" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Gabadhu marka hore ha ixtiraamto nafteeda, ka dibna…….!!

Saturday, February 4, 2012

Gabadhu marka hore ha ixtiraamto nafteeda, ka dibna…….!!


Haweenka ayaa intooda badan waxay ka madluumaan ama ay cuqdad ka qabaan  dumarnimadooda ,iyaga oo ku dooda in aanay helin xaqoodii sidaa darteed qaar ayaa yidhaa waxaanu jeclaan lahayn inaanu ragg noqono.

Hadii ay gabadhu doonayso inay gaadho nolol farxadeed ama ay ku qanacsantay waa inay marka hore ogolaata  gabadhnimadeeda,haweenka sidoodaba ama dhamaan dadkaba waxa  ay noqdaan waxii lagu koriyo marka ay yaryihiin  ee bulshada ay ku dhex dhaqan yihiin leedahay waana ta keenaytay in dumar badan oo inaga mid ahi ay qawadaan gabadhnimadoda waayo waxa laga dhaadhiciyey in haweenku yahay wax hooseeya.xataa marka aad la sheekaysato dumarka xaasaska ah waxay aaminsan yihiin inay ka hooseeyaan ninkooda,laakiin maaha hadii ay gabadhu ninkeeda ixtiraam u samayso,cuntada u samayso,caruurta ka aamusiiso marka uu guriga joogo ama uu hurdo ta micnaheedu maaha inay ka hoosayso maaha inay nolosheeda moodo inay u nooshay caruurteeda iyo ninkeeda oo kaliya halkaana ay kaga niyad jabto qaybaha kale ee nolosheeda.

Dadka qaar ayaa ku maahmaaha sida carabta oo kale “hooyadu waa shamac la shiday o gubanaaya si dadka kale uu u iftiimiyo”balse waxaad modaa in taasi tahay wax haweenka lagu beerlaxawsado waayo waa inay teeda iyo ta dadkaba iftiimiso. Murti aanu ka soo xiganay buuga magaciisa la yidhaa (Empowering Women)ayaa odhanaysa “Marka hore gabadhu iyadu ha is ogaato inay qiimo leedahay oo ha is ixtiraamto markaa ayey bulshadana uga faa’iido badnaysaa”

Hadaba waxa jira habab hadii ay gabadhu  ku dhaqanto ay suura gal u  noqon karto inay dhisaan naftooda

-Waa in ay  naftaada iyo dumarnimadaadu kula qiimo badnaato sida dadka kale kuula qiimo badan yihiin.
-Ha is yareysan adigu wax kasta oo dhacana dusha ha iska saarin gabadhnimo awgeed.
-Hayso fikirka aad aaminsan tahay ee ah inaad qiimo leedahay si kasta oo dadku kaaga fakir duwanaadaan.
-Xasuusnow mar kasta ma bedeli kartid afkaarta dadka basle naftaada ayaa bedeli kartaa.
-Kalsooni daradaada iyo adiga oo dareema inaad hoosayso waxay keeni kartaa in dadka kalena ku dulmaan waayo adiga ayaaba is xaqirsan.

Kaliya kuma eeka qodobadan in haweenaydu dhisto kalsoonida ay ku qabto dumarnimadeeda ee sidoo kale waa inay iska dhisto dhinaca aqoonta gaar ahaan diiniga si ay u ogaato waxa ILLAAHAY xaq u siiyey iyo waxa kale .

W.Q: Nasra Aw-Ciise Kaahin


No comments: