Xuquuqda muuqaalkan: A. M. Yusuf (Wayeel) - wayeel.blogspot.com
Waxa aad sidii Geri,
Ama Awr gabraareed,
Keli gooni-socotaa,
Gama'layska waayaa,
Gocoshada la ooyaa,
Ilmo gabax tidhaahdaa,
Markaad geeriyo nolol,
Midnaba gaadhi waydee,
Gacal iyo sokeeyiyo,
Nimaad garabka saartiyo,
Midaad garato waydeed,
Gebi dhexe istaagtee,
Talo kugu guracantee,
Haddaan geesi noolayn,
Haddii aan gabbood jirin,
Haddaan geedba taagnayn......!!!!!!!!!!,
No comments:
Post a Comment