Orod salaqle ah ayay
miciin bidday, haddana taasi ma dhimin xawaaraha orodkeeda. Hubsiimo-laáanta
Jaanteeda ballaadhani dhulka ugu dhacayso, wuxuu kicinayaa boodh laga arkayo
meel fog, iyaduse uma jeeddo, sababtoo ah waxa ka culus xanuunka eryaya! Waa
ged lagu yaqaanno Geela oo dhan in habeeddu sibraha dareerto, balse Hashan waxa
hooraya Dhiig, walina humaag ayaa ka xiga cidda iyo halka ay ehelka bidayso ee
ay abbaarayso! Qiyaastii, waxay garanaysaa oo kaliya in ay ordayso iyo jihada
ay u ordayso.
Waxay inyar u jirtaa
in qof kasta oo ka hor yimaadda ay ka cararto oo ay jidka uga baydho, sababtoo
ah, waxa isu ekaaday nacabkeeda iyo nasteexeeda, waayo kan nabarka ay la
tiicayso ku dhuftayba marta iyo magacaba wuu kala siman yahay inta
maro-xidhata, waxaanay u arkaysay nasteexeeda. Walow ay u muuqato hal daryeel heshay,
marka loo eego Halaha faceeda ah ee kale, haddana dhogorteeda waxa ka muuqda
dayac iyo nabaro qaarkood ay u muuqdaan in miyir-laáan lagu maguugay.
Nabarada ku yaalla
cagta ballaadhan ee suurtogeliyay salaqlaynta iyo hab-sami socodka lagu yaqaan
marka Geelu caafimaad-qabo, waxa ku qabanaysa Kabo ma u ishaa oo ma u gelisaa!
Ilmada ka soo dhacaysa il-yarta Hashu, waxay dariiq ka jeexday daamankeeda,
waxay madow ku reebta Isha agaheeda. Waxaad mooddaa in nabar lagu dhuftay uu
madoobeeyay Indhaha, waxase millilka madow ka dhigay waa ilmada ka daáysa ee uu
keenay xanuunka ay la jibaadaysaa!.
Waa adduun iyo
yaabkiiye, faca hadda u hadhay ee dhibtan baday waxa uga horreeyay Jiil aan
hagardaamo, hiif, haaraan iyo hawl dhib leh toona u ogolayn, waa da’dii ugu
heesaysay Suugaanta Hodanka ah! Hadda waa Hashii uu Saxardiid Aw-Maxamuud Cilmi
(Jebiye) markii la helay uu lahaa;
Dhaaxaan murug iyo haraad u mutee,
Maantay curatooy mataanaysee,
Aan maalno Hasheena Maandeeq.
Dhaxaan melif Iyo Rasaas u mutee,
Waa maalin hor loon I soo marine,
Waa maalin cad oon madoobayne,
Aan maalno hasheena Maandeeq.
Alla yaa maanta ogaada!
Haddii ay hadli lahayd oo in uun maanta ay ereyo odhan lahayd Maandeeq, tolow
maxay ku tiraabi lahayd? Aragtidayda waxay ku tawaawici lahayd sidan;
Dhalintii Dhulkaygee,
Dhurwaagii I qaatiyo,
Iga dhicisay
Hororkaay,
Dhiig-cabkii
Gumaystaha,
Kuwii Dhagax u qaatee,
Lixdaniyo dhawrkii
Iga dhiciyay
cadowgoow,
Haddii aad dhankiinii,
Hawshii dhammayseen,
I dhool-dhoolinayseen,
Kuwaad dhawraseeniyo,
Dhiilkooda kuwii aad,
La rabteen
Dheeftaydiyo,
Dhaydayda caanaha,
Iyagaa I dhaawacay,
Qayrkay I dhaafyoo,
Alleylehe
dhawaan-arag,
Gondahayga dhiiggaa,
Isagaa ku dherershee,
Maxay dheefsanoy heli?
Waa ereyo aan qabo in
haddii mar uun Hashii MAANDEEQ hadli lahayd ay ku calaali lahayd! Sababtoo ah,
daryeel dhaafoo, da’dan haddu maba dhaadana qiimaha ay leedahay. Allow yaa
ogaada in haddii dhaawaceeda la dabiibo, oo dheefteeda la quuto in aanay cidiba
baahi aragteen!
Barkhad M. Kaariye
No comments:
Post a Comment