo taagnaa rag waayo waayo loo baahnaa xooggooda oo inta ay dhawaaqii xabbada halganka xammili waayeen xagga baraflayda reer galbeedka u yaacay maantana la soo noqday xisbiyo iyo ururro siyaasadeed ay dadka ku beer xaadhaan iyaga oo halqabsigooda ugu horreeyaa yahay inay wax u qabanayaan mujaahidiinta iyo agoonta. Waa niman uu jeebka ugu jiro baasaboor shisheeye oo ku kala goosha diyaaradaha, inta ay dalka joogaanna ku dhex mara waddooyinka boodhka badan baabuur muraayaduhu u dallacan yihiin xataa waxay ka faanaan biayaha wdanka ee dadweynuhu cabbo.

Mujaahidkan way ka muuqataa diifta iyo daranyadu dushiisa oo daryeel buu u baahan yahay kollayse malaha cidi way u maqan tahay cid ay tahayba. Inkastoo isagu sidiisan ku qanacsan yahay oo raalli ku yahay haddii uu ku nabad galo. Awal isagaaba nabadgelyada la weydiisan jiree maanta isagaa u baahan in la nabad geliyo, isagaa u baahan in ammaan la siiyo oo erey xun laga ilaasho oo tacaddiga looga tudho haddaan wax kale loo tarayn. Ninna waxba ugama baahna oo sidiisaan ayuu ku qanacsan yahay. Kol haddii uu dhex mushaaxayo dhulkiisii oo xor ah, gidaar kastana nabad ku seexanayo. Uma baahana dawo iyo daryeel, uma baahna cunto iyo hoy, uma baahna tacliin iyo tababar SAA MABA HELAYEE.
Goobtii xusuusta dheeri ku haleeshay buu mujaahidkii ka dhaqaaqay intuu qosol kala wadhay kuwiina waxay u qaatay inuu waalan yahay, ISMA OGA ADDUUN.

Xasan Cabdi Madar



No comments: