" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: Maxaa diiday mahad-celin?

Monday, September 5, 2011

Maxaa diiday mahad-celin?


Waa baxarashoon ay indhuhu hiifayaan in ay arkaan halaca iyo huurka dhulka ka kacaya, meelaha qaarkoodna noolihiibaa uurka sidi waayay oo Xoolihii baa dhiciyay. Halka deegaannada qaarna laga soo sheegay in la laýahay Biyo Maydka lagu maydho. Waa mid ka mid ah masiibooyinka rabbaaniga ah, waliba kuwooda ugu sahlan ee Ilaahay addoomaha ku imtixaano.

Maalin kasta ugu yaraan shan wakhti ayaa qaylada iyo ducada si jamac ah laysula oogsadaa masaajiddada, waxaana ka badan inta aan la maqlin ee kor iyo hoosba ILaahay u baryaysa, waydiisanaysa in uu u arxamo, u naxariisto, kana faydo kurbada harraadka ee dad, dab-joog iyo dibed-joogba saamaysay. Waa hubaal in aan Ilaahay qoom-na aanu dulmiyin, laguna qaado wixii uu galabsaday. Waynu garan karnaa in qayb inaga mid ah oo aan waxba galabsan oo ay ka mid yihiin sabiga, xayawaanka, cayayaanka iyo inta war-moogta ahi ay dhibbanayaal u yihiin dunuub ay galeen qayb kale oo inaga mid ahi, kuna kasbadeen dhibta taagan ee abaaruhu u horreeyaan.

Orod ma yara, baryo baniáadam iyo mid Hayádeed toona lama yaraysan, kama madhna dedaallada in Ilaahayna la baryo – taas oo ahayd in ay cid walba ka horrayso – haddana iyana la samee, walow ay maalmo kooban ahayd. “Xaalada abaaraha oo sii kululaanaysa aawadeed, waxaan markale ummada reer Somaliland ugu baaqayaa inay Illaahay u noqdaan oo ay isa-samaaxaan, kana toobbad keenaan dunuubta oo ay iska ilaaliyaan dulmiga. Waxaan ummada u soo jeedinayaa inay isku naxariistaan oo laga wada qaybqaato gurmadka qaran ee biyo-dhaamiska ah,” sidaa waxa maalinimo Jimce ah ee 11 March ee sanadkan yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo), intaa kuma ekayn ee wuxuu raaciyay, “Dhamaan waxaan farayaa dadweynaha inay ka qaybgalaan salaada Roob-doonta ah ee ka dhici doonta dhamaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland maalinta Salaasada ee ku beegan 15 bisha March, saacadu markay tahay 9:00 subaxnimo.”
In Ilaahay u cadhoodo addoonkiisa aan baryin waa sifo uu leeyahay, halka bani’daamku u cadhoodo qofka barya. Sidaa darteed, inkastoo baryada Ilaahay in maalin lagu koobo aanay qurxoonayn, kana wacnayd in maalmo iyo muddooyinba laga dhigo, haddana shacabku way isu-soo-baxeen maalintaas, Ilaahayna Roob-doon ayaa loo tukaday. Baryo, dalab iyo ducaba qof waliba halkii uu joogay, ayuu ILaahay ku waydiistay. Wakhti ay qaadatayba waa la aqbalay, roobkiina inkasta oo aanu sidii baahidu ahayd u wada gaadhin deegaammada, haddana wuu ka da’ay meelaha qaarkood.

Ilaahay baa Quraanka kariimka ah inoogu sheegay, waxaanu ku yidhi; “Haddii aad mahad-naqdaan, waanu idiin siyaadin doonaa, haddii aad ka kufriddaana, cadaabkaygu waa daran yahay.” Isweydiintu waxay tahay; haddiiba la garanayo in Ilaahay la baryo oo ilaa heer Qaran laysu hortaago baryadiisa, lana tukado ROOB-DOON, maxaa diiday in loo mahad-naqo. Sababtoo ah, waxa la arkay in la tukanayo salad ROOB-DOON AH, laakiin lama maqal waxa la tukanayaa Salaad MAHAD-CELIN AH oo ILaahay loogu mahadinayo deeqda iyo naxariistiisa. Waana mid inala gudboon Madaxweyne ilaa shacab. In Ilaahay la baryo waa muqaddas, waxase ka muqaddasan in loo mahad-celiyo.

Gunaanadkii akhriste, haddii aynu doonayno Roob iyo baahi kasta oo kale oo aynu qabno, lana tukanayo ROOB-DOON si ilaahay looga helo, Ilaahayna wuxuu kaa rabaa Mahad-naq.

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.Maxaa diiday mahad-celin?

No comments: