Dadka wuu ka dhex
muuqda oo la dhaqan maaha, waad la yaabaysaa nuurka ka baxaya wajigiisa markuu
kaa soo hor baxo. Waad la dhacaysaa habka uu dadka ula macaamilayo markaad
aragto, tacajab baa ku dilaya haddaad
daqiiqado kooban la sheekaysato, ma wayna da’diisu oo marka hore uba hunguroon
maysid inaad waqti ku lumiso agtiisa, hayeeshee haddaad hoos ugu dhaadhacdo
intaad isla waynida ka baxdo inta uu hadalka kuu wado hareeraha eegi maysid,
hoosna fiirin maysid, hawadana eeg eegi maysid… Hor alle waad hoganaysaa oo
hawadaad ku jirto mid aan ahayn buu kuu hindisayaa, himilooyin aan kugu jirin
baa kuu hiraya, markaad hor taagantahay,
ha ahaadeen kuwo adduunyo iyo kuwo aakhiraba’e.
Wednesday, February 29, 2012
Thursday, February 23, 2012
DABEEB: Gabay ku saabsan shirka maanta ka furmaya London
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:37 AM
Gabaygan oo la baxay DABEEB, waxa
curisay halabuurka da’da yar ee Yaasmiin Maxamed Kaahin. Caawa ayay tixdu ifka
u soo baxday waxaanay ku aroortaa shirka London maanta uga furmaya dhinacyada
Soomaalida. Inta aanan faahfaahin kale idiin gelin, bal ila wadaaga
mahadhooyinka ku duugan, aniga oo ku kalsoon in aad dulucda fahmi doontaan...
Gabay daawadii male hadaan, lagu dawoobayn
Haddaan lagu daboolayn, goobaha dilaac jiro
Anna daayay waayadan, arartiisa deeqoow
Wednesday, February 22, 2012
Qayla-dhaantu ma sas baa, mise waa saadaal dhab ah – W/Q. Siciid Jaamac Xuseen.
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:26 AM
Laba qoraal oo
isku mawduuc ka wada hadlaya ayaa ku soo kala baxay mareegaha ‘Somalilandpress.Com’
iyo ‘WardheerNews.Com’. Kan hore oo
Af-Ingiriisi ah waxaa qoray Dr. Cabdishakuur Sh. Cali Jowhar, kan kale oo
Af-Soomaali ahna waxaa qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Labaduba waxay ku nuuxnuuxsanayaan in dawlad
qarameedkii ay ummaddu nafta ku naawilaysay (waa 'Maandeeqdii’ muddada dheer
loo heesayay) in ay dhowaan soo noolaato iyadoo xooggan oo dardar qabta ay si
aan muran ka iman karin usoo bandhigeen in ay maanta mindidii dul saaran tahay
oo lala maaggan yahay in la kitfo oo laga yeelo
“beri bay jiri..jirtay.” Ciddii
arrintaas si dhab ah u danaynaysa waxaan kula talin lahaa in ay qoraallada
labadaas aqoonyahan si deggan oo miyirqab leh ku akhristaan, ku noqnoqdaan oo
si weyn uga bogtaan intaanu dhambaalkay wadaan go’aan degdeg ah oo sar-ka-xaadis
ah ayna ka qaadan. Warku ha innagu duxo
oo si weyn ha innoogu duxo intaynaan talo ka gaadhin. Anigu qormadan gaaban waxaan uga dan leeyahay
inaan digniinta ay bixinayaan iyo qaylodhaanta labada oday gacan buuxda ku
siiyo anigoo khatarta ay la fajaceen sii iftiiminaya.
Qabyatirka Far Soomaalida – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:20 AM

Maanta waxaa la taagan yahay afartanguuradii hirgelinta far soomaalida (1972 -2012). Laba na isku ma diiddana hawshaasi in ay ahayd tallaabadii ugu weynayd ee soomaalida cusubi qaadday xagga dhaqanka iyo aqoonta. Run ahaantii waxaa la odhan karaa guusha ugu weyn, ama ta keliya, ee dawladnimadu soo kordhisay waa taa.
Dardar kulul ayay ku bilaabatay hirgelinta far soomaalidu, sannado yar gudahood ayaa na la soomaaliyeyay adeegyada guud oo ay ka mid yihiin: 1) Maamulka xafiisyada. 2)Warfaafinta. 3) Manhajka waxbarashada. 4) Ururinta iyo baadhista suugaanta. 5) Halabuurka cusub, sida sheeko faneedda iyo fan masraxeedka. Sidaa darteed intii aanay soomaalidu dib u ka la daadan af soomaaligu wax uu isu dhigay in uu ku dherersan karo afaf qarniyo badan qorraa.
Gabay: BOQOL BUUL
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:08 AM
Ba’da
gabay cabddoow waayadani, maan balaysimine
Ma
binaynin maansooyinkaan , baarcadayn jiraye
Bismilaahi
caawaan idhoo, aan babinayaaye
Iga
qabo bartii gabay lahaa, baaxir baad tahaye
Baaqbaan
sidaa jaamacaw, aan balwinayaaye
Bulshadeenan
feeraarsanbaan, ugu baloolayne
Bu’da
waxaan ujeedada ku ladhi, baanisaha yaale
Tuesday, February 21, 2012
Baro xarfaha labanlaabma oo hagaaji qoraallada afkaaga Hooyo
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:48 AM
Qoraalkani waa cashar yar (670 eray) oo waxtar u yeelan doona ama
billad-daye u noqon kara qof kasta oo qora afka Soomaaliga oo ay mugdi uga
jiraan Xarfaha Labanlaabma.
Xarfaha Labanlaabma ee af Soomaliga waxa ay ka kooban yihiin toddoba
xaraf oo ka mid ah shibbaneyaasha (B T J X KH ... ilaa Y). Toddobada Xaraf waxa
ay ku jiraan hal eray oo lagu xusuusan karo. Ereygaasi waa “M A N A L A G A R A
A D B A A.” Haddaba sida ereygaas ka dhex muuqata xarfaha labanlaabmaya ama
laba dhacaya waa shibbaneyaasha kala ah 'M N L G R D iyo B.'
Sheeko Gaaban: Labaatan jir khasaaray!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
10:04 AM
Waa labaatan jir aan waligii luuf luuf iyo leel leel midna arag.
Kuwa uu la leefalka yahay wuu ka feedho weyn yahay oo isuma dhawa. Caano niidoo
iyo cunto magaalo ayuu ku soo koray, carrabkaba waligii ma saarin waxaan
dhan dhanaan iyo mac macaan ahayn, oo habeen uu qado daaye il bidhiqsi
ilbidhiqsibuu sharaabka iyo shaah caano badan ugu noq noqdaa.
Sunday, February 19, 2012
Xuska geerida haldoor wax badan wadaaga
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:15 AM
Waa geeri isu-eg, waa geeri haleeshay haldoor umadeed, kala dambaysay muddo sanad buuxa ah..Ma jirto geeri lagu farxaa, hase ahaatee, way ka duwanaayeen kuwani oo naxdin gaar ah ayay u lahaayeen inta aragti gaar ah u leh fanka iyo kobcinta afka.
Saturday, February 18, 2012
Maantana iyagii maaha!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:48 AM
Dhalaalka qof walba ka muuqda iyo
quruxda lebbiska uu xidhan yahay, ayaa marag u ah in goobtu tahay goob
farxadeed. Way yarayd inta aan diyaar-garow ka muuqan ee caadi u lebbisnayd,
hase ahaatee, kuwaas laf ahaantoodu waxay ku lebisnaayeen farxad. Wejiyo qaarkood
kala raageen oo salaan gaar ah isu hibaynaysay, ayay madashu kulmisay.
Thursday, February 16, 2012
Dr. Bilal Philips' Road to Islam
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
1:12 PM
Dr. Bilal Philips: “Here
in Somaliland, you enjoy a degree of safety and peace that people living in New
York city, Chicago, Washington, Los Angles and Atlanta don’t experience. They
live lifes of fear, how many people killed each day and murdered, a woman raped
in every six minutes in America.”
CLICK TO LISTEN.....
Tuesday, February 14, 2012
Adigu maxaad baratay?
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:32 AM
Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay
saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid
yihiin:
Cumar Laangadhe iyo Jacaylkii Ina Suldaan!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:12 AM
Urugiyo xusuus baa
asaraarka faallada
saqda dhexe abuuree
umal iyo ladh soo kaca
wakhtiyada inkaarta ah
maxaa lagu illoobaa? Hadraawi
Inta nolosha waydaaratey waa intanu iskugu dhaw nahay, dhex marayaasha
magaaladu waa asxaabtayda, af miisharada afka dhaadheer laygama ag waayo,
xalqadaha xumaanta lagaga sheekeeyo waa marfushyadayda,salaada iyo sadaqada
sanaddo horaa iigu danbeysay waayo, badanaa inta wax shaxaada ayan sii
shaxaada, shaydaana wuu I duufsadey.
Monday, February 13, 2012
SHIRQOOLLADA SOOMAALIYA: GAAL MAXASTA KUU DHAWRA OOD MAGANSATAA DHAAMA!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:49 AM
Sida qaalibka ah hagardaamooyinka aadanuhu isu dhigo waa noocyo badan yihiin waxayna ka dhacaan inta u dhaxaysa min dadka caadiga ah ilaa nidaamyada dawladaha ama gudahooda gaar ahaan jilayaasha siyaasadda ama dibedooda xiriirka ay wadamada kale la leeyihiin ayadoo falkaas loo maro si sir ah ama si caad ah.
UJEEDKA LAGA LEEYAHAY SHIRQOOLADA IYO CIDA FULISA-----
Ayagoo u kala baxa kuwo xadeysan oo muddo kooban jira iyo kuwo halis oo daba dheeraada hadba inta ay la’eg tahay danta laga leeyahay, waxaa in debin la isku rida badaanaba asaas u ah hanka ay ka qabto cida dhigaysa shirqoolka inay ka gaarto dhinaca kale dano ay marka is leedahay waa ka faa’ideysan kartaa si toos ah amaseba si dadban ayadoo falka ay hirgeliyaan dhowr wadan oo isku garab iyo kuwo kale amase wadan qura mid ahaan.
Saturday, February 11, 2012
Sidee sumcad loo helaa?
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
2:35 PM
Maansada SUUR waxay hogo-tusaalaynaysaa guud ahaan nolosha. Waa midho iyo miid ka soo maaxday maskaxda Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame). Aan gaar u xuso in maansadu iftiiminayso sida loo helo sumcad, sida jidka nolosha aan looga siiban iyo adeegsiga fayow ee Maskaxda. Saboolnimo waxay hormood u tahay cadowga bani'aadamku hadduu helayo cagihiisa kaga ordi lahaa, qaarkoodba kaga ordeen!
WARGEYS MADAX BANNAAN
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
9:05 AM
Wargeys madaxbannaan, waa wargeys kasta oo ka madaxbanaan dhaqaale
meel kale ka soo gala oo isku filan. Wargeyska Madaxbannaan, wuxuu u
madaxbannaan yahay oo keliya, daymadiisa siduu u sifayn lahaa ama u soo
bandhigi lahaa. Intaa wiixii ka dambeeyaa, wuxuu aad ugu dadaalaa, sidii uu u
badin lahaa xorriyada dadweynaha iyo aragtiyadooda. Dhinaca kale, wuxuu aad ugu
dadaalaa, sidii uu markasta ugu haqab tiri lahaa wararka ka qarsoon iyo kuwa
cusub.
Thursday, February 9, 2012
Hooyo fahmi maysid!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:23 AM
Yaasiin wuxuu ahaa inan
yar oo 13 jir ah, wuxuu aad u jeclaa in uu ciyaaro kubada cagta iyo in uu
daawado ciyaaraha feedhka. Maalin maalmaha ka mida, isagoo ku hor ciyaaraya
gurigooda hortiisa, ayuu sheeda ka arkay aabbihii Nuur iyo hooyadi Qamar oo
gurigooda hor taagan, wuxuu arkay hooyadi oo wajigeeda ka muuqato murugo, wuxuu
u soo dhaqaaqay xagi ay joogeen waalidkii, balse intaanu sooba gaadhin ayeey
hooyadi dhaqaaqday oo ay gashay gurigii. Wuxuu u yimid aabbihii, wuxuuna ku
yidhi:
Monday, February 6, 2012
XOG AAN LA GARANEYN!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
12:44 PM
“Geyigaan ku noolahay gaadaha adduunyada;
in kastuu gun dheeryoo xogtiis aan la garaneyn?
hadba xubin u gaadhaba Aadmigaa ku geeddiya.”
—Xasan Sheekh Muumin Gorod (1931–2008)
I.
GOOR BAABUURKU uu dhaqaaqi lahaa, kuleylka jiray awgii, daaqaddii aan xigay muraayaddeedii hoos-u-dejdidii aan is lahaa, ayuu wiil yaraa halhaleel iiga soo dhiibay xaashi isku duubanayd. Aniga oo foolkiisa ku maqanaa ayaan waraaqdii ka mahiibay; saa isagu na dib ayuu haddiiba u qooransaday abbaar ay taaganayd islaan xijaabanayd. Jalleecada wiilka waxa ay ka dhiganayd baaq uu iigu tilmaami lahaa; cidda xaggeedii uu iiga keenay farriinta. In kasta oo aan naagtii si daymo lahayd u eegay; si dhib leh ayaan misana u arki karayay indhaheedii halaalaceynayay. Biligtaa qudha… iyo tagsigii oo shaagaggii rogay.
in kastuu gun dheeryoo xogtiis aan la garaneyn?
hadba xubin u gaadhaba Aadmigaa ku geeddiya.”
—Xasan Sheekh Muumin Gorod (1931–2008)
I.
GOOR BAABUURKU uu dhaqaaqi lahaa, kuleylka jiray awgii, daaqaddii aan xigay muraayaddeedii hoos-u-dejdidii aan is lahaa, ayuu wiil yaraa halhaleel iiga soo dhiibay xaashi isku duubanayd. Aniga oo foolkiisa ku maqanaa ayaan waraaqdii ka mahiibay; saa isagu na dib ayuu haddiiba u qooransaday abbaar ay taaganayd islaan xijaabanayd. Jalleecada wiilka waxa ay ka dhiganayd baaq uu iigu tilmaami lahaa; cidda xaggeedii uu iiga keenay farriinta. In kasta oo aan naagtii si daymo lahayd u eegay; si dhib leh ayaan misana u arki karayay indhaheedii halaalaceynayay. Biligtaa qudha… iyo tagsigii oo shaagaggii rogay.
Axmed Gurey ma uu Dhiman | Codkii Shankaroon Axmed
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
11:54 AM
Xuquuqda muuqaalkan: A. M. Yusuf (Wayeel) - wayeel.blogspot.com
Saturday, February 4, 2012
Gabadhu marka hore ha ixtiraamto nafteeda, ka dibna…….!!
Posted by
B. M. Kaariye - Hoyga Falanqaynta toolmoon!
at
7:23 PM
Haweenka ayaa intooda badan waxay ka madluumaan ama ay cuqdad ka qabaan dumarnimadooda ,iyaga oo ku dooda in aanay helin xaqoodii sidaa darteed qaar ayaa yidhaa waxaanu jeclaan lahayn inaanu ragg noqono.
Subscribe to:
Posts (Atom)