Wargeys madaxbannaan, waa wargeys kasta oo ka madaxbanaan dhaqaale
meel kale ka soo gala oo isku filan. Wargeyska Madaxbannaan, wuxuu u
madaxbannaan yahay oo keliya, daymadiisa siduu u sifayn lahaa ama u soo
bandhigi lahaa. Intaa wiixii ka dambeeyaa, wuxuu aad ugu dadaalaa, sidii uu u
badin lahaa xorriyada dadweynaha iyo aragtiyadooda. Dhinaca kale, wuxuu aad ugu
dadaalaa, sidii uu markasta ugu haqab tiri lahaa wararka ka qarsoon iyo kuwa
cusub.
Wargeyska madaxbannaan, si uu u ilaashado madaxbannaanidiisa oo u
ilaashado dadweynihiisa, xoogga wuxuu saaraa, xaqaa’iqa jira iyo kuwa qarsoon
in uu si caddaalad ah u soo gudbiyo isaga oo waxna ku kordhin kana dhimmin.
Sidoo kale, wuxuu aad u ilaaliyaa dhexdhexaadnimada, iyo Caddaaladda.
Goormay aad u shaqaysaa Saxaafadda Madaxbannaani? In kasta oo looga
baahanyahay markasta Saxaafadda madaxabannaan in ay aad u shaqayso, haddana
baahida ugu weyn ee looga baahan yahay in ay aad dadweynaha ugu shaqayso waa
marka Mucaarid iyo Axsaab aanay jirin. Waxa loogu magac daray Saxaafadda, marka
Mucaarid jirin Watch Dog. Sababta loogu bixiyay Watch Dog, waxa loogu talo
galay sida Eyga ugu qayliyo uguna ilaaliyo tuugga xarumaha uu ilaaliyo. Ka
daran in uu u ilaaliyo masuuliyiinta aan toosnayn. In uu suxufigu iftiimiyo,
meelaha madmadowgu ku badan yihiin, iyo meelaha kale ee la midka ah.
Marka se Axsaabi ay jiraan, waxa looga baahan yahay Saxaafadda
madaxabannaan xoog in ay saarto dhinaca arrimaha Bulshada in ay aad uga hadasho
iyo in ay isku daydo sidii ay u noqon lahayd muraayad qof kasta ka dhex arko
Mawduuc xiiso geliya yar iyo weyn. Dhinaca kale, waxay samaynaysaa barnaamijyo
cusub oo daraasado iyio xogo la soo ururiyay ka dibna dadweynaha loo soo
bandhiggo Barnaamijyada raad goobka, oo xaqaa’iqa xambaarsan iyo kuwo kale oo
la sii ogaado lagana hortago way ka qiime badan yihiin kuwa maalin laha ah.
Sidoo kale, waxa looga baahan yahay, wargeyska, arrin kasta oo dhacda in aanu
ka hadhin ilaa meel ay ku dhammaato, oo aanu xaalkiisu noqon maalin ku dirir
iyo xaalad ku dirir.
M. M. Kastam
E-mail: mmkastan@gmail.com
No comments:
Post a Comment