Laba qoraal oo
isku mawduuc ka wada hadlaya ayaa ku soo kala baxay mareegaha ‘Somalilandpress.Com’
iyo ‘WardheerNews.Com’. Kan hore oo
Af-Ingiriisi ah waxaa qoray Dr. Cabdishakuur Sh. Cali Jowhar, kan kale oo
Af-Soomaali ahna waxaa qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Labaduba waxay ku nuuxnuuxsanayaan in dawlad
qarameedkii ay ummaddu nafta ku naawilaysay (waa 'Maandeeqdii’ muddada dheer
loo heesayay) in ay dhowaan soo noolaato iyadoo xooggan oo dardar qabta ay si
aan muran ka iman karin usoo bandhigeen in ay maanta mindidii dul saaran tahay
oo lala maaggan yahay in la kitfo oo laga yeelo
“beri bay jiri..jirtay.” Ciddii
arrintaas si dhab ah u danaynaysa waxaan kula talin lahaa in ay qoraallada
labadaas aqoonyahan si deggan oo miyirqab leh ku akhristaan, ku noqnoqdaan oo
si weyn uga bogtaan intaanu dhambaalkay wadaan go’aan degdeg ah oo sar-ka-xaadis
ah ayna ka qaadan. Warku ha innagu duxo
oo si weyn ha innoogu duxo intaynaan talo ka gaadhin. Anigu qormadan gaaban waxaan uga dan leeyahay
inaan digniinta ay bixinayaan iyo qaylodhaanta labada oday gacan buuxda ku
siiyo anigoo khatarta ay la fajaceen sii iftiiminaya.
Kuwa
Maanta Mindiyaha Kuu Lisanaya
Ama gumeysi ku
sheeg, ama shisheeye ku sheeg, ama nacab ku sheeg .. iyagu ma kala jecla
magacaad ugu yeedhid mar haddaan erey bixintaasi aanay wax carqald ah ku
keenayn qorshaha ay wataan iyo waxa ay kula maaggan yihiin. In yar taariikhda
dib u raac. Qarnigii 19aad badhtamihiisii Soomaalida oo reero teel teel ah u
kala yaal ayaa gumeysiga Yurub u yimi oo kala googoostay, xaydaan u kala
samaystay. Kolkaas ayaa dhulkii Soomaalidu degganayd ee feedhaha isku hayay ee
geeska Afrika ku yiil loo kala qaybiyay waaxyo midba gumeysi haysto oo ka
taliyo sidatan - Soomaalida Biritayn, tan Faransiiska, tan Talyaniga. Dalkii
iyo dadkii waxay isu rogeen ‘dawlad-ku-sheegyo’ gumeysiga reer Yurub kala
haysto oo dantooda iyo siyaasaddooda lagu maamulo oo falagooda ku meera. Afrika
iyo Aasiyaba taas oo kale ayaa ka socotay.
Maxaa
Iska Dooriyay Xaaladdaas?
Dawladihii
gumeysiga Yurub ayaa isqab dhaafay, qaybihii ku heeshiin waayay, kala awood iyo
itaal roonaaday, damcay inay marka hore ismuquuniyaan, ka dibna u soo jeestaan
ummadihii ay kala haysteen. Waxaa dhacay dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee
adduunka (1914 - 1918 & 1939 - 1945) way isku rafteen oo isku riiqmeen. Ka
dibna ka badin waayeen inay iyagu heshiis nabadeed wada galaan. Ururka
Qarammada Midoobay ayaa heshiiskaa ka dhashay, adduunka xaalkiisiina isbeddel
weyn ayaa ku dhacay:
- Awooddii
adduunka ka talinaysay ayaa Yurub gacanteedii ka baxday dagaalkii iyaga dhex
maray awgiis. Laba quwadood oo laba mabda’ kala haysta ayaa soo baxay oo
Yurubta lafteedii kala jiitay markay liciiftay. Waa Mareekanka iyo Ruushka. Wax
lagu magacaabo ‘dagaalka qabow’ ayaa iyagana dhex maray.
-Dalalkii la
gumeysanayay oo laftoodu gadooday, haba iska itaal yaraadeene, dagaalladii
socdayna ‘xaabo’ lagu adeegsanayo ahaa, ayaa madaxbannaani helay oo
‘dawlad-qarameedyo’ loo aqoonsaday raacaya qaabkii iyo hab maamulkii uu
gumeysigu u dhisay ee ku dhaafay.
Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed Ayaa Sidaas Ku Timid
Maxaa kafaala
qaadayay jiritaankeeda iyo madaxbannaanideeda? Waa saddex arrimood:
Isku duubnida
shacbiga Soomaaliyeed oo si kasta ha u dibudhacsanaadee (qabaailkii iyo
dhaqankoodii ha sii jiree) mar walba u hanqal taagayay inay ilaashadaan
qarannimadooda weli yagleelka ah ee aan gaamurin.. mashaakilkii ku yimaaddana
la iska la kacaa kufo iyagoo mar walba tixgelinta ugu weyn siinaya in dalka uu
ka jiro dastuur lagu dhaqo iyo talis rayid ah oo dadka ka yimaadda, kuna
yimaadda doorashooyin (ha iska goldaloola badnaadeene)
Loollankii ka
dhexeeyay labada quwadood ee addunka ka jiray- NATO (Galbeedka) iyo WARSAW
(Bariga).
Dalka Soomaalida
oo ka tirsanaa kuna tiirsanaa dawladaha dhexdhexaadka ah ee Afrika, Aasiya iyo
Laatin Ameerika oo xilligaas magac iyo tixgelinba lahaa, una janjeedhay
taageeridda gobanimadoonka adduunka saddexaad.
Lixdankii illaa
Sagaashankii, saddon sano gudahood, saddexdaa arrimood ee aan soo sheegay ayaa
gilgil xad-dhaaf ahi ku dhacay oo mid walba gudaha ka cuskaday. Kaas oo ku
yimid isbeddelka dhaqaalaha, cilmiga, teknoolojiyada warfaafinta iyo
isgaadhsiinta. Loollankii siyaasadeed iyo kii bulsheed ee addunka ka jiray ee
Bari iyo Galbeed loo kala safnaa isbeddelkaas ayaa saamiga ugu weyn ku lahaa,
natiijaddii ka dhalatayna waa tan kala sarraynta maanta jirta abuurtay:
b. Midowgii
Soofiyeeti ayaa burburay.. gaashaan buurtii Warsaw ayaa kala furfurantay oo
kala tagtay qaarkoodna NATO ku biireen.
t. Ururkii
dalalka dhexdhexaadka ahaa ee adduunka saddexaad – Afrika, Aasiya iyo Laatin
Ameerika ayaa meesha ka baxay markii wixii la dhexdhexaadinayay ay kala tageen.
j.
Gaashaanbuurtii NATO oo markan ismahadisay ayaa isu xil saartay ilaalinta
nabadda iyo ammaanka adduunka si ay qiil ugu hesho jiritaankeeda mar haddii
lidkeedii Warsaw meesha ka baxay.. Mareekanka ayaa mayalka u qabtay.
NABADDA IYO
AMMAANKA ADDUUNKA waa ayo cidda khatarta ku haysa ee looga baqayaa mar haddii
shuuciyaddii wax lagu khuukhin jiray, xarunteedii lagu furfuray?
Falsafad hor leh
ayaa la unkay: Cadowgu waa argagixisada adduunka oo mar walba adeegsanaysa
xaddaaradda Islaamka. Xaddaaraddaas gabowday ayaa lagu sheegay inay
dawladnimada casriga ah iyo hab-maamulka dimuqraadiyaddda ee nolosha reer
galbeedka halbawlaha u ah ka soo hor jeeddo kuna dhaarsan tahay inay burburiso.
Micnihii iyo
xuquuqdii qarannimadu lahayd iyo awooddii adduunka ku ilaalin jirtay ayaa
meesha ka baxay. Iska daa kuwa burbura (sida Soomaalida) ee kuwo taagan oo
dhisan oo dhigaysan ayaa duhur cad la weerarayaa:
- CIRAAQ ..
hubka halista ah inay qabto oo adduunka galbeed iyo ilbaxnimadiisa dhaawac la
maaggan tahay ayaa loogu marmarsooday markii la gelayay 2003, iyadoo hey’addii
caalamiga ahayd ee baadhista hubkaas loo saaray ay beenaysay eedayntaas lagu
andacoonayay. Been-abuurkaas waxaa si badheedh ah qayb libaax ka qaatay dalka
Britaaniya ee bisha soo socota la leeyahay badbaadinta qarannimada Soomaaliyeed
ayaa shir caalami ah oo 40 dal ka soo qaybgalayso caasimaddeeda lagu qabanayaa.
-LIIBIYA ayaa,
sida la ogyahay, ka mid ah adduunka saddexaad inta lagu tiriyo wax 40kii sano
ee u dambeeyay dhismaha dalkeedu gaadhay mid la barbar dhigi karaa aanu jirin.
Inta Ururka Carbeed ee ‘barakaysan’ iyo Qaramada Midoobay loo adeegsaday ayaa
iyadoo la sheeganayo in loo gurmanayo masaakiinta Qadaafi iyo taliskiisu ku xasuuqayaan
Benghazi laga dhiciyo ayaa loo mindiya gurtay oo isagii Qadaafi ahaana halkii
la ogaa lagu silciyay (si aan diin iyo dadnimo toonna waafaqsanayn); imminkana
dalkaa gudihiisii ay kooxihii laysku hubeeyay isku cunayaan oo isku
cayrsanayaan. CEELASHII BATROOLKANA ay dul fadhiyaan oo daldalanayaan kuwii
markii horeba qorshahaas dejiyay ee “Gurmadka Bani'aadminimo Ku Yimid!!”
-SUURIYA..
Saawirtii maanta Suuriya ayay dul saaran tahay. Sidii Liibiya oo kale ayaa
Ururka Carabta laga soo ansaxiyay in madaxweynaha Bashaar Al-Asad iska wareejo
xilka oo ku-xigeenkiisa hoggaanka dalka u dhiibo, ciidamo nabad-ilaalin ahna
(sida kuwa geyigeenna jooga) ama (sida kuwii Liibiya galay) loo diro Suuriya.
Qorshahaas markan waxaa is hortaagay Ruushka, iyo Shiinaha. Kuwaas oo sheegaya
in shalayto markii Liibiya la gelayay been taasoo kale ah lagu siray iyo tan
labaad oo ah in Ruushku aanu oggolayn in Galbeedku keligiis adduunka ka amar ku
taagleeyo.
-SUUDAAN oo
shalay ka soo jeesatay mushkilladii Darfur ee dalka Suudaan midnimadiisii,
qarannimadiisii iyo horumarkiisii gilgishay.. ayaa laga barbar furay
‘Jamhuuriyadda Koonfur Suudaan’. Waa xilli taliskii Suudaan ka jiray jabhaddii
koonfur ka dagallami jirtay (oo weligeed xukunka oo ay saamigooda ku yeeshaan
mooyee aan marna goosasho barnaamijka ugu jirin) wada hadal iyo heshiis la
galay maamulkii dalkana si roon uga qayb geliyay. .MISNA LAGU MA DHAAFIN!
Waayo? Sida Liibiya oo kale, maanta wixii dagaalkii qaboobaa ka dambeeyay lama
oggolaan karo in dal ballaciisu gaadhayo malyuun kiiloomitiryo wareegsan iyo
wax ka badan oo shicbi iyo dawlad yari ka taliso khayraadka intaas le’eg oo
siday rabto ka yeeesho. . (bal ka warran dalka cidlada laga helo isaga!)
SHALAYTO (2001)
: Arrinta argagixisada adduunka iyo ka hortaggeeda ayaa 29 dawladood Maraykanka
iyo Britayn ku hor kaceen oo duulimaad lagu qaaday dalka Afghanistan iyagoo
Taalibaan lagu magacaabay ‘sheydaanka’ lala dagaallamayo.
MAANTANA (2012):
40 dawlo ayaa la isugu wacay si hororkii Afghanistan mid ka daran oo ka dillaacay
dhulka Soomaaliyeed looga hor tago oo shirweyne magaalada London loogu
qabanayaa.
Maxay Soomaalidu
u noqotay dalka maanta loo shirayo ee laga shirayo?
Marxalad u
baahan in la isku yara taago, oo si miyirqab ah looga bogto.. sababtoo ah
waxaan maanta taagani si toos ah ayay marxaladdaas ula xiriiraan. Haddaan si
sax ah loo fahmin, dhibta maanta jirtana la garan kari maayo, ee meelo kale oo
khalad ah ayaa loo aanaynayaa. Taasina runtii waa ta si weyn u keentay
marinhabowga lagu jiro maantadan aynu joogno, ama ha ugu wacnaato jahli iyo
aqoondarro ama ha ka timaaddo is-diidsiin iyo danaysi bareer ah. WAA KACAANKII
1969.. ee xoogga dalka Somaliyeed taladii kula wareegeen iyadoo uu keenay
saluuggii la saluugay taliskii rayidka ahaa musqmaasuqiisii iyo doorashooyin-boobkii
lagu arkay sannadihii u dmabeeyay, oo shicbigu ka calool go’ay.
Dalalka saboolka
ah, soo koraya, ee dhowaan gobanimadooda hantay dagaalkii 2aad ee adduunka ka
dib, dawladnimadooda waxay ku dhiseen heyadihii ay maamulkii gumeysiga ka
dhaxleen.. ee ma aha mid ku yimid mid ku yimid isbeddel dhaqan dhaqaaleed oo
taxane taariikheed oo dheer ka soo jeeday (domestically, through a long
historical process of socio-economic transformation). Heyadahaasi waa kuwo
liciif ah, hase yeeshee aan dawladnimadu ka maarmayn- balse ku dhisan tahay.
Heyadahaas waxaa udub dhexaad u ah heyadda difaaca, amniga iyo ammaanka ee
ciidammada qalabka sida.. ee militarigu hormood u yahay. Heyadahaasi
dhammaantood waxay ku shaqeeyaan xeerar dawladeed oo xilalkooda iyo dhismahooda
qeexaya. Xeerarkaasi waxay hoos yimaaddan oo ka shidaal qaataan oo waafaqsan
yihiin dastuurka dawladda ay ka tirsan yihiin. Wixii isqabad ah xeerarkaas ayaa
kala haga. Xoogga dalkuna xeerkiisa ayuu leeyahay oo qeexaya xilkiisa,
maamulkiisa, dhismihiisa, kala-dambayntiisa iyo horumarkiisa intaba. Xilka ugu
weyni waa difaaca dalka, ilaalinta qarannimada iyo sidii ay heyadaha dawladdu
ku dhisan tahay ay xilalkooda nabad iyo xassilooni ugu guttaan. Dawladda iyo
hay'adaheedaasina waa inay baahiyaha xoogga dalka si roon loo daboolo si u
xilkaas culus uga soo baxo.
Halkaas waxaa ka
cad in dawladdu mar walba u bahan tahay xoog jiritaankeeda iyo xasilloonideeda
ilaaliya. Kaasina uu yahay ciidanka qalabka sida. Arrintaasi waxay si weyn uga
muuqataa dalalka qarannimadooda dawladeed dhowaan hantay ee aan weli gaamurin
oo xididaysan. Sida dawladnimadeennii oo kale (1960-69). Maxaa iman kara marka
labada aan soo sheegay xilka isweydaarsadaan oo xoogga dalku uu maamulka
dawladda la wareego (sidii 1969 dhacday):
- hey’adaha
dawladdu siday u dhan yihiin waxa ay isu rogaan kuwo u adeegaya xoogga dalka
iyo hoggaanka uu samyastay.
- hey’adahaas,
dadka madaxda ka noqonaya waxaa soo magacaaba hoggaankaas.
- xeerarka ay
hey’adahaasi ku shaqaynayaan waxaa dejinaya hoggaankaas si waafaqsan dantiisa.
- Hey’adahaas
xilkoodu wuxuu isu rogayaa amar –ka-qaadasho iyo ilaalinta xoogga dalka ee
maamulkii dawladda isagu la wareegay.
(Iyadoo kooban,
hey’addii u qaybsanayd ilaalinta qaranka iyo dawladnimadiisa ayaa isla wada
noqotay markan dawladdii iyo ilaaliyeheediiba)
- dawladdii
jirtay iyo hey’adeheedii waxay wada noqdeen kuwo loogu taliyo sida xeryaha
militariga loogu talin jiray, amarka la siiyona fulin jiray.
- Dastuurkii
dawlddu ku dhisnayd iyo ururradii hadhsan jiray ee afhayeenka u ahaa waa kuwa
marka ugu horraysa ay xabbadda ciidanku leefto ee muuqooda la waayo.
Markay muddo
sidaas ku sii socoto oo asaaskii hey'adihii dawladda ee markoodii horeba,
sidaan ku soo sheegay, aan dhismo adag iyo waaya-aragnimo dawladeed ku taagnayn
ee weli tababarka ku jiray, hadbana tallaabo kororsanayay iyo shicbigii ay u
adeegayeen ayaa dhammaantood ciidan kor looga taliyo isu roga. Xaaladdaas oo
kale (oo ka dhigan madixii oo manjo isu rogay) marka khalkhal, iyo iska horimad
ku yimaaddo uu weheliyo saluugga shicbigu, xukunkaasi dhulkuu afka daraa, in
kasta ha qaatee. Hadduu weliba sii qaado tallaabo xad-dhaaf ah oo waalli ku
dhowaadona burburkiisa ayuu soo dedejiyaa. Dagaalkii 1977 iyo weerarkii waallaa
ee ‘ kacaankii 21 Oktoobar’ ku qaaday Itoobiya waxaa ka dhashay in xooggii
dalka iyo dawladnimadii Soomaaliyeed halkaas ku wada dumeen. Cidda oranaysa
1978 ilaa 1991 muddo dheer ayaa u dhexaysay oo taliskii “kacaanku’ sii jiray,
jawaabteedu waxay tahay: ‘ muddadaasi waa intii ay taliska naftu iska guraysay
ee marba lagu la daalayay ‘moorfiinka’, waa inta u dhexayn karta sakaraadka iyo
geerida. Qaskii ka dambeeyay ee qabqablayaashu huriyeenna lafihii ‘kacaanku’ ka
tegay ayuu sii feentay.
1991 meel keliya
oo lagu tilmaami karo in ugu yaraan waab dawladnimo ka taagnaa ma jirin. Waxaa
soo haray wuxuu noqday dal ay reero ku dul nool yihiin wax la bidhaansan karo
oo isku xiraana uusan jrin. Isku-xirnaan ummadeed iska daaye, qabqablayaal
dagaal ayaa goobtii dawladnimo ee bannaanaatay ku hirdamay.
SHISHEEYE..
NACAB.. IYO GUMEYSI CUSUB..
Dawladihii
gumeysiga Yurub ee shisheeye ee qarnigii 19 bartamihiisii dalka Soomaaliyeed
ugu yimid qabaail -midab, af, diin iyo dhaqan wadaaga- oo teel teel u deggan,
dareenka Soomaalinimo ka dhexeeyo oo nabad geyigaas ku wada nool, ayaa MARKAN
1991 ugu yimid iyagoo sidii hore u kala deggan, hase yeeshee markan utun iyo
colaadi dhex martay oo sidii hore aan isugu laab xaarnayn.. oo weliba xeryo
qabaail, ay qabqablayaal hubaysan oo iyaga ka dhashay kala jiidanayaan lagu
kala ooday.
Awoodda cusub ee
maanta adduunka ka talisaa uma baahna xoog ay leedahay oo mutuxan sidii
qarnigii 19aad inay isticmaasho (kaas waa mid gaboobay oo faxshar ah oo laga
tegay) ee xeelado kale oo casri ah ayay awooddaasi adeegsataa oo aanay u qiil
waayayn (kol ay ku tahay kan la biraynayo oo loo diro in uu mindidiisii soo
qaato sida dalkeenna ka socota !)
Riwaayado
indhasarcaad ah ayaa dadkii iyo himiladii ay lahaayeen la soo hor dhigay oo
lagu magacaabo ‘Shirarka Dib-u-heshiisiinta iyo Dawlad-dhiska Soomaaliyeed’,
iyadoo mar walba madax hor leh loo soo cimaamadayo, si aanay u damin
raja-beenaadka dadka Soomaaliyeed lagu wado. Tan taliska ku meel gaarka ah ee
barlamaankiisu kulan kasta oo ay yeeshaanba gacmaha isu la tagaan ee caalamka
laga wada daawado ayaa u dambaysay. Haddii qarnigii 19aad dawladihii shisheeye
xoog ay lahaayeen dalka ku qabsadeen, markan tab iyo xeelad ka duwan ayaa loo
adeegsaday oo ah in dadka Soomaaliyeed dhexdiisa laga shaqaysto oo reero iyo
qabaa'il loo kala sooco.. taas oo ay u weheliso ciidammo Afrikaan ah iyo kuwo
sida dalalka aynu deriska nahay loo soo ijaarto. Si dadka Soomaaliyeed, siduu u
wada dhan yahay, aanu ilduufkaa loogu tala galay iyo marin-habaabintaas ka soo
noqon ayaa loogu sameeyay oo loogu sawiray in dalka ay ku loollamayaan laba
quwadood oo raba inay ku kala guulaystaan hanashada shicbiga Soomaaliyeed
iyadoo mid waliba ku andacoonayso inay ummaddaas ayaandarradu ku habsatay ay
badbaadadeeda u heellan tahay.
DHINAC Waa
Mareekanka iyo xulufadiisa.
DHINACA kalena
waa ururrada calanka Islaamka wata..
Labadaas dhinac
isku meel ayaa laga wada falkaa.. looga taliyaa.. isku hawl qura ayay u
adeegayaan ee muraadka laga rabaa waa in dadka Soomaaliyeed, qaarna u arkaan
Maraykanka iyo intuu cagaha ku wato inay yihiin kuwa u hiilinaya... inta kalena
kuwa “calanka Islaamka’ wata ee maalin walba ‘aayad’ iyo ‘suurad’ Quraanka
kariimka ah meel qaawan oo faxshar ah lagu biraynayo (Maraykankuna adduunka
tuso hororka uu ka hor jeedaa siduu yahay) u arkaan hiilka Eebbaheen cirka uga
soo diray ee qaybta kale ee gaalada ah ka xoraynaysa. Waa halkii lala doonayay.
Qosol, qayayaab iyo qadiid isku jira waxaad ka qaadaysaa kuwa ‘indheer-garatada’
sheeganaya ee maanta muranku ka dhex taagan yahay ee u kala safan:
- Yaa Mareekanka
la jira?
- Yaa Shabaabka
raacsan?
- Yaa Soomaali
weyn ah?
- Yaa
gooni-u-goosato ah?
- Yaa federaal
ah?
- Yaa midnimo
buuxda ah?
- Yaa dawlad
goboleed ah?
- Yaa ‘barwaaqo
land’ ah?
- Yaa ‘baraaro
state ah’?
- Iyo qaar kaloo
badan
Magaalada caanka
ah ee Istanbul ee dalka Turkiga oo beri la odhan jiray Byzantium oo boqortooyo
reer Yurub ah caasimad u ahayd ayaa lagu soo duulay oo magaalada duleedkeeda
inta loo fahdiistay wax cunto iyo biyo ah loo diiday inay galaan si ay ka dib
isu dhiibto. Wadaadaddii ka talinaayay magaalada ayaa laga sheegay in iyadoo ay
xaaladdaas ku jirto magaaladu ay iyagu hawl taas ka culus ku fooganaayeen oo
Kaniisadda dhexdeedii muddadaas kaga murmayeen ‘MALAAIGTU Ma LAB BAA MISE WAA
DHEDIG?!’ Murankaas ayaa tariikhda ku caan baxay ‘murankii Byzantium’ oo
halqabsi looga dhigaa wixii muran ama dood ah ee aan micne lahayn, sida
su’aalaha sare ee aqoonyahan badan oo hawl weyn looga fadhiyay ay ku
habsaameen. (Alla ha inoo sahlo.)
Sidaan qoraalkan
kooban ku bilaabay danta aan ka leeyahay waa xoojin aan ku taageersan ahay
Maxmed Daahir Afrax iyo Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar qayla-dhaankoodii oo
aan qabo inaan dadka qaarkood u sii iftiimiyay waxa ummadda Soomaaliyeed lala
maaggan yahay iyo sida xaalkeedu u yahay ‘ismoog aqalkii bay aslaysaa!’ Intii
digniintaa culus isku si u wada aragtaa, ha sii toostoosiso, ha naaxnaaxiso, ha
faafiso oo ha fidiso, ka bacdina ha loo gudbo in la isla qeexo ‘ wixii laga
yeeli lahaa’.
Ma quus baa la
joogaa oo talo way dhacantay? Mise weli waxbaa la qaban karaa hawl iyo waqti
kasta ha qaadatee, iyadoo lagu xisaabtamayo xaqiiqada maanta dalkii
Soomaaliyeed ka jirta iyo sida uu u kala yaal?
Daba-dhah
Oday iyo
wiilkiisa yar oo wada socda, carriguna aanu xasillayn, ayaa wiilkii dareemay
haqdhaqaaq aan ka dheerayn oo gaadmo la maaggan. Intuu odaygii ku jeestay ayuu
ku yiri:“ waar, Aabbe la inoo ballan!”
Odaygii oo warka
wiilkiisa ka soo yeeray yasaya inu micnedaran yahay ayaa ugu jawaabay:
“Beeryare
dishow, beenta iska daa!”
Waqti yar ka
dib, halkii ayaa odaygii iyo wiilkiisiiba lagu dilay.Imminka anigu warkii
wiilkaan wadaa:“ ee Aabbe la inoo ballan!!”
Siciid Jaamac
Xuseen
E-mail:
sjx2005@hotmail.co.uk
©Weedhsan
Corporation
No comments:
Post a Comment