Qoraalkani waa cashar yar (670 eray) oo waxtar u yeelan doona ama
billad-daye u noqon kara qof kasta oo qora afka Soomaaliga oo ay mugdi uga
jiraan Xarfaha Labanlaabma.
Xarfaha Labanlaabma ee af Soomaliga waxa ay ka kooban yihiin toddoba
xaraf oo ka mid ah shibbaneyaasha (B T J X KH ... ilaa Y). Toddobada Xaraf waxa
ay ku jiraan hal eray oo lagu xusuusan karo. Ereygaasi waa “M A N A L A G A R A
A D B A A.” Haddaba sida ereygaas ka dhex muuqata xarfaha labanlaabmaya ama
laba dhacaya waa shibbaneyaasha kala ah 'M N L G R D iyo B.'
Sida Lagu Garan Karo Xarfaha
Labanlaabma:
Xarfaha Labanlaabma waxaa lagu garan karaa si fudud. Qof kasta oo afka
Soomaaliga ugu hadla sidii afkiisa hooyo ama af Soomaali ku soo barbaaray oo
maalin walba ku hadla, ma dhibi karaan sida lagu garto labanlaabka, sababtoo ah
qofkii oo si caadi ah isaga hadlaya ayaa dhawaaqiisa si aad u sahlan uga dhex
garan kara xarfihii labanlaabmayey.
Laba qodob oo muhiim ah:
1. Xarfaha labanlaabmaya marka lagu dhawaaqayo ayuu dhawaqoodu adag
yahay, ama sida Qur'aanka Kariimka lagu yaqaan ayey u shidan yihiin oo carrabka
ayey ku dhagaan. Haddaba sida aannu ka war hayno shibbeneyaasha 21-ka xaraf ah
oo dhan ayaa dhawaqoodu adkaan karaa, laakiin XUSUUSNOW: waxa labanlaabmi kara
waa toddobada kor ku xusan oo keliya; xarfaha kale ee aan ku jirin
toddobadaas—sida uu dhigayo naxwaha afka Soomaaliga marna ma labanlaabmi
karaan.
2. Xarafka dhawaqiisu adag yahay ee labanlaabmaya waa in uu u dhaxeeyo
laba shaqal (shaqal dheere iyo/ama shaqal gaab), ama waa in uu shaqal ka soo
horreeyo shaqal kalena ka dambeeyo. Hase yeeshee waxaa jira xaraf labanlaabmi
kara kolka lagu dhawaaqo, sida 'r-da' dhexda ugu jirta ‘Awrta,’ laakiin
maaddaama ay dhexda ugu jirto laba shibbane, sharcigii labanlaabka waa ay ka
baxaysaa oo hal shibbane oo keliya ayaa la qorayaa. Sidoo kale sharcigaas waxaa
soo hoos galaya xarafka kasta oo labanlaabmi kara kolka lagu dhawaaqo, laakiin
haddii uu shibbane kale ka soo hormaro xarafkii labanlaabmi lahaa, kolkaas
xarafkaasna lama labanlaabayo. Tusaale, bal ku dhawaaq: “Labanlaab, Raadraac”
dhawaaq ahaan maxaa carrabkaaga ku dhegaya? Jawaabtu waa 'l-da' iyo
‘r-da’dambe, sababtoo ah dhawaqooda ayaa ah mid adag ama shidan, laakiin
sharcigii labanlaabka ayaa loo cuskanayaa oo kolkaas lama labanlaabayo
maaddaama uu shibbane ka soo hor maray.
Tusaaleyaal Muujinaya Xarfaha
Labanlaabma:
Ummad ama Cammuud; Sannad ama Waxaannu; Lallabbo ama Waxyeello; Xoogga
ama Xarigga; Carrab ama Carro; Waddan ama Eeddo; Aabbe ama Ubbo iwm.
Haddaba halkan waxaa ka soo if-baxeysa su'aal wanaagsan oo jawaab u
baahan. Su'aashaasi waxa ay noqoneysaa: Maadaama ay jiraan 21 xaraf oo ah
shibbaneyaal, maxaa tahay sababta lagu doortay toddobadan xaraf oo keliya?
Waxaan u maleynayaa ujeeddada iyo jawaab lagu qanci karo waxaa laga heli karaa
aqoonyahankii curiyey farta laatiinka Soomaaliga ah, Shire Jaamac Axmed iyo
Guddigii af Soomaliga ee ay ka wada shaqeeyeen hirgelinta iyo horumarinta farta
aannu maantta qorno. Nasiib xumo Shire Alle ha u naxariisto. Anigu shakhsi
ahaan waxaan su’aashaas uga jawaabi lahaa su'aal kale oo waxaan oran lahaa:
'Maxay afafka kale oo dhan u labanlaabaan xarfahooda qaar ka mid ah oo keliya,
ama maxay iyaguba u labanlaabi waayeen shibbaneyaashooda oo dhan?' Weliba
labanlaabka afka Soomaaliga waa mid cilmiyeysan oo aad ugu sahlan qofkii si
fiican u fahma. Waxaase ka sii fudud qoraalka farta Soomaaliga oo ku dhisan
falsafad ama xikmad ah—wax kasta u qor sida aad ugu dhawaaqeyso adigoo
shibbaneyaasha u dhaxeysiinaya shaqallo si loogu akhriyo.
Fiiro Gaar ah (FG): Maskaxda ku hay afarta qodob ee hoos ku qoran:
· Xarafka labanlaabmaya waa in uu ka mid yahay toddobada xaraf ee m,
n, l, g, r, d, b.
· Xarafka labanlaabmaya waa in uu dhawaqiisu adag yahay (sida kor ku
qoran).
· Xarafka labanlaabmaya waa in uusan ugu dambeyn erey ama kelmad uu ku
jiro.
· Xarafka labanlaabmaya waa in uu u dhaxeeyaa laba shaqal.
Raadraac:
'Buugga Naxwaha Afka Soomaaliga.' Muqdisho. Shire Jaamac Axmed (Juge),
1973.’
M. Aden,
m_aden@hotmail.com
Saint Paul, Minnesota – U.S.A.4
HOL
©Weedhsan Corporation
No comments:
Post a Comment