Wuxuu ku yidhi; “Muddo ayeynu wada soconay ee maxaad igu baratay
saaxiib?” Wuxuu ninkii kale ugu jawaabay; “Masalooyin badan oo ay ka mid
yihiin:
1-Khalqiga dunida ku nool qofba wax buu aad u jecel yahay, markase mid
kastaba qabriga la dhigo ama galo wuu ka madhan yahay wixii uu jeclaa. Markaa
waxaan kaa bartay in aan jacaylkayga ka dhigto wixii wanaagsan, si aan ula
qabri galo.
2-Waxaan arkay dadkii oo duunyo qaadatay naftoodii, haddana jecel in
ay sharaf ku yeeshaan. Markaa waxaan eegay qawlka Eebbe oo ah; ‘Qof Eebbe ka
cabsada ayey agtiisa karaamo iyo sharaf ku leh.’ Markaa waxaan ku dhaqaaqay in
aan badsado Alle ka cabsiga, si aan Ilaahay agtiisa sharaf ugu yeesho.
3-Waxaan arkay dadkii oo is-cadowsanaya. Markaa waxaan akhriyey qawlka
Eebbe ee ah; ‘Shaydaanka ayaa idiin cadow ah ee isaga ka dhigta cadow.’ Markaa
waan joojiyey cadaawaddii aan dadka u qaadi jiray, oo shaydaanka oo qudha ayaan
cadow ka dhigtay.
4-Waxa kale oo aan arkay dadkii oo naftooda u dulleynaya doonista
risiqooda. Markaa waxaan akhriyey qawlka Eebbe ee ah; ‘Maba jiro dhulka noole
ilaa mid risiqiisa Alle qoray mooyee.’ Markaa waxaan goostay in aan isku
mashquuliyo inta Alle iiga qoray, wixii kalena isaga ayaan u daayey.
M.M. Kastam
E-mail: mmkastan@gmail.com
No comments:
Post a Comment