"Dulmi
maa duugmaa? Manii la daboolo na, waa soo daahiraa" — Maahmaah.
AAGGII RAQAYGA, dukaankii reer Shumbusuri, waxa maanta dhinaca
ku haya daarad ka soo hartay jasuur burburay. Ciid cusub ayaa bartanka u
tuunsanayd, taas oo goor dhowayd laga soo faagay god ku oollaa daaradda
dhexdeeda. Galabtii ugu horreysay Ololehii Xaadhitaankii Xamarweyne, dadkii
meeshaas fiiqayay, marka laga reebo Cijicadde Taakoow—bacadle gaariyool ganacsi
ku haysta—xaanidaas iyada ahayd, qof kale ee arkay ma jirin. Jasuurku waxa uu
ku yaal agagaarka Suuqii Koodka Xamarweyne. Bacadlehu na, aroor waliba halkaas
ayuu u shaqatagaa.
Cijicadde waa nin si uun uga indho curdoon reer
Xamarweyne. Walow uu haatan ku nool yahay baraako (mitirkuubo) kutaal
Suuqii Afleershe, Boondheere; iyada oo uu ka fursan waayo mooyee, weligii geed
iyo guri toona, habeen madow, ma aan uu hoos seexan. Haddii uu ama gama'san ama
uu baraarugsan yahay, labaddaraadle, wax baa jira ugu wacan, samada sare, in uu
hadba ku dhadhabo. In kasta oo ayan magacyo u kala lahayn, aqoon-maroodi
ayuu u leeyahay xiddigaha degaankooda, iyo jidadka ay ku kala gooshaan. Illaayo
maanta la joogo, waagii heegada, waa ninka weli rumeysan: qorraxdu in ay u hoyato booraan ku taal
hog la yiraahdo Arra Gabballadhaco; goorta uu dadku wada seexdo, in ay
dheelmatiin ugu guddo cirkii bari; si waabeeriga xiga, haddana, ay dhankaas uga
soo bidhaanto. Qofkii arka eeraankii cawo ee qorraxda; isaga oo aan eegmada ka
dayn weli, xaabsada na cantoobooyin ciid ah, waxa uu rumeysan yahay, qofkaas
isaga ah, in uu yeelan doono xoolo u dhigmo hadba wadarta iniinihii cammuuddii
uu xantoobsaday! Kalsoonida buuxda uu ku qabo xogtaas ayaa na inta badan ugu wacan in uu cirka hoos
seexdo; habeennada aan ay caadadku jirn. Carrada ayuu se uga sii aqoon badan
yahay xiddigaha: God haddii uu arko, waxa uu sheegi karaa waraabe, dawac,
doofaar ama se dad koodii qoday—si doonta oo loo saantiro raadadka nafleydii
qodday godadka iyaga ah. Bulshada ruun Caddoow-Uul ayuu uga faalin jiray ifafaalooyin soo mudh oran jiray;
hadba na sida uu wax u sheego uun ayay runtu na noqon jirtay. Fur.daaaan.she, waa neenaas reer
miyigii ay weli isaga ugu yeeraan. Waraabalahadalladii soo maray taariikhda,
laga soo qaado cirifkii Caluula lagu na geeyo gosha Bush-Bush ayuu ugu weynaa.
Sidii qof leh hibada garabdaar ama uurkumaanle, Cijicadde waxa uu kala sheegi
karaa: shimbirtii didday, ka na duushay geedkii ay saarnayd wixii ay ka baqday
in uu dad ahaa, in uu dugaag ahaa, in uu halaq ahaa, iyo in uu haad ahaa. Iin
qurah ayuu se weligii soo lahaa: Cijicadde ma aan uu arki karin dabinka uu
isagu ku dhici lahaa.
Haddaba berigii xigay, isaga oo ku soo jarmaaday
suuqii Koodka ayuu tuhmay malluugka nuuxnuuxsanayay gudeha daaraddii shalayto
ay dhex tuunsanayd ciiddii cusbayd. Derbi meesha ahaa ayuu ugu dhakaday sidii
diiq badar mooye ka dayaya: mase waa laba rag ah! Goor kasta oo ay xaggiisa soo
eegaan ba, isagu na, luqunta iyo labada low ayuu durba meel isugu geynayay
sidii goroyo ay ufo bannaan ku heshay. In cabbaar ahayd waxa uu meeshii
hogashada ugu kuurgalo, kadib ayuu arkay xirmooyin baco lagu dahaaray in
ninkood ba jeebabka surwaalkiisa uu ku sii camcaminayay. Sidaas ayuu na ugu
jeeday sidii ay ciiddii ugu celinayeen godkii, sida dabadeed ay dhulkii ugu simayeen;
raqas dhegxaan, iyo sabbaax na ay ugu sii dul sayrayeen. Meeshii na dhaqse ayay
uga tageen, iyada oo jeebabkoodii la moodo caman taqsiin lagu kuusay. Dharab ay
cadceeddii ku soo baxday oo kaleeto ayay na ugu sii kala dhex libdheen
luuqluuqyadii Xamarweyne.
Bartii ay ka dhaqaaqeen ayuu durba dul
kadallobsaday. Gasbo uu ku intihi jiray juuniyada ay galleeydu ku jirto ayuu
qotadii hoos u ruubiyay. Isla haddiiba waxa uu dareemay dhaxalka godka hoos
ceegaagay. Cilcilawgii giyigii waaberi waxa judhiiba uga dhex birbiray
hiddidiilooyin waaweyn: Hodantooyo uusan hore dhulka ba uga sii filan jirin,
hanti u horseedi doono ganacsi ka wanaagsan kii suuqii Koodka, haadunkii reerka
oo gabalkiisii sii dhacahayo, iyo daboyaaqadii muranka, kii saabsanaan jiray tashiilista
sabbaarka reerka ee kala dhexsan jiray isaga afadiisii.
Shaqadii maalin oo idil suuqa la surnaan jiray
ayaa ciyoontii ba u soo urtay. Qof dhoohan oo kale ayuu ku soo baxay: Dan dambe
na kama aan uu lahayn in uu cagaajiyo ciyaalkii dafayay badeecaddii u saarnayd
gaarigacankii. Indho dambe ee madaxisii ku yiil, miyaa ba saa u fiirin karayay
liin bolol ahayd, tubeey moos baqbaq ahayd, goobo ka koobnaa yaanyo, mafafaay,
canuuni, iyo seeytuun wada qarraray oo doc kasta na ka dhiimayay, duqsigu na uu
meel walba uga yoonsanaa. Maankiisa waxa buuxiyay hammi iyo qorshayn ku
aaddanayd sida uu lacagtaas dhulka ugala soo bixi lahaa iyada oo aan ay cidi
arkaynin: "Haddii aw iigu juro calaf! Maya! Wallee gaari dambow kuma
riixo!" ayuu islahadal ku yiri, "hal mar bes ooy orraxdu hoyataa ii
hertay!" Maalintaas oo dhan waxa uu sugil'aa goortii uu uga sheekeyn lahaa
naagtiisii, iyo Ibrow Goonle, walaalkeed iyada ku hooyo ahaa—fiidkii uu
labadooda arki lahaa, uga na warrami lahaa xabaasha ku taal aaggii Koodka.
"Warrrrr! Anigaa idiin haaya!" ayuu
yiri cabbaarkii ay gacantogaaleynayeen soor eedaq ku iidaaman oo xeero la
taallay. "Berri, an ya faqri ways deeyney! Qabrigii maalka aan soo
arkay!"
Ibrow oo kasi waayay waxa qabrigii maalka uu ka waday, ayuu uga
sii faalleeyay dhacdadii doobirtu ay isaga saakayto marqaati ileed uga dhigtay.
In kasta oo uusan arkin tilmaanta uu sanduuqu yeelan karayay, waxa uu u sawiray
in u ekaa kuwa lagu qaato agabka baabuurta lagu dayactiro; lacagta ku jirtay na
in ay doollar ahayd. Baafan, iyadu kuma socon warka iyo naawilaadda ina
Taakoow. Siiradii ay hore ba u akhrisanaysay ayay faynuustii kula sii
dhowaatay. Buruudshiilka ay dad oo idil qorqodeheeda ku sheegi jireen, iyadu
weligeed biid na kama ayan rumeysan.
"Khabri miyaa amii kale khuwuuraha?"
ayuu Ibrow weydiiyay. "Intee ku aragti? Ii sheegnooh, mihii shimteerradii ay taasho?"
Weydiimahan talantaalliga u dhacay ee uu
seeddigiis iska soo daba celceliyay, Cijicadde waxa ay ku dhaliyeen shaki ka
joojiyay nashaaddadii uu u sii hayn lahaa daldalankii badnaa. Waxa ba taas uga
sii daranayd, Ibrow oo loo aqoonsado baadifadkii soo arkay qabriga:
"Haddaan hadda u sheego, ina baxyo aw usugoo watto haraaddigi ka soo heray
ciyaal Benaadirkii, warka na afarta berjaho ula rooryo, aw sanduuqii na hee,
saas gacanta duul kale u geli doonaa, day! An ma taasaan ka yeelaa hee?"
ayuu uurka uga dunuunucay. Santuukhii yiddidiilooyinkii waxa uu isla haddiiba
isu rogay fufkii tallanka, xinka, muudalnimada, cawritirka, xistiga, masuugnimada,
iyo hiifka iyo haaraanka.
"Anaa kuu og meehaw qabrigu ku yaal! Aniga jawiya
haa na ogaahaa!" ayuu ku yiri seeddigii, "Eebbeheey na ha kuu
naxariisto, minaad warrankaas duul kale isugu sheegtid lee!"
Foogtii xigtay, kolkii uu ku soo dhowaaday daaraddii
jajabnayd ee uu sanduuqu ku duugnaa, waa uu alaalabbaqay. Isaga oo aal u
dhuukinayay, suulasha na ku soconaya ayuu godkii meel agtiisa ahayd, asii u
jirtay fogaan gacankuhaabad ahayd, jilayay na sidii qof saxaroonaya ayuu si
boobsiis ahayd u qufay rugtii. Si na laablakac ayaa cabsidii haysay ay ugu
keentay; si kale na laabtii waa ba ay u degtay: Sanduuq quful maar ah uu ku
jabanaa ayuu dhukii ka soo siibay. Xoogaa ayuu sanduuqii himliyay; mase ganta
ayuu hayaa! Isla jeer ahaan na, go' uu ugu soo talogalay ayuu ugu duubay sidii
addinkii uu shilkuhu beri ka dhaawaci jiray, ku na sii xirxiray xarig bunji
ahaa. Carradii ayuu godkii dib ugu duugay. Dabadeed na, boolidii ayuu la soo
cidgalay. Baafan iyo Ibrow na, qofkood na ma joogin gurigii.
Hore ayuu ka billaabay in uu sanduuqii god kale
u qodo. Goortii in cabbaar ahayd uu qodayay ayuu culays gadaashiisii ka
dareemay. Kor ayuu u qooraansaday si uu u eego cidda soo joogsatay
dhabarkiisii; saa cidi ba ma joogto! Qodistii ayuu halkeedii ka sii watay.
Dirqigii uu ku aasay sanduuqii, mase waa tan Baafan oo ku soo tukatay masaajid
guriga agtiisa ahaa!
Baafan, haddaa waa marwadii reer Cijicadde.
Guriga na waxa uu hoos tagaa dowladdeeda haysata Lihida Diidmada. Cijicadde xumaan
gaamurtay ayuu iyada laabta ugu hayaa. Goordhow na, waxa uu ku hanweyn yahay in
uu iska furi doono. Wacdiga, waanooyinka ku saabsan aakhirada, iyo qiildayga ay
sida joogtada ah ugu raadinayso; si ayan xaaraan u gelin caloosheeda, ayuu ku
nacay. Mid ayuu na aad u og yahay: haddii islaanta Baafan Mayye la yiraahdo uu
sii haysto, dheeraa ama dhowaa, in gaarigacankii uu dib u riixi doono. Haddii
ay jirto hawl la naco na, meheredda kaariyool waa shaqada uu ugu neceb yahay.
Maalintii Jimceha, gelinkii hore oo idil
sariirtii ayuu ku dhammaystay. Xaggan isu geddi, dhan kale isu rog, galgalad
ayuu intaa ka bixi la'aa. Waxa uu is nabo ba, kuleylkii jiingadda ayaa ka soo
saaray baraakadii. Waabkii (walambadii) ayuu u soo baxay, ka na qaatay
xaaqin si uu carradii cusbayd iyo tii duugga ahayd isugu soo qaso. Dabadeed na
baaldi biyo ah iyo daasad (koombo) ayuu la galay baraakadii, ku na u
bilbilay gawaankii dhabbisnaa. "Yaaa yah! Ee xalay booddaan ka seexa
waayee," ayuu ku yiri Baafan oo walambadii ku werdinaysay, "walleen
iima jeeddid biriga seey dhacsaalu ii hayso!" Indhaha na intaa waxa uu ku
hayay boolidii uu ku aasay sariirtiisa hoosteeda, isaga oo weliba na ka sii
fiirsanayay goorta uu jebsan lahaa sanduuqii tuugada: "Maal aanan guri
dadow ka soo xadin, ogaaroo la ii cadaabaayee!" ayuu keligii iska weydiiyay.
Habeennimadii wax uu ku riyooyonyay isaga oo
guryo badan dhisanayo, babuurro kala jaad ah, Cagafcafyo, iyo beero badan
iibsanaya. Catiirkii waxa uu isku dul dhambiiriyo ba, kol ay ahayd habeen
barkii ayaa waxa soo dhacday dhibicdii ugu horreysay ee roobkii xagaaga.
Lamayeerigii baraakada sitaahoo cirka jaay lagaga soo qayay ayuu u gees ka gees
ka qacqacleeyay. Saxansaxadii qaboobayd awgeed, Baafan cuncunkii roobsugowgii
hayay ayaa ba uga yaraaday; iyada oo aan meel na ka nuuxsanayn ayay khuuraadii uu
ku oqoon jiray la buflaysay. Yabqanka is biirsaday ayaa talo ku dhaliyay:
"Furso tan ka wanaagsan ku soo mari maysee; Cijicaddow ammeey kuu roon
tahay inaad hadda sanduuqa qararamso…!"
Arooryadii hore, sidii caadadu u ahaan jirtay,
ayuu gurigii ka jarmaaday. Maanta se, si ka duwan maalmihii hore, waxa uu
gurigii ka baxay isaga oo jeebabkiisii ay wax ka kuusnaayeen. Maanta, si ka
duwan beryihii hore, waa uu ka leexday jidkii uu weligii ku jarmaadi jiray.
Hantiile waddooyinkii Xamar dhex mushaaxaya oo kale ayuu ba isu haystay. Markii
ugu horreysay weligeed ayuu dareemay, dareenka niyadda u qaboojiya
maalqabeennada adduunka, walow wax lacag la yiraahdo aan ay gacantiisii weli ku
soo dhicin. Waayo santuukhii ba waxa ka buuxay xabag uu garan waayay geedkii
laga soo guray. Si uu yeelo haddii uu garan waayay, talo kale ayaa is tustay:
"Ammaan saqajaankii Ibrow ahaay looga maarmi doonin!"
Haddaba, gurigii ayuu gadaal ugu soo laabtay;
Ibrow na hurdadii ka jafay.
"Arrooy, waxaaaaan, waxeey yihiin ma ii
sheegee?"
"Waaalla kasaa ne. hashiish aa la
dhahaa."
"An maan yaabin! Ee ina Goonlow, beecinta
iyo baasada maysla qeybseynaa?"
"Haah! Va bene! Hayye waayehay!" ayuu Ibrow ku yiri
seeddigiis. "Belledka in liis ilaashado waaye hadda. Wadaaddo aa meeshii
kasto buuhaan. Non lo sai? Ma ba og tihid miyaa? Khoftii wahaaneeti kalle luuu khabto waa
la tummaahee dey! Halkoo mar lee, jumlo intii loo gado; saaseeti aa na barako
badan. Anii dadkoo aan kuu kasaa Dadkoo lamma bilood muqsusha madfac ma ku
ridin. Hashiish la'aanee, alooshood bo waa dhegti. Laakiin soldi, beeso, beeso badan eey
kaa haayaan
Cijicadde afkalaqaad ayaa ka soo haray. Intii
cabbaar ahayd na ciil ayuu la cabbursanaa. Si weyn ayuu uga carooday tashiga
laydha ka raacay: in Ibrow uu ku halleeyo xoolihiisa. Hadda na, sida aalaa ba
dhici jirtay, waa uu iska illoobay. Waxa raalligelisay rukunka badan uu
seeddigii xabagta ka iibin kari doono, iyo isaga oo is garwaaqsiiyay in uu ku
gedobaran doono.
Isaga iyo Ibrow, ayaa xabagtii isla suuqgeeyeen.
Rukun aad u badan ayay na horey ka heleen. Lacagtii ayay ba dhib kala kulmeen
sidii ay u qaadi, iyo wixii ay ku qaadi lahaayeen. Shandado lama haysto!
Bacohii na buuxsame'! Cimaamadohii madaxa ugu duubnaa—wadaaddo ayay isu
ekeeysiinayeen illeyne—ayay lacagtii ku gunteen. Ibrow baa seeddigii ka
codsaday: "Haddiin geelkoo khalanno aa noo fiicnan! Hilibhiliboow aa si
hun ii haysto!" Ogow se, midkood ba makhaayad uu dhareerka liqi jiray
kolkii ag marayo ayaa maankiisa ku taagnayd. Sidaas ayay na isku nabadeeyeen,
iyaga oo wada riyaaqsan, ku na ballameen, sidii caadadu ahaan jirtay fiidadkii
in ay gurigii ku kulmaan.
Saacado badan se kama ayan soo wareegin weli,
kolkii ay dib isu arkeen. Yaab la arag! Qolmitirkuubadii ka qurxoonaa ayaa
Cijicadde iyo Ibrow la isu keenay. Ninkood ba se, waa uu ka dhamaa in uu
weydiiyo kan kale waxa meesha ka soo riday.
Shan beri kadib ayuu Cijicadde ogaaday haybtii
labadii malluug, ciddii ay ahaayeen! Ragga qolka kula xirnaa, marka Ibrow laga
reebo, labada kale waa ba iyagii. Toogtii ay tuugtii isaga kolkiisii ka
wareysteen waxa lagu soo xiray, Cijicadde waxa uu u sheegay in lagu soo
eedeeyay daddilnimo: in uu dad dilay; meydkii dilankii na uu sanduuq ku riday,
dabadeed na uu ku dhex aasay daarad ka soo hartay jasuur jabjabay ee dhinaca ku
haya dukaankii reer Shumbursuri.
Raggii waxa uu ka raariday in daaradda laga soo
dhex qabtay uu u galay si uu isu soo fududeeyo uun. Ha ahaatee, in uu booliskii
u sheegay in uu arkayay labo nin oo meesha ka sii baxaysay! Laakiinse mugdigii
jiray awgii, aan uu tilmaami karayn! Waxa uu u sii sheegay in booliskii meeshii
qodeen, ka na heleen canug meyd ahaa. Naxdin awgeed, labadii rag ahaa, inta mid
ba kii kale eegay, misana hal mar ah afka wada qabsadeen!
Galabnimadii, Jimcehii xigay ayaa afartoodii la
keenay bannaankii la oran jiray Piazza Jama—haatan na loo baxshay Dulmi Bacaarhse (Dulmi Tume).
Wadaad xoog weyn oo lebisan dhar cadcad, madaxa
na ay uu saaran tahay koofiyad ah qubbaca, gacan na ku sita karbaash galaalan oo laga
sameeyay suun dibi'; foolkiisa na uu la gommoday salaad darteed; haddana ay ka
muuqatay carada ka haysa mujirimiintacudurrada faafiya, ayaa kol ba
mid, ka mid ahaa caasiyadii Eebbe la horkeenay—qofkoodii ba lixdan karbaash
ayuu haraggii uga siibay.
"Allaahu Akbar!" ayuu oranayay
dulmilowgii u adkaysan waaya xanuunkii nadiga.
"Allaahu Akbar!" ayay oranayeen
daawadeyaashii na, goor kasta oo jaydalkii lagu shabiiciyo mujrimkii, iyaga oo
muujinayay sida ay ula dhacsanayeen Kudhaqanka Shareecada Islaamka.
Tumowgii ka bacdi, sanduuqii ay afartoodu ba
wada ogaayeen, iyo xabagtii ka buuxday—halabadii Cijicadde—dab ayaa lagu
hulaaqiyay. Labadii malluug iyo Cijicadde waa ay is eegayeen, mar na qiiqii
cirka ku sii sulsulayay ayay isndhaha la sii raacayeen.
Baafan Mayye, sidaas ayay ninkeedii iyo
walaalkeed ba ugu gurmatay, gurigeedii na xaaraan soo geli lahayd uga hortagtay. Maalintii
Sabtiga, Cijicadde Taakoow na waxa uu ku jarmaaday Suuqii Koodka.
No comments:
Post a Comment