February 24th, 2010
Isweydaarsiga
dood caafimaad-qabtaa wax kastooy ku salaysan tahayba, waa hormoodka
midho-dhalka aayatiin waara dhib-la’aan iyo is-qancin fayow.
Qof, Umad iyo Qaran midna garaadkiisu habeen ma jirin haddii aanay ku wax-qaadan duruufaha Nololeed iyo dhacdooyinka ku xeeran. Somaliland iyo shacabkeedu waxay waayo-arag u yihiin duruufo nololeed, colaadeed, Qaxootinimo, dayac iyo qax, raadadkooda laga dheehan karo meelo badan oo dalka ka mid ah.
Qof, Umad iyo Qaran midna garaadkiisu habeen ma jirin haddii aanay ku wax-qaadan duruufaha Nololeed iyo dhacdooyinka ku xeeran. Somaliland iyo shacabkeedu waxay waayo-arag u yihiin duruufo nololeed, colaadeed, Qaxootinimo, dayac iyo qax, raadadkooda laga dheehan karo meelo badan oo dalka ka mid ah.
Marxalado
kala duwan ka dib, waxa Dawlad iyo Shacab-ba Somaliland looga xadhko-xidhay ka
soo doogashada dhib kasta oo ay keeneen waqtiga iyo waayuhu, balse Bani’aadam
dhinac kastaba ha ka soo jeedee uu sabab u ahaa. Shirar, wada-tashiyo iyo
kulamo ka dib, waxa qaranimo lagu dhisay in meel looga wada jeedo wax kasta oo
dadka iyo dalkaba geyeysiin kara dhib hore dadka waqtigu u baray.
Koonfurta
Soomaaliya waxay kaalinta labaad kaga jirtaa dalalka ugu ammaanka daran, uguna
nolol hoosaysa Dunida, sida xaqiiqdu tahayna kumay jirin derejadan ka hor intii
aanay ka soo bixin Ururo, Kooxo iyo Fariiqooyin Diimeed oo khilaafkooda ka
bilaabmay doodo laysu mariyo Warbaahinta, ay xigtay dagaal hub laysu adeegsado
oo dadweynuhu kala raacsan yahay, markii dambena gaadhay marxaladda hadda ee ku
qotonta hammiga iyo hanka Siyaasadda iyo hanashada Kursiga iyo Xukunka.
20-kii
bishan February oo ku beegnayd Axaddii toddobaadkan (February, 2010), ayuu soo
if-baxay muran iyo khilaaf salka ku haya xuska Dhalashada Nebiga (CSW), kaas oo
ay isku qabteen qaar ka mid ah Culimada Somaliland. Wax cusub kuma aha
Somaliland in laysku khilaafo arrin jirta, gaar ahaan fariiqooyinka iyo
arrimaha Diinta, waana mid muddooyin ka jirtay, waxase dadku isweydiinayaan
maxaa sanadkan keenay in uu soo if-baxo oo Bulshada la soo dhex dhigo
khilaafkaasi? Su’aashaa jawaabteeda Bulshada iyo cidday khusayso ayay mudan
tahay inay ka jawaabaan. Hase yeeshee, khilaafka soo if-baxay toddobaadkan ee
la xidhiidha xuska dhalashada Rasuulka (CSW) oo soo dhex maray Qalabka
Warbaahinta, ayaa u muuqda mid hadal-hayntiisu ku badan tahay Bulshada
qaarkeed.
In
Qalabka Warbaahintu faafiyo dhacdo ama War waa mid ka mid ah Tiirarka ugu
waawayn ee ay u taagan tahay, waana waajibaad saaran in ay isku dheelli-tirto
War kasta oo ay faafiso oo ay dhinacyada ay khusaysaa ka hadlaan, haddana waxa
xusid mudan in ay jiraan arrimo sharciyan ay tahay in baahintooda laga gaabsado
ama ugu yaraan la khafiifiyo, kuwaas oo faafintoodu keeni karto qaybsanka
Bulshada iyo khilaaf dhaxalkiisu keenayo cawaaqib-xumo qaranimada waxyeellaysa.
Waa dhab in qiyamka toosani dhigayo in arrinta khilaafku ka taagan yahay la
kala saafo, laakiin waxa hubsiimo u baahan habka loo saafayo.
Sharciga
iyo kala-dambayntu waa ka u dhaxeeya cid kasta oo laba qof ka badan, kuna siman
ilaa Qaran. Waxa Dawlad loogu doortaa waa inay dal Sharci ku hagto oo ay
metesho, una dhaxayso Umad, sababtoo ah waa mid aan suurtogal ahayn in Umadda
qof kasta oo ka mid ahi uu Dawlad noqdo, taas ayaana keentay in ay in dad
koobani Dawladimada ku metesho Umadda. Sidaas oo ay tahay, arrin kasta oo laga
doodayo waxa Umadda intii isku fikir ahba meteli karta tiro kooban, khilaafka
arrrintanna dhinac kasta oo ku saxsanba, waa arrin marinkeedu yahay inay si
caqli-san hoggaaminayo oo aan fudayd ku dheehnayn ay dadka aqoonta Diinta lehi
iyagu dhexdooda uga doodaan, hase ahaatee haddiiba ay timaaddo in Bulshada la
dhex keeno arrin sidan oo kale u xasaasi ahi, waxay u muuqataa in cid kasta iyo
ujeeddo kasta oo ka dambaysaba, loo dan leeyahay qaybinta Bulsho Xisbiyo u
qoqoban.
Gebogebadii, Xukuumadda waxa saaran in ay si
daacad ah ugu dhaxayso qaybaha Bulshada. Doorka Culimadu waa inaanay ku sifoobin kuwo cagta
saaray Jidkii ay dilka, qaska iyo dhiig-daadinta Umadda ka bilaabeen dadka
sheega in dagaalladoodu ku salaysan yihiin Diin ee Koonfurta Soomaaliya. Warbaahintu gudashada waajibkoodu yaanu noqon mid
u horseeda in aanay ka fikirin maxsuulka iyo natiijada ka dhalan karta wax
kasta oo ay baahinayaan. Guud ahaan Bulshada oo ah taayirrada lagu dhaqaajiyo
balaayo ama badhaadhe hadba tii ay aqbalaan, isla markaana ah ta ugu damaqa,
diifta iyo dayaca badan waqtiga ay taabato dhib haddii aanay hore uga fikirin
fulinteeda iyo tallaabo kasta oo la dhex dhigo, waxa iyana la gudboon in aanay
noqon xaabada lagu shido Dab ay hadhow ku guban doonaan.
Barkhad M. Kaariye
kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.
No comments:
Post a Comment