" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: DABEEB: Gabay ku saabsan shirka maanta ka furmaya London

Thursday, February 23, 2012

DABEEB: Gabay ku saabsan shirka maanta ka furmaya London

Gabaygan oo la baxay DABEEB, waxa curisay halabuurka da’da yar ee Yaasmiin Maxamed Kaahin. Caawa ayay tixdu ifka u soo baxday waxaanay ku aroortaa shirka London maanta uga furmaya dhinacyada Soomaalida. Inta aanan faahfaahin kale idiin gelin, bal ila wadaaga mahadhooyinka ku duugan, aniga oo ku kalsoon in aad dulucda fahmi doontaan...



Gabay daawadii male hadaan, lagu dawoobayn
Haddaan lagu daboolayn, goobaha dilaac jiro
Anna daayay waayadan, arartiisa deeqoow

Doog aan  la toosiyo, waxa beeray darartiisa
Shirka doorkan loo kacaan, dulucdiisa sheegiye
Duulaan shiisheeyuhu wadaan arkaa, daacadiisa mooyi
Ma aqaan dantoodiyo waxay, duleeddada la meeraan
Doqonbay se I moodayaan, soo dagnaan jiraye
Duqayduba shirkay baaqdaa loo dooyaysan jiraye
Waa inaan daraadood muujiyaa, doorkayga
Sidii aan dan moodiyo runtaan, diirka ka caddayne
Qasab laygu dudduuciyo ma gayo, darraw la ii qoolo
Duntu ruuxu leeyahay abid ma duugowdo
Taag yaraha dadeed kama didiyo qofaan I gaadhayne
Dahaadhna layma gelin karo mana dalaaboodo
Golahaan dooddayda ka marin iyo hadal dugoobayn
Shalay iyo doraad waxaan diidayaa jiraye
Daahiyo sitaacaan u xidhay, daawadaan odhane
Danta loo midoobaan ku odhan ,dayac way ka dheer tahaye
Dhiiggii la daadshaan ku odhan, kama maydhmin duunkayga
Dekanada ninkii iga galaa danqasho  igu reebye
Walaalnimada doorbideen, darmo nabad ku soo sooray
Waatay ku daadsheen dhiigga,  umulna dooxeene
Maantana daraadiin dabin ku gali maayo.
Dhismahaan duugoobayn qarankaan nabada ugu daahay
Kolna daadin maayo doobigaan hagar la’aan culaye
Nafta iyo ruuxdaan dul dhigi dheeha dararteeda
Mugdigii ku duugoobaan rabaa maanta inaad duwataane
Dulmi ruuxna kama gelin iyo xumo dahsoone
Asay ruux dumara loo gaashaa mudo looga dejiyaaye
Dheehana dabarkii lagu xidhay duugoow oo ka idlaaye
Darib iyo hadalkaygu ka cad waqal daruureede
Doorkana ma gayo dib u laabo oo noqo’e
Si kaloo ka door roon ku dara taladaad gorfaysaan
Arartiyo damaqaa ila fuulay doog dheer.

Afartaa daleeyaye sidi Diig ma eedaamay
Duufaan gufaacada wadiyo sida mayay daroorkiisa
Gantaalaha dakaankiyo ma riday danabadii guusha
Dabeeb toosan iyo hadal diiran ma wadaajay
Ducaduna ma baalmarin aan dakhal ku muuneeyo
Duqaydiyo abwaankiyo, aamin dhe shacabkoow
Deeqloow raxmaan ha ii daggin cadowga guudkiiba
Saakaba durbaan kaan u tumay damaashaadka farxayga
Allow ficil dugsooniyo ka hoy diriro guuleed
Allow dawri maaye raxmada noo daadi
Waxa maanku diidyo ka hay darxumo baahda
Degelkana dhamaantii u fidi gacan daryeeleed
Nafahooda kuwe deebshayna  daaltir nooga yeel.

Nimcadoo dulundulcaysiyo samaan ku darmaansaday
Damaashaadka farax ilaa deriska ii gaadha
Deeqlow raxmaan degel ii gaadhna
Daafaha ku joogaba  daacuun ka dheere.

Afartaasna waa duco iyo afmeer dooda ereygayga.


Waxa tirisay Yasmin Maxamed Kaahin.
Hargeisa, Somaliland.

No comments: