" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Hooyo fahmi maysid!

Thursday, February 9, 2012

Hooyo fahmi maysid!


Yaasiin wuxuu ahaa inan yar oo 13 jir ah, wuxuu aad u jeclaa in uu ciyaaro kubada cagta iyo in uu daawado ciyaaraha feedhka. Maalin maalmaha ka mida, isagoo ku hor ciyaaraya gurigooda hortiisa, ayuu sheeda ka arkay aabbihii Nuur iyo hooyadi Qamar oo gurigooda hor taagan, wuxuu arkay hooyadi oo wajigeeda ka muuqato murugo, wuxuu u soo dhaqaaqay xagi ay joogeen waalidkii, balse intaanu sooba gaadhin ayeey hooyadi dhaqaaqday oo ay gashay gurigii. Wuxuu u yimid aabbihii, wuxuuna ku yidhi:


- Aabbo maxaa ku dhacay hooyo?

Wuxuu ugu jawaabay:

- Aabbo had’da ayeey ila joogtay. Waxba ma helin.

Yaasiin kuma qancin jawaabtaa aabbihii siiyay, wuxuuna u tagay hooyadii, dabadeed, wuxuu weeydiiyey, waxa ay ka murugootay ee wajigeeda badalay? Waxay ugu jawaabtay:

- Waxba iguma dhicin inaankaygiiyoow.

Mar labaad ayuu ku celiyay su’aashii, waxayna ugu jawaabtay: - Immika garan meeysid. Sidaa kagama hadhine, mar saddexaad ayuu ku celiyay, waxayna ugu jawaabtay:

- Hooyo had’da waad yar tahay oo garan maaysid, (balse nin raggii wuu gartaa!.) Isagoo wali ku qanacsaneeyn, jawaabahaas kala duwan ee hooyadii siisay, ayuu gurigii ka baxay.

Muddo markay ka soo wareegtay, ayuu arkay hooyadii oo indhaheeda ilmo ku taalo. Intuu si naxdin leh xaggeedii ugu soo orday, ayuu gacantiisi kaga masaxay ilmadii, markuu ka masaxaba ilmo kale ayaa shagagax ka soo tidha. Intaasna wuxuu lahaa “hooyo maxaa kugu dhacay?” Qamar waxaay ugu jawaabtay inankeedii Yaasiin:

- Hooyo wax wayn iguma dhicin, balse wax baan dhibsaday, wax waayna ma ahaa. Sidii ayaay ugu sheegi wayday.

Yaasiin wuxuu u baxay dibada, wuxuuna fadhiistay kaabada gurigooda, su’aalo badan ayuu is waydiyay, wuxuuna mooday in ay ka ooyayso hooyadii ,dhibka ciyaalkooda ka waawayn isku hayaan, marna isaga ayaa is mooday, in uu ku dhib batay hooyadii. Si aad ah ayuu u dhibsaday oohiinta hooyadii. Gurigana cid kale, lamaay joogin oo wax uu sameeyo, ayuu garan waayay. Wuxuu ku soo noqday hooyadii, wuxuuna u keenay koob biyo ah, iyadoo cabaysa, ayuu hadana ku yidhi, hooyo maad mar uun ii sheegtid, waxa kugu dhacay? Waxaay mar kale ugu jawaabtay:

- Hooyo hadda waad yar tahay, maalin kale ayaad garan doontaa, (lakiinse nin rag ahise ma falo tan oo kale, haddu falana wuu ka qooma meeya, doqonna kama dhiidhiyo, mana dareemo).

Isagoo la yaaban jawaabta hooyadii, wuxuu ku yidhi:

- Hooyo doqonna ma ahi, walina ma noqon nin rag ah, balse markaan ogaado cidda ku dhibtay, waxaa igu ballana, in aan aniguna gaadhsiin doono in ka badan, inta ku gaadhay.

Wuxuu u tagay aabbihii , wuxuuna ku yidhi:

- Aabbo maxaa ka oohiyay hooyo?

Aabbahii wuxuu ugu jawaabay:

- Aabbo waan hurday oo maba ogaayn, in ay ooyaysay, lakiin waa dumaro, way iska qalbi jiliicsan yihiin.

Yaasiin baa hadalkii sii wato, wuxuu yidhi:

- Aabbo haddii ay dumarku qalbi jiliicsan yihiin, waxaay ka dhigan tahay, in ay innaga naxariis badan yihiin?

Aabbahii, wuxuu ugu jawaabay:

- Haa, balse wax aan waxba ahaayn, ayaay ka ooyaan!.

Yaasiin aabbihii, wuxuu kaloo u sheegay, in aanu shaqo tagi doonin oo u ka daalay shaqada, markaas ay tukaan yar ka ag furan doonan guriga agtiisa oo ay hooyadii iibin doonto, si biilka reerku uga soo baxo. Yaasiin wuu la yabay aabbihii balse wuu iska aamusay, wuxuuna halkaas ka gartay, wixii ka oohinayay hooyadii, in ay tahay, masuuliyadda uu aabbihii, dusha ka saaray hooyadii.Wuxuu xasuustay marar ay isku xanaaqeen walaalkii Xuseen iyo walaashii Raxma oo ka waynaa isaga, in ay Raxmi marmar ay ooyi jirtay, wuxuuna u haaystay, in dadka yaryari ay ooyaan, balse ayna ooyin dadka waawayni, jeer ooy geeri dhacdo mooye. Wuxuu u qaadan waayay, in ay hooyadii ooyday. Markii kowaad ee uu arkay hooyadii oo ooyaysa, waa mar uu dhintay awoowgii hooyo, hadase wuu garan waayay sababta ay u ooyday hooyadii. Wuxuu arkay dhawr jeer oo hooyadii iyo aabbihii ay wada hadlayeen oo hooyadii wajigeedu is badalay, wuxuuna is yidhi, aabbo iyo hooyo ayaa malaha is laayay, balse markuu eegay wajigii aabbihii, wax xanaaq ah, kamaay muuqan, wuxuuna garan waayay dhinac uu u qaado xaaladooda.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa soo booqatay gurigooda ayeeydii hooyo, oo magaceeda la yidhaahdo Cibaado, waxaayna u keentay nac-nac iyo hariisad, Yaasiinse muu jeclayn hariisadda oo waxaay u keentay isaga xalwad. Markay tagaysay ayaay ku tidhi:

- Ayeeyo Yaaasiinoow, ila soo joog, intu iskuulku fasaxa yahay.

Inta badan wuxuu jeclaa, in uu u tago ayeeydi oo aad bay ugu sheekaayn jirtay. Wuuna ku farxay in uu la soo joogayo ayeeydii, siiba wuxuu aad u jecla in uu la iibiyo tukaan yar, oo u ay ayeeydii lahaayd, kaas oo ku dhex yaalay guriga ayeeydii. Hooyadii ayaa iskugu soo hagaajisay, dharkiisii iyo kubadiisu aadka u jeclaa. Sidii ayuu ku raacay ayeeydii Cibaado.

Muddo markii uu la joogay, ayuu maqlay ayeeydii oo inankeedii Saalax,ku leh, waa dumare, kula hadal, hadal dabacsan, wuu garan waayay qofka dumarka ah ee ay ayeeydii sheegayso, balse wuxuu is yidhi malaha waa abtigaa xaaskiisa qofka ay ayeeyo sheegayso. Wuxuu gartay in khilaaf soo kala dhex galo qooys walba. Wuxuuse garan la’aa, waxa ayna isku fahmaayn, maadaama ay yihiin dad waawayn oo masuula. Markuu tagay abtigii, ayuu ayeeydii ku yidhi:

- Ayeeyo waayo ay, dumarku u ooyaan, mar walba.

Waxayna ugu jawaabtay:

- Ayeeyo sida raggu uga xoog badan yahay dumarka, ayay dumarkuna uga naxariis badan yihiin ragga. Markaad ku aragto indhahooda ilmo, kama dhigna way iska ilmaaynayaan, balse waxbaa ka ilmaaysiiyay, taas oo badanaa ay u sabaab tahay, in ay fahmi waayaan ragga ku xeeran ee ay ka soo jeedaan ama nimankoodaba iyo mar ay sabaabo kale ka ooyaanba. Marar badanna way is ciil kaambiyaan, cadho badan markaay qarsadaanna, waxaa ku badata oohinta. Ilmo walba oo indhahooda ka tibiq tidha, waxaay u dhiganta boqol eray oo ay afkooda ka odhan lahaayeen, ayaay ilmadaasi macnaaynaysa, Balse ninkii garasho lihi, wuxuu isku dayaa in uu ogaado sabaabta ay u ilmaaynayaan. Waxaa jira dumar iyagu abuura dhibaatooyinka oo bulshada ama qooyskeedaba, u soo jiidda magac xumo ama aan noqon oori wanaagsan, oo xilkeeda ka soo baxda.

Yaasiin hadana su’aal kale ayuu ku celiyay ayeeydi, wuxuuna yidhi:

- Ayeeyo inta ay ooyayaan maxay u hadli wayeen, oo ay u sheegi waayeen waxa ka oohinaaya?

Ayeeydiina waxaay ugu jawaabtay:

- Ayeeyo dadku isku mid ma aha, qaarba ka hadla dhibkooda qaarna kama hadlaan, mar bay oohintu noqotaa, wax uu qofku ku cadho burburo, marbay oohintu tahay farxad. Oohintu gaar uma aha dumarka oo qudha, ragguba way ooyan balse waxaay kaga duwan yihiin dumarka, way u adkaaystaan dhibka. Markay wax xalin kari waayaanna aad bay u amusaan, oo ma jecla in la xasuusiyo dhibkii. Waxaayna isku iloowsiiyaan inta badan, sigaar, jaad iyo balwadaha kale ee ka daran, kuwaas ayaay isku dhaafiyaan, wixii damqaayo dhanba. Ninka ragga ahi, hadduu waligii ooyi waayo, oo markuu maqlo Quraanka ama uu akhristo uu ooyo, waa Alla ka cabsi badan iyo qalbi nasteexo badani ku duugan tahay. Way ooyaan indhahoodana ilmo ayaa ku soo istaagta balse inta badan ma muujiyaan oohintooda. Maadama ay yihiin rag, waxa laga sugayaa adkaysi badan, taas baa keenta in ay is adkeyaan, Abuurtooda sidaa ah. Cibaado waxaay sii wadatay hadalkeedii, waxaayna tidhi:

Ilin qubatay, baa tidhi: (Anuu waxaan ahay, hadal la arko, balse aan la maqlin. Waxaan soo gudbiyaa, hadalada culis, ee loo waayay eray u dhigma. Kolba qofbaan caafimaad u noqdaa. Waxaan u ahay, hooyo iyo aabbo qarsoon, kolba qofkii ii baahda. Mar waan la murugoodaayoo, ilintaas aad arkayse, dhabanka yaacaayse, hadba tibiqda haysaa, waa dhiiggii qofkoo, kaygiina lagu daray, oo isla noqday, xinjiro biyo ah. Marna waan la farxaayo, farxaddii qofkoon, ku dul shiilay wadnahiisa, oon ku qaboojiyay erayo wanaagsan oo naxariis wata. Intaas oo biyo noqotay, ayaay marna isku badashaa. Erayadu ma macnaayn karayaan, mar walba, waxa ku jira qofka qalbigiisa).

Ayeeyo Yaasiinoow, (ilmadu waa, erayo dhibco biyo ah, oo markuu afku waayo kalmadahi macnaayn lahaa dhibtaas ama farxadaas ay indhahu u hadlan afka, iyagoo soo gudbinaaya kolba waxaay naftu leedahay ee markaas gubaya qalbigooda ama ay naftoodu la riyaaqsan tahay, ee qiiro galiyay. Dhibic walba oo ilmo ahiba, waxaay u dhiganta boqol eray. oo ku timi si murugo lahiba, waxaay qofka kaga tagtaa saamaayn wayn).

Yaasiin iyo fiirsashadiisii, badnaayd.

Yaasiin wuxuu fiirsasho gaar ah u yeeshay aabbihii, wuxuuna ogaaday, in uu aabbihii hadalo xunxun, ku yidhaa hooyadii, wakhtiyada uu waayo jaadka ee aanu qayilaayn. Yaasiin wuxuu aaminay hadduu aabbihii qayilo, in aanay hooyadii ooyi doonin. Aabbihii wuxuu ahaan jiray, qof aad u faraxsan, intuu qayilaayo. Wakhtiyada uu hurdo ama uu suuqa u baxo, iyaga farxad baay u ahaan jirtay. Markuu yimaadana, waxaa la moodi jiray sidii dad ay geeri ku dhacday. Hadduu soo fadhiisto, meel ay joogaan ciyaalkiisuna, qofba dhinac ayuu u hogan jiray ama wayba ka kici jireen, iyagoon dareensiinaayn aabbahood. Isaga iyo caruurtiisu, ismaay indho buuxin jirin, wuxuuna u haaystay, in ay Qamar ku dirto, balse mabu isku sii luri jirin.

Maalin maalmaha ka mida ayuu waayay jaad Nuur, Yaasiinn wuxuu arkay, in uu aabbahii yahay bilaa jaad. Wuxuu ka baqay, in uu aabbihii dhibaato gaadhsiiyo hooyadii. Wuxuu siiyay lacag, ay ayeeydii siisay oo uu is lahaa, ku iibso garan uu kubada ku ciyaaro. Nuur markuu arkay inankiisii oo lacag siinaaya ayuu qoslay, wuxuuna ku yidhi:

- Intani waa sigaarkayga, jaadna waan soo amaahan aabbo. Mahadsanid, waa lacagtii iigu horaysay, ee uu i siiyo ilmo aan dhalay. Yaasiin markuu intaas maqlay, ayuu iska dhaqaaqay, isagoo luudaaya, oo la moodo sidii qof xanuusanaya oo kale. Markuu in yar sii socday, ayuu dib u soo jeedsaday, wuxuuna ku yidhi aabbahii: - wanaagsanaan lahaayde aabbo, adoo mar walba sidan u faraxsan, hooyana way farxi lahaayd. Nuurna wuxuu ugu jawaabay inankiisii:

- Aabbo marmar baan leeyahay sharaarad, lakiinse idiinka iyo hooyadiinba, waxaad tihiin kuwa qudha, een ka masuulka ahay, wax waloo wanaagsanna aan la jeclahay. Haddii aanu isku xanaaqno aniga iyo hooyada, waxaad ka soo qaada oo kale, markaaydun is laaysaan adi iyo walaaladaa. Dadku way is laayaan, wayna ka hishiiyaan. Dhawaanna waxaaynu u baxaayna tuuladii Baal Cad ee ay deganaayeen walaaladay, kuligeen, macal hooyadaa. Intaas markuu maqlay ayuu Yaasiin kala badbatay. Safarkii iyo tuuladii Baal Cad.

Yaasiin reerkoodoo dhami waxaay u baxeen, tuulo yar oo la yidhaa Baal Cad. Intaay jidka sii socdeen, ayay noqotay xiligii qadada, waxaay soo wada fadhiisteen meel maqaaxi ah oo lagu kariyo cuntada. Yaasiin wuxuu arkay aabbihii oo cunay wasladiisi oo sii qaadanaya wasladii hooyadii, intaanu aabbihii qaadan, ayuu ka hor qaaday wasladii, wuxuuna siiyay hooyadii, aad bay u yaabtay hooyadii, intaay ka qaadatay wasladii Yaasiin, ayay siisay Nuur. Yaasiin aad buu u dhibsaday, in ay hooyadii siisay wasladdeedi,i isagoo aabbihii cunay tiisii, wuxuu soo qaaday wasladiisii, wuxuuna siiyay hooyadii, waxaay ku tidhi:

- Iska cun hooyo, adaa soo koraayee.

Yaasiinna wuxuu yidhi:

- Aababa waad siisee, muu ku koraayaa?Intaayna u jawaabin, ayuu u fidiyay wasladdiisii hilibka ahaayd.

Wuxuuna ku yidhi:

Hooyo adba waad u baahan tahay, ee iska cun.

Intaay dhoola-cadaaysay ayay ka qaadatay wasladdii. Qamar waxaay dareentay, in inankeedu si gaar ah, ugu fiirsado aabbihii hadaladiisa iyo habka uu ula dhaqmo hooyadii. Iyagoo goobti jooga ayay la faqday Nuur. Waxaayna ku tidhi:

- Yaasiin wuu soo waynaanayaa, wax waloo aad i tidhaana, wuu u fiirsanayaa, iska ilaali, in aad i tidhaahdo hadalo xunxun, gaar ahaan, markuu inoo dhaw yahay. Haddii kale wuxuu kuu qaadi, colaad ba’ane.

Nuur intuu qoslay, ayuu ugu jawaabay:

- Ma inankan yar, een dhalay ayaad igu leedahay iska ilaali? Caqliga ayaa tuunbo lagaaga nuugay, inta aadan hadlin, marka hore hadalkaaga, soo mari maskaxda, si ay u kala shaandhaayso, wixii hadalkaaga, ku dheeraadka ahna, ay uga reebto!.

Qamar madaxa ayaay lushay, markaay aragtay, in aanu waxba ka soo qaadaayn hadalkeeda, waxaanay ku tidhi:

- Ileen garashadu, haddaay tiin iyo qodxo kaaga dhex dhacdo, waa dhibaato adduunyo, mar walba, oon is idhaa, wax ku fahansiiba, ma fahantid. Intaad garashada kala soo dhex baxaayso tiinkana, waa dheero dhib leh, goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, ayaad wax fahantaa. Waxaa laguu yaaba, maalintaay ciyaalku ku arkaan. Yaasiinna hadduu sidaa ku sii socdo, wax khaayr ah, ilama ahaa, in uu soo wado.

Waxaay yimaadeen tuuladii Baal Cad, ee uu degenaa Nuur walaalkii Hufane. Yaasiin waxaay isleekaayeen Mawliid, oo uu dhalay adeerkii Hufane. Mawliid wuxuu ahaa qalqaali. Aad buu u dagaal ba’naa. Markaay is helaan Yaasiinna, waxaay u ahaan jirtay ciyaar ama dagaal. Kolba waxaay is laayn jireen, inamada facooda ah, kuwa ka waawaayna way iskugu tagi jireen. Mawlid wuxuu caan ku ahaa wadhafka, balse Yaasiin kumuu fiicnaayn isagu, wuxuuse Mawliid kaga xariifsanaa kubada cagta. Yaasiin iyo Mawliid, waxaay seexdeen isku maqsin, iyagoon wali gam’in, ayuu Yaasiin maqlay, hooyadii oo mar qudha, qaylo ku dhufatay, wuxuu is yidhi, malaha hooyada ayaay wax ku dhaceene gaadh, wuxuu arkay aabbahii oo hooyadii la dhacaya laag. Naxdin ayaay meeli haq tidhi, markuu arkay sida axmaqnimada ah ee aabbahii u dilayo hooyadii, ayuu soo qaatay bakooraddii adeerkii oo taalay meel u dhaw. Wuxuuna ku dhuftay aabbahii hal mar, si gudub ahna way ugu dhacday oo waxaay kaga dhacday dhabarka. Markay ku dhacday, ayuu aabbahii u soo jeedsaday Yaasiin oo uu ka qaaday bakooradii, wuxuuna u tuuray dhinac, Yaasiinna dhinac kale. Yaasiin intii kumuu joogine, wuxuu iskaga maray lugaha aabbahii, wuxuuna miciinsaday qaniinyo, aanu uga naxaayn iyo xagtimo. Qamar markaay aragtay inankeedii oo u hiilinaaya, ayaay iyaduna, dhirbaaxooyin iyo tontoobooyin ay la dhacday Nuur. Isna wuxuu isku dayaay, in uu iska qabto Yaasiin marna Qamar. Yaasiinna wali wuxuu ka laalaaday lugahii aabbahii. Nuur oo ay Qamarna kolba wax ku dhufanayso oo ay is jiidanayaan, ayaay isla dhaceen sadexdoodiiba. Rigtii dhacday iyo qayladii ayaay ku soo yaaceen jaarkii, mise waaba sadex doodii oo isku maran, oo midba dhinac jiidanayo Nuur. Dadkii waxaay u qaateen in Qamar iyo inankeedu falka bilaabeen. Halkii ayaa lagu kala qabtay. Nuur waxa loo kaxeeyay dhinacii dargaddii uu degenaa walaalkii Hufane, Qamarna waxaa la fadhiisiiyay maqsinkii ciyaalkeeda.

Qamar waxaa u yimid, rag ay ka mid yihiin Hufane iyo laba oday oo kale, kuwaas oo la kala yidhaa, Hirad iyo Danjire, waxaay u sheegtay:

- In ay dhibta ku qabtay mudo badan, balse ay qarsanaaysay, sabaabta ay sidaa u samaaysayna ay tahay ubadkeeda awgood. Wixii dhacayna aan la maqleen, haddii ay joogi lahaayeen magaaladoodii Kabta Cad. Halkii ayaa maslaxaad ay galeen odayadii, waxaayna ka codsadeen Qamar, in ayna ogaaysiin reerkaay ka dhalatay oo ay iyaga ka war sugto. Iyaduna way yeeshay codsigoodii. Hirad iyo Danjire, waxaay la hadleen Nuur, canaan iyo hadalo kuluul ayaay gadhka u galiyeen, isna wuxuu ka qoomameeyay dilmadii uu dilay iyo caruurtiisii oo wada aragtay. Wuxuuna u balan qaaday odayadii, in aanu dib danbe gacan u saaraayn Qamar. Waxaayna ahaayd markii ugu horaaysay, ee ay Qamar ka aragto Nuur qoomamo sidaa ah. Walo ayna iloobin wixii soo maray, hadana waxaay go,aansatay, in ay jaanis siiso. Hadduu sii wadana, ay iskaga tagto.

Xuseen oo ahaa wiilkeedii curad ayaa maqlay, reerkooda dhibka ka dhex dhacday, waxaana u sheegay Yaasiin, Xuseen marku maqlay sheekadii, ayuu mar qudha yidhi:

- Ma-tii buu tanna ugu daray? Yaasiin oo yaaban, ayaa dib u su,aalay oo yidhi, tee?Xuseen markaasu u sheegay walaalkii, tu sheegaayay. Wuxuuna Ku yidhi walaalkii:

- Xalay markaad seexatay, ayaan maqlay aabbo iyo hooyo is laayay, aabbana aad buu u xanaaqsanaa, codkiisa ayaan maqlaayay, balse hooyo maan maqlaayn oo iyada hoos hoos bay u hadlaaysay. Hooyo waxaay ka soo baxday dargaddii. Waxaayna ahaayd xili aad u dhaxana, roob yarna wuu tiix-tiixaayay. waxaa ka muuqatay cadho badan. markaan u imid, een ku idhi, hooyo maxaa dhacay? way ii jawaabi kari wayday. Mudo ayaan yar sugay. Intay sare ii eegtay, ayaay gacanta i soo qabatay, waxaayna i tidhi:

Hooyo maalintaad noqoto nin xaas leh, ha noqon sida aabbahaa oo kale, waxaan ciil bixi, markaaydun waynaataan, ee aydun isku filnaataan. Aabbo ayaan u tagay isagoo fadhiya qolka hurdada, markaan is idhi la hadalna, wuxuu i yidhi, ha soo dhex galin arintayada. Anagu waxaanu nahay,dad waawaayn, anagaa dhammaaysanaayna arintayada. Waayahay baan ku idhi, balse hooyo dibada ayaay fadhidaa ee la hadal, ha soo gashee. Isna wuu iga aqbalay. Markuu la hadlay, waydiiday in ay soo gasho dargada, balse markaan anna la hadlay ayaay na yeeshay, sidii ayaay ku soo gashay oo aan anna ku seexday.

- Aabbaheen hadalo xun-xun, ayuu ku yidhaa hooyadeen, mar-marna wuu dilaaba, anna walaal in badan ayaan soo arkaayay, intaan in ka badan, uma sii adkeeysan karo. Waxaan rabaa,in aynu wada baxsanno oo aynu iskaga tagno reerkeenna, si aynaan u arkin aabbaheen oo dhibaya hooyadeen. Markaaynu shaqaaysano, waxaaynu awoodna in aynu biilin karno hooyadeen, markaas way ka maarmaysa aabbo. Waxaay isku laayaanba waa biilka uu marna keenaayo marna uu ku cunaayo jaadka. Abtigeen ayaaynu shaqo waydiisan, oo aynu caawin.

Yaasiin aadbuu ula yaabay walaalkii, wuuna ka diiday figraddii uu u soo jeediyay, wuxuuna ku yidhi walaalkii:

- Halka ay hooyaday joogto mooye, ma joogayo meel kale, haddii aad sidaa go`aansatay, adna soo shaqee, anna hooyadeen ayaan ka ilaalin aabbaheen.

Xuseen wuxuu aad iskugu dayay in uu walaalkii qanciyo, balse markuu arkay in aanu Yaasiin ka soo noqonaayn go’aan kiisii, wuu iska tagay. Sidii ayuu u baxsaday, Yaasiinna wuxuu ka codsaday, in aanu sheegin markaasba, balse uu qariyo mudo habeen iyo maalin ah, ilaa intuu ka gaadhayo magaaladii Kab Cad. Sidii ayaay ku hishiiyeen oo Yaasiinna ku qariyay.

Nuur oo suuqa ka soo laabtay, ayaa Qamar u sheegtay in wiilkoodii Xuseen, baxsadey, oo Hirad arkay, isagoo sii koraaya gaadhiyada caanaha qaada. Markuu Hirad ku yidhi, adeer xageed tagaaysana? Wuxuu ku yidhi:

- Adeer magaalada ayaan yar gaadhayaa, oo reerka ayaan alaab uga soo qaadayaa gurigii. Anagoo wada fadhina maqaaxi, ayuu ii sheego, waxaan is idhi, Xuseen malaha alaab muu soo qaadaayn ee wuu baxsaday, mise adaa diray?Qamarna waxaay ugu jawaabtay:

- Maya anuu ma dirin, ee wuu baxsaday ayaay ila tahay. Midkeen ha ka daba tago. wuxuu ku sugan yahay ma ogine. Halkaay ka sugaaysay hadal hagaagsan, ayuu ugu jawaabay:

- Aniguba ano yar, ayaan u soo baxsaday magaalada, waa nine, ha is dabaro.

Qamar markay maqashay jawaabti, uu ka bixiyey Nuur, waxaay garatay, in aanu iskuba hawlaayn baadi doonkiisa. Waxaayna go’aansatay, in ay inankeedii soo doondoonto. Markiiba waxaay soo beegsatay istaankii, waxayna soo raacday gaadhi u soo baxayay magaalada. Waxaay timi gurigii ay deganayeen, waxayna aragtay, in qufulkii ay ku sii xidheen, sidii ugu xidhan yahay. Markiiba waxaay waydiisay dadkii jaarka. Jaarkiina waxaay u sheegeen in ayna indho ka qaadin, cid ka socota reerkeeda. Qamar waxaa u bilaabmay waayo cusub oo xambaarsan warwar, walaac iyo fakar aad u fara badan.

Waxaay Qamar u tagtay saaxiibadeed Deeqa, oo ay aad u saaxiibo ahaayeen. Waxaay u gashay Deeqoo fadhida daarada gurigeeda. Salaan diiran ka bacdi, Deeqi waxaay ku soo dhaweeysay saaxiibadeed waji furan. waxayna ku tidhi soo fadhiiso. Qamarna waxaay ugu jawaabtay:

- Saaxiib fadhi iima yaallo, oo waxa soo baxsaday, wiilkeeygii Xuseen oon raadcadiisa ku jiraa. Adigana waxaan kuugu imid in aad ila soo raadisid.

Hadalkii Qamar wuxuu ku abuuray saaxiibaddeed naxdin. Markiiba waxaay hore u soo qaadatay shalmad, waxaayna la bilawday baadi doon. Nasiib xumase way ku guuleeysan waayeen in ay helaan Xuseen.

Qamar waxaay is tidhi:

Malaha dadkii baa, been kuu sheegaayay? oo wiilkaagii kamuu soo bixinba Baal Cad!. Markiiba waxaay go’aansatay, in ay tuuladii ku noqoto. Deeqina waxaay u soo raacday ilaa istaankii basasku ka baxayeen. Markii ay gaadhiga sii fuulaysay ayeey Deeqi ku tidhi:

- Saaxiib waxba ha warwarin. Insha Allaah waad heli doontaa, aniguna haddii aan intaa arko, waan ku soo war galin, waanu ila sii joogi. Sidii ayaay isku macasalaameeyeen.

Qamar waxaay ku soo noqotay tuuladii Baal Cad, intaayna soo gaadhin guriga, ayaa waxaay aragtay Nuur oo fadhiya meel maqaaxi ah oo la qoslaaya gabadhii shaaha iibinaysay. Waxaayna ku tidhi:

- Waxaa la yidhaa, tiisaba daryeela, tu kale dusha ku qaada. Gabadhaay waan ku arkaayo, wajigaagu wuu dhalaalayaa, kan oo kalana hadduu ku guursado, iska daa waji ku dhalaale, waxaad yeelan saan qolof ah. Hadana waxaay ku jeedsatay Nuur, waxaayna ku tidhi:

- Halkaas baad fadhidaa, inaankaagina ma ogid meel uu joogo, in uu dhintay iyo in kale. Gabadhii iibinaaysay shaaha, ayaa ku tidhi iyadna: - Sidaad moodaysid, ma ahaa xaajadu, anuu waxaan ahay, marwo ninkeedii ka xanuusanaayo. Waxaan u shaqeeyaa, laba ciyaal ah iyo aabbahood. Inankaaguna wuu ii iman jiray oo halkan buu ka cabi jiray shaaha. Intaanu bixinna, wuxuu ii sheegay in uu tagaayo magaalada Kaba Cad. Wuxuuna ii sheegay, in uu abtigii u tagaayo, si uu shaqo u waydiisto. Qamar way isku naxday, markaay ogaatay in ay tahay marwo xaas ah. Si wanaagsanna way u raali galisay. Marwadii shaahlaayda ahaaydna way ka aqbashay raali galintii Nuurna wuu iska aamusna, oo wuu isku dhagaaysanayay, wax jawaab ahna muu bixin.. Qamar markaay maqashay intaas, ayaay farxad kala badbadatay, waxaayna tidhi:

- Hadda ayuu waran iga ga’ay. (lagaa farxi walaal, waad iga farxisaye). Gabadhii ayaa qososhay, iyadna waxaay tidhi:

- Hooyo ayaan ahay anba oo waan ku dareemi karaa.

Qamar way iska dhaqaaqday, waxaayna tagtay gurigii ay deganaayeen ee tuulada. Markiiba waxaay ciyaalkeeda u sheegtay, in ay ku noqon, doonaan magaaladoodi. Ciyaalkiina aad bay ugu farxeen oo waxaay u xiiseen nolashii magaalada.

Yaasiin aad ugumu farxin, warkay u sheegtay hooyadii. Wuxuu is lahaa, haddii ay ku soo noqdaan, gurigoodi, in aabbahood uu bilaabi doono, dhibkiisi, isago mar walba u baqayaay hooyadii. Inta ay ciyaalkooda kale ay iska ciyaarayaan, isaga u fakar ayaay ahaan jirtay. Wuxuu u tagay inaadeerkii Mawliid oo ay aad saaxiib u ahaayeen, mar walba oo ay, yimaadaan tuuladana, kax-kaxaayn jiray, Xaalada uu ku sugnaana ogaa. Yaasiin wuxuu ka codsaday Mawliid, in uu caawiyo, si uu aabbahii uga jaro dilmo danbe oo uu qaado hooyadii, isagoo ku qanciyay Mawliid, haddii ay tagaan gurigoodii in uu aabbahii uu wax yeelo u gaaysan doono hooyadii. Mawliidna wuxuu ku yidhi:

- Aan ku caawiye, maxaan kuu qabtaa?Yaasiinna wuxuu ugu jawaabay:

- Waxaan rabaa, si aanu noo soo raacin aabbo, oo uu naga hadho. Markuu soo hoyanaayo habeennimada, i caawi. Waxaan rabaa, in aan oodda noo dhaw aan u dhigo wadada, si uu ugu dul dhaco. Mawliid wuu u qaadan waayay, wuxuu ku fakaraayo, balse wuu ka yeelay. Wuxuu u arkay, in ay tahay wax khaldan, lakiinse xalka qudha ee uu Yaasiin haysto ay tahay sidaa.

Habeennimadii ayaay ood badan soo uruuriyeen, waxaayna dhigeen meel uu soo mari jiray Nuur, oo ahaayd waddo yar. Nuur oo aan is ogaayn baa soo maray wadadii, ooddii buu jiidhay, balse kumu dul dhicin ee wuu yara turin-turooday. Dhulku waa madow oo waxaay ahaayd xili qudcur ah. Intuu eegaayay ooda, ayaay xaga danbe kaga yimaadeen Yaasiin iyo Mawlid, isku mar ayaay riixeen, walo uu ka xoog waayna oo ay tuuri kari waayeen, hadana markuu ku soo jeedsaday ee uu is yidhi iska qabo dadkan, ayuu jiidhay dhagax waayn oo meesha yaalay. Kaas bu ku dul dhacay. Wuxuu ka jabay lugta bidix. Yaasiin iyo Mawliidna way carareen, waxaayna iska dhigeen, sidii laba aan waxba ogaayn, Nuurna wuu gartay in ay ahaayeen dhalliinyaro, balse wuu garan waayay cida ay ahaayeen, maadaama ay meeshu madoobaayd. Qayladii iyo hanjabaadii uu sii hanjabayay ayaay maqashay inantiisii Raxmi, waxaayna u soo caraartay dhinacii uu aabbaheed ka hadlaayay. Markaay aragtay isagoo kaci karaayn, ayaay ugu yeedhay adeerkeed Hufane iyo Daljire oo ku wada cawaaynaaya meel u dhaw dargadoodii.

Hufane wuxuu ugu yeedhay Hirad oo ku wanaagsanaa kabitaanka, markiiba waa la kabay. Qamarna iska joog baa lagu yidhi, intuu kabmaayo, balse waxaay ku tidhi:

- Ma joogi karo, waxaan ahay, qof inankeedi curad baxsaday oo ilaa hadda meel uu ku sugan yahay aan ogaayn, balse inantayda Raxma, ayaa la sii joogii aabbaheed, ani iyo ciyaalka kalana waanu is raaci oo hooyaday ayaan u gaayn ciyaalka, si aan u baadi doono Xuseen. Sidii ayaay isku af garteen raggii.

Yaasiinna intuu u ciil qabayba, waxaay ahaayd intaas, oo isaga waxaay ahaad farxadiisa, walo uu ka xumaa in uu wax yeelay aabbahii, hadana sidaa ayuu u arkaayay xal. Sidii ayaay ku tagtay Qamar magaaladii. Isla markiiba, waxaay u tagtay walaalkeed, oo bakhaar waayn ku haystay suuqa, sidaaday u gashayna, waxaay aragtay Xuseen oo dhex jooga bakhaarkii oo dadka wax ka iibinaaya. Way farxad-naxday, markaay aragtay, iyadoon is ogaayn, ayaay la baxday kabteedi, waxaayna ku tidhi:

- Ma dhibtaaydii, baad adna dhib kale iigu sii dartay? Ma sidaas baan hooyo kuugu ahay?Intaasna kabtii ayaay la dhacaaysa, Xuseen wuxuu ahaa, qof aad u dheer oo dheraar iyo xoog isku darsaday. Waxa markiiba soo booday walaalkeed oo ka qabtay, Xuseenna wuxuu ku yidhi abtigii:

- Iska daa abti, waan u qalmaa, wax walo ay ila dhacdee, anaa ka soo baxsadaye. Markuu intaa yidhi, ayaay ka joojisay kabtii, waxaayna ku tidhi ii keen koob biyo ah oo qaboow.

Qamar waxaay ka codsatay walaalkeed, in ay qaaybsadaan dhaxalkoodii, si ay ugu shaqaaysato, waxaa u yaalay ,dhaxal badan oo uu uga dhintay aabbaheed Ismaaciil, waxaay xaq u heshay, bakhaar waayn iyo guri 3 maqsin ah. Gurigii sadexda maqsin ahaa, way iibisay, lacagtay ka heshayna, waxaay ku furatay bakhaarkeedii oo ay soo dhigtay raashin, dhinacna dharka dumarka.

Mudo dhaawr bilood ah waxaay la deganaayd hooyadeed, intay halkaas joogeenna aad buu u faraxsanaa Yaasiin. Nuurna way soo eeg eegi jirtay. Kolba sida ay tahay xaaladiisu. Xuseenna labada galinba wuu shaqaayn jiray. Galinna abtigii buu u shaqaayn jiray, galinka kalana hooyadii. Wakhtiyada uu jaanis helana, wuxuu u tagi jiray aabbahii ama gaadhiyada baxaaya, ayuu kolba wuxuu hayo ugu sii dhiibi jiray. Nuur wuxuu arkay, in ay isku filnaadeen. Wuxuuna is yidhi, maanta kuuma baahna, abaalna maad dhigan oo ku xasuusan maayaan, shaqana ma haaysid. Markaay soo booqdaan, ciyaalkiisu ama Qamar, wuxuu ku odhan jiray:

- Way kaa maarmeen, oo maanta kuuma baahna, ayaan is lahaa!. Waxaay ku noqotay, filan waa, balse mar walbana wuxuu waydiin jiray Yaasiin, oo wuxuu ogaa, siduu hooyadii u jeclaa ee uu mar walba uga war haayn jiray. Markaay yidhaahdaan, namu soo raaciinna, wuxuu odhan jiray:

- In uu ii iman waayo, anaa ugu wacan, colaadaa aan gashaday, waxaan ka baqayaa, in uu la waynaado.Yaasiinse way ku adkaatay in uu soo booqdo aabbahii, wuxuuna iska qooma maayn jiray, wuxuu u gaaystay habeenkii iyo falkii xumaa ee uu sameeyay, walo uu jeclaystay sida ay nolashoodu isku badashay, hadana wuxuu ka cabsi qabay in uu isagu noqdo, qofka sababaya kala taga waalidkii.

Maalin maalmaa ka mida, oo ay Qamar ka timi suuqa, ayaa waxa u yimid inankeedii Yaasiin, wuxuuna ku yidhi, hooyo mudo badan waxaaynu joognaa guriga ayeeyo. Mayna ahaayn in aynu ku noqono keennii? si aabbana uga yimaado tuulada. Waad og tahay, maanta farkuuma qaadi karo, anagaa kuu joogna. Adi iyo Xuseenba waydun shaqaaysaan. Isagaa inoo baahan, oo waxba ku yeeli maaye, hooyo ina gee gurigeeni. Qamarna waxaay ku tidhi:

- Hooyo soodigii awalba jeclaa in uu inaga maqnaado, maxaa soo kordhay? Yaasiinna wuxuu ku yidhi:

- Hooyo ma jecli, in reerkeenu baaba’o. Wuxuu uga sheekeeyay, in uu isagu uu ka danbeeyay jabidii aabbahii iyo waxa ku kalifay. Wuxuuna ka codsaday hooyadii in ay u sheegto aabbahii oo uu isna saamaxo. Qamar marna way ka naxday go’aankuu qaatay inankeedu, marna waxaay ku faraxday wanaagu la rabo reerkooda. Dhabanadeeda waxaa qooysay ilmo farxadeed. Yaasiin aad buu u kala badbadtay. Wuxuuna arkay ilmadii ay ayeeydii u sheegaysay ee ahaayd (ilmada farxada ah). Hooyadii ayuu isku duubay, madaxana wuu ka dhunkaday. wuxuuna ku yidhi:

- Intaad faraxsan tahay, anna waa farxaddaayda hooyo. Intaan rabayba, waa intaas, adoo qoslaaya oo farxad ku ilmaaynaaya, oon waligaa dhib kaa ilmaaysiin. Qamarna waxaay ugu bushaareeysay,in ay ku noqon doonaan gurigoodi, balse uu marka hore u tago aabbahii. cafisna waydiisto. Yaasiinna sidii buu yeelay. waxaayna is raceen walaalkii Xuseen. Waxaayna tageen tuuladii Baal Cad. Nuur wuxuu sheedda ka soo arkay, inamadiisii oo soo socda, intayna sooba gaadhin, ayuu isna ka hor tagay. Markiiba waxaay isku raaceen, dhinacii dargaddii ay gali jireen. Yaasiinna wuxuu u sheegay aabbahii:

- In uu isagu ka danbeeyay falkii jabitaankiisa iyo in uu aabbahii cafiyo, una duceeyo, Nuurna wuxuu ugu jawaabay:

- Ismaan odhan waa Yaasiin, balse markaan eego, sidaad ahaayd, waa wax aan kuu garaabi karo aabbo. Khalad waayn, ayaan anba ka galay hooyadiin, balse hadda way i cafisay iyana. Mana rabo in aan dhib danbe idiin gaaysto. Cafis ayaad iga tahay aabbo. Yaasiin, wuxuu aabbahii, ka codsaday in uu ku soo noqdo magaalada, si ay u noqdaan qooys isku meel jooga. Sidii ayaay ku yimaadeen magaaladii Kaba Cad. Waxaayna u yimaadeen, gurigoodii oo la sii hagaajiyay iyo ayeeydood oo iyaduna keentay xalwad iyo hariisad badan, balse doorkan waxaay waday, wax dheeraad ah, waxaas oo ah,(fujaan-muqumada). Awalkii hore, waxaay u kala dheeraayn jireen macmacaanka ay keento ayeeydood, lakiinse doorkan waxaay u kala dheereeyeen (fujaankii-muqumadu ku jirtay).

Qamar, marna ciyaalkeeda ayaay eegaysay, marna si gaar ah, ayaay u eegaysay Yaasiin, intay dhoola cadaaysay, ayaay hooyadeed ku tidhi: - (Raf iyo rafaad, wixii loo soo maro, mar uun baa la helaa). Hooyo wax badan, ayuu Yaasiin doonay farxaddaayda, maantuuse helay. Maanta ayaanu nahay, reer dhan!.

Dhammaad.

Qalinkii: Huda Sheekh Yuusuf (HShY)

Waa sheeko male awaal ah. Huda-sh-yusuf@hotmail.com

No comments: