" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: XOG AAN LA GARANEYN!

Monday, February 6, 2012

XOG AAN LA GARANEYN!


“Geyigaan ku noolahay gaadaha adduunyada;

in kastuu gun dheeryoo xogtiis aan la garaneyn?

hadba xubin u gaadhaba Aadmigaa ku geeddiya.”

—Xasan Sheekh Muumin Gorod (1931–2008)



I.

GOOR BAABUURKU uu dhaqaaqi lahaa, kuleylka jiray awgii, daaqaddii aan xigay muraayaddeedii hoos-u-dejdidii aan is lahaa, ayuu wiil yaraa halhaleel iiga soo dhiibay xaashi isku duubanayd. Aniga oo foolkiisa ku maqanaa ayaan waraaqdii ka mahiibay; saa isagu na dib ayuu haddiiba u qooransaday abbaar ay taaganayd islaan xijaabanayd. Jalleecada wiilka waxa ay ka dhiganayd baaq uu iigu tilmaami lahaa; cidda xaggeedii uu iiga keenay farriinta. In kasta oo aan naagtii si daymo lahayd u eegay; si dhib leh ayaan misana u arki karayay indhaheedii halaalaceynayay. Biligtaa qudha… iyo tagsigii oo shaagaggii rogay.


Waraaqdii ayaan degdeg u kala furfuray. Dhowr sadar oo si boobsiis ahayd loo soo qarqaroofay, iyo tiro telefoon bes ayaa ku qoranaa. Islaanta shukeysanayd, ayaan is iri, maleha waa Geeridii oo ku madleysa (ballamineysa). Meesha waa Muqdisho. Cabsi ayaa i gashay. Allaylee, cabbaar yar kaddib ayaan se garwaaqsaday in Xamar ay badi ka talinayeen wadaaddo, asii sii talaxgabi lahaa; duulal qammaamudanaa, kuwaas oo wada foolal hagooganaa. Qowleysato aan Maxamediyada rumeysaneyn, balse rabitinkooda uun rumeysan, yaa garan karay Al Shabaab waxa iyo diinta ay dheeraayeen Soomaalida inteedii kale: Ma Muslimnimo mise murtadnimo? Ma dhaladnimo mise shisheeyenimo? Ma gacaltooyo mise nacabtooyo? Ma ragannimo mise ragrifnimo…? Ogow se, bidhaanta keliya ee sida ugu qaawanaanshoha badanayd isugu kay muujinaysay; waxa ay ahayd Luulkii Bariga Afrika, magaalamadaxdii Soomaaliya, tiiyoo gebi ahaan ba ka arradanayd dharkii ay ku asturnaan jirtay—iyo dhambaalkan asturan.

Xaashidii ayaan eegmo kula dhaygagay. Sadarkii hore ayaa ba weydiimo silloon igu kediyay,

“May aqoonsan kari lahayd? Xataa haddii aan xijaabnaan lahayn?”

Tallan ayaa igu abuurmay. Dhigmada, habka farta ay u qoranayd, ayaan se ugu maleeyay in ay soo qortay marwo aan horey u soo oqoon jiray waa fog kahorow. Labaatan sano ayaa laga joogaa kolkii iigu arag dambeysay. Islahadal. Haayoo waad taqaan; iyo mayee ma taqaannid. Mayee… may… maya fartan ma aheyn wax igu cusubaa. Qofkee se ku iqiin? Goorma ayaan se ku iqiinnay? Meelma ayaan se kula iqiin? Iima kala caddeyn. Illayse waa aan hubay, oo hubay in ayan fartaan igu cusbeyn.

Dabadeed laga billaabo dhanka bidix lagu na geeyo dhanka midig, sadarkii xigay, sadarkii labaad, tibix ba tibixa kale ee ku sii xiriirsanaa, ereyba ereyga kale ee ku sii daba yiil, ayaan isha dadab aal yar u la sii yare raacraacay; saa ka ba sii daran. Iyaa! Waa ba halxiraale horleh:

“Waa H. O. aka M. L.”

Illayn mashaqo waa tan oo kale. Yaabka aan arkay. Dad waa kii mar uun dhakafaara; ma aniga ayaa se weligay ba is lahaa sidaas oo kale in aan maalin uun u dhakafaari lahaa. “Ha dhibic, A dhibic; Ma dhibic, La dhibic,” ayaan in door ahayd ku sii werwerdiyay. Wax aan ku celceliyo ba, kol ayaan ba hasinka u gaaray, aniga oo qaawanaa in aan tagsigii dibadda uga boodo. Waa anigii se cod buuxay, af labadii, la yeeray, “Eureka! Waan helay!” Aniga keliya ayaa se is maqli karay; maxaa yeelay, codku waa mid aniga uun iga dhex yeeray. Filanwaa awgii, ayaan isu dareemay sitaahoo labadaydii caymood laga furfuray caadad ku xiranaa. Laabtayda ayaan isla jeer ahaantii ba uga dhex jeeday: dhammaadkii toddobaatameeyadii, hablaha Soomaaliyeed, foodleydii ugu qurux iyo soohorjoogsi wacanaan jirtay; kaartoliino caan ahaa, Kaarkii Boostada ee sawirkeedu uu ku oollaan jiray; ma waan durba saa la i hor keenin: Timaheedii oo u tidcan habkii Abooto Soomaali hore; inan sheegatay ugubnimo iyo haashaar, gabadhaan jeclaa oo ii dhoolbireysa, tiiyoo xidhan subeeciyad faraqyo iyo xiddooyin ba leh, oo weliba na “dhexda taako gaw tahay,” oo ay na ugu dhuuqsan yihiin “tel iyo xiisaan”. Naasaheedu na ay doobiga wada yihiin. Jecliyaa! boholyowgu horba sida uu iiga dhex hanqaray, oo misana mar kaleeto il gudeedda maankaygii, dib loogu cawiray — hillaac 'yada ka soo baxay.

Waryaa, “H. O.”, mindhaa waa soogaabsi ka taagan “Hakimo Omara” — far Soomaali ahaan na u dhigmi “Xakiimo Oomaara”. Sannado badan, malaha, waa yartii aan iyada awgeed u boholyoobi jiray? Jacaylkaygii hungoobay. Billaa aan dib ula kulmi…? Quruxleydii ku magacdheeraan jirtay “Mona Lisa”? Tolow ma gabadhii ba? Mise waa dhagar baas iyo “xog aan la garaneyn”?

Maxaan se hablaha maansooyin qurxoon looga dhigin? Ama se ba hummaag aan jeer na isdhalarogeynin? Qurux, “sabaan laarriyaa[1]” aan uu heli kareynin? Ahaan lahaydaa Mona Lisa: hummaag siyaabo aan kalajoogsi lahayn had iyo jeer ba loogu ag bururi kari lahaa; gedda Suufigu ba uu ugu muraaqoodo Digrigiisa? Hayeeshee, iska ahaan: “cosob aan cidi daaqin,” aagaan gocoy, gabadh aan dhaddigoodkeeda marna ba la darin “warmihii tumaatida adkaa[2]” — bikro aan abidkeed ba la bikrojebin kareynin? Bilcan hiyiga iyo laabta uun iiga nikaaxsanaan teeryo Gabbaldhaca iyo Hiimmamow[3] Waaritaanka. Teeryo Baabba' Uunka. Ilaayo Gabaabsiga Ilbiriqsiga Ilbiriqsiyo oo idil ugu wada garaacis dambeeya. Milayla'aan. Balse ii aniga ahaan, marwolahaan; ama caashaqii Maxamed Cali Kaariye: “Jacayl aan dhammaanoo dhexda iigu maran” uun. Bes!

Durba madaxaygii sow kama ma ayan dhex “talalaxleyn” cuudkii Xudeydi, “tininigtii” durbaankii Cali Dheere, sacab, or, jiib iyo jaan… iyo qaraamigii, taas oo aanan anigu weli helin xogteedii ba, iyo labaddaraadle codkii madhaafanka ahaa; may codkii toolmoonaa ee Maxamed Mooge Liibaan. Heestu ba hees oo qudha iigu ma ayan sinneyn; illayse waxa ay iiga soo dhignaan jirtay; bal aan u soo ergisado tibaaxdii Yuusuf Maradoon, taas oo iya na sida iila wada roon wax u qeexi kari lahayd, “Anoo nacasa neeftaan ku nuuxnuuxsanaayay[4]”. Aheey ah! Mooyi se—. Mooyi se in quruxda hablaha ay u raagi kareyso sida “Gaaraabidhaan”: hees waayo' hore soo qurxoonaan jirtay, isla sideedii na imminka weli u qurxoon, weligeed na ba u sii qurux badnaan doonta geddii : shalay, maanta, iyo berri.

“Show Mona Liza isla sideedii hore billaa iya na weli u ilqabato wacanayd,” ayaan is weydiiyay. “Mise waa ba ay ka tayo hooseysaa heestii Xasan Sheekh Muumin ee,

GAARAABIDHAAN? ”



Geyigaan ku noolahay gaadaha adduunyada;

in kastuu gun dheeryoo xogtiis aan la garaneyn,

hadba xubin u gaadhaba Aadmigaa ku geeddiya:

Maskaxduu gargaarsaday kartideeda gaatiray,

sedkiisii galgaaliyo kii gacantogleeyee,

gaaxdeeda maalaa guul u qeybsan waayee.



Gaban soo koraayaa maangaabis weeyaan;

Intuu geed ka booduu gembiyaa dantiisa.

Guyaalkii i soo maray, galladdaan burburin jiray,

maantaan garwaaqsaday:

godobtii aan fali jiray, hadduu Guulle igu noqay,

rag waa gelin dambeetee waa inaan garqaataa.



Kuwa marada gaabsadee dhaqankoodii gaasiray,

gabadhiyo garoobkii kala garan ba waayee;

waxa ila gudboon oon raacdadeed gelaayaa:

inan guudka dabatay, garka xidhan taqaanna,

sidii baarqab golongolay, dhexdu taako gaw tahay,

aan gacal wadaagnoo gacantaydu laylido.



II.



ANIGA iyo curaddii reerkeenna, ayaa aroortii xigtay wada quraacanaynay. Shimbiro kala kaan ahaa: baalfallaar, cali-food, culiculi, humburuq, qoolley, ilcad, tumaal-geeddow, tuke, dafo, guumeys, aboodi, guduri, galow iyo fiin, cantalyaa, geeltoosiye, guuguule…iyo qaar kale; haadku siyaalo kala teelteel ahaa, ayuu ugu kala ciyaarayay cirarkii Wardhiigley; muuqoodu na waxa uu hadba inooga soo dusayay shubaakadda ugu ballaaranayd shubaakadaha qolkii fadhiga. Badweynta Hindiga ayaa iya na neecaw qaboobeyd ku soo dul afuufeysay degmadii Xamar-Jadiid, oo iyada na ku waaberiisatay maalin jiilaaleed yare diirranayd, taas oo qofkii sanado badan Yurub ku soo baadsanaan jiray ay ku sabaaleyn in uu ciyoon dibadda uga baxo aqalka huursanaanta badanaa. Xaggee se naftaydii u hilowsanayd loo dalxiis geyn karayay: Xeebtii Liido? Tii Jaziira? Rugo aniga iyo walaal ama aniga iyo wedey aan u wada dabaal tegi jirnay. Sow ila ma noqon wax laga dhiidhiyo! baqdinta laga baqa hayay Shabaab meel baas laga-soo-ganay, kuwaas oo iyaga daraaddood ba looga maagganaa deexdii Muqdisho. Ciilow way! Muuqaal lahaan jiray soojidasho wacanayd oo ay ka wada sinnaayeen awgii; dhulkii weeyaan Axmed Saleebaan Bidde ku tilmaami jiray, “guudleyda oo badan[...]”, si gaar ahaaneed, malehayga, “Hablaha Geeska Afrika[5],” gabadh uu iskii iyo iddii ba uga calman jiray; an se ila ahayd hees Mona Lisa, gacaladaydii—“taan lahaan jirey markaan tumasho soo qaado[6]”—iyada awgeed ba in loo curiyay:



Dhayal looma heesee dharaartii aan ku caashaqay,

Ee aad dhibtaadiyo igu dhalisay hawlahan:

Dhulkanoo gu'guu da'ay dhinacyadan Maqadisho,

Dhanka midig baddii tahay bidixdu na dhir iyo doog,

Ciidddaan dhabaq guduudka ah,

Ee dhiin lo'deenniyo geeluba ku dhadhabo,

Iyo ubaxa dhaadheer—

Miyaad kala dhextaagneyd?



Marwo jirsatay sano kontomaad, abbaayday Qadiijo, saabka feeraheedii neef uu la buufsamo inta ay gude u jiidday, ayay misana sida dheri shuuqa hayay durba iila hadashay, “Waa la duqoobay. Arooryada, tan oo kale ah, firfircoonaan iyo tamaro ayaan la soo toosi jiray. Haddeer se tawaawac uun weeyaan; waxii aan dareemaa ba. Waheey, naallada adduunyadu ba, waa xiiso dhaqse u dhici og sidii duqsiga May”.

In kasta oo ay walaashay iga dherer iyo dhuubni ba badanayd; anigu na iyada ayaan dhowr sano ka sii da' yaraa.

“Duq Islow[7] oo kale,” calaacalkeedii dheeraa, ayay halkiisii ka sii miistay. “Nin[...] maalmo badan soo jiree madaxu booseystay[8], guyaalkii i soo maray, ma aniga oo aan ogaalkeedii na soo ba lahaan jirin, miyaan misana ku soo baxay guumeys waa hore, horeyba u soo gabowday? I maqal. Walaalkay Dalmarow—? Xog aan la garaneyn ayaan shaaca kaaga qaada hayaa. Ma og tahay—? Haddii aan ahaan lahaa dilaa doona haya in hablaha hubla'aan iyo sunl'aan uu wada gumaado; xabsi ayaan boojimo[9] uga wada dhigi lahaa, halkaas oo ayan isku eegi kari lahayn tafaaful la yiraahdo biladdaye. Muddo aan ka yareyn ilaayo toban sano oo kale, kol muraayad oo idil laga wada xayiray; haddii dabadeed naag ba markeeda loo oggolaado in ay muraayad isku eegto, qarracan iyo murugo awgood, ayay middood ba midda kale uga daba dhiman lahayd. Waayo sidii Shabaabku badi ba u qabsaday xaafadihii Xamar, waxa aan xataa nacay in aan foolkayga jeerna muraayad ku eego. Shalay ayay noloshaydu iigu qarracan badanayd. Walaakayow adiga imaanshahaaga dartii ayaa igu dirqiyay in aan cusburto. Saa maxaa dhacay? Murayadda gudeheedii duqdoo iga soo dhex illaaceysay; ma waananay iga nixin? Ma waanan aniga naftirkayga iska nixin. Murayaaddaay meel daran ka bax! Shabaabow adna lagu waa'. Waqtiyow na, Eebbe kuu qod xawaal dheer. Yaa hablo foolxumadooda u kaayay oo aan idinka ka ahayn. Dhowr bilood gudahood, sow taa quruxdaydii ku qayirantay. Illaacdadaydii meeday? Meeday awooddaydii? Hoogay oo ba'ay! qabkaygii waa kaa shiiqay. Ninkee habartayda, tan wax ku fala haya…”



Ma og tahay se—? Ma og tahay, si ka duwan dhillaysiga Al Shabaab in rumeystaan weligay ba hablo kala ilwaad geddisanaa, ayaan jacayl la soo dhisi jiray; illayse iyaga oo idil, wadarta jacaylkoodii, u ma dhigmi karin jacaylkii aan la sammeyn jiray gaaridii haweenka; Qururx lagu naaneesi jiray La Gioconda; mayee, cakuyeey aniga iyo hafyo! Mayee waxa lagu naaneesi jiray Mona Lisa. Xogta aan ka bartay walaashay Qadiijo haddii ay dhab tahay; sida nooleha ba geeridiisa kadambow; xataa quruxda haweenku na geerideeda kaddib: arki mayso dibusoonoolaansho dambe. Tagtadii, lagama yaabo in ay isu soo rogaaceliso, joogto ama timaaddo ba. Laba waabberi kaddib, ayaa illayn aniga na, weliba si aad iila silloonayd, daaha la iiga furi lahaa—“xogtiis aan la garaneyn”.


III.


MIISKII cuntada kol ay ka ag kici lahayd, ayaan jeebka surwaalkaygii uga soo saaray dhambaalkii shalayto uu kuraygu iiga keenay abbaartii ay rorogtay naagtii xijaabnayd. Shibtayda ayaan na ka galay; waayo waxa aan rabay in aan iyada ka xogsado, halxiraaleyaalka xaashida ku qoranaa, billaa ay wax uun iiga furfurto uun. Saboolnimo waa indhala'aan. Qoraalkii oo xaggeygii u soo gemboonaa, ayay caddaysinka[10] xaashidii si biciriirsi[11]lahayd u eegeegtay. Hadday malluugga hal erey na arki kari weyday, ayay dabadeed iyadii oo aan rugteedii ka istaagin, kursi wareeggii ay ku fadhisay inta ay dib isugu kala fireysay; rako meel duleedkeeda ahayd qotontay; ha ka soo laacdo indhagashigeedii. Anigu na geddii Shabaab loo raawin lahaa: xadiith laciif ah ama Aayado meelo aan ku habbooneyn loogu soo daliilin, ma waanan qiiro Mujaahidnimo iyo labaddaraadle dhegannugeyl ba iska wada raadin. Saddex jeer ayaan ololay[12]! Ay ookiyaalehii (muraayadihii) sii gashanaysay maahee, xaashida boggii dhigaalku uga taashiilanaa inta ay u rogatay,

“Iyaah! Fartaan fartii Mona Lisa ahaa!” ayay tiri, “lambarkaan ba, kuu aqaannaa. Waa tefoon lambarka gurigeeda. Boowe, war lagu sii. Anaa iyada u sheegay in aad iman lahayd. Dorraad.”

Illayn sheeko kaltanka ayay ku wanagsan tahay e, dabadeed anigu na walaashay sow uga ma sheekeyn sida warqaaddu ay iigu timi.

Mar kale ayay la soo boodday, “Mona Lisa waa—quruxdaas. Qurux! Qurux! Qurux! Iyada oo dhan se waxa aan ka gaabsaday kolkii ay aroostay nin aan iyada u qalmin, oo weliba iyada ku noqday xilagube inkaaranaa. Gabadh—gabadh la dhaho Meyla, ayay isu dhaleen.”

“Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye[13],” ma waanan anigu na halkii Raage dib u soo gocon. Sow durba ma sii weydiin, “Ma is qabaan weli mise—?”

Hadalkii ayay igu kala goysay.

“Lammaan wada nool ba wed kala qaad,” ayay tiri. “Gantaal ka mid ahaa riddooyinka AMISOM, ayaa noloshii ifka u qoonsaday. Biciid, Alla Kuuma Samadarraadee, sanad ama meelahaas oo kale, 'yuu mootan yahay.”

“Hawraarsan. Carmal[14]—. Qurux gambo leh,” inta aan anigu na uurka uga yare taamay, ayaan Qadiijo weydiiyay ruunka Mona Lisa ay Xamarcadde ka degganayd.

“Booli Qaran. Isla gurugii aad ku ogeyd.”

Xaashidii ayaan gacanteedii ka dafay. “Magaaladaan u dhaadhaci lahaa e, baayooy ina keen soo wada dalxiisno e?” ayaan ka codsaday.

“Bal aniga iyo dalxiis, daya! Qof xijaab ku dhex qufulan, iyo qof sheeladii shookiga ku dhex qabbiran; waxba is ma dooriyaan. Waa labo boojimo[15]oo isla hal cimilgal ku wada dhex sheelan. Adigoon naas hooyo wada nuugay, intii hadba la iga kaa wareysan lahaa, taan kuu ahaa walaashaa rumaad iyo sharmuuto aad u galmoon lahayd na, allaylee foolxumadaas—dalxiis aan ka la'aado.”

Caro awgeed, warkii ayay ku yare mergatay. Dabadeed intay istaagtay, meel laabato ahayd; maryo kebiskii guriga is dul tuunsanaa, tiiyoo la mooddo se in najaas harmin oogadeeda ay ka dhawrsan lahayd, ayay murugsato[16]iyo suul ku soo wada qaadday.

Aniga oo la yabbanaa dhaqankeeda baal aan weydiiyo, “Abbaay maxay yihiin—?”

Sitaahoo ay col la ahayd shukooyinkii Carabta, ayay dhulka u sii wada daysay. “Bannaankii na xijaab,” haddana sidii Muxuddiin Darbo[17] inta ay kolkba dhan u laadday, “mayee qolofahan usukugga ku gaashaaman, intii aan ku dhex suyuci lahaa, dhex joogga gurigan huwaarsan, ayaa ii dhaama. Dalmarow, i maqal! Gallad Ilaahay weeyaan Shabaabtu, dhillayo is soo urursaday, haddayan guriga iigu soo dhicin, oo ayan na meherl'aan, diin sirgaxan igu naageysan—iyo dhillannimo ka haransan xijaabkan weliba igala sii urka ba badan, tuuteha gumeyste ee ciidanka AMISOM. Weligay ba miyaan mayray se! Genbisadaas[18] ayaan dabqaad qiiqa haya u hoos geliyaa, xijaabka kusheegga na aan dusha uga xooraa. Qasli-ka-mayrasho ka wanaagsan, miyaa jiri karta?”

“Ukhtii Fillaah, walaashay Jiijo, wax ka sheegis dambe Al Shabaab sii iga ma baah na. Runta aad ka asiibtay waa run adiga xaggaaga uun ka ahaatay; waxii aad geftay na, waa nifaaq Al Shabaab xaggooda uun ka ahaaday.”

Daliig xeebeedda Liido ayaan kula kulmay, hal sano kahor intii Soomaaliya aan ay weli colaadda sokeeye ka qarxin. Beri iiga muuqaallo qurxoonaa, beri iiga madaddaalo wacnaa, iyo beri iiga qooq badanaa; weligay ba dib dambe iima soo marin. Hummaaggii furdadii, oo qoor geel oo kaleeto iigu soo bidhaama hayay, si qoolaaban na ugu sii jeeday xaggii hirarkii kacsanaa, iyo baaxasooraha Badweyntii Hindiga. Agagaarka Baar Liido, xeeb ay maayaduhu hadba ku soo maaxdumayeen, ayay hablo wada qaarar qaawanaa is ag xoorxoornaayeen. Heerin[19] wada xiranaa hoosgashiyo ku ciriirsanaa bes; balse la moodayay in ningax[20] oo kale loogu kala dhex cubay doollahoodii; kolka ay fool ka fool kaaga soo hor jeedeen se, labada daan ee cambargeelle iyo shaashkiisii; mayee timaha gumaarkoodii na, ay nigiskii dibadda uga soo kala foocsanaayeen. Alla! maxaan se arkayay naaso iskaga qaawanaa, Naaso Hablood oo kale; iyo naaso lagu celiyay keeshaliyo lahaa midabbo u kala duwanaa geddii jeegaan: Ragga nugulka u ahaa hawlaha jacaylka, siiba aniga oo kale; doobkii wali, waa wax uu ku indhawirqi lahaa. Iska fariiso ahaydaa! oo milicso uun bilistaa, Mona Liza, oo ku hor galacleynaysay.



Cagdhigyo



1 ′Nin laboonti sheegtaba sabaan laarriyaa heliye′ —Salaan Carrabeey: Luukaansi

2 Eeg Cabdisalaan Xaaji Aadan: Togga Harar

[b]3
 hiimmamow ~ga: bilowga habeennimada iyo dhammaadka maalinnimoda, halka ay iska galaan, gooraha uu iftiinku sii nuxuusa hayo: gooro ay adag tahay in qummaati wax loo kala garto; «himhimmow» na waa la yiraahdaa.

4 Hees: Nuuraay Waxaad Tahay, 1969

5 Hees uu curiyay Hadraawi ayaa la yidhaahdaa: “Hablaha Geeska Afrika”.

6 Eeg cagdhigga ii

7 Duq Islow: oday galbihii ag qoomaari jiray Bar Caffee Nazionale, kaas oo isla marka bidhaanta qof dumar ahayd uu u sii jeedo ba, durba jeebka jubaddiisii biladdaye kala soo bixi jiray; oo horeyba na ka billaabi jiray in shaarubbadiisii uu kor u malmaleego; wejigiisa na faroha gacantiisa midigeed ku buraasho (ama baalasho). Horey ma u soo maqashay Oday Faarax Gololeey in uu yiri, “Waalli Abgaaleey ku fiican tahay?”. Waayo Duq Islow, walow uu manyiiko qabay, haddana waallidiisa ba waxa ku saleysnayd qaabsugantan (qaaciddadan ama foormulahan): “haweenka ha la haasaawin, ha na dagaalin waa gob e”. Cidda hawraartan loogu duurxulalayay waa Duq Islow, nin dhuux ka Abgaal dhashay. Ujeeddadii Faarax Gololleey waa: in Reerka Abgaal Ismaan la yiraahdo, ay waallidu ku roon tahay.

8 Eeg maansada Qaasim: Macaan iyo Qadhaadh.

9 boojimo ~da, boojin ~ta: boojimada: waa qofka la boojiyay ama ah lahayste; boojinta: qof dirqi lagu qafaalo, sida gabadh guur laga doon hayo; qof loo boojiyo si uu xoolo iskugu furto ama ay tolkiisu ay ku soo furtaan; maxbuus, qafaal; afduub

10 caddaysi|mo ~nka ama caddaysin ~ka: waa erey aan ka soo dheegay dhaqanka Soomaalida, siiba midka reerguuraaga. Afka reer guuraaga: caddaysimo: waa awr/rati aan sidin wax rar ah; ~: si kale, waa fallaar (gamuun) aan mariid (ama waabaay) ayan ku dhoobaneyn (ama marsaneyn). Sidaas awgeed, warqaaq ama bog waaraqadeed, marka ayan waxba ku qorneyn waa caddaysin ama caddaysimo.

11 biciriirsi ~ga: kolka indha araggoodu yar yahay, iyada oo aan indhaha dhab loo kala fureyn, wax ku eegid

12 Olol: Waxa aan idhi, “Marxab! Marxab! Yaa Ukhttii Qadiijo! Samcan! Wa dhaacatan! Yaa Ukhtii Qadiijo!”

13 Google ka raadso maansda “ Allayl Dumay”

14 carmal ~ka, carmali ~ga: bilcan ama ninkieedi uu furay ama ka geeryooday; garoob.

15 boojimo ~da, boojin ~ta: boojimada: waa qofka la boojiyay ama ah lahayste; boojinta: qof dirqi lagu qafaalo, sida gabadh guur laga doon hayo; qof loo boojiyo si uu xoolo iskugu furto ama ay tolkiisu ay ku soo furtaan; maxbuus, qafaal; afduub

16 murugsato ~da: far, faraha gacanta, farta suulka ku xigta, farta wax lagu tilmaamo ama fiiqo.

17 Muxuddiin Xasan Cali Gaabow (Muxuddiin Darbo): Sixirrowgii tiiro dhirirka. Muxuddiin waxa uu ahaa ciyaaryahan u ciyaari jiray kooxdii Jeenyo (ama LL.PP); wiil waxa uu ahaa Alle ku hibeeyay tiiro (darbad) sida ay u tigsan soohdimaha gegada ugu fogfog, misana xooggeedu na aan uu is dhima hayn. Magaalada Dhiinsoor, beri beryaha ka mid ahaa, nin daawade ahaa, ayuu bahal darbad ahayd gacan uga jebiyay!

18 genbise ~da: bahal sidii saabka aashuunka biyha lagu soo dhaansdo oo kale u sammeysan, kaas oo gebmis ahaan loogu dul afgembiyo: idan foox lagu shiday, dabadeed na dharkii la carfin lahaa, genbisada lagu sii dul daboolo.

19 heerin ~ka: hablo carrada meel kasta ba u aadaya si ay u helaan rag guursada; gabdho ah guurdoon.

20 ningax ~a, lingax ~a: haan ama dhiil iyo haruubkeed oo la isku aabburi lahaa, maryaxda (ama wax kale) labadooda qar lagu duubo, si ay si cufan isugu nabmaan, biyaha ama caanha uga soo tifiqleyn ama daadan.

.

.WAA SOCOTAA…




Sheeko Gaaban: "Xog Aan La Garaneyn"

Wq A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com

No comments: