" B.M.KAARIYE - Hoyga Qoraallada iyo Falanqaynta Toolmoon: WUXUU AHAA!!

Monday, September 5, 2011

WUXUU AHAA!!

October 24, 2010



Dadku waa uugaamayaa, ilmo aan la garan karin halka ay soo butaacayso, ayaa qarqisay indhaha dadka qaarkood, gaar ahaan kuwooda qalbiga dabacsan. Maaha dhacdo ugub ah, waase curad. Dadka badankoodu ma yaqaanaan jihada ay u socdaan, waxay u muuqdaan kuwo asqaysan. Indhuhu ma arkayaan waxaan ahayn habaas, omos iyo bus ay kicinayaan jaanta is-biirsatay ee dadku. Qof kastaa wuxuu u muuqaal-egyahay in inta dhulka lagu xabaalay, laga soo saaray, markaa laga reebo inyar oo wax ay xeerinaysaba, geed hadhkii madaxa la doonatay.


Way tiro yar yihiin inta aan gorada laalaadinayn, inta aan Indhuhu casayn, inta aan ku dhaygagin ee aan ku foognayn dhul-xariiqis iyo faadh-faadhka hadba wixii ugu dhaw. Dadku uma qaadan la’a waxa dhacay, waayo waa jid cid kastaa ay marayso, haba lagu kala horreeyee, waxase anfariir ku ah waxa dhegahoodu maqleen. Dadku ma aqbali la’a waxa asqeeyay badankooda, balse waxa qaarkood anfariir ku ah xisaabta ay nafahoodu ku bilowday, waa intooda xisaabtamaysa’e. Maxaad taransatay? Maxaad tabcatay? Maxaa kaa horreeya? Maxaa kaa dambeeya? Iyo waydiimo kale oo tiro badan, ayaa ku cartamaya inta badan dadka goobta jooga, gaar ahaan intooda Ilaahay garansiiyay inay ku waano-qaataan waxa dhacay. Maaha dhacdo kaliya, maaha laba dhacdo, maaha saddex, afar, toban, boqol, kun, Milyan, Bilyan..maaha..maaha.. iyo wax la hal-maala, balse ka badan, oo waa dhacdo cid kasta oo nool ka dhigtay sugayaal.

Xikmadda welwelku maaha in cid kastaa ay qaadayso jidkaas, hase yeeshee, waxay tahay inaan laga war haynin goorta iyo goobta lala kulmayo, lagulana kulmayo dhacdadan. Alla yaraa inta fahamsan ee subax kasta u joogta la-kulanka dhacdadan!! “Inaa-Lillaahi-Wa-Innaa-Ileyhi Raajicuun..xalay baa iigu dambaysay..waxyar ka hor ayuun baanu wada hadlaynay...wuu ladnaa..” iyo ereyo la macno ah, ayaa dadka ka soo hadhay. Waxase xaqiiqdu tahay in aan cidina gafayn halkaas.

Goobtu waa madal maalin walba u taagan in ay la kulanto marti cusub. Waa meel aan diidin inay marti-geliso socoto kasta oo ku hoyata. Waa goob cid kasta oo Ilaahay u qoray, looga qoolo oo looga qaabeeyo qormada uu ka degayo ee rasmiga ah, laguna waarayo. Waa Xabaalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa, waa mid ka mid ah Xabaalaha lagu aaso dadweynaha ku geeriyooda Magaalada Hargeysa iyo agagaarkeeda. Inkasta oo ay badan yihiin inta maalin kasta degta qormada loo qaabeeyay, haddana munaasibaddii u dambaysay waa bud-dhigga Allaha u naxariistee mid ka mid ah Qalin-Maalka dalka, waa Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubbad.

Goobtu waa madal maalin walba u taagan in ay la kulanto marti cusub. Waa meel aan diidin inay marti-geliso socoto kasta oo ku hoyata. Waa goob cid kasta oo Ilaahay u qoray, looga qoolo oo looga qaabeeyo qormada uu ka degayo ee rasmiga ah, laguna waarayo. Waa Xabaalaha Boqol-jire ee magaalada Hargeysa, waa mid ka mid ah Xabaalaha lagu aaso dadweynaha ku geeriyooda Magaalada Hargeysa iyo agagaarkeeda. Inkasta oo ay badan yihiin inta maalin kasta degta qormada loo qaabeeyay, haddana munaasibaddii u dambaysay waa bud-dhigga Allaha u naxariistee mid ka mid ah Qalin-Maalka dalka, waa Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubbad.

Waa munaasibad ay ka qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo uu horkacayay Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). Masuul kasta oo halkaa ka hadlay waxa uu qirayay oo uu marxuumka u xambaarinayay, dadnimo, xilkasnimo, aqoon, karti, dulqaad iyo wax kasta oo wanaagsan oo qof ku sifoobo oo uu Marxuumku ku sifaysnaa. Waxay ka midaysnaayeen dirista tacsiga iyo aqoonsiga daloolka ka soo af-yeeshay dhinicii uu banneeyay ee uu ka baxay marxuumku. “Waxaan dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, qaraabadii, bahda saxaafafadda iyo shacbiga Somaliland oo aan uga tacsiyadeynayo geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubad, oo ahaa suxufi dhaqan wanaagsan oo dalkiisa ku saxayay qalinkiisa, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, ehelkii iyo shacbiga Somalilandna samir iyo iimaan ka siiyo,”  waa ereyo ka mid ah weedho uu tacsi ahaan u diray Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan  Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ka hadlay munaasibaddii aaska. “Sida aynu wada ognahay Marxuumku waxa uu ahaa ragga qalinka ku soo halgamay ee Saxaafada Somaliland inta faro ku tiriska ah ee aad ugu soo dedaashay wakhti badana u soo huray inuu qalin wax ku saxo, wixii uu qabtay waxa uu inooga tagay waa wax taariikhda dalka geli doona,” ayuu intaa raaciyay.

Saylici kali kuma ahayn dirista tacsida, inkasta oo uu u muuqday in uu madaxweynaha ku metelo goob-joognimada aaska, haddana sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dhambaal tacsi ah u diray ehelkii iyo qaraabadii Marxuumka. Masuul kasta oo tacsi dirayay wuxuu u ekaa mid saldhiggiisu yahay in uu sheego ammaantii marxuumka, iyaga oo ka midaysnaa kelmadda WUXUU AHAA. “Wuxuu ahaa shakhsi wanaagsan oo muxtarim ahaa..” ayaa ka mid ahaa ereyo uu jeediyay Wasiirka Warfaafintu Cabdilaahi-Geeljire. “Wuxuu ahaa qof dadnimo wacan, wuxuu ahaa qof karti badan, wuxuu ahaa qof dulqaad badan oo shaqo wacan..,” waa ereyo kale oo uu halkaa kaga tiraabay Afhayeenka Madaxtooyadu. Masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin; Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaanno, Guddoomiyayaasha Hay’adaha warbaahinta iyo Suxufiyiin kale oo tiro badan, qaarkoodna la soo shaqeeyay marxuumka, ayaa iyana ka daba maray kuwaa hore adeegsiga kelmadda WUXUU AHAA.

Ma xuma in qofku marka uu dhinto iyo haddii uu nool yahayba la sheego oo la qiro wanaaggiisa, hase ahaatee, waxa isweydiintu tahay; in qofka wanaaggiisa la sheego marka uu dhinto iyo in wax la taro agoontii uu ka tegay, iyama ayaa waxtar badan? Waa hubaal in isku darka labada arrimood ay yihiin waxa ugu wanaagsan, hase yeeshee, ma la helayaa? Maya inta badan oo sida loogu af-fudud yahay kelmadda amaanta, looguma wax-qabad fududa. Maaha marxuum Cabdirisaaq Maxamed Dubbad masuulkii ama suxufigii u horreeyay ee geeriyooda, isla markaana ifka kaga tega Ubad iyo Oori, waxase jiray masuuliyiin iyo suxufiyiin kale oo tiro badan oo mihnaddan ku shaqayn jiray, kuwaas oo in laga war hayo Ubad iyo afo ciddii uu ka tegay, ay yar tahay inta ogi.

Aynu eegno Allaha u naxariistee inta agoon saxaafadda ah ee saddexdii sannadood ee u dambeeyay inta ka war haysaa ay yar tahay; waa agoontii Guddoomiye-xigeenkii hore ee Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Marxuum Xariir Faarax Ducaale, Guddoomiyihii hore ee Wargeyska Maandeeq Marxuum Muuse Aadan Yuusuf,  Suxufi Muuse Maxamuud Axmed (Ilka-case), Suxufi Axmed Sheekh Xuseen Maxamed, Siciid Faarax (Sandheere), Suxufi Ismaaciil Ibraahim Qodax (Shanta suxufi ee u dambeeyaa waxay ka hawl-gali jireen warbaahinta dawladda).

Haddaba, akhriste, isweydii masuuliyiinta Qaranka iyo cid kasta oo xil ka saaran yahayba, ma waxa la gudboon in ay ku tiraabaan WUXUU AHAA, mise waxa damiirka iyo caqliguba ina farayaa in wax-qabad toosan loo qabto tafiirta marxuumka la ammaanayo oo ah kuwa maanta ka baahida badan marxuumka. Sababtoo ah, Marxuumku waxa uu u baahan yahay duco, maatiduse waxay u baahan tahay daryeel.

Gunaanadka qormadan, waxa uu Qalinku leeyahay; masuuliyiintu maanka ha ku hayaan xikmaddii ahayd, meel hoo u baahan, hadal waxba kama taro! Masuuliyadda agoontaasina waa mid qaybteedu idin saaran tahay.

Barkhad M. Kaariye
Kaariye104@gmail.com
Hargeisa, Somaliland.

No comments: