Ba’da
gabay cabddoow waayadani, maan balaysimine
Ma
binaynin maansooyinkaan , baarcadayn jiraye
Bismilaahi
caawaan idhoo, aan babinayaaye
Iga
qabo bartii gabay lahaa, baaxir baad tahaye
Baaqbaan
sidaa jaamacaw, aan balwinayaaye
Bulshadeenan
feeraarsanbaan, ugu baloolayne
Bu’da
waxaan ujeedada ku ladhi, baanisaha yaale
Waataa
lakala baadayee, laysu baalnixine
Meeshii
banaan looyiqiin, maanta laga baydhye
Babacbaa
lawada fuushanyahay, buuro fiiqdheere
Bohol
iyo waxaa laysku jafay, buundo kala dheere
Dabinbaa
baraadli’I gondaha ,loola boobtagaye
Boqnahaa
warmaha laysku jaray, biimo yaab badane
Bal
ufiirso miidaan galbeed, waa bar kumataale
Afartaa
ammuuraha berriga, beyd ma ka iftiinshay
Ma
bayaanshay muurtida cabddaw, waa bayuur dhabahe
Afarkalena
waa baabi iyo, buugga gaalada e
Baarliin
warkii nooga yimid, Room bidhaamisaye
Bililiqo
warkoodii ku faaf ,boorso ugu taliye
Buuqoodi waa nagu batee ,baabiiyey tidhiye
Inta
nabad ku bood-boodaysana, baajiyey tidhiye
Buruudkooda
kala daadiyoo, bururiyey tidhiye
Beel-land
u kala daajiyey ,baariis soo tidhiye
Baarqabkooda
idin diidayana, bohoniyey tidhiye
Boqolbuul
u kala waaba bay baaq ku soo tidhiye
Isticmaar boggiisii ku rida, baaca hoostiisa
Aan
birayno bay reer galbeed, soo bayaansheene
Aan
bislaysanaa laysku wacay, waa bilaash yaale
Halla
booba baa laysku yidhi, yaanu baarixine
Waxaa
qiilka laysugu banbaxay, maahmaahdii beriye
Nin
bukooday boqol waa u talin, loo barkimo
dhigaye
Afartaa
burdaha gabayga dhaha, baaci suugaanta
Afarkalena
waa baabi iyo, booli-qaataha e
Madaxnimo
intay boobayeen, bayda loojaraye
Sidii
adhi banaan daaqayoo, goor barqin ah joogaa
Bartii
loo duwaba waa kuwaa, baydhayoo tagaye
Inuu
bahalba meelaha ku jiro, burka may dayine
Buste
iyo waxaa loo huwiyey, buur karbaash leege
Intay
baho u doodoodayeen, bayr lawada galiye
Bilaalaa
wax lagu siinayaa, bidhiq ah koobkiiye
Barkimada
waxay ugu hurdaan, waa baraad li’iye
Bootadaba
looguma dareen, amarka baabiine
Booraanta
loo qoday ma oga, biidhi qaatuhuye
Baashaalka
waa kaa u boggay, biribirqayntiiye
Bulbulkiyo
shabeelkiyo ma oga, bahalkan boobaaya
Bidixday
ka joogaan warkani, loogu baratamaye
Bugcadooda
nimankaa holladay, way u bu’ayaane
Billaawaha
nin qaatoo hadlaba, beledka laga waaye
Baqti
iyo waxay daaqayaan, dacarta baalkeede
Waxa
ay la baabyiin cabddaw, waa dar baaliyahe
Gabadhii
isma og loo baxshee, beri la soo sheegay
Iyadoo
berriba loo tashaday, bixis dalaaqdeeda
Misna
beydka sii asashayee, aan baddaa haynin
Waxba
yaanan meerisyada ku badin, baas canaaneede
Biyadhaca
warkiisii idhee , waa ba’ iyo waawe
Waxaan
baab gunaanada ku xidhi , baaqigaa hadhiye
Baqashii
fardaha doonatee, beegsiga ismooday
Siday
beenta ugu dhaadatee, baar isugu feedho
Alleylehe
baqool reer galbeed, biid lawada moodye
Ninka
ulaha boocda ah loo badshaw, baadibaad tahaye
Bishmahaagu
waxay taransadaan, berriba waad sheegi...
Waxa tiriyay Abwaan Axmed M. Faarax (Badeed)
No comments:
Post a Comment