" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Qurxi Caqligaaga!

Saturday, January 21, 2012

Qurxi Caqligaaga!

W.Q: Axmed Ismaaciil (Axmed-Deeq)  ----

Isaga oo maydhasho dhammaystay, maryahana xidhay, muraayaddana hortaagan ayaan ku soo baxay. Canaan dadda-jineed ayaan dhegaha ku goostay, illayn waanu ballansanayn oo waannu ka habsaannay xafladiiye. Iimase jawaabin oo isaga ayaa isku mashquulsanaa.

Wuxuu ku labisan yahay daba-galis (Surwaal) dhuxusha ka madaw iyo garbo galis (Shaadh) danbaska ka cad. Dhexda waxa ugu maran cayn (suun) bir cadi badhtanka kaga taal. Luquntan uu sidii awr qooqan u gigayana waxa ka soo laalaada dabar yar (tie) oo xundhurtiisa ku idlaada. Intaa waxa u dheer, koodh aan laga garan daba-galiska oo uu ku dahaadhay shaadhkii caddaa. Tintiisu waa lakabyo si farshaxanimo ah loo habeeyay. Halka ugu hoosaysaa waa qabatin, halka ugu sarraysaana waa fiil, feedhid u baahan, faraha se laga qaaday. Gadhku waa laba liid oo ka soo aroora dhafoorada, kuna kulma gafuurka. Shaarubtuna waa gufi, aanay bushimo gabdheedku kufayn.


Dhawr caagadood oo burcad (kiriim) kala midab ahi ku jiraan baa hortiisa ka muuqda, marba mid buu farta galinayaa oo uu jidhkiisa meel ka mida ku facsayaa. Waa burcad aan udgoonkiisa ka yaabay, oo waxaabu ku soo xusuusinayaa habeeddii geela ama hablihii magaalada. Gacantiisa midig ma istaagayso, foolka iyo gadhka ayuu ku sal-salaaxayaa; kolna timaha sare ayuu ku baaq baaqayaa kuna dejinayaa. Qurux uu u dhashay iyo taa samayska ahi markii ay isku raaceen inta uu is cajabiyay, ayuu si niyada iigu yidhi: "Saaxiib miyaanan Wasiir u qalmin?" Inta aan qoslay, una qaadan waayay ayaan ku idhi: "Mayanee, waxaad u qalantaa ra’iisal wasaare." Jawaabtaydani biyo qabaw bay u ahayd sidaan filayo laabtiisa.

Waa tahay. Haddii uu banneeyay darkii is daawashada isagaoo quruxdiisaa la dhacsan, ayaan anna galay illayn waa markaygiiye. Maba moodayn inaan sidan u qurux badanahay!! Markii aan burcadkii isku dhamuuqay, timahana fidhinka ku falkiyay, Shaarubtana miiqay, dhexdana caynka ku giijay, ayuun baan quruxdii Ina Talaabe Dheere yeeshay (Ina Tallabo Dheere wuxuu ahaa nin qurux badan oo habluhu jeclaayeen). Markaas ayuun baan anna si niyada ugu idhi: "Saaxiib miyaanan Safiir u qalmin?" Inta uu dhoola caddeeyay, ayuu igu yidhi: "Mayanee, wasiirr baad u qalantaa." Allaaah inta aan kala bad-batay, ee aan garan waayay meel aan joogo ayuun baan ku beeraqay: "Ilaahii i abuurayee, Afrikaan iga yeellee, Soomaaliga iga dhigow, adigaa mahaddaa leh." Maanta laga bilaabo waxaad igu og tahay qurxinta jidhkayga iyo ifinta dharkayga. Waxaad igu og tahay dhisidda muruqyadayda iyo dharginta calooshayda. Waxaad igu og…… Hadalku isaga oo aan afkayga ka soo wada dhammaan ayuu saaxiibkay iga boobay oo uu I yidhi: "Oo haddaa awel maxaad samayn jirtay saaxiib?"

Saaxiib mid rifrifan oo aannu maalmo kulannay baa I waalay, kadeed ha ku dhacee. "Oo muxuu kugu yidhi saaxiib?" Wuxuu igu yidhi: "Wax aan waxba inooga shan iyo toban ahayn." Waa ninka igu yidhi: "Haddii aad rabto horumar dhab ah qurxi caqligaaga." "Oo maxay ku qurxi dee?" "Aqoon dhabba iyo akhris joogto ah." "Oo aqoontu ma dhab iyo dhalanteed bay kala leedahay?" Haa. Wuxuu yidhi: "Aqoontu haddii aanay ku gilgilin oo aanay sangaallaha (Qashinka) kaa daadin, kugu na dhalin baadi goobka nolol ka tayo badan ta aad hadda ku jirto, waa dhalanteed." "Akhriskuna haddii aanu qaabayn, qorqorin, qurxin qiyamkaaga iyo akhlaaqdaadu waa bar kuma taal." "Aabbahaa la cadaab dheh! Kaasi aakhiruu kuu diraye." Waliba, wuxuu ii sii raaciyay: "Ummad oogadeeda ku mashquulsan, oo caqligeeda ka mashquulsan haddii aad aragto waa ummad ayaandaran, iyada iyo horumarna waxay isku jiraan inta cirka iyo dhulku isku jiraan." Allahu-akbar. Nin horumar wax ka garanaya ma mooddaa? "Waar kaasi maydkaaga ayuu ka talaabsaday, oo magtaada ayaannu ku leenahay ee ma garanaysaa?" Maya, haddaan garanayo anaan daayeenba. Iga daa maalmo yar oo aannu kulannay fikirka uu igu riday waan waalan gaadhay. Oo maxaa ka mid ahaa sxb fikirkaa? Waa ninka ku leh: Aqoonyaridu ummadda waxay dhaxalsiisaa in ay kala saari kari waydo shalay iyo maanta; siinka iyo saadka, saliidda iyo biyaha, caadifadda iyo xaqiiqda,arrimahan oo u baahan bislaansho caqliyeed iyo mid cilmiyeed. Caqliga lagaa qaad dheh! Kkkkkkkk,

Saaxiib aan kuu dhammeeyee, isaga oo waallidiisa sii wata waa ninka igu yidhi: Ummaddi ma horumarto, illaa ay sumal-aqooneed hesho. Sumal-aqooneedkaasi waa inaanu ahaan mid isagu isku jeeda, ama danihiisa gaarka ahi kala wayn yihiin kuwa guud. Waa inaanu ahaan mid garaadkiisu u garba duubban yahay aragtida taban ee bulshada Soomaaliyeed iska qabto, ama nolosha u qabto. Waa inuu u xidhka-xidhnaado xoraynta caqliga Soomaaliga ah ee xarku xabaalaha ku daray. Miyaan dhammayn karayaa wuxuu quraafaad igu akhriyay! Qayrkaa buu kaa reebi gaadhay saaxiib; Mansab iyo waxaa miyuu kula soo qaadey? Maya, agtiisa kursigu qiimaba kamuu lahayn illayn wuu waalnaaye. Wax qabadka, wax soo saarka, wax hagaajinta iyo wax-hal abuurka ayuun buu ka hadalkooda iyo ku foognaantooda ku waashay, Waa ninka waalli casaantiisa igu yidhi: "Naftayda markii aan daraasad qoto dheer ku sameeyay, waxaan ogaaday in la ii abuuray inaan wax hal-abuuro. "Aboor ku cun dheh!" Oo maalmihii aanu ku waynay adna ma waxaad ku mashquulsanayd is daraasayn? "Haa saaxiib." Maalmo adag oo haddana xallad leh bay ahaayeen, waayo waxaan dareemay jiritaankayga. Waar waxna maad dareemine waad waalan gaadhaye, dhallinyarnimada marna ma kula soo hadal qaadey? Haa. Ma wax aanu ila soo qaadinbaa jiray? Kkkkkkk, Oo muxuu ku yidhi saaxiib? Wuxuu igu yidh: Xilli waliba waxa uu leeyahay rag. Waxaad tihiin raggii xilligan ee xilka idin saaran garta oog uta, cabashada badanna iska yareeya, waxaad ku jirtaan xilligii loo calaacalaye. Af kala qaad, xil aan qurxinta jidhkayaga iyo u sheekaynta iyo ka sheekaynta hablaha ahayni nama saarna yaa ku yidhaa? Kkkkkkkkkk, ii dhiib gacanta saaxiib. Iga wallee intaa ku dheh baanis idhi maalintuu waxaa igu akhriyay oo haddana waan ka xishooday. Xishood baa ku dilaaya saaxiib, xaqa lagama xishoodo waligaa. Ka sii darane, waa ninka ku hataatacay:

Dhallintii dhulkaygaay,

Dhaawac baan qabaayoo,

Wadnahaygu dhiiggaba,

Ma dhaqaajinaayee,

Dhankaad iga xigtaan baan,

Ka dheel dheeliyaayaa,

Dhankaad iga xigtaan baa,

Dhaxantu iga haysaa,

Dhankaad iga xigtaan baa,

Dhurwaagu iga cunayaa...

Dhurwaa ku cun oo dhimo dheh, dhankaad iga xigtaan baa ku lahaa. kkkkkk, Aan kuu dhammeeyee iga sug dee saaxiib. Wuxuu ku leeyahay: "Qofku markuu dhalin yar yahay, caqligiisuna dhammays yahay, qaamuuska noloshiisu waa is bedbedel iyo ka soo horjeedsiga dhagaxawga maskaxda. Yaab, saaxiib ninku maan ahaan wuu waalnaa, oo waaban arkaaye muuq ahaan bal ka waran? Dadka lagama garanayn, inkasta oo uu kalidadoor bidi jiray ama kutubta akhrinteeda. Adigu markaad aragto Xoghayana kamaad dhigateen. Kkkkkkkkk, Waad asiibtay saaxiib kabalyeerina ama maqaxwe midna kama dhigteen wallee. Soomaalida wax ma ka waydiisay? Haa, waan ka waydiiyay. Haye, Muxuu ku yidhi adigaaba waali dhammeeyee? Aaah, maad iga daysid saaxiib wuxuu aaminsanaa fikrad aad u hoosaysa. Dee isagaaba hooseeyee ii sheeg saaxiib? Waa fikrad odhanaysa: Qofka Soomaaliga ahi haddii uu xun yahay iyo haddii uu san yahay; haddii uu barwaaqaysan yahay iyo haddii uu baaba’san yahay; haddii uu adhigiisa la joogo iyo haddii uu aqoontii u danbaysay la joogaba waa Soomaali; adna Soomaali baad tahay. Sarrayntiisu waa sarrayntaada, hoosayntiisuna waa hoosayntaada. Hayaay, hadduu isku xaaraye! Aragtidiisan gaabani ma mid reer galbeed ka soo fushay baa saaxiib a mise waa mid reer bari ka soo maaxatay? Mar aan isla waydiintaas weydiiyay wuxuu iigu jawaabay: "Waa mid ka soo fushay caqli ka xoroobay xayn-daabka reernimo, kana koray ku go’aan qaadashada caadifadda aan caqliga ku dhisnayn." Caqliga lagaa qaad dheh, caqliba muu lahayne. Diinta siday isku ahaayeen? Horta gadh muu lahayn, sujuud muu lahayn, safka horena kuma arki jirin, wuuse tuktukan jiray. Waar waanu garanay waa Cilmaani. Diinta wax ku lug leh marka la soo qaado saw muu daba-dabayn jirin? Haa, waxaanu odhan jiray: "Cibaadada Ilaahay baa dadka ku leh oo kala xisaabtamaya ee afkaarta qadhmuunee aad hoosta ku wadataan kuna qasaysaan diinta Eebbe ee qurxoon ka daaya, oo dadka diintooda ha nacsiinina." Iska daa waanu garanaye, reer iyo wax muu lahaa saaxiib? Ka dar oo dibi dhal! Naagta ninkaa waalan afka uga galaysaa miyay wajaqaysan tahay, mise way habaaran tahay? Kalidii iyo afkaartiisaa xun baa meel ku oodnaa sida uu ii sheegay. Ku oodnow dheh waligaa. Waar warkiisa inaga dhaaf oo ina mari waaban habsaannee.

Gurigii baanu ka baxnay anniga iyo saaxiibkay, waxaananu u jihaysanay kobtii baska laga raacayay. Wax yarba annaga oo aan taagnayn ayuu baskii soo maray, waananu ku soo dhacnay. Laba kursi oo isku sidkan baannu salka la helnay. Saaxiibkay waxa uu la dawakhsanaa khuraafaadkii aan ninka waalan uga sheegay, anna waxaan isha marinayay dadkii baska saarnaa. Laba iga danbeeyay waxay isku haysteen wanaagga Real-Madrid iyo xumaanta Barcelona, laba wadaad oo iga horreeyayna waxay ku xiiqsanaayeen bidcanimada tusbaxa iyo bannaanaantiisa. Laba I hareer fadhiyay ayaa iyana waxa ay ku foognaayeen falanqaynta gabadh jidhkeedu dhaqdhaqaaqayay oo hor fadhiday. Laba kuwaas ka sii horeeyaa waxay cod sare kaga sinaysanayeen siyaasadda silloon ee Soomaalida. Goobtii abaartayadu ahayd markii aannu soo gaadhnay ayaannu baskii ka degnay. Hawl qaran (sida aan qabno) oo noo taallay baannu hore ka galnay. Haddana iyadii baan ku jirraa oo qoraal ma haleelayo ee nabadeey.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Email: awliyo177@hotmail.com

No comments: