" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Xuska geerida haldoor wax badan wadaaga

Sunday, February 19, 2012

Xuska geerida haldoor wax badan wadaaga

Waa geeri isu-eg, waa geeri haleeshay haldoor umadeed, kala dambaysay muddo sanad buuxa ah..Ma jirto geeri lagu farxaa, hase ahaatee, way ka duwanaayeen kuwani oo naxdin gaar ah ayay u lahaayeen inta aragti gaar ah u leh fanka iyo kobcinta afka.



RUKUNKII FOOLLAADKA FANKA QARAAMKA:


Subaxnimo hore, maalinimadii Arbacada ee taariikhda Miilaadigu ahayd 16kii Feeberwer 2011ka oo waafaqsanayd 12kii Rabiicul-Awel 1432ka taariikhda Islaamka ee Hijriyada, ayuu I soo gaadhay oo la ii sheegay geerida Alla ha u naxariisto e’ Marxuum Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaanay Dararamle oo habeennimadii ku geeriyooday magaalada London ee Ingiriiska oo uu ku noolaa sannadihii u danbeeyay.

“Geerida Abwaankaa,
Axmed Cali warkiisii,
Muxuu ologga deriskiyo,
Af inta wadaagtaba,
Umal iyo xanuun iyo,
Anfariir ku beeroo,
Asqo uu ku riday badi!!

Waa ereyo maankayga ku soo dhacay subaxdaas. 


Waxa ka soo wareegay muddo sanad buuxa, maalmo ayaa dheer. Waa haldoor ka mid ahaa haldoorrada tiirarka Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan Qaraamka iyo casrigaba.....ILAAHAY HA U NAXARIISTO, IILKA NEECOW QABOWIYO, HA KU SIIYO NARUURO.. Qoraal-taariikheed dhamaystiran oo marxuumka ku saabsan ayaan wadaa, Insha Allahu dhaqso ayuu u soo bixi doonaa.


 


2- RUKUN KA BAXAY FANKA AFRIKA:


Isla shalay (18/02/2012) ayay iyana i soo gaadhay geerida Maxamed Cismaan Xasan Wardi oo loo yaqaanay MAXAMED WARDI..Wuxuu ka mid ahaa foollaadka fanka guud ahaan Afrika, gaar ahaan mandaqadda Geeska Afrika. 


Alle ha u naxariistee Maxamed Wardi oo ahaa fannaan caan ka ahaa badiba mandaqadda ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Khartuum ee caasinadda dalka Sudan.


Fannaankan oo u dhashay dalka Suudaan ayaa waxa geeridisa su rasmi ah u shaaciyay wasiirka dhaqanka ee Sudan, isaga oo xusay in Wardi u geeriyooday xanuun kooban.

Alle ha u naxariistee Maxamed Wardi wuxuu ku dhashay tuulo yar oo ku taalla waqooyiga dalka Sudan 19kii July 1932. Hooyadii, Batool Badri, waxay dhimatay isaga oo carruur ah, aabbihii Cismaan Xassan Wardi na waxa uu dhintay Maxamed oo 9 jir ah.

Maxamed Wardi waxa lagu soo koriyay bii’ad ay ku lammaannaayeen kala-duwaanaansho dhaqan, suugaan, fan iyo miyuusig intaba. Wardi wuxu u safray Shendi si uu u so dhammaysto tacliintiisa, waxaanu ku soo noqday Wadi Halfa isaga oo ah macallin wax ka dhiga dugsiyada sare.

Intii uu ku guda-jiray saaxadda fanka, Wardi waxa uu ku guuleystay abaalmarinno badan oo uu ku qaatay hibadiisa suugaaneed, isaga oo shahaado-sharafeedka ‘Doctorate’ ee suugaantana ka qaatay Jaamacadda Kharduum, taas oo abaalmarin u ahayd daahfurka joogtada ah ee uu ku sameeyay luqadda Nubi-ga.

Wardi oo 79 jir ahaa ayaa waxa uu ka mid ahaa fannaaniinta sida tooska ah ula falgalay suugaanta Soomaaliyeed, isaga oo saaxiibbo dhow la ahaa fanleydii Soomaaliyeed ee nooleyd 1970-nada horraantoodii, gaar ahaan macallmiintii suugaanta eek u jilnayd goleyaasha murtida iyo madadaalada. (©Weedhsan Corporation)

 
 Aan xuskan iyo xusuusta labadan haldoor ee mihnad-wadaagta ah saldhig uga dhigo tuducyo ka mid ahaa Maanso uu Qoraa/Abwaan Boobe Yuusuf Ducaale ugu baroor-diiqay Geeridii Allahaa u naxariistee Abwaan Xueen Aw-Jaamac Rooble (Xaaji Gujis): 



“Midhaa laxaw loo xigtiyo,
 Muxuu sida xabag-barsheed,
 Xiddaynta alxaanta iyo,
 Codkaba xarakayn ogaa,
 Miyuusigga ku xadfanaa,
 Xantiyo been muu aqoon,
 Runtaanu ka xeeban jirin,
 Xaraar nin butaystayoo,
 Xifaaliyo dood badheedh,
 Nimaan loo duur-xuleyn,
 Haasaawaha lagu xadayn,
 Kasmada xilal loo igmado,
 Xumaa ka sarriigta oo,
 Colaad ka xanaaqa oo,
 Dalkoo xasilana jeclaa,
 Nabadda u xishuu ahaa,”

Qalinka: Barkhad M. Kaariye
E-mail: kaariye104@gmail.com
www.kaariye.blogspot.com

No comments: