" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Maantana iyagii maaha!

Saturday, February 18, 2012

Maantana iyagii maaha!

Dhalaalka qof walba ka muuqda iyo quruxda lebbiska uu xidhan yahay, ayaa marag u ah in goobtu tahay goob farxadeed. Way yarayd inta aan diyaar-garow ka muuqan ee caadi u lebbisnayd, hase ahaatee, kuwaas laf ahaantoodu waxay ku lebisnaayeen farxad. Wejiyo qaarkood kala raageen oo salaan gaar ah isu hibaynaysay, ayay madashu kulmisay.


Malaha dembi iga raaci maayo haddaan idhaahdo labeentii umaddu goobta way joogtay, sababtoo ah cidda maqnayd iyaga laf ahaantoodu niyadda ayay ka joogtay malahayga, maxaa yeelay ugumay talo-gelin, oo si ay ku dhacdayba ku-talo-gal ugamay maqnayn. Hadda martida meesha joogtay ee aan ka hadlayaa waa ragga, maxaa yeelay munaasibaddu ragga ay gaar u ahayd.

Waa Hargeisa, waa madal gacal, xidid iyo tol intuba u dhammaayeen. Waxay ahayd madal lagu yagleelay reer hadda ka dib loogu yeedhi doono reer Axmed Cabdi Wacays, guddoomiyaha dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.

Geddii lagu yaqaanay madal noocan oo kale ah iyo geeddigii hadal mari jiray, ayaa goobta ka dhacday…Meel halkeer ah ayuu nin ka mid ah kuwa ugu horreeya Af-maalladu kala booday cod-baahiyaha, “Maantana iyagii maaha!”ayuu hadalkii ku ibo-furay. Waan hubaa in badi dadka goobta joogay iyo inta akhriyaysa qoraalkaniba ay hoosta iska yidhaahdeen/leeyihiin, “Kuwee baan maanta ahayn”. Kaftan iyo kelmado duur-xul ah buu sii waday, “Maalin kasta oo Meher ama munaasibad guur la iigu yeedhaba, waxaan is-idhaahdaa tolow maanta ma midkood baa guursanaya..”

Qof waliba wuxuu indhaha iyo dhegahaba u taagayaa ciddaa uu sheegay Suxufiga goobta ka hadlayay ee uu duunka ka jecel yahay mar uun in uu maqlo ama goob-joog ka ahaado iyaga oo u guuraya nolosha lammaanaha oo ka galab-carraabaya nolosha kelinimada. “Waa laba nin oo aanu saaxiibbo nahay oo aan jecelahay in ay noloshan ku soo biiraan, laakiin maxaad ka sheegaysaa maantana iyagii maahaé!” ayuu yidhi Khadar Maxamed Cakulle oo ah suxufiga goobtan ka hadlayay. Wuu magac-dhebay labada qof ee uu sheegayay, nasiib-wanaagna goobta way fadhiyeen oo marti-sharafta ayay ka mid ahaayeen..

Allow ma mooddaa in uu quluubta dad badanb oo aan ka mid ahay Khadar ogaa markaas! Waa laba nin oo asxaabta ah, waliba inta mihnad-wadaagta aanu nahay ka mid ah..Waa dad aan aniguba hubo in aan intaas iyo in ka badanba fagaare ka odhan lahaa, faqna aan horeba ugu idhi;

Go'í waaye toosoo,
Guri wacan yagleeloo,
Gacalkiin samaystoo,
Gabaniyo gabdhiyo wiil,
Guullaheen ka raadshoo,
Intay goori goor tahay,
Aan idiin gangaannee,
Gashaantimo barbaariyo,
Gabdho mukur ka dheeriyo,
Intaad guud haldhaaleey,
Geyigeen ka doontaan,
Guri maad yaagleeshaan.

Akhriste ogow, intan loo baaqayaa iyaga oo kaliya maaha, waa qof kasta oo aan diyaar u ahayn in uu dhiso nolol salka ku haysa dhab-dhaqanka guur ee Soomaalida maanta, balse waa kuwo diyaar u ah oo u tafo-xaytay inay alkumaan oo salka u dhigaan nolol qiyamkeedu waaro qarniga soo socda iyo intii Alle qaddaro.

Barkhad M. Kaariye

No comments: