24, July 2011
Marada heyl-heylan iyo
hu’ga ay xidhan tahay, ayaa marag u ah xaaladda nololeed ee ku hareersan.
Luunka dibnaheeda ku dhigay iyo jaynafka afkeeda ka muuqdaa, waxay markhaati u
furayaan soori ha joogtee, inay saxariirsan tahay.
Waxa kabo u ah Dacas ay
mid walba afka hore kaga yab-yabtay maro, si ay indhisha Kabta iyo faraha
isu-ogolaysiiso. Waxay dagaal ay itaal-darro miciin u tahay kula jirtaa
Dabeyl-xagaa Ciid wadata oo hadba dhinac ka dhirbaaxaysa, waxay gacanta midig hadba
dhinac kaga soo qabsanaysaa maro duug ah oo ay isku dagagartay oo ay dabaysha
kala soo hadhaysaa, gacanta bidixna kor ayay u deldelan tahay oo waxay ku
xejinaysaa wax u muuqday calal yar oo ay Madaxa ku sidday.
Iyada oo aan awoodin oo
hadba u dullaamaysa dhinaca ay dabayshu u maguugto, ayay haddana dib u
jeedaalinaysaa saddex caruur ah oo aan da’ahaan kala waynayn oo si dalag-dalag
ah u daba socda! Jeedaaladeedu waxay u muuqatay mid hadlaysa oo hubsiimo u leh;
‘tolow dabayshu ma qaadday ubadkii ku daba-socday?” Humaag ahaan waa ubad iyo
dad, balse muuq ahaan waxay inyar u jiraan inay ka siinad-guuraan qaabkii
dadnimo. Waayo, mid walba waxa wejiga ka soo baxay tobaneeyo lafood oo caatada
iyo nafaqo-laáantu soo saartay. Iyaduba ma dhaanto, laakiin waxay ku socotaa
adkaysi Hooyo iyo inay iyaga la higsato meel baad iyo biyo-ba leh.
Caruurta ta u muuqata
inay u da’roon tahay oo gabadh yar ahi, waxay gacan ku siddaa Caagad yar oo
huruud ah oo kuwa saddex Litir-qaadda ah, qiyaas ahaan waxa ugu jiray in biyo
ah oo ay jidiinka engagay ku qoynayeen. Gacanta kalena waxay ku jiidaysaa
labada caruur ah ee ka yaryar oo iyaga laf ahaantoodu is-daba jiitamayay.
Markaad dib u eegto
halka ay ka yimaaddeen ee aad raadkooda milicsato, waxa la moodayay in dhawr
qori oo isku xidhan ama Sarab duuban la jiiday ama xayn Adhi ahi meesha martay,
sababtoo ah, tallaabadoodu ma ahayn mid qumaati loo qaadayay, hase ahaatee,
cago-jiidka ay itaalsanayeen, ayaa dhulka iyo ciidda jiitimo u yeelay oo
raadkaas sameeyay.
Waa mid ka mid ah Deegaannada
Somaliland, waa qoys ka tirsan Bulsho ku dhaqan Dhul dad ahaan iyo dal ahaanba Somaliland ah.
Hase ahaatee, dhab ahaantii aanay labadaasi midina wax ugu filnayn. Kaligood
maaha, waxase badan inta susumaysa sabad aanay cidi u garaabayn siica ku habsaday.
Waa dad ay saameeyeen Abaaraha Geeska Afrika ka taagani, waxase iyaga u raaca
garowshiyo-laáan.
Qaybta
labaad:
Waa mid ka mid ah
Deegaannada Somaliland, waa qoys ka tirsan Bulsho ku dhaqan Dhul dad ahaan iyo
dal ahaanba Somaliland ah. Hase ahaatee, dhab ahaantii aanay
labadaasi midina wax ugu filnayn. Kaligood maaha, waxase badan inta susumaysa
sabad aanay cidi u garaabayn siica ku habsaday. Waa dad ay saameeyeen Abaaraha
Geeska Afrika ka taagani, waxase iyaga u raaca garowshiyo-laáan. “Dhibaatooyinka
iyo qaxa ka dhashay abaaruhu, haddii aan gargaar lala soo gaadhin waxay
isu-rogayaan macaluul baahsan,” waa weedh ay ka siman yihiin dawladaha bariga
Afrika iyo inta ku maxaabsata magacyada aan majaroorka biyayn ee xuquuqda
Aadamaha. Laakiin, qoyskan iyo in kale oo ka badaniba, taas nasiib umay yeelan
sababtoo ah, iyaga dawladdoodu maba oga salowga taagan!
Maatada go’dee
Maydh iyo haraad
Miciyaha dareen
Ee milicda taal
Hadba ruux maqaar
Kaga maalayaa
Dheef iyo macduun
Dhayal kaga madhshoo
Magalooti iyo
Maaweelin baa
Lagu maamulaa.
Mahwigay lahayd
Maax kama heshoo
Moolkiyo guntii
Qaar mamac qaboo
Meel uga dusaa
Ka malaasayoo
Waxay madhaxsataa
Laga maanacaa – (Mahadho
–Weedhsame Daahir Ismaaciil)
Sababtoo ah, inta
dhawaaq caalamka ka soo yeedhaysa, gaar ahaan Bariga Afrika, innaba kama dhex
muuqdaan codad sawracooda loo garto kuwa ka soo baxay Afafka ciddii ay xilka
saarteen oo caalamka gaadhsiinaysa baahidooda rasmiga ah ama faraya in Ilaahay
loo ban-baxo.
Kursi dheer oo madow
ayuu ku fadhiyaa, midig iyo bidix ayuu hadba dhinac ayuu isugu dhaqaajinayaa.
Wuu qoslayaa, wuu talinayaa, dadkana waxa la joogta in uu raallida kaga yahay
waxay raallida ku kala yihiin. Mase oga murugada u dambaysa iyo inta malag
xisaabinaysa. Dhawaaqa ologgiisa iyo ciddii igtamayba ka baxaya wuu maqlayaa,
dhegse uma laha. Astaan u gaar ah maaha, waase lala wadaagaa.
Qof waliba wuxuu
isweydiinayaa sababta keentay inaan hab miisaaman loo gelin ka-talo-galka
saamaynta aabaraha. Ma waxa la sugayaa inta ay dad u dhimanayaan macalluul –
sida Soomaaliya? Ma madaxda dalku waxay maqlaan oo la-taliya cid Muraayad
cagaar ah xidhan oo dalka barwaaqo ugu sheega? Ma Biyaha caasimadda ee dadka
qaarkood aanay cabbin ayaa loo qabaa in dalka oo dhan ay maansheeyeen? Ma
masuuliyinta ayaa ku jira NAGU FILAN? Ma waxa jira wax la ogyahay oo Bulshada
in loogu bushaareeyo ay ahayd oo aanay dadku ogayn? Ma…Ma…?
Gebogebadii, maahmaah
baa ahayd, belaayo madax la qabto ayay leedahay ee Mijo la qabto ma leh! Haddii
aanay baahida iyo macaluusha Somaliland ka gaadhin halka ay taagan
yihiin Soomaaliya, waxa quman in tallaabo ficil wadata lala yimaaddo. Waxaanan
qormadan ku soo af-meerayaa tuducyo ka mid ah maansadan kale uu curiyay Abwaan
Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame);
Heer baa la gaadhaa
La- dagaha habaabiyo
Dulmanaha la heeriyo
Deganaha hungoobiyo
Qatanaha hanqaarmiyo
Hooyada danleydi
Hiil kaa filaanooy
Kugu hoodo sheegtaan.
Heer baa la gaadhaa
Dadku yahay hubkaagii
Marna yahay hugaagii
Hantidiyo naftaadii
Noloshiyo halbeegii
Hogoshiyo daruurtii
Hadhaciyo ugbaadkii
humaag baadisoocdii
Hawo aan la’aanteed
Habeen aanad barideen..
Barkhad M. Kaariye
kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment