Waa labaatan jir aan waligii luuf luuf iyo leel leel midna arag.
Kuwa uu la leefalka yahay wuu ka feedho weyn yahay oo isuma dhawa. Caano niidoo
iyo cunto magaalo ayuu ku soo koray, carrabkaba waligii ma saarin waxaan
dhan dhanaan iyo mac macaan ahayn, oo habeen uu qado daaye il bidhiqsi
ilbidhiqsibuu sharaabka iyo shaah caano badan ugu noq noqdaa.
´´ Wiilku ma yar yarkii
carabta ku dhashay oo fasax inoogu yimid baa? ´´ hadalkan iyo kuwo kaleba waxa
iswaydiiya dadka aan hore u aqoon ee dhererkiisa iyo caddaankiisa la dhaca, mar
danbase ogaada in aanu waligii Hargaysa dhanna u dhaafin ee uu guri nimco
iyo naruuro dhextaalo ku soo koray, intaasna ku soo leekaaday.
Waxbarasho se waa loogu taag waayey oo maalinba dugsi ( private
) yar buu galaa oo haddana ka baxaa, haa afsoomaliga wuu qori yaqaanaa,
ingiriisigana inta la isku bariidiyo ayuu ka bartay ee ‘Hello, How are
you, I am fine and you’ iyo qaar ku dhow dhow, oo Halkuu waxan ka bartay?
dugsiyadan uu midba maalin galuu ka bartay oo intaas yaree hore maba
dhaafin waligii.
Intuu yaraa waxbarasho lamaba gayn, markuu waynaadayna
waatan loogu taag waayay waxdhigashadii, tobanka laba ama saddex sann ayuu kor
u dhaafay markii waxbarashada lagu bilaabay, laakiin waa geed gudinta
iska celin kara oo sida loo garaaca way adagtay, waayo ilmaha markuu yar yahay
buu u nugul yahay waxbarista iyo barbaarinta.
Hooyadii iyo Aabbihii waqtigaas waxay u haysteenba inaanu
gaadhin waqti waxbarasho, oo afkaa wax loogu guri jiray sidii ilmo yar oo socod
barad ah.
Hami adduunyo oo inuu heer gaadhaa ahi kuma jiro, mid aakhiro oo
inuu shaqaystaana hadalkeeda daa, lamaba barin oo macno sidaasa uguma fadhido,
Cun oo Cab, Jiifso oo jimicso waxaan ahayn maba yaqaano. Waxbarashadaba waqti
lumus buu ka aaminsanaa iyo inay caado la raaco oon macno ku fadhiyin tahay,
dadkana sidiisa uun buu ka aaminsanyahay inay nimco ku wada jiraan.
Waa iska caado iyo sunnaha adduunyada in bina aadamka
intooda badani lacagta iyo adduunka ku qooqaan, isaguna kuwaasi uun buu la mid
yahay oo nooc cusub maaha.
Waa calooshii la ciyaar
aan habeen qudha caqligiisu shaqaynin. Intuu wuxuun cunayey ee aanu
balwado baran sahaalay ahayde, laakiin hadda balwad buu bartay oo xaafadana wuu
kala dhuuntaa. Hadduu muddo asturayey oo intuu lafadhiistaa uun warkiisa
haystay, is qarin wayday oo mirqaan iyo qaadiraa khashifay.
Waa lagu bartay oo xataa xafidiibaa ogaatay inuu qaad iyo sigaar
bartay. Hooyadii habeen madow baa u galay markay maqashay inankaagii wuu
qayilaa, waanu qiijiyaa!!!
Ileen Baroori waxba ma baajiso, baryo dhanbay dhinaca u jiibsan
wayda, dhakaduna u fadhiisanwayday, oo dhafooradu goteen……..horayse u halaysay
oo haadanta ugu rideen iyada iyo aabbihiiba.
Wuu cadaystay oo imika isagoo cabaya buu guriga la soo galaa,
ciddise waxba kama qaban karto oo horaa loo dayacay. Haa horaa loo dayacay oo
kool koolin buu ku jiray waqtiguu ku haboonaa in la rabeeyo, kibrinbu ku jiray
intuu ku wacnaa in la kobciyo caqligiisa oo lagu canqariyo cilmi Alle iyo camal
falkiisa, Kifaaxbuu ku jiray intay qayrkii wax barasho iyo tacliin ku jeedeen,
seel seelibay ka dhigtay adduunyadii uu ku soo dhex koray; sac sac buu ku noqday
kibrintii iyo koolkoolintii; sagagarnimaaa kasoo hadhay iyo inuu siduu doono u
noolaado; saaqidnimaduu ka dhaxlay inuu sigaar iyo jaad su'aashiisa ugu horaysa
ee uu ku waydiiyaa noqoto.
Awalka hore xoolaha aabihii iyo hoygooda uun buu ka qaadanayey
lacagta uu ku qayilayo, ee sigaarka siisanayo, hadduu muddo jaqayey
naaskaa irmaan, hadduu sida dulinku dadka dhiiga iyo dheecaanka uga jaqayo uu
xaafadooda xoolaha uga xantoobsado, waxa la soo gaadhay wakhti naaskiina
gudhay; dhiigii iyo dheecaankiina uu dhamaystay. Waligii kumuu fikirin
inuu suuqa u xoogsi tago ama xoolo keensado laakiin waxa la soo gaadhay wakhti
waxa horyaalaaba ay tahay inuu suuqa galo oo sida asxaabtiisu qayilaada ku soo
xaasiliyaan oo kale soo xoogsado soona xasiliyo Geed, Rubuc, Mijin, Caqaar, Ama
hadii kale taajaradba kolba kii uu helo, ujadeediisu waa yaan casarku kusoo
galin adigoon jiqilka laabin, yaan gabalku kuu dhicin adigoon findhicilka ku
fikirn, yaan waagu kuu baryin adigoon xiddigaha tiring, yaan maalinta kale
kusoo gaadhin adigoon maalintaa hore mirqaamin, Yaanad tagin oo dubaabku ku
cunin adigoon dadarta daanka ku daabulin iyo hididiilooyin kale ayaa ka dhex
guuxaya,……..
Barqadii buu toosaa oo uu bilaaba xaasilinta iyo xerokeenka;
caleenta cagaaran ee cindigiisa ku wayn, Xiinbuu u galayaa siduu u keeni lahaa,
xuuraanbuu ugu jiraa siduu u kasban lahaa, Xaaraan iyo Xalaal uma aabbo yeelayo
waa inuu soo xaasiliyo uun Jaadkiisa, maalinba sibuu ku keenaa hadday noqoto
inuu been sheego, hadday noqoto inuu baryo qayrkii, iyo hadday noqoto inuu
wuxuun rahmo kolay taarkiisa noqoto.
Markay labada duhurnimo tahay buu marfishka hebel isaga
iyo asxaabtiisu isugu yimaadaan, halkaasaa iyaga oo aad moodo inaanay waxba
adduunyadii ka maqnayn ku qayilaan oo gabalku ugu dhacaa, saqda dhexe ayuu ka
soo hurda tagaa markuu qaadkii isgoostay, waa xilli dadkii miyirka qabay
intooda badani maanka iyo maskaxda nasinayaan, wuxuu soo socdaba gurigii yimid
iyagoo dadkii hurdada badankeedii dhamaysteen, sheekhii daakirayeyna
waysada u kacay ayuu seexdaa oo duhurka ayuu ka toosayaa, halkii
buu ka bilaabayaa, oo maalmaha, bilaha iyo sannadadu is gurayaan. Oo miyuu
hagaagsan yahay haddaba? Haa wuu hagaagsan yahay. Makanaa hagaagsan adigaaba ka
waali case? Adeer yaynaan is caayin ee runtaan kuu sheegayaa? Runtaad ii
sheegaysaa maxay tahay?
Waa:
Adduunyadu waa is toosin iyo is tilmaamid Xadiisbuu Nabigu ku
yidhi (SCW) qofku markuu yar yahay waalidkiisa ama muslin ka dhiga ama gaal,
macnaha u daadag oo waa kolba sidii qofka laga dhigo ayuun buu noqdaa, Haddaan
La toosin, Haddaan La tilmaamin, Haddaan La Tusmayn miyaanu ku hagaagsanayn wax
kastuu sameeyo? Haddii la baray in la raaxaysto uun oo aan la barin in la
shaqaysto, miyaanu Hagaagsanayn? Ma canaan buu ku leeyay inuu
caynkan ku dambeeyo haddii aanay cidiba daryeelin? Ha isoo eegine ii
jawaab dee? Geedku intuu yar yahay ayaa la toosiyaabay soomaalidu
tidhaa, macnaheedu miyaanay ahayn in wax kastaa intay curdinka yihiin la
qor qoro, la baaq baaqo, si uu u noqdo waxa laga rabo.
Adeer waxba indhaha ha isoo giirine Gar Buu Uleeyahay !!!
Sheeko Gaaban:
Labaatan jir khasaaray!
Qalinkii: Saddam Xusseen
Carab
Saddamcarab@gmail.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:
Post a Comment