Urugiyo xusuus baa
asaraarka faallada
saqda dhexe abuuree
umal iyo ladh soo kaca
wakhtiyada inkaarta ah
maxaa lagu illoobaa? Hadraawi
Inta nolosha waydaaratey waa intanu iskugu dhaw nahay, dhex marayaasha
magaaladu waa asxaabtayda, af miisharada afka dhaadheer laygama ag waayo,
xalqadaha xumaanta lagaga sheekeeyo waa marfushyadayda,salaada iyo sadaqada
sanaddo horaa iigu danbeysay waayo, badanaa inta wax shaxaada ayan sii
shaxaada, shaydaana wuu I duufsadey.
Booli quutayaasha aanu xasarada ka wada shaqayno, dumarka sida
shaadhadhka ayay u kala badalaan, habeen kastana waa caruus, qaarkoodna naaguhu
iyagaa soo doonta, duunyo ima dheera, ee waa cagaha!
Murqaanka awgii ban isweydiiya, sawjadaadi meday? Awlaad tallow miyaad
heli? Caruurtaydu miyay curyaami sidaada? Mar kaliya waxa soo ururtay rajadii
aan ka qabay guurka, ka dib markii gabdhihii gayaanka ahaa oo dhami iga san
taageen dhibse umaan arkayn oo waayo anba maan hawaysteen inaan la haasaawo
gashaanti cago la’ haddaan cararayo, niyadaydana kumay soo dhacdeen, se iminka
waxan siraad ku raadinaya garoob jajabana oo mar isoo jaleecda. xataa kuwa nala
qaylaa xaaraan mooye xalaal way iiga tukadeen.
Dariskayga waxa degan qof dumara oo maalin iyo habeen isha aan ku
koriyo, waa geenyo, Indho deeralaya, jaaheeduna ifaayo, midabkeedu mariin
dhalaal yahay, kubka iyo naasaha ku yaala aanad malaynahayn… u qaadan waa!
xubin kastod jidhkeeda eegtana ateenkagu ful buu noqonaya, waxa dhalay abu
jeerin, wiilashoodu waa rooxaanta magaalada,balwad ba daashatey ,subaxii alle
soo gooyaba waxay ku dilaan kharash ay siistan qaad, salad hore ayay igu soo
waa bariisatey, iyadoo aad u qaracan bay ii timi waxay iigu soo gashay
qolkaygii yaraa, muragada iyo dhibta haysata ayay iskukay dhaafinaysa, anigana
jaanis bay ii noqotey, wax walba way igu khasabtay inaan sameeyo, aniguna wan u
ogoladey… jeeniga ayey jeeniga ii saartey, waan hiin raagey wanan dhididay,
iyadiina ka daran, waan taabtay waabay igu dhagtey, iyadaaba dharkii si degdaga
iga saartey, inaan riyoonayo ayan u haystaa, waaba dhab…dhinac kasta waan u
rogay, wan isku miir beelnay, daalay oo hadana daalay, walina maan
quraacan…haddaba ibtilo waa tane, yaa iga furfura? waa gabadh isku tumatey oo
jidhkeeda iyo lafaheeduba dhisan yihiin, hawsheedi markay dhamaysatey ayey iga
tagtey…Maalimo ka dib waanu is aragnay, tiiba maaha…intanan hadalba odhan bay
tidhi “ Balaayo il la’aatay ama lug la’aatay, muxuu aha kan sida xun dadka ugu
dhagagaya”
Goor galaba waxa kabadh aan dabo fadhiyey iigu yimi koox culimo ah
(Tibliiqiyiin) wacdi iyo waano kadib, waxaan go’aansadey inaan ragas raaco,
baaskiiladibay igu sii riixeen, iyagoo ii ducaynaya, masjidkana bay igeeyen,
waan tukadey salaadii maqrib ee iigu horaysay, hada garoo Islaamna waan ahaa!
Waxaan ogaadey in qaab nololeed kaygii hore, iga lumayey wakhti badan iyo aduun
badan oon kacaa kuf ku helay.
Xumaan oo dhan baan iska ilaaliyey, hamigii naagaha ayaa iga yaraaday,
is xiijintii iyo is xabeejinti ban ka reystey, durtaba xabuubtii ba ii soo
noqotey, dubuurtii isaarnayd nuur iyo ilays baa badelay, asxaabtii shaydaankana
awliyaa badeshay… haakah baan idhi, laakin, nimco waliba nusqaan leh, shaxaad
ma jirro mana shaqayn karo, magaaladiina haddaan dib u galo, halkii horaan ka
billaabaya oo waxaan odhanaya “cibaadaysaan cindiga ku hayee, daniba way igu
celin ciyaaraha” lakiin cilmi diiniya oo lay fahansiiyey awgii baan u sabrayey.
Ma qadayn mana quraacan, gaajo iyo safrad baa iga soo saartey
masjidka, waan iska socdaa mana garanayo halkaan u socdo, beer aan ag mareyey
ban ku soo beedhay, waxaa cunay dhar tamaandho ah iyo wixii dhulka yaalay,
ileen midhaha geedka saran gaadhi maaye… markii ay diiftii iga ba’day, ee aan
miirsadey, ban isweydiiyey xaaraan iyo xalaal waxii aan cunay, kadibna waxan
go’aansadey inaan cafis soo weydiisto odaygii lahaa bustaanka, dhawr jeer buu I
diiday inuu I saamaxo lakiin wan ku soo noqnoqday oo kamaan hadhin, ugu
danbeyntii waxu igu xidhayshuruud waxanu igu yidhi “ waan ku saamaxaya hadaad
guursato gabadh aan dhalay oo gacmaha indhaha iyo lugahaba la’, cid guursatana
aan waayey” ka daroo dibi dhal, waaba cumar cagoole oo guur ka naxay, wada
tashi badan ka bacdi waxa aan go’aansadey, inaan gabadhaas ibtilooyinka aduunku
ku dhan yihiin ee dubihii illaahay darran dooriga ugu dhacay aan guursado
dabkay doonto ha kulaashe… waxan u sheegay odaygii inaan guursanayo, odaygii
waxa uu yidhi “ Iminkan ku saamaxay, waa inoo khamiista iyo gurigayga, anaa
wixii kharashe ee hawshaas ku baxayana qaba” odaygu waa suldaan maalqabeena
bustaano iyo ganacsi kaleba iska leh, waayahay baan ku idhi… Khamiisti bay
gaadhay, xagii balantu ahayd ayan u soo guurguurtey anigoo niyad jabsan oo
culays dareemaya, markii aan guriga soo gaadhay ayuu odaygii ii timaamay xagii
qolkii inantu joogtay, waan galay, waaba inan aad u quruxsan oo eebe lixdeedii
laxaadba u dhameeyey, caafimaad qabta, nolol raaxo lehna lagu soo koriyey…
iyadoo hadal dabacsan oo dhagahaygu hore u maqal igu soo dhawaynaysa ayaa waxay
igu tidhi “ soo dhawow saygaygiiyow, aabahay run buu kuu sheegay, oo xaaraantan
ka cago iyo indhaba la’ahay, aabahayna inbadan buu ii raadinayey qof xaaraanta
iska dhawra oo I guursada… kiina adiguu noqday ee hanbalyo.” shinbirba
shinbirkiisuu la duula, aduunka iyo aakhirana rabbi waxu kugu abaal marinaya
marba sidaad tahay… asxaabta wanaagsanina waa noloshaada oo wanaagsanata:
Yaan masuuga shaydaan
Milicsiga aduunkiyo
Madadaalo kugu hodin
Noloshana kas iyo maan
Miyir sugan ku doondoon. Hadraawi.
Cumar Laangadhe
Hargeysa/Somaliland
Contact: Runsheeg_12@hotmail.com
©Weedhsan Corporation.
No comments:
Post a Comment